SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • W/Arimaha Dibada DFKMG oo Khudbad dheer ka Jeediyey Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Asian & African.
  • Madaxweynaha Dowladda FKMG ah oo ka codsaday xubanaha ku sugan mogadisho in ay yimaadaan Nairobi..
  • Wasaaradda caafimaadka ee dowladda FKMG ee soomaliya oo cambaareyn dusha uga tuurtay kooxihii ka danbeeyay dilkii haweeney ka shaqeyneysay samafalka 
  • Xubnaha labada Gole oo ku dhawaaqay in dhawaan magaalada muqdisho ay  ka howl geli doonaan ciidamo sugaya aminiga magaalada oo ku hubeesay illaa afar gaari oo kuwa dagaalka ah… 
  • Wafdi  ka socdo ha,yada world concern oo maanta kormeer howleed ku soo gaaray magaalada kismaayo. 

Kudbadii uu W/Arimaha Dibada DFKMG ka Jeediyey Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Asian & African.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Federaalka KMG, ayaa qoraal dheer ka akhriyey Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Asian - African, 2005, ee Jakarta ka soconaya 19 - 24/04/2005. Qoraalkaas oo wasiirku kusoo bandhigay xaaladda Soomaliya.

 
Xubnaha Wafidiga oo uu hoggaaminayo, Wasiirka, Amb. Abdillahi Sheikh Ismail, oo ayna ka mid yihiin Dr. Hussein Ali Ahmed, Adv. Dahir Hassan Abdi, Md. Mohamud Olow Barrow, Md. Abdisaid Muse, Md. Nur Shirbow & Md. Abdirahman Osman.

Qoraalkii wasiirka oo ku qoran luqada Ingiriisiga ka akhri halkan .. Guji.... [.PDF]


Madaxweynaha Dowladda FKMG ah oo ka codsaday xubanaha ku sugan mogadisho in ay yimaadaan Nairobi..

Nairobi April 21: Af-hayeenka madaxweynaha dfkmg ah yuusuf baribari  ayaa maanta shirka jar’aaid ku sheegay in madaxweynaha dfkmg ah u aqoonsaday in labada golle ee ku maqan magaalada xamar ee caasimada soomaaliya ay ku maqan yihiin shaqo qaran oo ah amaan soo celin iyo nabadaynta caasimadda soomaaliya oo ah mid loo baahan yahay.

Waxa uuna intaas Af-hayeenku ku daray  in madaweynaha uu ka codsadday  xubanaha labada golle ee ku maqan caasimadda in ay si dag dag ah u yimaadaan magaalada Niariobi si loo dhameeyo howlaha dib u heshiisiinta iyo barnaamijyada u yaala labada golle  ee ku aadan nabad ku soo dabaalida dalka soomaaliya guud ahaan.ee uu khilaafka xoogani ka taagan yahay sidii loo meel marin lahaa barnaamijyada dowlada iyo kan baarlamaankaba.

Warkan ayaa ka dhashay ku saabsan aqoonsiga uu Madaxweynuhu aqoonsaday in xubnahaasi shaqo qaran ku maqan yihiin wadahadalo adag oo baryahaan dhex marayay beesha caalamka iyo mas’uuliyiinta ugu sareeya dowlada iyo baarlamaanka soomaaliya iyo waraaqo ay is dhaafsadeen gudoomiyaha baarlamaanka Madaxweynaha iyo wasiirka koowaad oo ku saabsanaa sidii ay meel dhexe uga istaagi lahaayeen arrimaha keenay khilaafaadka ka dhex jiray labada golle kuna baaqayay in la furo wadahadalo si looga baxo khilaafka iyo aamusnaanta siyaasadeed.

Dhibaatadaas is maandhaafka dhalisay ayaa ka dhalatay doodii lagu ansaxiayay ciidamada safka hore iyo go’aankii dowladda ee dagista baydhabo,jowhar iyo xamar oo laga furayo xafiis siyaasadeed.

Aqoonsiga uu aqoonsaday c/llaahi yuusuf xubnaha labada golle ee mogadisho ku sugan in ay howl qaran ku maqan yihiin ayaa la sugayaa sida looga soo dhaweeyo magaalada mogadisho oo ay xiligan ku sugan yihiin in badan oo ka mid ah labada golle lagana sugayo jawaab ku aadan aqoonsiga iyo dalabka soo laabshadoodaba.

Afhayeenka madaxweynaha waxaa kale oo uu hambalyo ku aadan xuska dhalashada mowliid Nabiga NNKH sheegay in Madaxweynaha Somaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmad u diray dhamaan ummadaha muslimka  ah gaar ahaan shacabka soomaaliyeed isagoo u rajeeyay in ay maalintan darteed is cafiyaan dadka walaalaha ka heshiiyaana khilaafka dhexdooda ah ALLE dartiis.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
Email:
canabmumtaz@yahoo.com


Keyse Jamac oo ay Dhici karto in Dib looga Tarxiilayo  Maraykanka

Minnesota Somali being deported today
"Straying from his family and his Muslim faith, which prohibits alcohol, Jama's teen years were a blur of drinking and fighting that resulted in an arrest for a drunken knife fight in Waseca in 1999."
Startribune...

Sida ay qoreen warbaahinta magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis/St.Paul, haddii arintu ay u dhacdo sida ay hadda ku socoto, waxay u badan tahay in Keyse Jaamac oo muddo dheer dacwadiisu ka socotey Maraykanak in dib loogu tarxiilo Soomaaliya, lagana dejiyo magaalada Boosaaso, waa sida ay qortay shabakada. Waxaana dhici karta in maanta la qadi doono.

Keyse Jaamac waa 26-jir Soomaali ah, waxana uu dalka Maraykanka yimid saannadkii 1996, dacwadiisuna waxay gaartey maxkamada ugu saraysa Maraykanka ee loo yaqaan U.S. Supreme Court.

Keyse waxa uu dugsi sare ka dhigtay Minneapolis. Waxaa la xiray sannadkii 1999.


Wasaaradda caafimaadka ee dowladda FKMG ee soomaliya oo cambaareyn dusha uga tuurtay kooxihii ka danbeeyay dilkii haweeney ka shaqeyneysay samafalka 

Muqdisho Apr 21: Qoraal maanta ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda federaalka ayaa ku tilmaamay dilkkii ay kooxo hebeysani ku toogteen haweeney Soomali ah,madaxna ka aheyd hay`ad samafal oo laga leeyahay wadanka Sweden dhowaan,kaasoo ay wasaaradu ku tilmaantay inuu ahaa mid cadawtinimo ah,sidoo kale qoraalkan ayaa nasiib darro ku sheegay ku dhacday shacabka soomaliyeed in waxyeeladani ay dhacdo maalin cad,xilli ay haweeneydu ku guda jirtay howsheedii caadiga aheyd ee ay ugu adeegeysay shacabka  

Allaha u naxariistee haweeneydan oo la oran jiray Maryan Maxamad Xasan Kuusoow madaxna ka aheyd qeybta caafimaadka ee hay`adda marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano IAS ayaa xilligii la weerarayay waxaa la waxyeeloobay darawalkii gaarigii ay wadatay iyo nin dhalshadiisa lagu sheegay kiinyaan,kuwaasi oo dhaawacii ka soo gaaray rasaastii lala beegsaday lagu dabiibayo iminka cusbitaalka madiina ee magaalada muqdisho 

Qoraalka wasaaradan ayaa waxaa kale uu cambaareeyay weerarkii bamka loo adeegsaday ee isna dhowaan lagu qaaday tuulada caruurta ee SOS,kaasoo waxyeelo ay ka soo gaartay seddax ka mida shaqaalaha SOS,oo ay ku jirto haweeney u dhalatay waddanka Talyaaniga. 

Qoraalkan wasaaradda caafimaadka ayaa canaan dusha uga tuuray kooxo ay ku tilmaameen wax magarato kuwaasi loo adeegsanayo xasuuqa dadkooda waa sida qoraalkaasi ku xusneyde. 

Ugu danbeeyntii qoraalkaan ayaa loogu baaqay shacabka ku dhaqan g/banaadir inay si wadajir ah uga hortagaan kooxaha caadeystay hor istaagga iyo dilka kuwa u adeegaya shacabka .

Qoraalkan ayaa waxaa ku sixiixnaa w/ku-xigeenka wasaarada caafimaadka cusmaan maxamuud (dufle)

Xubnaha labada Gole oo ku dhawaaqay in dhawaan magaalada muqdisho ay  ka howl geli doonaan ciidamo sugaya aminiga magaalada oo ku hubeesay illaa afar gaari oo kuwa dagaalka ah… 

Muqdisho April 21: Warkaan ayaa soo if baxay kadib kulan ay maanta ku yeeshene xaruntii hare ee xisbiga o haatan ah xarunta baarlamaanka federaalka xubanaha labada gole ee ku sugan magaalada muqdisho. 

Kulankoodii maanta oo qaatey saacado fara badan isla makaana qeyb ka ahaa kulamo isdaba joog ahaa oo tan iyo soo garistoodii muqdisho halkaas uga soconayey kuna saabsanaa sidii magaalada muqdisho loo xasilin lahaa, kulankoodii maanta kadib afhayeenka labada gole ee ku sugan magaalada muqdisho waxaa uu sheegay in muqdisho si rasmi ah ay uga hawl gali doonaan ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban maliishiyooyinka muqdisho. 

Kulankaan maanta ayaa waxaa ka qeyb galay wasiisarada ganacsiga, Amniga Qaranka, hawlaha guud, Hubka dhigista iyo Dhaqan celinta maliishiyooyinka, lacagta iyo xildhibaano kale, 

Shaacinta Howgalkan ayaa ku soo began tey xilli magalada muqdisho ay beryahaan ay ka jireen weeraro iyo dilal gadmo ah oo loo geeysanayo shaqsiyad magac ku leh dalka iyo dadka soomaaliyeed. 

Dhinaca kale ra’iisal wasaaraha Dowlada federaalka ah  Geedi  oo ku sugan Nairobi Ayaa isna saxaafadda u sheegay in xubnaha labada gole ee Hawl galka nabad sugidda ah ka abaabulaya muqdisho  ineey sharci darro tahay howlaha ay ka wadaan magaalada muqdisho taasoo qeyb ka ah muranka  iyo ismaandhaafka sii kordhaya ee ku kala dhex jira madaxda sare ee dowlada.

Hasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia


Wafdi  ka socdo ha,yada world concern oo maanta kormeer howleed ku soo gaaray magaalada kismaayo. 

Kismaayo April 21: Wafdigan oo ka koobnaa laba xubnod oo ajanabi ah ayaa waxaa horkacaayey madaxa ha,yada Afrec ee fadhigeedu yahay magalada kismaayo ayaa   saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo .

wafdigaan ayaa kala ahaa madaxa dhaqaalaha iyo madaxa mashaariicda ee hayada world concern ,waxayna kula kulmeen magaalada markay soo galeen hotel mariidiyaan wakiilo ka socday gudigii loo xilsarey maareynta masiibooyinka dabiciga ee  degmada iyo afhayeenka isahaysiga dooxada jubba Bille c/dulle cabdi ahna gudoomyaha gudiga maareynta musiibooyinka dabiciga ah isagoo aad ugu mahad ceshay hayada world concern say ula socoto dadweynaha rer ksmaayo islamarkaana ay wax ula qabanayso ayadoo buu yiri gacan lixad leh ka geysatay hayadaan masiibadii tsunami iyo waliba wax qabadkii caafimaadka ahaa ee ay ka qabatay deegaanada jubada dhexe, 

wada hadal koodii  kadib ayey socod dheer ku soo mareen wafdigaasi xeryaha qaxootiyada ee magaalada kismaayo halksoo ay kula kulmeen dadweyne soomaaliyeed oo aad u tabaalaysan kana dandareesan dhinaca  nadafada . 

 hayadaan world concern ayaa horey u timd magaalada kismaayo horaantii january iyadoo kormeer ku soo sameeyey dhamaan xeryaha qaxootiyada magaalada iyo ,isbitalak guud oo ay ka guurtay hayd M.S.F ayagoo sheegay in ay wax ka qabanayaan dhinacyada caafimaadka wax barashada biyaha iyo nadaafada 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar@somalitalk.com
cabdiqadar84@hotmail.com


Gabar dhalan laba bilood oo walaac laga muujiyay nolosheeda 
Gabadhan saqiiradda ah oo magaceeda la yiraahdo Sumaya Jamaal Axmad ayaa ku dhalatay iyadoo aan laheyn xubinta kaadi heysta,waxaana u baahantahay in lagu sameeyo qaliin lagu saxayo xubinta ka qaldan ee kaadi heysta ... Guji...

DENMARK: Si maamuusid Leh ayaa Loogu Gurmaday Soomaalidii Lagu Dhibaateeyay Langeskow
"Dooni mayno cunsuriyad, joojiya cunsuriyadda, magaallada way nagu filan tahay, nacayb uma hayno shisheeyaha iyo muslimiintaba" hadalladaan waxay ahaayeen kuwii ku qornaa boorarkii ay siteen bulshada reer Langeskov... Kana akhri Warbixintii Ibraahim Saalax... Guji..

Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2005

BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD