SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

 
QORMADAADA KU TOOSI QARANKA QABYAALADANA KU DIID!!

W/Q: Mursal Max’ed Max,ud (Garaad) 

Email: stethy1@yahoo.com

Muqdisho

 Saxaafaddu waxay door wayn ka qaadataa kicinta iyo dejinta bulshadda hadba sidii loo adeegsado. Inta badan dadyowka ku dhaqan caalamaka ayaa ku kala xiran qeybaha warbaahineed ee dunida. Warbaahintu waxay sidoo kale ka qayb qaadataa barobogaadooyinka siyaasadeed,iyo kuwa dhaqan dhaqaale intaba. Waxaa la tilmaamaa In horumaraka uu ku talaabsado wadan walba ay ku xiranthay hadba heerka ay gaarsiisantahay tayadda saxaafaddeed ee ka jirta, iyo mas’uuliyadda ay muujiyaan suxufiyiintu.

    Sikastaba ha ahaatee marka laga soo tago wixii ka horeeyey burburkii 14 ka sano ee saxaafaddu ahayd mid aad u cabursan isla markaasna dad gaar ah gacanta ugu jirtay, laguna soo bandhiganjiray afkaar hal dhan ah. Ayaa iminka waxaa is bar-bar yaacaya faa’iido iyo khasaaro laga dhaxlay mudadii saxaafadda lagu tilmaamayey in ay xorta ahayd.

    Waxaa nasiib daro ah in dadbadani u arkaan saxaafaddu in ay xortahay hadii aad ku difaaci karto rabitaanka Beeshaadda oo aanay cidina yac ku dhehaynin. Waxay sidoo kale in badani hilmaansanyihiin hadalka uu ka sii daayo Idaacadaha, ama uu ku soo bandhigo Wargays, ama Websitey saamayta uu ku yeelan karo bulshadda dhexdeeda, iyagoo aaminsan oo hiigsanaya laba ujeedo oo kaliya kuwaas oo kala ah..in ay si wayn uga dhexmuuqdaan masraxa saxaafadda iyo in ay Reerkooda ku taageeraan khalinka oo mararka qaarkood ka xoog badan baaruudda.

    Waa ilaahay mahadiis in ay jiraan Idaacaddo aad u faradan, Wargaysyo iyo Websityo Caalamka meelo badan kala fadhiya oo ay maamulaan dad soomaaliyeed dhamaantoodna wada madaxbanaan. Hadaba dhamaan qaybahaas Warbaahinayd ee kor ku xusan, marka aad si hoose oo taxadir ku dheehan yahay u sii eegto howsha dhabta ah ee ay hayaan waxa kuu soo baxaya murtidii ahayd Faqi tolkii kama Jano tago in ay siwayn uga dhexmuuqato.

    Hay’addaha warbaahinayd ee soomalidda waxaa loogu dhagaysi ama aqrisbadan yahay laanta soomaaliga ee BBCda. Iyadana waxaa kaaga dhexmuuqanaya in Gobalaysi baaxad lihi ka dhexjiro. Hadii aan isku dayo in aan soo qaato tusaaalooyin yar-yar. Wixii ka danbeeyey markii Goboladda waqooyi ay ku dhawaaqayn in ay ka madaxbanaan yihiin qaybaha kale ee Soomaaliada. Waxay laanta afsomaaligu u samaysay eray bixin marka ay timaado in laga hadlo Somaliland taas oo ahayd jamhuuriyadda is magacawday ee Somaliland. Laakiin taasi wax badan kama aanay sii dhexjirin laanta afsoomaaliga oo isla shaqaalaha qarkood laakiin ka soo jeeda Goboladda waqooyi ayaa si aan ganbad lahayn gaashaanka ugu dhuftay arintaas waxayna ku soo reebayn jamhuuriyadda Somaliland, halka kuwo kalena ay ku sii adkaysanayaan erey bixintii hore.

    Dhacdo kale wariye ka tirsan BBCda, balse ka soo jeeda Goboladda koofureed ayaa markiisii ugu horaysay booqday magaaladda Hargaysa. Warbixintiisana waxaa laga dhedhen san karay duulaan uu ku qaaday isla magaaladaasi, isgoo si xirfadaysan u ceebaynayey. Hadii aan isna in kooban ka soo qaato waxaa ka mid ahaa in uu yiri Hargaysa waxaa ku yaala laba dhismo oo loogu magacdaray Daarihii mataanaha, ahna dhismaha ugu bilicda san, kana kooban laba biyaano.taas oo loo qaadan karay in inta kalena ay ka sii gaagaa banyihiin. Dhanka kale Wariyahaas oo Malab iyo Dacar aan la fahmi Karin isku dhexmilayey, wuxuu sheegay in marka aad suuqyadda booqato aad ku arkaysid hilib ood kac ah oo bisil. Taas oo iyana lagu aqoon magaalo horay u dhaqaaqday sida Hargaysa oo kale, marka loo eego tuulooyinka oo inta badan lagu arko hilbo bisil oo horay loo wado. Hadii aad dhagaysato waraysiyadda ay qabato Idaacadda BBCdu gaar ahaan xiliyadda xasaasiga ah sida xiliyadda collaadaha, isbedeladda iyo Doorashooyinka waxad ka aqrisanaysaa heerka wadaniyadeed ee uu gaar siisanyahay wariyaha markaasi Barnaamijka wadda.

    Dad badan ayaa laga yaabaa in ay u qaataan in aan colaadinayo laanta soomaaliga ee BBCda. Baslse kaligeed maahane waxaa la wadaaga inta badan Warbaahinta ay soomaalidu gacanta ku hayaan. Tusaale ahaan waxyaabaha cajiibka ah ee ay tahay in wax uun laga yiraahdo waxa weeye Magaaladda caasimada ah ee Mugadishu waxaa ka jira tiro idaacado ku dhow 10 oo madaxbanaan si wayna u madadaaliya dadwaynaha. Taasi dhan marka laga eego waa hory u kac, marka dhanka kale laga eegana waa nasiib daro in saxaafadda xorta ah ee xilgaan looga faa’iidaysan wayo sidii toosanayd.

    Waxyaabaha ay ku kala jabeen Idaacaddaha Xamar waxaa ka mid ah markii uu dhamaaday xiligii sharciga ahaa ee Dowladdii lagu soo dhisay Carta, ayaa Idaacadaha iyo Wargaysyadda qaarkood ugu yeereen hogaankii Dowladaas "madaxwaynaha DKM ee xiligiisu dhamaaday" halka kuwo kalena ay ku sii adkaysteen magicii loogu yeeri jiray mudadii sharciga.

BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE OOMAAR IYO MAXAMED CABDILLAHI

Arintase aniga igala yaabka badanayd waxay ahayd Siyaasi Soomaaliyed oo qurba joog ahaa ayaa wadanka yimid, isagoo horay u soo watay weriyayaal caalami ah, dhowr maalmood oo kooban kadib wuxuu ku dhawaaqay in uu yahay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda somaliyeed. Iyadoo aan ognahay in arinkaasi aanu macquul noqon Karin balse uu ku xirnaan karo miisaankiisu hadba sida ay saxaafaddu uga hadasho. Ayaa mid ka mid ah Idaacadaha Fm-yadda ah ee ka howl gala Mugadishu, wariye ka hadlayey waxa uu yiri "Barnaamijka aan idiin hayno qodabadiisa waxaa ka mid ah waraysi aan idinkaga hayno madaxweyne Hebel." Taa oo iyana loo qaadan karo in saxaafadda xorta ah dadyoowga qaarkii u arkaan in lagu taageero Jufadda ama Gobolka aad ka soo jeedo.

    Waxaa jira Websiteyo aad u fara badan oo dad soomaaliyihi maamulaan, inta badan magaca Websitkaasi wuxuu ka tarjumayaa Magaalo, Degmo ama Tuulo ay ka soo jeedaan kooxdda ka howl gelaya websitkaas. Qaarkood waxaaba laga dhigaa ciwaanka websitka magaca Beesha oo qayaxan. Hadaba waa wax loo baahanyahay marka si loo eego in Goboladda iyo Degmooyinka dalka laga dhigo ciwaanadda Websityadda si kor loogu qaado maqaamka magaalooyinka soomaaliyeed. Laakiin hadana marka aad akhriso wax yaabaha lagu soo bandhigo ayaad ka daalacan kartaa in qaarkood ay ku shaqeeyaan buunbuuninta Reerka dega Gobolka/Degmadda u ah ciwaanka. Isku soo wada duuboo waxaa la oran karaa in manta Saxaafaddu aanay xor ahayn oo uu dilooday cudurkaa aan daawadda lahayn ee Qabyaaladda. Waxaan xasuusin lahaa walaalahayga afku dirirka ah sida kaliya ee aan wadan keena wax ku tari karnaahi ay tahay in saxaafadda xorta ah aan u deegsano dhanka saxdda ah ee wanaagsan. Isla markaasna aan qaadano dardaarankii Allaha u naxaristee Timacadde ee ahaa DUGSI MALEH QABYAALADDI WAXAY DUMISO MOOYAANE.

W/Q: Mursal Max’ed Max,ud (Garaad)

Email: stethy1@yahoo.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 28, 2004


Gen Morgan oo Warsaxaafadeed ka soo Saaray Dagaaladii Jubbada Hoose
iyo Kulankii Baarlamaanka oo lagu magacaabay guddiyo, sida G/nidaaminta doorashooyinka
Guji...

SHIR LOOGA HADLAYAY ABAARAHA GOBOLLADA DHEXE:
MUQDISHO: Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dalladda Towfiiq oo ay ku bahoobeen...  Guji.. Sept 27

Tabardarri dhinaca isboortiga ah oo soo wajahday Kooxda Kubadda Cagta Elman FC .. Qormadii Axada ee Amiin

RAJADA SHIRKA SOOMAALIDA:
Rajo Iftiin badan iyo xildhibaanada oo muujiyey in shirku noqon karo mid miro dhala..
Guji...

»SHIRKA KENYA IYO CURASHADIISII KOOWAAD [Jantiile]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD