SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Gabar dhalan laba bilood oo walaac laga muujiyay nolosheeda 

Gabadhan saqiiradda ah oo magaceeda la yiraahdo Sumaya Jamaal Axmad ayaa ku dhalatay iyadoo aan laheyn xubinta kaadi heysta,waxaana u baahantahay in lagu sameeyo qaliin lagu saxayo xubinta ka qaldan ee kaadi heysta  

Gabadhan oo ay qoyskeedu geeyeen mid ka mid ah cusbitaalada sida gaar ah loo leeyahay oo uu ka howlgalo DR Xangul ayaa lagu caddeeyay inaan gabdhan qaliinkeeda waxba looga qaban Karin dalka,islamarkaana ay u baahantahay in sida ugu dhaqsiiyaha badan loola cararo dibadda si loo badbaadiyo saqiirtan

Dr Xangul ayaa sidoo kale ku celceliyay in daboolka maqan ee kaadi heysta dartii ay dhici karto gabadhan yar inay sii qaado cuduro kale 

Dhaqtarka ayaa sheegay in arintani aysan aheyn mid ku cusub islamarkaana ay dhacdo in shantii kun oo caruur ah oo dhalataba lagu arko mid aaney bislaanin kaadi heystiisu,waloow uu dhaqtarku xusay in inta badan ay ku arki jireen wiilasha 

Qoyska ay ka dhalatay Sumaya Jamaal Axmad oo la ildaran dhaqaale xumo heysata ayaa ka codsaday shacabka soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaarahaan kuwooda wax heysta inay ku kaalmeeyaan saqiiradda yar badbaadinteeda 

Si kastaba ha ahaatee shirkadda Dahabshiil ayaa noqotay gurmadkii koobaad ee ay hesho gabadhaas badbaadada u baahan waxayna u furtay account nambarkiisu yahay1934 kaasoo ciddii wax ka geysaneysa badbaadinta gabdhaas ka soo jeedda qoyska dan yarta ah kala xiriiri karto 

Hassan dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2005


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD