SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Xubno ka Tirsan Labada Gole ee Xukuumada Soomaaliya  oo Baaq ka Soo Saaray Nairobi, Kenya

Kulankan waxaa Gudoominayay Xidhibaan Cabdi Warsame Isaaq waxaana ka soo qaybgalay wasiiro, wasiiro ku xigeeno & Xidhibaano ka tirsan labada Gole ee Xukuumada ku meelgaarka ah, waana kan hoos ku qoran warsaxaafadeedkii:


Jamhuuriyada  Soomaaliyeed:
Date:01 April/05

War Saxaafadeed 

Anagoo ah Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed waxaanu halkan ku cadaynaynaa mowqifkayaga ku aadan qodobada soo socda:-  

1)- dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday kulankii Barlamaanka Soomaaliyeed ku yeeshay Hotelka Grand Regency 17 Maarso 2005 iyo qoraalkii Afhayeenka Barlamaanku soo saaray habeenimadii  oo uu ku sheegay in Barlamaanku u codeeyey  go’aana la gaaray. 

Ugu horayntii waxaanu ummadda Soomaaliyeed ee mudada labada sano iyo barka ah  ka war sugaysay shirkii ka socday dalka Kenya iyo Dawladii lagu dhisay uga tacsiyadaynaynaa dhegxumadii ka soo yeertay Barlamaankii Soomaaliyeed ee ay u hanka weynaayeen. 

-         Kulanka Barlamaanku wuxuu bilowday 10.00 Subaxnimo iyadoo Ajandaha shirku ahaa  in laga doodo qorshaha Xukuumada ee keenista Ciidamo shisheeye oo ka socda Midowga Africa iyo Jaamacada Carabta.

-         Markii shirku furmay waxaa codbaahiyaha Afhayeenka Barlamaanku ku soo dhoweeyey Raysal wasaaraha Dawlada Soomaaliyeed si uu u sharaxo  Qorshaha dawlada, kadibna Raysal wasaaruhu wuxuu soo jeediyey hadal kooban wuxuuna codsaday in qorshaha Dawlada laga doodo go’aana laga gaaro. 

-         Afhayeenka Barlamaanka ayaa hadal qaatay wuxuu Xoghaynta u dhiibay mooshin cusub wuxuuna ku amray in la akhriyo taas oo lala fajacay sharci darana ahayd, markii akhrintii Mooshinka cusub la dhamaayeyna wuxuu amray in dooda laysu qoro lana bilaabo. 

-         Markii la arkay in Afhayeenka Barlamaanku wato mooshin ka duwan kii dawladu keentay ayaa 15 Xildhibaan qoraal ku codsadeen in Mooshinka cusub doodiisa dib loogu dhigo fadhi kale sida uu qabo qodobka 39-aad farqadiisa 2-aad ee Xeer hoosaadka Barlamaanka, codsigaas oo uu Afhayeenku iska dhega tiray.  

-         Markii doodii dhamaatay saacaduna tahay 5;00 Galabnimo wuxuu Afhayeenka Barlamaanku sheegay in lagu codaynayo hab qarsoodi ah, wuxuuna Afhayeenku kaxaystay qaar ka mid ah Xildhibaanadii keenay  Mooshinka Dulsaarka ah si ay ula soo diyaariyaan warqada codaynta, isagoo ka tegay gudoonkii Barlamaanka ee xaqa iyo sharciga u lahaa in ay la sameeyaan warqadaha codeynta. 

-         Afahayeenku markiii uu soo noqday wuxuu la yimid warqad codayn oo laba Mooshin oo kala duwan loogu codaynayo, ka dibna Xildhibaano badan ayaa ku dooday in aanay suura gal ahayn in loo codeeyo laba mawduuc oo iska soo horjeeda waxayna codsadeen in codka loo qaado Barnaamijkii dawladu keensatay ee ajandaha shirka ahaa, nasiib daro Afhayeenku wuu diiday wuxuuna ku adkaystay in loo codeeyo mooshinkii dulsaarka ahaa buuqii iyo qayladii Xildhibaanadu waxay isu bedeshey gacan ka hadal, ka dibna Raysal wasaaraha ayaa ku dhawaaqay in uu la noqday Barnaamijkii dawlada ee uu keenay  wuuna baxay, ka dibna Afhayeenka ayaa ku yiri Xildhibaanada mooshinka keenay –WAAR RAGA ISKA CELIYA-  waana  baxay, ka dibna waxaa bilowday dagaal in mudo ah socday oo hoolkii shirka ka bilowday ilaa Booliska Kenya soo dhex galeen hoolkiina laga  baxay oo shirkii sidaas ku xirmay. 

Waxaa Xildhibaanada, Ummadda Soomaaliyeed, Beesha caalamka iyo Warbaahinta Madaxa  Banaan ee shirkaas goob jooga ka ahaa fajaciso, naxdin iyo la yaab ku noqotay markii 8.00 fiidnimo uu Afhayeenka Barlamaanku soo saaray qoraalka taariikhdiisu ahayd 17-3-2005 sumadiisuna ahayd TFP/1/241/05 uu ku sheegayo  in Barlamaankii u codeeyey isagoo ku muujiyey inta diiday, ogolaatay ama ka aamujstay, isagoo idaacada BBC-dana u sheegay inuusan tirinin codbixinta lakiin uu ka qiyaas qaatay tiradii Xildhibaanada ee hadashay. 

Sidaas Awgeed, 

-         Anagoo fulinayna dhaartii aanu ku dhaaranay kitaabka quraanka kariimka ah iyo waajibaadka qaran ee na saaran. 

-         Anagoo Xaqiiqda ka sheegayna dhacdadii 17 maarso 2005 iyo sida ay ku dhamaatay 

-         Iyadoo ay marqaati ka yihiin  Xubnihii Beesha Caalamka iyo warbaahinta  shirka joogay. 

-         Waxaanu cadaynaynaa in aanay waxba ka jirin qoraalka uu Afhayeenka Barlamaanku soo saaray fiidnimada 17 maarso 2005 ee uu ku sheegay in Barlamaanku codeeyey go’aana gaaray. 

2)-   XADGUDUBYADA GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA 

Waxaanu rumaysannahay in Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliyeed  uu shaqadii loo doortay oo ay ka mid ahayd ka run sheegida go’aamada Barlamaanka iyo xejinta amaanada uu ka galay xadgudub fara badan mudada halka sano -ka yar ee uu xilka Afhayeenimada hayo, waxaana xadgudubyadaas ka mikd ah:- 

a)    Wuxuu golihii Barlamaanka ee uu Afhayeenka u ahaa u qaybiyey laba qaybood oo iska soo horjeeda oo uu isagu qayb ka mid yahay ama la jaal yahay.

b)    Wuxuu laba jeer dhiiri geliyey, kuna guubaabiyey xubnaha Barlamaanka in ay dagaalamaan oo dhiig ku daato Barlamaanka dhexdiisa, guubaabadaas oo loo hayo maqal iyo muuqaal halkii uu ka heshiisiin lahaa wixii is khilaafsan, 

c)     Sida ku cad Xeer hoosaadka Barlamaanka qodobkiisa 24-aad farqadiisa 4-aad  wuxuu farayaa Afhayeenka Barlamaanka in uu shirka xidho hadii buuqa Xildhibaanadu isu bedelo hanjabaad ama gacan ka hadal qodobkaas oo Afhayeenku dhowr jeer ku xadgudbay fulin la’aantiisuna waxay Barlamaankii Soomaaliyeed soo gaarsiisay dhibaatooyin isugu jira Sumcad xumo, Ceeb, dhaawacyo iyo khasaarooyin kale oo badan. 

d)    Wuxuu isagoo adeegsanaya magaca Barlamaanka isla markaasna luminaya dhexdhaxaadnimada looga baahan yahay ka been abuurtay kuna xadgudbay golaha Barlamaanka isagoo taageeray baaqyo dawlada ka soo baxay Barlamaankuna ka warhaynin. 

e)     Wuxuu ku guuldaraystay dhismaha gudiyada Barlamaanka oo halbowle u noqon lahaa socodsiinta hawlaha Barlamaanka, kormeerida iyo la socodka hawlaha Dawlada, iyadoo aanu Barlamaanku 8-bilood ka dib dhismihiisii aanu lahayn wax Xoghayn iyo Habdhowre oo rasmi ah. 

f)      Wuxuu ugu dambayntii fiidnimadii 17 maarso 2005 been abuur cad ku sameeyey rabitaankii Xildhibaanada baarlamanka  Soomaaliyeed isagoo afduubay soona saaray cod bixin iyo go’aan aan jirin. 

3)-   BAAQ: 

-         Waxaan ugu Baaqaynaa Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliyeed in uu raali gelin  qoraal ah ka bixiyo qaladaadkaas aan kor ku soo sheegnay isla markaasna uu u guto xilkiisa si daacad iyo dhexdhexaadnimo ah oo danta dalku ku jirto taas oo ah masuuliyadiisa koowaad. 

-         Waxaan ugu Baaqaynaa Afhayeenka Barlamaanka iyo labadiisa ku xigeen in ay si deg deg u dhamaystiraan dhismaha gudiyada iyo Maamulkii  barlamaanka. 

-         Waxaanu ugu Baaqaynaa Afhayeenka Barlamaanka in uu door wanaagsan ka qaato is fahamka iyo wada shaqaynta Xildhibaanda iyo sidii dhamaan masuuliyiinta qaranku gacmaha isu qabsan lahaayeen loona wajihi lahaa dhibaatada ummadda soomaaliyeed haysata ee loo doortay in ay wax ka qabtaan. 

-         Waxaanu sidoo kale ugu Baaqaynaa Dhamaan Hay’adaha  Dastuuriga ah ee jira iyo golayaasha qaranka in shaqadooda u gutaan si Daacadnimo, wada shaqayn iyo wadaniyadi ku jirto kana dheeraadaan wax kasta oo madmadow gelin Karin geedi socodka nabada iyo Dawladnimada. 

-         Waxaanu ugu baaaqaynaa Ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto in si deg deg ah u joojiyaan Dagaalo beeleedyada ka socda gobolada qaar isla markaana isgarab istaagaan Dawladooda kana dheeraadaan waxkasta oo kala qaybin kara. 

4)   TAAGEERO: 

a)- Waxaanu si buuxda u taageeraynaa una soo dhaweynaynaa  go,aankii taariikhdiisu ahayd 18/3/05 kana ka soo baxay  shirkii Wasiirada Arimaha dibada ee urur goboleedka IGAD ee lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kuna saabsanaa in ciidamo nabad taageera  la geeyo Soomaaliya. 

b)-  Waxaanu si buuxda u taageeraynaa go’aankii ka soo baxay golaha Wasiirada Soomaaliyeed 21 Maarso 2005 kuna saabsanaa dib u guurista Dawlada  iyo in si ku meel gaar ah loogu sii hakado Magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar inta xaalada amaan ee magaalo madaxda Dalka (muqdishu) laga hagaajinayo. 

5)- CANBAARAYN 

Waxaanu Canbaaraynaynaa duulaankii gardarada ahaa ee lagu qaaday Magaalada Baydhbo ee gobolka bay, waxaanuna uga tacsiyadaynaynaa dadweynaha gobolkaas dhibaatadii soo gaadhay 

6)- CODSI IYO MAHAD CELIN 

Waxaan Beesha caalamka uga mahadcelinaynaa taageerada hagar la’aanta ah ee ay had iyo jeer la garab taagan yihiin hawlaha dib u heshiisiinta iyo Dawlad gaarsiinta ummadda Soomaaliyeed, waxaanuna ka codsanaynaa inay sii wadaan taageeradaas iyo gacan siinta dawlada federaalka , sidoo kalena ay urur gobaleedka IGAD kala shaqeeyaan hawlaha nabada ee ku aadan Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Africa. 

Wa Billaahi Towfiiq 

###Dhammaad##


Waxaa hore u diiday go'aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed Rasulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi, sidoo kale Madaxwaynaha ayaa isaguna dib ugu soo celiyay Golaha Baarlamaanka go aanka ay gaareen 17/3/2005.

Waxaa go'aankan taagaarey Xubno ka tirsan labada Gole ee Xukuumada Federaalka uuna ka mid yahay Rasulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Warfaafinta& Afayeenka Xukuumada Dr Maxamuud Jaamac,Cabdulaahi Sifir,Wasiirka Ganacsiga Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow,Wasiirka Hoowlaha Guud iyo Guryeenta Cusmaan Xasan Cali Caato,Wasiirka Awqaafta&Amuuraha Diinta Cumar Maxamuud Maxamed Finish,WasiirkaAmniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax iyo Wasiiro kale, 

Dad badan waxa ay is waydiinayaan Sababta keentay in ay Xubnahani Diidaan Go aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed ee 17/3/2005 iyada umuuqata in ay sii kalla fagaanayaan xaga raygi xukuumadii lagu unkay 10/10/2004 Nairobi.

Waxaa jira Xubno ka tirsan Labada Gole ee Xukuumada oo qorshaynaya in ay dhawaan dib ugu laabtaan Wadanka Soomaaliya gaar ahaan Caasimada Muqdisho. 

Axmed Musse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya_Nairobi
Axmeddheere65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 2, 2005

Xildhibaanada ku sugan muqdisho ayaa nasiibdarro ku tilmaamay hadalkii xasan abshir faarax ee uu ku eedeeyay afhayeenka baarlamaanka shariif xasan sheekh aadan 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD