WARARKA SHIRKA KENYA:::
- Gen Morgan oo
maanta lagu soo dhaweeyay Nairobi.
- Kulankii
baarlamaanka ee maanta oo looga hadlay is diiwaan
galinta musharaxiinta.
- Urur la magac baxay
National civil forum oo Nairobi lagaga dhawaaqay
Prof:Gandi oo ka waramaya.
Gen Morgan oo maanta lagu
soo dhaweeyay Nairobi.
Canab Mumtaz.
Somalitalk.com
Gen maxamad Siciid Xirsi
morgan ayaa maanta ka soo dagay garoonka diyaarahada Wilson
Airport ee magaalada Nairobi isagoo la socday diyaarad ka
soo qaaday gaarissa ayna u direen Maamulka Shirka, waxaana
ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha Ciidanka Amaanka ee
Kenya,qaar ka mid ah isbahaysigiisa, Qaraabada iyo qaar ka
mid ah baarlamaanka KMG ah.
Dib u soo laabashada morgan
ayaa ka dambaysay kadib markii si wada jir ah ay beesha
caalamka iyo howlwadeena shirka ee IGAD ugu direen baaqyo la
xiriira sidii ay shirka dib ugu soo laaban lahaayeen Isaga
iyo Barre waxii jirana ay si wada hadal ah u dhameeyaan
iyagoo ka cadaynaya baarlamaanka dhexdiisa.
Gen Morgan waxa uu ka
maqnaa shirka mudo dhowr bilood,ilaa waqtigaas uu ka
maqnaana waxaa gaarayay baaqyo caalami ah iyo kuwo ay IGAD u
diraysay waxaana sii fogaaday maqnaanshaha morgan ee shirka
kadib markii ay soo shaac baxeen in uu jiro abaabul dagaal
oo uu wado morgan ayaa ka dambaysay in uu si hoose oo safar
xagga dhulka ah ugu safro barre hiiraale oo ay iskaga soo
horjeedaan gacan ku haynta magaalada kismaayo,sidaasna uu
dagaalka uga dhacay aaggaas, waxa uuna sababay qasaare
dhimasho,dhaawac iyo barakacba leh.
Imaanshaha Morgan ayaa
waxaa soo dhaweeyay baarlamaanka, siyaasiyiinta,iyo waliba
dadka soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi,si ay u
yaraato xiisada halkaasi ka jirta, Gen morgan ma jirto ilaa
hadda wax war ah oo ka soo baxay kuna saabsan dib u soo
laabashadiisa, waxa uuna dagan yahay hotel ku yaala
magaalada Nairobi.
Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka
Prof.Maxamad Cumar Dhalxa ayaa ii sheegay in ay sugayaan
isagana in uu soo gaaro madasha shirka Barre Aadan Shire
Hiiraale,kadibna ay ka shaqayn doonaan isku keenidooda si
waxwalba ay ugu dhamaadaan si nabad ah.
Urur la magac baxay National
civil forum oo Nairobi lagaga dhawaaqay Prof:Gandi oo ka
waramaya.
Canab Mumtaz.
Somalitalk.com
Prof.Maxamad Abdi Gandi oo ka
mid ahaa Aqoonyahaniinti uu shirka uga socday magaalada
Nairobi ayaa ka warbixiyay qaabkii uu u dhacay shirkaasi iyo
qodobadii lagaga doodayba.
Ugu Horeyn waxa uu sheegay
shirkan in ay soo qabanqaabiyeen aqoonyahaniin ka kala timid
gudaha soomaaliya dibada iyo kuwo ku sugnaa
Naiorbi,ujeedadiisuna ay ahayd sidii dowlada dhalan doonta
looga taageeri lahaa dhinacyada adeegyada bulshada.
Qodobadii looga dooday Prof
Gandi oo ka hadlaya waxa uu yiri,Waxyaabihii looga dooday
shirka mudadii uu socday waxaa ka mid ahaa In la helo dib u
heshiisiin buuxda oo ka dhalata guud ahaan dalka
soomaaliyeed.ku soo dabaalid Nabad ama Amni dalka oo dhan,in
bulshada ay helaan Adeegyo Caafimaad oo Tayo leh,iyo in La
kobciyo ama kor loo qaado Dhaqaalaha dalka oo hooseeya,in
laga hirgaliyo dalka dib u dhis dhinac walba ah sida Wax soo
saarka,in la helo Waxbarasho tayo leh bulshada oo dhana wada
baahi tirta,wax walbana ay ka horeyso sidii loo heli lahaa
amaan ama Nabad taas oo la'aanteed aysan waxba socon karin.
Intii uu socday shirkaasi
waxaa lagu dhawaaqay Ururu cusub oo lagu magacaabo National
Civil Forum,waxa uu ururkan qaban doono oo aan wax ka
waydiiyay Prof,Gandi waxa uu yiri waa mid isku keeni doona
dadka aan u soo jeedin siyaasada iyo in ay heleen jago sare
oo dowladeed,balse ku fakaraya sidii ay ummadda dhibka uga
saari lahaayeen uguna horseedi lahaayeen horumar la taaban
karo,ujeedada ururkana waa mid ah wax u qabashada sida
adeegyada ay u baahan yihiin ee kor ku xusan.
Muxuu yahay Ururkan mase
taageersan yahay Dowlada laga sugayo shirka kenya,Prof Gandi
waxa uu yiri,waxaan taageersanahay shirka ururkana maahan
mid siyaasadeed ee waa mid bulshadeed dowladana ka caawin
doona adeegyadaas ay shacabku u baahan yihiin,cid uu caqabad
ku yahayna ma jirto, ka aqoonyahan ahaan ayaan isku
xilqaanay in aan dadkeena iyo dalkeena la garab istaagno
wixii u horseedi kara horumar iyo helid amaan buuxa oo ay
howlahoda ku fushadaan.
Aqoonyahintan waxa ay xuseen
in shirkan ay isku hayaan siyaasiyiin meeshana ay ka saareen
in aan loo baahnayn aqoon iyaga,balse taasi aysan dhici
doonin waxa ay xuseen in bulshada xaqa ay ku leedahay ay
gudan doonaan inta awoodooda ah.
Aqoonyahaniintan ku dhawaaqay
ururkan National Civil Forum, waxaa ka mid ahaa C/risaaq
Xaaji Xuseen oo ahaa mar Ra'iisul wasaarihii
somaliya, Prof.Abdi Ismail Samatar oo horay shirkan u
yimid, Prof,Maxamad Abdi Gaandi oo ka mid ah bulshada rayidka
kuna sugnaa shirkan ilaa bilowgiisi, Jaamac Mamaxad Khaalib
oo ka mid ah Ururada bulshad rayidka ah, C/qaadir Aadan C/lle
oo ka mid ah halgamayaashii Xornimada soomaaliya, Qamar Aadan
oo ah gabar aqoonyahanad ah, waxaa kale oo ka mid ahaa
aqoonyahan ka kala socday ururada bulshada rayidka ah ee ka
howlagala soomaaliya iyo kuwa la shaqeeya hay'adaha
caalamiga ah ee somaliya ka howlgala.
Gabagabadii shirkan waxaa ay
soo jeedin ahaan u soo saareen in la helo dib u heshiisiin
taas oo sal dhig u ah wax walba oo la qabanayo si ay ugu
dhamaadaan guul,waxaa kale oo ay ka hadleen in la joojiyo
dagaalada ka jira soomaaliya ee ay iska soo horjeedaan
siyaasiyiinta iyo maliishaadkaba,ugu dambayna waxay xuseen
in la hirgaliyo hubka dhigista maliishaadka soomaaliyeed iyo
waliba sidii gacan looga gaysan lahaa in loo sameeyo dhaqan
celin iyo tababar xirfado dhamaan arrimahana waa kuwo ay
dowalada dhalan doonta hadii ay ku salayso barnaamijkeeda ay
guul ka gaarin doonto iyagana ay dowladaas kala shaqayn
doonaan.