SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
  • Malaaqyada beelaha digil iyo mirifle oo laga digay inaysan tegin magaalada xudur ee gobolka bakool 
  • Kullan dhexmaray saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo xildhibaanada baarmanka ee ku sugan muqdisho 
  • Xildhibaanada ku sugan muqdisho ayaa nasiibdarro ku tilmaamay hadalkii xasan abshir faarax ee uu ku eedeeyay afhayeenka baarlamaanka shariif xasan sheekh aadan 

Hasan dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu, somalia

April 2, 2005

Malaaqyada beelaha digil iyo mirifle oo laga digay inaysan tegin magaalada xudur ee gobolka bakool 

Malaaqyaddaan ayaa socodkooda la sheegayaa inuu la xiriiro dibu heshiisiinta maleeshiyaadkii ku dagaalamay magaalada Baydhabo dhowaantan. 

Guddiga malaaqyada digil iyo mirifle oo tiradeedu ay gaareeyso 12xubnood ayaa sida muuqata dheg jalaq aan u siinin hadalada ka soo baxaya qaar ka mida RRAda oo sheegaya in xabsiga la dhigi doono haddii ay tagaan magaalada xudur ee g/bakool, waa sida wararku sheegayaane. 

Digniintaan ayaa waxaa u soo jeediyay malaaqyada Shiikh Muqtaar Maxamad oo isagu ka mid ah hogaanka sare ee RRAda ee ku sugan magaalada xuddur. 

Ninkaan ayaa ka mid ah meliishiyadii Shaarguduud ee laga saaray magaalada baydhabo dagaal ku dhexmaray iyaga iyo kuwa Xaabsade uu hogaamiyo todobaadkii aanu soo dhaafnay. 

Shiikh Muqtaar ayaa ku tilmaamay dhexdhexaadinta Malaaqyadu ay doonayaan mid shirqool ah isagoo xusay in haddii ay yimaadaan degmada xuddur ay taasi tahay shirqool 2aad oo markale loo maleegayo,wuxuuna si cad u sheegay inuu xabsiga dhigi doono waa sida uu hadalka u dhigaye. 

Si kastaba ha ahaatee malaaqyadaan iyo culima`udiinka Bay iyo Bakool ayaan waxba ka soo qaadaynin hanjabaadaha ka imaanaya qaar ka mid RRAda waxaana lagu wadaa in ay gaaraan waqtiyada soo socda xuddur oo ah xarunta G/Bakool


Kullan dhexmaray saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo xildhibaanada baarmanka ee ku sugan muqdisho 

Kulankaan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay hoteelka saxafi,iyadoo ay kulankaasi ka qeybgaleen saraakiisha s/xigeenada iyo dableeyda ciidanka qalabka sida waxayna isla soo qaadeen sidii loo howlgelin lahaa ciidanka iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlaha lagu sugayo amaanka magaalada muqdisho 

Kulankii maanta dhexmaray saraakiisha iyo xildhibaanada baalmanka ayaa la isla gartay in lagama maarmaan ay tahay in saraakiishu ay tababr siiyaay dableeyda bacdamaa iyagu ay yihiin kuwa aqoon u leh howlaha ciidanka

Saraakiisha ayaa ballanqaaday in ay qeybta kaga aadan ay ka qaadan doonaan in alle iyo intii karaankooda ah. 

Kulankii maanta xildhibaanad iyo saraakiisha ayaa sida muuqata waxaa uu ku dhamaaday is afgarad. 

Dhinaca kale xildhibaanada ayaa la kulmay qaar ka tirsan beelaha Banaadiriga,iyagoo ugu hambalyeeyay doorka banaadirigu ay ka qaateen soo dhoweyntooda iyadoo beelaha banaadiriguna ay sheegeen in iyagu ay mar walba garabtaagan yihiin dowladda islamarkaadna aan loo laaban Karin dhibaatadii dowlad la`aanta. 

Kulankaan ayaa waxaa labada dhinac ay sheegeen in ay iska kaashanayaan wax waliba oo daruuri u ah soo celinta amaanka caasimadda muqdisho


Xildhibaanada ku sugan muqdisho ayaa nasiibdarro ku tilmaamay hadalkii xasan abshir faarax ee uu ku eedeeyay afhayeenka baarlamaanka shariif xasan sheekh aadan 

Xildhibanaada ku sugan caasimada muqdisho oo tiradadoodu ka badantahay 10 xubnood oo in muddaaba ku sugnaa ayaa sheegay inay nasiib darro tahay hadalka ka soo yeeray xasan abshir faarax oo wasiir ka ah dowladda KMG soomaaliya ee lagu dhidbay Kenya kaasoo uu ku dhaliilay go`aankii baarlamaanka ee 17kii bishii maarso Ku diiday cod aqlibiyad ah keenista soomaliya ciidamo ay leeyihiin dowladaha xudduuda la leh soomaaliya ee loo yaqaano FRONT LINE STATES ama safka hore. 

Xasan abshir ayaa sharci darro ku tilmaamay go`aanka baarlamaanka,isagoo gudoomiyaha baarlamaankana ku eedeeyay inuu mas`uul ka ahaa gacan ka hadalkii xubno baarlamaanka ka tirsan dhexmaray,kaasoo xubno mudanayaasha ka mid ahna uu dhaawac ka soo gaaray. 

Xubnaha baarlamanka ee ku sugan muqdisho oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in hadalka Xasan Abshir uu ahaa mid aan loo meel dayin islamarkaasina ah meel ka dhac,xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in go`aanka labada gole qaarkood ay gaareen shalay uu yahay mid dhabarjab ku ah howlihii dibuheshiisiinta ee laga soo shaqeeynayay mudadii labada sano aheyd. 

Xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil oo isagu ka mid ah xildhibaanada ku sugan m/muqdisho ayaa sheegay in ragga sidaas ku dhawaaqay ay yihiin kuwo doonaya in ay iibsadaan dalka welibana ka iibsadaan kuwa umadda u haya dhagar soo taxneyd qarniyaal farabadan. 

Xildhibaan Jamaal ayaa sheegay in iyagoo jooga xamar ay si weyn ula socdaan waxyaabaha ka dhacaya Kenya,isagoo sheegay in iminka aan meel loo haynin cidda dooneysa in ay iibsato dalka iyo dadka,wuxuuna xusay in go`aankii baarlamaanku uu ahaa mid ansax ah. 

Mudanayaasha baarlamaanka ee ku sugan muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay la kulmayeen  qeybaha kala gedisan ee bulshada ku dhaqan muqdisho iyo weliba siyaasiyiinta ku nool isla magaalada.iyadoo isla markaasina si xweyn loogu soo dhoweeyay markii ay imaanayeen 

Hadaladaan is qilaafsan ee ay ku kala hadlayaan madaxda dowladda ayaa u muuqda kuwo keeni kara burbur ku yimaada dibuheshiisiintii soomaalida ee socotay inkadan labada sanadood 

Hasan dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu, somalia

Xubno ka tirsan Labada Gole ee Xukuumada Soomaaliya  ayaa manta baaq kaa soo saaray Nairobi 

Faafin: SomaliTalk.com | April 2, 2005


Odayaal Dhexdhexaadin ah oo Maanta Gaarey Hobyo
Odayaashaan oo saakay kasoo ambabaxay magaalada gaalkacyo ayaa waxaa ay soo mareen... Guji... April 1

Warbixin: Soomaalida Deggan Dalka Jarmalka
Socdaalkii Hassan Cookaar(Salahuddin)...
Guji... Apr 1

Koobka Ciyaaraha ee Soomaalida Norway::
Waxaa baryahan magaalada Oslo ee dalka Norway ka socday koob loogu magac daray.. Guji Apr 1

Shirkii Soomaalida Oslo Oo Guul Ku Dhammaaday
Dad tiradooda lagu qiyaasay (1700) oo soomali ah ayaa soo gaba-gabeeyey shir islaami ah oo... Guji...


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD