SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Liis lagu aruurinayo Saraakiishi Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ka socda Magaalada Nairobi.
  • Dil ka dhacay Magaalada Mogadishu oo ay ku dhinteen laba qofood kuwa kalena ku dhaawacmeen.
  • Wasiiro & Xidhibaano uu hogaaminayo Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow oo shir saacado badan socday ka dib Baaq Colaad Joojin ah  u soo jeediyay Beelaha Sacad & Sulayman

Liis lagu aruurinayo Saraakiishi Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ka socda Magaalada Nairobi.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi
Email: canabmumtaz@hotmail.com | Jan 27, 2005

 
Wasaaradda Gaashaan dhigga DFKMG ah ee soomaaliya ayaa liis ka furtay Hotelka 680 ee magaalada Nairobi lagu aruurinayo saraakiishi ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed intooda ku sugan shirka iyo kuwii horay u joogay magaalada Nairobi iyo meelaha ku dhawdhaw.
 
Qaar ka mid ah saraakiishan is diiwaan galinayay oo aan kula kulamay hotelkaas ayaa ii xaqiijiyay in ay socoto howshan ay wado wasaarada gaashaan dhiga iyadoo hal meel iskugu keeni doonta intii ku howlaneyd adeegyada Nabadgalyada Dalka iyo Difaacida shacabka si xiligan ay dowladda uga caawiyaan dhinaca amniga iyo tabarida ciidan cusub oo soomaaliya ay leedahay kana qayb qaata amaanka soomaaliya taas oo wax badan ka badali karta dhinaca amaanka dhalinyaro badan oo hadda hubaysana ay u noqon lahaayeen kuwo hubkooda ugu adeegga bulshada ay ka dhasheen ee soomaaliyeed.
 
Saraakiishan oo liiskoodda uu aad u badan yahay sida uu igu waramay sarkaal diiday in uu magaciisa sheego waxaa kale oo ay dowladda ka gacan siin doonaan aruurinta hubka qatar ah ee ku jira gacanta shacabka iyagoo ka dhigi doona mid ay dowladda maamusho iyadoo hay'addaha gaarka ahna loo sharciyayn doono hubkoodaas iyadoo aan lagu xadgudbin kan shaqsiyaadkana laga iibsan doono si loogu adeego danaha qaranka soomaaliyeed iyo kan shacabkaba.
 
Saraakiishan is diiwaan galiyay ayay wasaaraddu ugu tala gashay qorshe gooni ah iyagoo wafdiyada ugu horeeya ee tagga caasimadda ay noqon doonaan kadibna waxaa loo kala diri doonaa gobolada Dalka si ay maliishaadki siyaasiyiinta hoos imaanayay u siiyaan tababar sida uu iigu waramayay sarkaalkaas oo aan kula kulmay hotelka 680 xili uu is diiwaan galinayay.
 
Saraakiishka ciidan ee dal uu leeyahay sharciyan marka laga hadlo waa kuwo aan cidna ku tiirsanayn ee marwalba ay tahay in ay difaacaan danta shacabka ay matalaan iyo ilaalinta xuquuqdooda,balse soomaaliya waxaa nasiib daro noqotay in laba waayay meel ay galeen ciidankii dalku lahaa iyo waliba saraakiishoodi,waxaana hubaal ah hadii ay joogi lahaayeen in wax badani is badali lahaayeen laakiin waxaa meesha ka saartay maamul xumo oo keentay in ay kala firdhadaan ciidankaas iyo waliba saraakiishoodi iyagoo noqday wax ku dhintay dagaaladii sokeeye,kuwo fal cad lagu dilay iyo wax kale oo hadda howl gab noqday.
 
Diiwaan galintan waa mid rajo wanaag ku abuuri karta saraakiishi ciidan iyo waliba shacbka soomaaliyeed ee og qiimaha amaanka iyo mudnaanta uu leeyahay askariga ay afyaqaaneen ee xaqooda ilaalinaya kuna salaynaya shaqadiisa cadaalad iyo is xaq dhowr muwaadiniinta u siman yihiin.

Dil ka dhacay Magaalada Mogadishu oo ay ku dhinteen laba qofood kuwa kalena ku dhaawacmeen.

 
Mid ka mid ah maliishaadka iskood u hubaysan ayaa saakay (Jan 27) rasaas ooda kaga qaaday dad weyne saarnaa gaari meel u dhaw xaafadda SIISII ee magaalada Mogadisho waxaana ku dhintay laba ka mid ah dadkaas halka sadex kalena uu dhaawac ka soo gaaray meelo kala duwan.
 
Ninkan oo Da'ahaan lagu sheegay 18 jir waxa uu ku jiray qaybta dhaqan celinta ee mid ka mida ah Maxaakimta Magaalada Mogadisho kana baxsay sida ay wararka sheegayaan waxa uu ninkan horay dhaawac ugu gaystay Haween ka badan Afar kadib markiii Bam-ka Gacanta ku tuuray Goob ay kaga gacansanayeen Qaad.
 
Gacan ku dhiiglaha ayaa baxsaday kadib markii fal dambiyeedkan uu gaystay mana jirto cid meel ku sheegta illaa hadda dadka dhintay ayaa ahaa dadweyne u kala socday goobo ganacsi iyo meelo kale.
 
Illaa hadda lama ogga sababta keentay in ninkani dilo dadkan rakaabka ah,balse caadiyan waa mid dhacda in dad badani la kulmaan dhacdadan oo kale iyagoo aan hadana waxba ka qaban karin mar hadii uusan jirin sharci si buuxda u ilaaliya xaqqa muwaadinka.
 
Dilalka noocan ah ayaa noqday kuwo aan macna ku dhisnayn xitaa hadii loo jeedo kan dambiilaha ee xiligaas ku jira fal dambiyeedka,waxana uuna dilkani iska noqday mid ka mid ah nolosha caadiga ah ee dadka Soomaaliyeed taas oo ay ugu wacan tahay Hubka oo noqday mid gacanta ugu jira dadka shacabka oo qof walba uu si sahal ah u adeegsan karo.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi
Email: canabmumtaz@hotmail.com | Jan 27, 2005


Wasiiro & Xidhibaano uu hogaaminayo Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow oo shir saacado badan socday ka dib Baaq Colaad Joojin ah  u soo jeediyay Beelaha Sacad & Sulayman

Qore: axmeddeere65@hotmail.com Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi


wasiirada Baaqqan soo saaray


al xaaj muuse suudi oo shirka gudoominaya

Furux, Caydiid, Caato, Gacmodhewere

Xidhibaan Cali  oo Aqrinaya Heshiiskii Beelaha Hiraab

Waxaa maanta Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ka dhacay shir la doonayay in lagu soo Afjaro Colaadihii udhaxeeyay Beelaha Sacad iyoReer Xaaji Sulaymaan. Shirka oo ka dhacay Hotelka Jikaranda ee Nairobi waxa uu Biloowday Koowdii Duhurnimo, Saacada Afrikada Bari, waxaana gudoominayay Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Al XaajMuusse Suudi Yalaxoow oo isagu, Gogoshan Fidiyay.

Dhamaadkii shirka waxaa Xubnihii Shirka Fadhiyay soo Sareen Qoraal ay ugu talo galeen Saxaafada oo ka koobnaa qodobadan.

1-In Xidhiaanada& Wasiirada Halkaan ku shiray  la wareegeen, Joojinta Colaadihii u dhaxeeyay Beelaha Sacad&Reer Xaaji Sulaymaan, ee Gobolada Dhaxe,

2- Waxaan ku baaqaynaa in si dagdaga loo joojiyo Colaadaha iyo Dirirta dadka Walaalaha ah, ee Sacad iyo Sulaymaan

3-in la joojiyo  Gurmadka Colaad hurinta ah ee laga  Dirayo Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Meelaha kalle ee sii hurinaya Colaadaha,

4-In Xidhibaanada iyo Wasiiradaeesha Beelaha  Hiraab 5 Cisho gudahood ku aadaan Caasimada Soomaaliya iyo Gobolada Dhaxe,

5-Wasiirada& Xidhiaanadu Waxa ay Balan qaadayaan Xalinta Colaadaha Gobolada kalle Sida Juooyinka,

6-Waxaa kaloo ay balan qaadayaan in ay nabad galyo ka dhigaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kuna soo dhaweeyaan Doowlada  oo ay u sii gogol xaarayaan Diyarna uyihiin soo dhawaynta Doowlada Soomaaliyed,

7-In beeshii biloowda Colaad Danbe lagaqaadi doono tilaabo wada jira ayna iyadu mas uul ka noqon doonto Cawaaqib Xumadii ka Soo noqota,

Shirkan waxaa abaabulay Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxoow waxaana lagu soo Afjarayay Colaadihii  beelaha Saxad& Saleebaan,

Shirkan waxaa ka soo qay galay Xuno ka Tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya, Xidhibaano & Masuuliyiin ka socday Beelaha Hiraab & Xawaadle.

Wasiirada Kalla Ah Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxoow ,Eng Xussen Maxamed Faarax Caydii, Osmaan Xasan Cali CaatoMaxamed Maxamuud Gacmo Dheere,Maxamed Salaad Tarabi,Xirsi Adan Roole,Bootaan Ciise,Caalin, Maxamed Jaamac Furux, Ibraahin SH Cali Jeebo& Xuno kalle Waxaa kaloo Joogay Xubno ka Tirsan Baarlamaanka Axmed Ducaalle Geele Xaaf,Xasan Dhinbil Warsame,Cali Calas Qaareey, Maxamed
Sh Jaamac Nageeye,Yusuf Mire Seeraar, ,Dr Cali Baashi Cumar Rooraaye, Bashiir Maxamed Adan Axmed Diiriye Maxamed,Farxaan Cali Maxamed,,Cumar xaashi Adan,Maxamed Xuseen,Raage,Abuukar Maxamed Guure,Eng Xussen  Cabdi Walde,C/laahi Geedi Shadoor Abuukaato,Gabyoow, iyo Xubno Kalle Beelaha Sacad iyo Reer Xaaji Sulaymaan waxa dhaxeeyay Colaado Mudooyinkan Dane iyagoo ku diriray Magaalooyinka kalla ah, Gaalkacyo,Hobyo,Galin Soor, Wargalo, Dhaad, Ximawaare,Qaydaro, Aricad, Xinlai,Dudumo
Cade,Mircowlo&Meelo Kalle.

Waxaa la sheegayaa in ay ku dhinteen Dagaaladan ku dhawaad 500 oo Qofood ayna ku dhaawacmeen Tiro kaloo badan,Beelaha Baaqaan soo saaray waxa ay kalla ahaayeen Beelahan, Xawaadle,Mudulood Hiraan, Madarkicis Hiraab, Martiile Hiraab,Maxamuud Hiraab.

Waxaa Gogosha Fidiyay Wasiirka Ganacsiga Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxoow.

Qore: axmeddeere65@hotmail.com Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD