SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay. 

  • Cadowga Itoobiya oo dad ku laayay gobolka Doollo
  • Kililkii Soomaalida oo shaqadii laga joojiyay
  • Maraykanka oo Itoobiya ka codsaday inay shuruud la’aan fuliso go’aankii xaduuda
  • Reer guuraanka adduunka oo Itoobiya ku kulmaya
  • Soomaaliya oo Jaamacadda Carabta taageero ka dalbatay

Iyo waraysi aan la yeelanay guddoomiye ku xigeenka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya. 

===============================

Cadowga Itoobiya oo dad ku laayay gobolka Doollo

Wararka naga soo gaadhaya gobolka Doollo ee dalka Ogadenya ayaa sheegaya in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay nawaaxiga magaalada Qorile ku dileen nin lagu magacaabo Yuusuf Xasan Nuur oo ka tirsanaa dadwaynaha rayadka ah ee ku nool deegaanka Qorile.

Wararku waxay kaloo intaas ku darayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay dad aad u titara badan ka qaqabteen nawaaxiga Qorile iyo Dannood. Dadkaas oo dhamaantood rayad ahaa waxaa loo taxaabay xabsiyada gumaysiga, iyadoo ayna jirin wax denbi ah oo ay galeen.

Dadkan la xidhxidhay, oon tiradooda dhabta ah la haynin, hase yeeshee wararka qaarkood ay 100 gaadhsiinayaan, ayaa qaar ka mid ah loo qaaday degmada Nus-dariiqa, ka dib markii si wayn loo jidhdilay. Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa dilkan iyo xidhaygan cusub ka billaabay deegaankaas, ka dib markii dhawaan gaadhi ay ciidamo Wayaane ahi saarnaayeen lagu gubay meel u dhaxaysa magaalooyinka Qorile iyo Dannood, halkaasoo ay ku dhinteen 30 askari oo Wayaane ah.

Kililkii Soomaalida oo shaqadii laga joojiyay

Xukuumadda Itoobiya ayaa Kililka Soomaalida amar ku siisay inuu joojiyo guud ahaanba hawlihii uu hayay, iyadoo xafiisyada Kililka hoos yimaada oo dhan aan la furi karin inta amar kale ka soo baxayo.

Tan iyo markii amarkaasi ka soo baxay dawlada dhexe ee gumaysiga Itoobiya waxaa hawlgab ahaa dhamaan xafiisayda Kililka Soomaalida ee magaalada Jigjiga. Shaqaale badan oo Kililka u shaqayn jiray ayaa loo sheegay inay guryohooda iska joogaan inta amar denbe ka soo baxayo.

Arrintan ayaa lagu macneeyay inay hordhac u tahay tallaabo ay dawlada dhexe ee gumaysiga Itoobiya qaadi doonto oo ah inay la wareegto talada Kililka Soomaalida. Waxaa jira warar kale oo sheegay inay jiraan odayaal soomaali ah ay maamulka Kililka ku dacawaeeyay keligii taiye Meles Zenawi, kuwaasoo sheegay in Kililku uuna qabsanin shaqooyinkii loogu talagalay.

Maraykanka oo Itoobiya ka codsaday inay shuruud la’aan fuliso go’aankii xaduuda

Madaxweyne dalka Eritereya Isaias Afwerki ayaa kulan magaalada Casmara kula yeeshay  wafti Maraykan oo uu hogaaminayo ku xigeenka hogaanka millatariga Lt. General Lance Smith.. Kulan waxay laba dhinac kaga wada-hadleen waxyaabihii ku soo kordhay qorshaha nabadda ee Itoobiya iyo Eritereya iyo xaaladda gobolka Geeska Arfrika.

Madax eyne Afwerki ayaa muujiyay sida uu wadankiisu u doonayo inuu wada-sahqayn la yeesho wadanka Maraykanka, isla markaanau uu ugu dadaalayo iskaahsiga labada dhinac dhex-mara..

Wuxuu madax waynuhu xusuusiyay waftiga in arrinta xuduuda ee wadankiisa iyo Itoobiya ay wali tahay mid aan la xallin, sababtuna ay tahay maamulka Itoobiya ka jira oo si joogta ah u diidan hirgalinta goa’aamadii gudiga xuddada.

Wuxuu kaloo intaas raaciay in dhibaatada xuduuda oo la xalliyo ay xoojin karto xidhiidhka wadnkiisa iyo wadanka Maraykanka, iyo waliba saamaynta uu Maraykanku ku leeyahay gobolka Geeska Afrika.

Lt. General Lance Smith ayaa isna dhinaciisa sheegay in dawlada Maraykanku ay ku dadaashay siday u wanaajin lahay xidhiidhka Eritereya la leedahay.

Wuxuu kaloo jannaraalku ku nuux-nuuxsaday in dawlada Maraykanku ay rumaysan tahay in la dhameeyo khilaafka xuduudeed ee Itobiya iyo Eritereya, taasoo ku iman karta buu yidhi in Itoobiya ay fuliso goa’aamadii ka soo baxay guddiga xduuda iyadoo haba yaraatee aan wax shuruud ah ku xidhin. Wuxuu kaloo intaas raaciyay in dawlada Maraykanku ay si joogta ah xukuumada Itoobiya ugu sheegto inay go’aamadaas u hooggaansanto.

Reer guuraanka adduunka oo Itoobiya ku kulmaya

Dalka Itoobiya waxaa barri oo bisha Janwari 29 tahay ka furmaya shirwayne ay isugu imanayaan wafuud ka kala socda dadyowga reer guuraaga ah ee 23 waddan oo dunida ka tirsan, sidaas waxaa daboolka ka qaaday Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Isku Xidhka Arrimaha Aadanaha (OCHA).

Shirwaynahan oo socon doono muddo shan maalmood ah, waxaa lagu qabanayaa xadka ay Itoobiya la wadaagto dalka Kenya, waxaana ka soo qayb geli doona in ka badan 200 oo qof oo reer guuraa ah, waxaana lagaga hadli doonaa sidii loo hormarin lahaa nolosha reer guuraaga adduunka, isla markaana dawladaha adduunka loogu dhiirri gelin lahaa inay kaalmad ay u baahan yihiin u fidiyaan dadka reer guuraaga ah.

Dadka reer guuraaga ah ee adduunka ku dhaqan ayaa la sheegay inay gaadhayaa 50 milyan oo qof. Qiyaastii 8 milyan oo ka mid ahi waxay ku nool yihiin dalka Itoobiya, kuwaasoo 20 qowmiyadood oo kala duwan ku kala abtirsada, noolashooduna ay ku xidhan tahay xoolaha nool.

Xukuumadda Itoobiya ayaa caalamka isu tusaysa inay danaynayso nolosha dadka reer guraaga ah ee ay masuulka ka tahay, hase yeeshee waxay dunida oo dhami wada ogtahay in reer guuraaga Itoobiya ku dhaqan ay yihiin ugu adduunka ugu nolol xun, iyadoo ay ugu wacan tahay xilksanimo la’aanta xukuumadda gumaysiga ah ee Addis Ababa.

Soomaaliya oo Jaamacadda Carabta taageero ka dalbatay

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa wareysi dheer uu siiyey wargeyska Sharq-Alwsad ku sheegay in xukuumaddiisu dooneyso sidii ay Jaamacada Carabtu kaalin muuqata uga qaadan lahayd dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wuxuuna sheegay inay jiraan xidhriidho lugu doonayo sidii ay Jaamacadda Carabtu dib ugu cusboonaysiin lahayd arrimaha Soomaaliya, waxayna xidhiidhada noocan ahi la xidhaan shirka Jaamacadda Carabtu ku yeelanayso magaalada Aljeris ee xarrunta dalkaasi Aljeeriya bisha maarso ee foodda inugu soo heysa. Waxaana shirkaas la soo hordhigi doonaa sunduuqa dhaqaale ee dalalka carabtu Soomaaliya ugu talagaleen, kaasoo lau billaabay lacag gaadhaysa qiyaastii 3 malyan oo doolarka Maraykanka ah.

Wuxuu kaloo wasiirku sheegay in xukuumaddiisu ay meel madhan wax ka billaabeyso, isla markaana loo baahan yahay in la dhiso dhamaan adeegyadii bulshada iyo kaabayaashii dhaqaale ee burburka ku dhacay markii la riday dawladii Soomaaliya ee ugu denbaysay dhawr iyo toban sano ka hor.

Wuxuu kaloo sheegay sida ay muhiimka u tahay in Soomaaliya la keeno ciidamo hubka ka dhiga malleeshiyooyinka kala duwan, wuxuuna Jaamacadda Carabta ka codsaday inay la shaqeyso ciidamadda caalamiga ah ee Soomaaliya la keeni doono, si ay xukuumadda ugu suuragasho inay dalka dib ugu laabato iyadoo nabadgelyo jirto. 

28.01.2005

Axmed Gaal-eri
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiisan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2005
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD