Ma Dooneysaa Nabad iib ah?
W/D: Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-mail:
amiinkhasaaro@yahoo.com
Iyadoo
dalka uu muddo 14-sano ah ku jiray dagaallo sokeeye ayaa
haddana, gobollada qaarkood waxaa ka jira maamullo qaarkood
ay ku yimaadeen awood ciidan, kuwo kalena ay ku yimaadeen
dadweynaha deegaanka oo tashaday, haddaba mar aan dhawaan
safar shaqo ah ku tagay degmooyinka Balcad iyo Jowhar
ayaa waxaan halkaas ku soo arkay waxyaabo fara badan oo ay
deegaannadaasi kaga duwan yihiin gobollada kale ee dalka.
Intii aan
ku sugnaa degmada Jowhar waxaannu wareysiyo la yeeshay dad
halkaasi degenaa oo diiday in magacyadooda la sheego,
waxayna ii sheegeen in dadkaasi ay haystaan nabagalyo tii
ugu wanaagsanayd oo ah 100%.
Dadku way
wada ganacsanayaan waxayna aroortii u jarmaadayaan
beerahooda, kuwo kalena waxay dhaqanayaan xoolo isugu jira
Lo’, Ari iyo Geel, hase ahaatee magaalada dhexdeeda kuma
arkaysid wax qori ah, wayna ka duwanayd Jowhar mar aan
booqday sannadkii 1998-kii, waqtigaasoo magaalada lagu
dilaayay maalin walba dad tiradoodu gaarayso 5-7-ruux,
waxaana baaba’ ahaa dhammaan adeegyadii bulshada, sidoo kale
waqtigaasi ma jirin wax iskuul ah oo ku yaallay degmada,
mana jirin wax hay’ad oo ku sugnaa deegaanka Jowhar.
Waxaa iigu yaabka
badnaa in aan arkay "dad caddaan ah ama shisheeye ah
oo dhex soconaya magaalada oo aan la ilaalinayn,
kuwaasoo ka wada gobolka Howlo samofal ah". |
Dhammaan
dugsiyadii la burburiyay dib ayaa loo dayac tiray waxaa
kaloo dib loo dayac tiray xarumihii hay’adihii dowladda,
waxaa dib u soo laabtay dhamaan hay’adihii samafalka waxaana
maalin walba magaalada ku arkaysaa gawaari fara badan oo ay
leeyihiin hay’adaha samafalka oo uu ka babanayo calamooda.
Waxyaabihii
iigu yaabka badnaa ee aan arko wuxuu ahaa markii aan arkay
dad caddaan ah ama shisheeye ah oo dhex soconaya magaalada
oo aan la ilaalinayn, kuwaasoo ka wada gobolka Howlo samofal
ah.
Sidoo
kale magaalada waxaa ku arkaysaa tagaasi ka dhex shaqaynaysa
xaafadaha dhexdooda, kuwaasoo loo isticmaalo qaab BL ahaan
ah, waxaana markiiba raacaysa ilaa 5-ruux oo bixinaya lacag
aan sidaas u badnayn, waxaa kaloo magaalada ku soo badanaya
baaskiillada oo ay dadka deegaankaasi ay u arkaan mid u
fududeynaya howlahooda, waxaana dadka intooda badan ay ku
aadaan beerahooda, mar aan weydiiyay mid ka mid ah
dhallinyarada adeegsanaysa sababta ay u doorteen
baaskiilkaas, wuxuuna iigu jawaabay "Marka hore wax shidaal
ah kaamaga baxayo, marka xiga waxaad ka helaysaa caafimaad,
oo jirkaaga ayaa ku dhismaya".
Habeen ka
mid ah habeennada ayaa waxaan u soo galay nin halkaa uu uga
furan yahay Farmashiye, ayaa waxaan isku dayay inaan ka
iibsado daawo, hase ahaatee wuxuu ii sheegay qiimo ka duwan
midkii aan xamar ku ogaa, markaasaan ku iri daawadu aad ayay
qaali u tahay ee maxaa dhacay, wuxuuna iigu jawaabay: "Daawooyinkaan
kala imaanno Xamar canshuur dheeraad ah ayaa la saaraa,
sidaas ayaana qaaliga ugu wacan, inkastoo aan waxba ka helin
haddana nabadda ayaa wax walba nooga qiima badan".
"Yaanan
waxba ka heline waxaa nooga wanaagsan nabadda" |
Sidoo kale
mar aan galay meel biibito ah oo aan damcay inaan ka iibsado
Kookada lagu farasameeyo Muqdisho ayaa islaantii gadaysay
waxay igu tiri: "Waa 8-kun halkii dhalo oo kooko ah",
markaasaan daba dhigay "Qaalianaa Kookadu?" waxay markiiba
iigu jawaabtay iyadoo qoslaysa: "Kartoonkii waxaa ku jira
24-xabo oo midkiiba aan ku soo gadanno 3-kun, oo marka la
isku darana imaanaysa 72-kun, balse markii la soo geliyo
koontaroolka Jowhar ayaa Kartoonkii waxaa la cashuurayaa
100-kun oo Shilling, markaasay gabadhii tiri maxaan ka
helaynaa haddaan qaali iibin", waxay kaloo sii daba dhigtay
"Yaanan waxba ka heline waxaa nooga wanaagsan nabadda".
Dhinaca
maciishadda markaan eegno aad ayay u jaban tahay, haddii aan
tusaale soo qaadanno wasladdii hilka ari ah oo Xamar ka ah
16-kun oo shillin Jowhar waxay ka tahay 8-kun iyadoo laguu
raacinayo aargalaan maraq ah, laakiin Baastada iyo Bariiska
Xamar ayay isaga mid yihiin, balse waxay dadku inoo sheegeen
haddii canshuurta laga qafiifin lahaa in intaas ay ka sii
raqiisnaan lahayd.
Degmada
Jowhar iyo deegaannada ku xeeran waxay dadku ku jiraan
xilligii Jiilaalka, waxayna dadka beerleyda oo gobolka aad u
daggan ay isku diyaarinayaan xilligii dayrta, iyagoo ku
howlan limidda beeraha, hase ahaatee webiga ayaa ah mid biyo
keenay, waxaana meelaha qaarkood dib loo kiciyay matoorradii
biyaha ka soo jiidayay webiga, si loogu waraabiyo beeraha ku
dhow webiga..
Waxaa
degmada Jowhar & deegaannada kale ee ku xeeran soo gala ama
laga ururiyaa canshuur xad dhaaf ah, waxayna canshuurta ugu
badani gobolka ka soo gashaa Kontorool-ada laga galo Jowhar
iyo weliba midda Bishii laga qaado Guryaha, goobaha
ganacsiga iyo weliba hay’adaha Samafalka.
Canshuurtaasi 80% waxa ay ku dhacdaa Jeebka madaxda Gobolka
iyo weliba maleeshiyooyinka, sidoo kale waxaa iyana canshuur
laga qaadaa dadka ku xad-gudba sharciga, tusaale: (Haddii
nin maqaayadle ah uusan isticmaalin Karbiyoone ama marada
lagashado marka la shaqeynayo waxaa lagu ganaaxayaa lacag
gaareysa 500,000), sidoo kale waxaa iyana la ganaaxaa dadka
Biyaha ku shuba waddada iyo meelaha aan habbooneyn, waxaa
kale oo ganaax kan la mid ah uu ku dhacaa gawaarida marka ay
dhigtaan meel aan habooneyn. Arrimihii la yaabka lahaa ee
aan la kulmay waxaa ka mid ahaa haddii laba qof uu dagaal
dhex maro ama ay is khilaafaan oo ay heshiis hoose ama xeer
hoosaad waxooda ku dhameystaan haddii la maqlo arrintaasi
waxaa iyana lagu ganaaxayaa lacag 500,000 ah, waayo waxaa
laga doonayaa in ay tagaan saldhigga Booliska, si gartooda
loo qaado ama loogu gudbiyo Maxkamad. Maamulka Gobolka waa
uu sii ballaaranayaa, waxaana uu gaaray deegaanno fog-fog,
sida Cadalle, Aadan Yabaal, Raage Ceelle iyo deegaanno kale,
sidoo kale maamulku wuxuu ku dhow yahay illaa xuduudda u
dhexeysa Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, waxaa iyana ka soo
xaroota lacag aad u fara badan.
Marka uu
maqan yahay Max’ed Dheere wixii howl ah ee Gobolka
ka jira waxaa fuliya walaalkii oo lagu magacaabo
Axmed Cumar (Jaandhaay)... |
Boolisku waxa ay
hayaan howl aad u ballaaran, waana meesha keliya ee aad is
leedahay waxaa ka socota Shaqooyin, inkastoo Wasaaradihii
aan dib loo kicin, haddana mar aan wareysi la yeelannay
Maamulku waxa uu inoo sheegay in dhowaan la furi doono
xarumihii Wasaaradaha. Marka uu maqan yahay Maxamed Cumar
Maxamed (Max’ed Dheere), waxaa ku sime u ah Cismaan Cabdulle
Caqiil, hase yeeshee howsha xooggeeda waxaa wada Max’ed
Dheere walaalkii oo lagu magacaabo Axmed Cumar (Jaandhaay),
isaga ayaana fuliya wixii howl ah ee Gobolka ka jira.
Dhinaca Caafimaadka
Gobolka waxaa ka furan Isbitaal weyn ee ay maalgeliso
hay’adda INTERSOS, waxaa iyana maalin walba lagu daweeyaa
dad fara badan, mar aan wareysannay dhaqtarka Isbitaalka Dr.
Max’ed Cumar waxa uu inoo sheegay in ay maalinkii qaabilaan
100% (awood cusbitaalka) oo isugu jira qaybaha kala duwan ee
bulshada.
Degmada
Jowhar waxaa ka furan hal Radio oo lagu magacaabo (Radio
Jowhar) oo ah nooca FM-ka ah, balse Gobolka kama jiro
xoriyadda Saxaafadda, laga soo billaabo Balcad illaa Degmada
Jowhar oo Raadiyuhu ma sii deyn karo wixii dhaliil ah ee ka
jira gobolka, dhowr jeer ayuuna Guddoomiyaha Gobolka Max’ed
Dheere albaabada u laabay Xarunta Idaacadda, iyadoo weliba
xabsiga loo taxaabay suxufiyiin fara badan. Mar la furayay
Dugsi Sare ee ay maal-gelisay Hay’adda Zam-zam Foundation
ayaa raggii weriyeyaasha ahaa ee ka qayb galayay
furitaankaasi mar ay marayaan Degmada Balcad ayaa weriye
lagu magacaabo Fiyoore damcay in uu warbixinka qoro degmada,
balse Nin Boolis ah oo meeshaa ka dhowaa ayaa weriyihii
garbaduub u xiray, kaddibna loo taxaabay xabsiga, hase
yeeshee dad akhyaar ah oo la socday weriyahaasi ayaa markii
dambe ku guuleystay in ay ka soo daayaan xabsiga, waxaana
halkaa kaaga muuqanaysa in ay ka jirto cabburin dhinaca
saxaafadda, balse dadka deggan Gobolka waxa ay noo sheegeen
in haddii la heli lahaa xoriyad saxaafadda ah uu gobolku ku
tallaabsan lahaa, waayo saxaafaddu waxa ay sheegi lahayd
wixii waxqabad, dhaliilo iyo weliba wixii amaan ah
Inkastoo
ummadda Soomaaliyeed ay galeen dagaallo sokeeye, haddana
dadka deggan Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay si aad ah ugu
faraxsan yihiin maamulkaasi adag, waayo waxa ay sheegeen in
uu qabtay wax badan oo aysan qaban maamullada ka jira
gobollada dalka qaarkood, waxayna xuseen in haddii lacagta
canshuurta ah ee soo xaroota 30% loo weecin lahaa dhinaca
adeegyada Bulshada wax badan ay qabsoomi lahaayeen oo isugu
jira dayactirka ama dhismaha jidadka, waxbarashada,
caafimaadka, inkastoo maamulka Gobolku mar aan wareysannay
uu sheegay in lacagtaasi intooda badan ay ku qabteen howlo
fara badan oo dhinaca Beeraha ah iyo weliba horumarka
gobolka, waxayna dadka Gobolku sheegeen in nabadda ay tahay
midda ugu mudan in la hor mariyo, waxaana ay ku
nuux-nuuxsadeen in lacag walba oo laga qaado ay kaga
wanaagsan tahay nabadda ay heystaan, marka haddii aad
dooneysid nabad qaali ah tag Gobolka Shabeellaha Dhexe.
....haddii
aad dooneysid nabad qaali ah tag Gobolka Shabeellaha
Dhexe. |
W/D: Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-mail:
amiinkhasaaro@yahoo.com