SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Xaflad lagu Maamuusayay Maalinta Dhirta Adduunka oo lagu Qabtay Boosaaso
  • MAALINTA DHIRTA ADUUNKA OO MAANTA LAGA XUSAY GOBOLADA PUNTLAND

Xaflad lagu Maamuusayay Maalinta Dhirta Adduunka oo lagu Qabtay Boosaaso

SAWIRADA KA EEG HALKAN... GUJI...

Waxaa Maanta lagu Qabta Xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Degaanka DGPL Xaflad lagu Xusaayay Maalinta Dhirta Adduunka Xafladaa ayaa waxaa ka soo Qayb galay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Degaanka DGPL Ibraahin Xareed Cali (Dacar), Wasiirka Diinta iyo Awqaafta DGPL Barqada Cali Saalax, Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Degaanka DGPL, Wasiir kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga DGPL, Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Wacees Dhado, Gudoomiyaha Degmada Boosaaso ahna Duqa Degmada Boosaaso Rooble Cumur Gudcur iyo Madax ka socotay Hay,adaha Caalamigaa iyo Kuwa Gudaha.

Waxaa Xafladaa ugu horeentii ka hadlay Xiriiriyaa Xaflada oo ku soo Dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhirta iyo Degaanka DGPL Cabdirisaaq Aadan Maxamed oo ka hadlay Dhir lagu Beerayo Boosaaso oo Dhan 8000 oo Geed oo hada 2000 oo ka mida ay Gudoonsiiyeen Hay,adaha CEFA. RMSN, SWS, iyo Lacag dhan $100 Doolar oo ay Gudoosiisay UNICEF iyo $100 Doolar oo ay Gudoonsiisay WAWA, Agaasimaha ayaa ka warbixiyay sida ay damacsanyihiin Wasaarada ahaan in ay u qorsheeyaan iyagoo la kaashanaya Maamulka Dowlada Hoose Boosaaso iyo Maamulka Gobolka Bari. Agaasiaha ayaa sheegay in ay ka ka bilaabi Doonaan Xaafada Baalade kadibna ay Cida ay siinayaan Farsamo ahaan ula Shaqeyndoonaan lakiin ay ku kormeeri doonaan.

Waxaa isagana ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Waceys Dhado oo ka warbixiya Dhirta iyo Faa,iidada ay u leedahay Degaanka iyo Noolaha Gudoomiyaha ayaa Xusay Xiligii uu ahaa Duqa Degmada Boosaaso in ay Beereen Dhir laga soo Bilaabay Wadad Airporka Boosaaso tagta oo dhirtaa ay Dhameeyd 550 Geed hada maalin dhaweydna mar aan eegay waxa ka noolaa 34 Geed intii kale waa Dayacmeeyn oo Cid daryeesha ayay waydeyd ayuu yiri Gudoomiyahu waxaa kaloo oo uu xusay Dhibka ay ku hayaan Ariga ku nool Magaalada dhirta soo baxaysa madaama Ariga uu meelkasta oo Boosaaso ka mida maraayo aadna uu u tiro Batay Cidna aanay Habeenkii xareyn Dibad Joog uu yahay Maalintii hadii cidi ka celin lahayd Habeenkii ayuu Cunayaa ayuu Yiri Gudoomiyahu, Waxaa isagana ka hadlay Wsaiirka Diinta iyo Awqaafta Barqada Cali Saalax oo ka warbixiyay Geedaha hada ku yaal Boosaaso xiligii la beeray oo uu Joogay iyo hada Faa,iidad laga helay, Waxaa ugu Dambeyntii ka hadlay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Degaanka Ibraahim Xareed Cali (Dacar) oo Farsamo ahaan uga hadlay Dhirta iyo sida ay u nooshahay iyo sida dadku ugu baahan yahay waxyaabaha ay kadifaacdo, in ay wasaaradu isku qaybisay kuwo Dhirta Beera iyo kuwo ku wacyi galiya Dadka inagoo la kaashanayna Dowlaha hoose ee Degmooyinka DGPL ayuu yiri Wasiirku.

Waxaan kaloo jirta Shabakada Soomaaliyeed ee Maareynta Qayraadka oo ku howlan sidii ay uga qayb qadan lahayeen Kahortaga Xaalufinta Degaanka Bad iyo Beriba oo Wasaarada Dhirta iyo Degaanka DGPL Agaasimaheeda Gudoonsiiyay Dhir, Shabakada ayaa waxa ay Dhisantahay Mudo 8 Sano ah waxaana Isugu tagay 14 Urur oo Soomaliyeed iyagoo si wada Jira uga Qayb qaata Ilaalinta Degaanka lana kaashada Maamulka meelaha ay ka jiraan Soomaaliya Gudaheeda sida uu ii sheegay Sarkaal ka mida Xubnaha Sarsare ee Shabakada isagoo hadalka sii wata Sarkaalka ayaa sheegay in ay Wacyigalin iyo Shaqo u raadin u sameeyaan kuwa ku howlan Xaalufka Degaanka ee Dhirta jara.

SAWIRADA KA EEG HALKAN... GUJI...

C/fatax Jamac | SomaliTalk | Bosaso
Email: somalitalkpl@yahoo.com | April 17, 2005


MAALINTA DHIRTA ADUUNKA OO MAANTA LAGA XUSAY GOBOLADA PUNTLAND

Galkacyo. (Somalitalk) | Sahro Sheikh |  sahrosiglan@hotmail.com

Axad: 17/04/05.

Waxaa maanta oo bishu kubeegnayd 17,April laga xusay gobolada PL maalinta dhirta aduunka.


Bulshadaiyo Madaxkamida Maamulka oo FadhiayaXaflada: Boosaaso:: Sawirada eeg

Magaalada Galkacyo ayaa maanta waxaa kamid ahaa dadkii ka qaybqaatay munaasabadda dhirta lagu xusayay Ururka Horumarinta Gabdhaha Soomaaliyeed ee marka magacooda la soo gaabiyo looyaqaano SOFEYDO ay dhir ugu deeqeen qaar kamida iskuulada iyo goobaha caafimaadka ee magaalada galkacyo dhirtan oo dhamayd 20, xabbo oo noocyadeedu kaladuwanyihiin.

Ururka ayaa sheegay in ay halkudhiga sanadkan ku magacaabeen Inta aad dhirta jarilahayd Dhulkaaga Unax.

Ururka ayaa ugu baaqay dhalinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed in ay ka qaybqaataan sidii looga hortagilahaa jaridda dhirta ayna tahay lagama maarmaan ayadoo ay ubaahanyihiin dadka iyo duunyadaba.

kulankan oo ay kahadashay midkamid xubnaha ururka oo lagu magacaabo Yurub Muxiyadiin Sheikh Cali ayaa sidoo kale sheegatay in ay maanta sameeyeen dhalinyaro lamagac baxday dhalinta ka hortagga xaalufinta iyo jaridda dhitra.

Sidoo kale waxaa munaasabadan mid lamid qabaty Xarunta Waxbarashada Nabadda iyo Horumarinta Galkacyo.

Sahro Sheikh |  sahrosiglan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Apr 17, 2005


WARBIXINTII 2003

Xaalufin lagu hayo Dhirtii Gobalada Jubada dhexe Iyo J/Hoose

  • Isbahaysiga Dooxada jubba oo Lagu eedeeyey Xaalufinta Degaanka Jubooyinka

  • Imaaraadka Carabta oo Qayb Weyn ka ah Bililiqada Soomaaliya...

Cabdi Xasan Cali Somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Wararka naga soo gaaraya Gobalada J/dhexe iyo J/hoose waxay sheegayaan in degaano faro badan oo markii hore kaymo jiq ah ay hadda isu rogeen dhul saxaro lama degaano kale ah,ayadoo ay ugu wacantahay sida xad dhaafka oo loo jarayo dhirtii dabadeedna inta la gubo dhuxul ahaan loo iibgeeyo wadanka imaaraadka carabta,ayadoo dadka gubaya aan inaba u aabo yeelin dhir qoyan ama qalalan.


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Dad badan oo ka tirsan degaanadaas ayaa qaylo dhaan ka keenaya sida bahalnimada ah oo loo nabaad guurinayo dhulkii ay daaqsan jireen xoolaha amase dugaalka u ahaa beeraha,waxay eedda dusha uga tuureen Isbahaysiga Dooxada jubba oo isagu ka taliya degaanadaas.isla markaana dadka ku taajiray dhuxusha ay ayagu ku naasnuujinayaan ayagoo isla ah hal beel, waxayna dadkaasi aad uga cowdeen dhibka haysta degaanka ka sakow in kuwa jaraya dhirta ay xitaa xeryihii ay degenaayeen ku qasbeen inay ka guuraan si ay ujaraan dabadeena dhuxul uga dhigtaan.

Waxaa wararku intaa ku darayaa in markab weyn oo ku xiran dekadda magaalada kismayo lagu bilaabay raridda Dhuxusha kaasoo ay leeyihiin labo walaalo ah oo haddii loo baahdo aan ku magcaabi doono qoraalada dambe, kuwaasoo ka mid ah dadka sida weyn ugu taajiray dhoofinta dhuxusha ayagoo u iib geeya wadanka imaaraadka carabta oo dad badan oo soomaali ahi isku raaceen in wadankaasi qayb weyn ku leeyahay bililiqada ku dhacday dalka, waayo bay dhaheen haddii ay ka mamnuuci lahaayeen in la keeno dalkooda ma dhacdeen xaalufintan ba,an oo ka dhacday dhulkii kaymaha iyo ayda jiqda ahaa.

Sida laga war qabo dadka degaanka Xaramka iyo isbahaysiga dooxada jubba waxaa dhex maray dagaal ku saabsan gacan ku haynta aaggaas, ayadoo dadka degaankaasi ay ku andacoodaan inay ka hortagayaan jaridda dhulka oo ay yiraahdeen markay soo dhameeyeen degaankii kore ayay rabaan inay xaalufiyaan intaan yar ee ka badbaaday,laakiin maamulka dooxada jubba waxay ayaguna ku andacoonayaan inay sifeenayaan burcada jid gooyada dhigata wadada.

Cabdi Xasan Cali Somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2003


.Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka
.Nolosha Dhabta ah ee Muqdisho


Xaaladda Soomaaliya Ku Sugantahay

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD