SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Xaflada lagu so Afjarayay Arimaha Amniga Muqdisho oo maanta lagu soo gabagabeeyay Nairobi  

Maarso 12, 2005, Kenya

Kulanku waxa uu furmay 10kii saacada afrikada Bari ee Magaalada Nairobi waxaana ka soo qaybgalay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wiyaasi karay ilaa iyo 80 Xidhibaan oo ka tirsan Beelaha kalla duwan ee Soomaalida. 

Nabadgalyada iyo Dib u Habaynta Caasimadda Dalka
Qoraal ay ku saxiixan yihiin 60 xubnood ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii nidaam loogu soo celin lahaa Xamar  TXTPDF

Shirka waxaa gudoominayay Afayeenka labada Gole ee Beelaha Hawiye Xidhibaan Cumar Xaashi Adan, waxaana Halkaa hadalo Dadkii joogay ay uriyaaqeen ka soo jediyay Wasiirada Ganacsiga Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxo, Aminga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax, Hoowlaha Guud & Guryeenta Cusmaan Xasan Cali Caato iyo xubno kale oo ka tirsan labada golle ee Beesha Hawiye. 

Waxaa kaloo goobtaa ka hadlay xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaalida Sida Maxamed Cabdi Yuusuf Cabdulaahi Balak Xasan Buraalle iyo Caasho Axmed Cabdalle oo iyagu halkaa ku soo bandhigay Taageeradooda ku aadan in aan wadanka la keenin wadamada Safka hore, 

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Yuusuf Dheeg oo muujiyay sida uusan raaliga uga ahayn in Soomaaliya la keeno Safka hore ciidamo ka socda 

Al Xaal Musse Suudi: Ciidamada iyo Maleeshiyada Soomaaliya Joogo waxaa loo diyaariyay uun in la iskaga Difaaco Wadamada dariska ah, 

Maxamed Qanyare Afrax: Doowladu hadaysan Tagin Muqdisho Jowharna looma ogola Baladwayne looma ogola Laakiin xamar waa loo ogolyahay, 

Cusman Caato: hadii aysan Cabdulaahi iyo Cali nala tashan madaxnoqonmayaan waa in la isla tashadaa oo la is tixgaliyaa, 

Maxamed Cabdi Yuusuf: Itoobiya Cusubi majirto ee inagaa cusub Itoobiya waxaa meel uyaal in ay Soomaalida gumaystaan, 

Guud ahaan Xubnihii goobtaa ka hadlay waxa ay muujinayeen sida ay udiidanyihiin ciidamada Safka hore in ay soomaalida hubka ka dhigaan waxaaniyagu heshiiskan saxiixin Xidhibaanada kalla ah 

  • 1-Salaad Cali Jeele
  • 2-Cabdulaahi Geedi Shadoor
  • 3-Cabdulaahi Axmed Afrax
  • 4-Ibraahin Sh Cali Jeebo
  • 5-Hiloowle Imaam Cumar
  • 6-Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmodheere
  • 7-Cali Cabdulaahi Cosoble
  • 8-Maxamed Xasan Ibraahin
  • 9-Cali Jayte Cusmaan
  • 10-Maxame Sh Isaaq Abaadir
  • 11-Axmed Cumar Gaagaalle
  • 12- Maxamed Xasan Qoone

Nabadgalyada iyo Dib u Habaynta Caasimadda Dalka
Qoraal ay ku saxiixan yihiin 60 xubnood ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii nidaam loogu soo celin lahaa Xamar  TXTPDF

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 12, 2005
 


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD