BBC: LAMA
RAACIN RAADKII RAAGE OOMAAR IYO MAXAMED CABDILLAHI
Sahal Cartan
mow15@hotmail.com
Aniga
argtideydu waa BBC wey lumisay dhexdhexaadnimadii iyo waliba
kalsoonidii shacbiga soomalidu u hayey idaacadan, intii uu qeybta
afka-soomaliga horjoogaha uu u noqday wiilka la yiraahado
Yusuf Garaad. Sida aan ka warqabno waxay aheyd waqtigii
mustacmarka markii la furay laanta af-soomaliga, ee idaacada
BBC, waqtigaas oo shacbiga soomalidu baahi weyn u qabay
waraabahin casri ah, oo tayo leh, oo bedasha qaab kii war
isugu gudbin ee qadiimiga ahaa, ee shacbiga soomalidu
adeegsan jireen waayo badan, mid kaas oo ahaa mid maxali
aha, ama local ahaa, oo ay beel ama degmo kaligeed ay iyadu
iska war qabtay, dhib iyo waqti badana ay ku qaadan jirtay
in ay degmo, degmo kale oo daris la ah ay warkeeda helaan,
ama warkooda u gubiyaan, iskaba daa caalamka ay ku nool
yihiin in la socdaan aqoonta iyo horumarka ku soo kordha,
ama ka jiraa markaas " Warbaa
ugu gaajo kulul"
BBC
waxaa markaa magceeda la raaciyey oo lagu daray laanta
SOOMALIGA, ereygaa soomali wuu waxuu mujinayaa, inuu
yahay mid lagu soo hirto, oo dadka u dhaxeeya, lagagana baxay
qoqobkii iyo degmo-degmadii, waxaa xusid mudan in halkan laga
sheego, in taariikhda lagu arkay magacyo iyo dhacdooyin hore, oo
sifada ama ereyga soomali la raaciyey, oo ummada soomalida
xushmo iyo qadarin ay u hayeen, ilaa maantana u hayaan, sida
Sheekh-soomaali, war-soomali side, calanka-soomalida, safaarada
-soomalida, dhaqanka-soomalida, markaad magacaydaa maqasho,
waxaa markaba maskaxdaadu kuu sawireysaa in ay yihiin hanti
ummada soomaliyeed ka dhaxeysa, oo ay u siman yihiin, waajibna
ay tahay in wixii sifo soomali ah wata, aan cidna lagu wax
yeeleyn, cidna si xaqdaro ah lagu gacan siin, balse qofkii
xumaan iyo xaqdaro wataa, uu magaciisa muujiyo oo uu ku
shaqeysto, waxaa markaa ila quman in la yiraa
BBC- laanta Yusuf Garaad
Yusuf
Garaad intuu hayey xilka laanta wax uu lumiyey tayadii,
sumacadii, kalsoonidii shacbigu ay ku qabeen xaqiiqada wararka
iyo barnaamjiyada ay idaacadu baahiso. Ujeedadeydu ma ahan in
aan xag-xagto Yusuf, lakiin waxaa muhiim ah in la muujiyo maamul
xumada iyo sharaf dhaca uu u geeystay laanta, intuu uu masuulka
ugu sareeya u ka ahaa.Waqti fiican idaacadu way soo martay, oo
shacbigu aad u xiiseyn jiray, hormarka aqoonta shaqaalaheeda iyo
farsamaduba ay aad u korayeen, wey soo martay, lakiin taas
waqtigeedii waa dhamaatay, oo balaayo ayey gacata u gashay,
kuwaas oo aan laheyn xirfad saxaafadeed, lakiin ku mashquulsan
waxyeelo iyo colaado qabiil
BEEN ABUURKII NAAGO
ISKU GUURSADEY BOOSAASO
GUJI...
[21 Feb. 2001] |
Maanta oo
shacabiga soomalidu ku jiro xaalad aad u qalfsan, oo uu
mahlikeeyey ama ay la dageen, colaado iyo dagaalo qabiil, is-necbaysi
isreed, been, borbogaan,dulmi, dhac, boob, baro kicin iyo
xasuuq aan loo aabo yeelin, oo aan hore loogu arkin taariikhada
soomalida. Waa maanta oo kale maalinta ay soomalidu ku halqbasan
jireen "YAA MAALI JIRAY" waa maalintii loo
baahan jiray, ama loo baxasan jiray, waxii garasho leh, aqoon
leh,diin leh, daacadnimo leh, dad u dhaxeyn iyo dadaalba leh,
rag iyo dumarba in ay u kacaan sidii loo dabo qaban lahaa, ama
loo badbaadin lahaa hambada ka soo hartay xasuuqa iyo dulmiga,
ama looga hor tagi lahaa in khasaaraha iyo burburku aanu ku
baabin ummadada oo dhan idilkeed. Warbaahintu waa aalada ugu
horeeysa ee la adeegsan karo, sidii loo wacyi galin lahaa
ummadda, isla markaana looga fidin lahaa fariimo iyo dhawaaqyo
nabdeed, oo dadka quluubtooda iyo qalbigooda isu soo jiida.Macal
asaf taas badalkeeda idaacada bbc iyo hogaankeeda Yusuf Garaad
ilaahay midaas ma tusin, lakiin waxay kow ka noqdeen colaada iyo
dagaalada ka socda dalkii soomaliya waayo la oran jiray,
idaacada iyo Yusuf Garaad waxay ka mid noqdeen oo ku milmeen
dagaalada iyo isbaheysiyada qabiileed ee dagaalada ka wada dalka,
waxay bilaabeen baahinta dhawaaqyo iyo dhiilooyin colaadeed,
been iyo cadaalad la'aan bulshada soomaliyeed dhexdeeda, iyadoo
la adeegsanaayo magacii iyo muunadii wacneyd ee dadka ka
dhaxeysay, ee aheyd BBC laanta afka-soomaliga, taas oo maanta
noqtay BBC laanta Yusuf Garaad iyo ciidankiisa.Waxaa
XOOLO ILAAH NINKUU SIINAYO, MARKA HORE
DADKII DHAQAN LAHAA BUU SIIYAA
Been abuurkii afduubka Marwada Madaxweynaha BL Xaawo
Cabdi Samantar (ciridyaanbo) iyo Dr. Maxamed Cali Yuusuf
(Gaagaab)
Guji... [Feb 6. 2001] |
Yusuf
Garaad si uu u fuliyo ujeedooyinkiisa guracan, isla markaana
idaacadu u noqto mid isbahaysi qabiileed iyo dano shaqsiyaad u
adeegta, wax uu ka takhalusay markuu xilka la wareegay, dhamaan
shaqaalihii aqoonta iyo waayo argnimada dheer u lahaa shaqada
suxufino, isla markaana ka madhnaan caadifada qabiil, kana
koobnaa dhamaan beelaha soomaliyeed, waxay ahaayeen shaqsiyaad
damiir leh, waayo argnimo aqooneed leh, isla markaana ahaa ruug
cadaayo mudo ku soo dhex jiray hawsha warbaahinta, waxay
ahaayeen shaqsiyaad ka xishoonaya in ay si raqiis ah u adeegaan
ama ay been iyo ku tiri ku teen ummadda dhexdeeda ku faafiyaan.
Goormaa kugu danbeeysay codkooda wariyeyaashii qiimaha iyo
qaayaha, laanta u yeelay sida , Maxamed-Rahiid, Dalmar, Ducaale,
Maxamuud Xasan, Siciid Farax iyo kuwo kaloo badan, oo aad wax
uga qabtay kordhinta tayda iyo dhexdhexaadnimada idaacada,
dhamaantood waxaa ka dhacay contractkii shaqo, Yusufna waa uu u
diiday in uu u cusbooneysiiyo, halka kuwa badan oo odayshii ka
hareyna ay haystaan contracktiyo sannad sanad ah, oo uu u diiday
in shaqo rasmi ah la siiyo, halka kuwo xaabo ah, oo uu magac
qabiil Yusuf Garaad ku soo urursadayna, uu ku siiyey shaqo rasmi
ah
Madaxa laantu waa Yusuf Garaade waxaa uu
sameystay,isla markaana furtay idaacado iyo websideyo uu isagu
shaqsiyan leeyahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Idaacada iyo
websideka Hornafrika, sababaha ugu waaweyn ee Yusuf u sameystay
idaacadaha iyo websideda localka ah ee ka hadla magaalada
muqdisho waxaa ugu waaweyn,kuwan
1- Inuu
tababar gaaban uu ku siiyo kooxo dhalinyaro ah, oo uu sifo
qabiil ku soo urursaday, isla markaana ah dhalinyardii ku soo
barbaartay, isla markaana ka qayb gashay dagaalada qabaa'ilka ee
wadanka ka socda, waa wiil yar yar oo aan garan karin wax ay
qoryaan iyo waxay idaacadaha ka sheegayaan, dhibka iyo
waxyeelada ay u keeni karto mujtmaca, kaliya waxay yaqanaan in
ay xumaato iyo been fidiyaan, si ay Yusuf Garaan uga helaan
dalaacad ah, inuu ka shaqaaleyo BBC BUSH HOUSE,
taasina waxaan markhaati iyo daliil cad u ah, imisaa schoolka
Yusuf Garaad ka soo baxaday, ayaa ku soo biiray hawlaha idaacada,
intii Yusuf u ahaa, madaxa laanta afka soomaliga. Fiiri halkan
Waxaa haatan BBC-da xafiiska London ka
shaqeeya:
- Aamina Musa Weheliye
- Cabdiraxmaan Maxamed Aaden (Koronto)
- Maxamed Cadow Aadan
- Maxamed Maxamuud Cadde
- Xasan Bariise
- Xafiiska Nairobi
- Cabdiraxmaan Yabarow
- Cabdirisaaq Catoosh
- Yuusuf Xassan
- Muqdisho
- Farxiya Cali Qaajo
- Jabuuti
- Kaltuun Maxamed Cali
Waxaan u
maleynaayaa in shaxadani masawir cad kaa siinayso, qaabka foosha
xun ee uu Yusuf u dhalan rogay idaacadii caanka aheyd ee BBC
Laantii afka soomaliga,( waxaa xusid mudan, in ay jiraan
shaqaale badan, oo ah kuwa gunada ku qaata wararka ay soo diraan,
kana soo hadala dunida daaf yaheeda, waxaad qoslaysaa, markaad
argtid qaabka loo maamulo, oo ah nin jecelaysi iyo naas-nuujin,
tusaale ahaan waax arkaysaa iyadoo waqti iyo daqiiqado badan ah
la siinayo, tusaale ahaan wariyaha ka soo warama talyaaniga,
waxay maalin walba idaacadu soo deysaa dhambaaladiisa, sababtoo
ah war kasta wax uu ku helaa lacag guno ah, wax uu marar badan
ka warmaa mawduucyo aan wax xiriir ah la laheyn, nolsha iyo
dareenka dhageystayaasha, sida wasiirka hawlaha guud ee
Talyaaniga oo is casilay, ama tababare giovanni Tarbatooni oo u
tagay kooxda Porto ee Bortaqiiska, waxaase nasiib daro ah in
wararka iyo hurumarka ka dhaca gobolada dalka qaarkood, aan loo
ogolaan wariyaha jooga in 2daqiiqo la siiyo )
Fiiro gaar ah:
rumeyso ama ha rumeysan, Xasan Cade oo afrika ka
qayliya, Maxamed Xaaji Ingriis oo websidemaster ah,
Cabdiqaasimna ku sheeg caalin islaam ah, iyo Daahir-yare oo
website ku dhaarto, dhawaan ayey rajeynayaan in Yusuf dalacsiiyo
oo BBC BUSH HOUSE, si ay wareysiyada
siyaasadeed iyo doodaha u soo jeediyaan
2-
Ujeedada kale ee uu Yusuf u maalgaliyo iyo isla markaana u
dhiiri galiyo idaacadahiisa khaaska aha sida Hornafrika iyo
websideyo badan, waa sidii loo majara-habaabin lahaa
raayul-caamka soomalida, isla markaan loo jahawareerin lahaa
da'yarda soomaliyeed ee ku barbaaray ama ku soo qaxay qurbaha,
kuwaas oo xaalada iyo dhibaatada wadanka ka jirta u sawira sida
Yusuf iyo kooxaha dulmiga wada ee ay bahda yihiin jecel
yihiin,isla markaana u difaacan danaha dulmiga , dhaca, dilka
iyo xasuuqa ay dalka iyo dadka ku hayaan Yusuf iyo Xulufadiisa
siyaasadeed ee uu calanka u sido Cabdiqaasim salaad
Waxaa
kaloo jira ururo iyo dalado isku sheega in ay ku midoobeen
suxufiyiinta soomaliyeed, oo dhamaantood laga xukumo, isla
markaana hoos taga idaacada BBC iyo horjooga-heeda, kuwaasoo si
raqiis ah, isla markaana si caadifad qabiilaysan u soo booda,
una difaaca, markii dhaliil shaqo loo soo jeediyo madaxa
idaacada bbc
KALIGIIS WIIL
Sideedba
shaqo waxaa horumar iyo tayo u yeelaa, waa wada shaqeyn ,
isfahan iyo shaqo-qaybsi dhex marta shaqaalaha hal goob ka
shaqeeya, sifada wada shaqeeynta iyo wax isla curintu, waa hore
ayey ka suushay idaacada. Qofka kaliya ee hor booda idaacadu waa
Yusuf, isagaa ah mufekerka, wariyaha wareysiyada qaada, qoraha
faalooyinka qora, wararka uu xiiseynaayo isagaa shaqsiyan
akhriya, inta kale ee shaqaalaha ahina waa xerta subciska iyo
aamiinta. Arintaas waxaan daliil uga dhigayaa, Yusuf isagaa
kaligiis go'aamiya qadiyada iyo dhacdada la waaweyneynaayo, iyo
mida la inkiraayo, tusaale, shirkii ka dhacay Jabuuti sannadkii
2000, waxa uu Yuusuf u soo bandhigay inuu yahay shirweyne guul
iyo liibaan u horseedaya ummada soomaliyeed, isagaa shaqsiyan
hor booday, soo jeediyey musalsalaad ka kooban warar,
barnaamjiyo, doodo, heeso, wacdiyo diini ah, oo dhamaantood lagu
quweynaayo qiimaha shirka, waxaan xusuustaa barnaamjiyo ahaa
su'aalo live ah oo la weydiinayey madaxweynaha Jabuuti, oo si
xiriir ah idaacada looga baahin jirey, isla markaan
dhegeystayaasha idaacada lagu khasbay in ay si toos ah, ama si
dadban u taageeraan natiijada shirka, oo aheyd in Yusuf Garaad
adeerkii loo doorto xilka madaxweynenimo, iyadoo si guracan loo
adeegsanaayo idaacada bbc, waxaa xarunta shirka Yusuf uu u
wakiishay shaqsiyaad ay ehel yihiin, in ay waraka uga soo
tabiyaan, waxaa hawshaa si shaqsiyan ah u soo fulin jiray Yusuf
Xasan,oo jabuuti markaas fadhiyey.
Okey
midkan hadda dabada dheeraday ee Kenya ka socdaa, isweydii oo ma
helay fursadii warbaahineed ee uu Yusuf Garaad siiyey midii
Carta ee Jabuuti, jawaabti waa mid fudud, waana maya, sababtuna
waa isbahaysiga siyaasadeed ee uu Yusuf Garaad ka tirsan yahay,
ayaa shirkaa u argta mid iyaga dantoodu aaney ku jirin, markaa
uma baahna in idaacada bbc ay shirkaa warkiisa soo gudbiso,
waxaase u Yusuf Garaad mar kale u fasaxay in ardeygiisa isaga u
adeega ee Xasan Bariise, uu ku tilmaamo in shirku yahay mid
cadawga soomalidu maamulayaan, isla markaana Cabdiqaasim iyo
Yusuf iyo bbc dani uguma jirto, waxay istimaaleen odhaahada ah
Sheekhow findhicilku ma xaraanbaa, mise waa xalaal, sheekha oo
kitaab gaab ahaa, oo aan jawaab cilmi ah u hayn su'aasha, ayaa
ku gaabsaday, waar sheeg-sheegisaa ka liitee inaga daaya
Yusuf lafta inta hilibka leh isagaa ka cuna,
taas oo macnaheedu tahay, waa shaqsi wada shaqeynta ku liita, oo
mar walba jecel in uu kaligii is muujiyo, wax walbna uu ka dhex
muuqdo, taas oo calaamad u ah shaqsiga aan anftiisa kalsoonida
fiican ku qabin. Tusaale waxaa kugu filan wareysyada mihiimka u
ah dhacdo siyaasadeed, bulsho,dhaqaale, ee markaa taagan, isagaa
Yusuf jecel in uu ku boodo oo makaroofanka uga hor maro
shaqaalaha kale ee la shaqeeya, sababtoo ah wax uu fulinayaa dan
siyaasadeed iyo ujeedooyin qabiil oo isaga iyo isbaheysigiisa
siyaasadeed u gaar ah. Lakiin qadiyada qaarkood malagu aamini
karaa, mise laga dhageysan karaa in shaqsi sifooyinkaas lihi ka
faaloodo, ama barnaamji dood-wadaag ah ku daadihiyo iyo waxii
la mid ah.( waxaan xusuustaa habeen Yusuf makarfoonka la booday,
oo akhriyey faalo iyo taariikh nololeedkii mid ka mid ah
hogaamiyayaasha kooxaha soomalida, oo wali nool, uu si aan
cadaalad iyo akhlaaq suxfinmo midna aheyn ayuu wax uga sheegay,
nasiib wanaag habeenkii ku xigay, ayuu isla ninkii wareystay,
markaasu odaygii, wariye Yusuf weydiiyey, adeer anigoo nool, yaa
kuu fasaxay in aad taariikh noololeydkeyga ka hadashid, anigoon
kuu fasaxin, markaas idaacadii bbc waxay yeelatay dhaqankii
Yoobsan
Tusaale
wararka, wareysiyada iyo doodaha siyaasdeed ee ku saabsan
colaadaha iyo dagaalada xilligan ka socda gobalada Shabeelada
hoose iyo Jubbooyinka, Yusuf dhexdhexaad ma ka noqon karaa, mise
lagu kalsoonaan karaa warbixinaha iyo wareysiyada uu ka
diyaariyo, jawaabta oo cad, isla maarkaana kooban waa maya,
sababtoo ah,tusaale
1-
Dagaalka Shabeelada hoose iyo Jubooyinka waxaa wada, oo ku jira
Yusuf Garaad jufadiisa hoose iyo eheladiis, tusaale cad aan ku
siiyo, waxaa dagaalka qayb ka ah, oo degaanada haysta
malashiyooyinka Cabdiqaasim, ina-daylaaf, sheekh
indha-cade, sheekh xasan daahir aweys, ina-darmaan, galaal,
goobaale, seraar, walaahay waa wada jufada
uu ka dhashay madaxa idaacada bbc Yusuf Garaad. Qadiyadan oo
kale dhexdhexaad kama noqon karo, shaqsi Yusuf oo kale ah, oo ku
soo barbaary, isla markaan xubin ka ahaa ururkii dhalinyarda ee
xisbigii hantiwadaagu, kadibna ay uga danbeeyeen dagaaladii
qabiil ee dalka ka dhacay, isagana waa uu ceeb, inuu makaroofan
u soo qaato dagaalkan, oo yiraa waa wareysi idaacada bbc ay la
yeelanyso Morgan iyo Barre Hiiraale, waayo waxuu fidinayaa been
raqiis ah, isagoo baal marya xaqiiqada iyo dhiibatada rasmiga ah
ee ka jirta deeganadaasi, in ay tahay jufadiisa, balse waxa uu
la wareegayaa su'aalo aad u tabar daran, oo aan aqoon iyo cilmi
baarisi midna ka danbeyn oo ah, Morgan, oday maxaad Ceel-barde
uga timid iyo habeenka ku xiga su'aal cusub oo ah Barre Hiraale,
oday xildhibaan baad tahay, ee maxaad shirka uga timid kaliya,
laakiin waxaa ilaah dhinac mariyey, aqoontii iyo
dhexdhaxaadnimadii warbaahineed,oo aheyd inuu boogta taabto, oo
dood iyo wareysiyo u qabto Cabdiqaasim, Galaal,
Indha-cade, Ina-deylaaf, Sheekh Xasan Daahir Aweys, Ina-darmaan,
Goobaale, Seeraar, iyo isaga laftiisu ka qayb galo, oo
ay is weydiiyaan waqtiga ay soo afjaryaan
dhac,kufsiga,dulmiga,barkicinta,xasuuqa ay ka wadaan gobolada
Shabeelada hoose iyo Jubooyinka
2-
Waxaa kaloo yaab leh faalooyinka iyo warbixinaha mihiimka ah ee
taabanya ummuuraha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka, waxaa soo
uruuriya, oo isku soo duba rida madaxa laanta, marar badna waxaa
dhacda in Yusuf shaqsiyan uu noqdo khabiir isaga laga wareysto
dhacdooyinka siyaasdeed, dhaqaale iyo bulsho ee dalka ka dhac,
isagoo odorsa ama mala-awaala, waxa kooxdiisu markaa doonayso,
isku soo duubo, waa cantra baqaash, ay aqoon, hufnaan iyo
xilkasnimo maskaxeed ka maqan tahay
LAMA RAACIN RAADKII RAAGE OOMAAR IYO
MAXAMED CABDILLAHI
Waa
laba shaqsi oo runtii taariikhda baal dahab ah ka jira, runtiina
waxaan odhan karaa waxay masawir fiican, oo lagu hirto u yihiin
dhamaan inta ku hawlan warbaahinta dibad iyo gudaba ha jogaane.
Waa laba shaqsiyadood oo ku sifoobay aqoon, karti,
hufnaan,dadaal, daacadnimo, shaqo-badni, iyo dhexdhaxaadnimo,
isla markaana fahmay, in shaqada ay hayaan ay tahay, mid
suxufinimo, ama warbaahineed, loona adeegayo ummado ama
mujtamacyo fara badan, oo ay kala duwan yihiin hab fakarkoodu
iyo damacooduba, lakiin ay isu keento, oo ay isu soo dhaweyso
warbaahin tayo leh, misaan is leg ku fadhida, kana tegin
dhexdhexaadnimo, kana fogaata been iyo borobagaan
Waxaa
xusid mudan doorkii shariifka ahaa Raage Omaar
u ka soo qaatay, soo gubintii dhacdooyinkii dagaalkii ka dhacay
Ciraaq, waxa uu ku muteystay inuu noqdo weriyhii ugu tayada
wanaagsanaa ee ka soo warama dagaalkii ciraaq, isagoo tixgalin
iyo xushmad ku helay, wararkii dheeli tiranaa, isla markaana
dhexdhexaadka ahaa ee uu ka soo tabinayey jiidaha hore ee
dagaalku ka dhacaayey, raage waxa uu muujiey masuuliyad,
xilkasnimo iyo karti. Waxaa muuqata in laanta iyo madaxeedu
garab mareen jidkii saxnaa, waxaa mudneyd in lagu daydo, oo la
raaco raadkii guusha dhaliyey, ee uu maray wariye
Raage Oomaar
Sidoo
kale Maxamed Cabdillahi waxa uu ahaa madaxii
ugu danbeyey ee laanta afka-soomaliga ee idaacada bbc, waxaan
qabaa in aan idaacad si hufan,oo habsami ah u shaqeysaa, aaney
ka danbeyn, ka dib markii Maxamed meesha ka tagay, waayo waxa uu
haa shaqsi aad u dadaal badan, xushmeyn iyo qadarin balaaran ka
kasbaday shaqaalahii la shaqeynayey, iyo dhamaan dhegeystayaasha
soomaliyeed ee idaacada dhageysta, runtii waxaan qabaa in
xiligii Maxamed uu idaacad maamulkeeda hayey, ay aad uga
dhaqdhqaaq iyo dhaqan fiicneyd, sida ay maanta tahay . Maxamed
waxuu ahaa shqsi mudo badan hawlaha warbaahinta ku soo dhex
jiray, aan caadifi iyo qabiil midna aan lagu tilmaamin. Warar
aad u faafay waqitguu shaqada ka tagay, ayaa sheegay inuu Yusuf
Garaad ka danbeeyey, shirqoolka shaqada uu Maxamed uga tagay
Gababgabadii
waxaa haboon, oo mihiim ah dib loo milicsado taariikhdii
dheeraday ee idaacadu soo martay, waxaan qabaa in idaacadu magac
fiican ku leedahay taariikhda warbaahinta ee ummadda soomaliyeed,
waxaan qabaa si sumacda iyo wax-qabadka idaacada loo saxo,loona
wanaajiyoo,ay haboonaan laheyd, in idaacada maamulkeedu furo
dood furan, oo ay ka qeyb galaan dhegeystayaal iyo aqoonyahnaba
le, si dib loogu fiiriyo wax ka khaldamay idaacad iyo muqaalka
ay yeelan karto mustaqbalka dhow iyo midkan fogba
Sahal Cartan
mow15@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com
| Sept 28,
2004
Dhibaatooyinka Laanta
Af-Soomaaliga ee BBC-du ku hayso Soomaalida Xorrnimo doonka ah ee
Ogaadeenya
Guji...
|
Bishii Febraayo ee
2001 ayey ahayd markii
Garsooraha 1aad ee maxkamadda darajada 1aad ee magaalada Bosaaso Sh. Maxamed
Cabdi Awaare uu beeniyay warbixin ku saabsan laba haween ah oo isku
guursaday Bosaaso oo maxkamaddu ku xukuntay in la dilo, warkaas oo ay markii
hore ay BBCdu werisey oo beenoobey [Akhri
warbixintii wargeyska Sahan..]. Isla Bishii febraayo ee 2001 ayey ahad
markii BBC-du sheegtay in la afduubay Marwada Madaxweynaha BL Xaawo Cabdi
Samantar iyo Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka mid ahaa guddiga
Joogtada ah ee Baarlamaanka Buntilaan, warkaas oo BBCdu werisey oo beenoobey...
[Eeg warbixintii
Maxamed-Deeq Cabdulqaadir]. BBC-da laanteed afka Soomaaliga waxaa la
asaasay
18kii Luuliyo, 1957kii
xilligaas oo Soomaalida oo dhammi ku hoos noolaayeen gumeysi.
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|