MASAAJID KU YAAL MINNESOTA OO UKUN LAGU DAADIYEY:



Masaajid kuyaal xaafada
Columbia Heights (Minnesota) [Islamic
Center of Minnesota] ayaa loo geystey dhibaato
muujineysa ama xambaarsan nacayb.
Waaberigii maalintii Axada ee ina soo dhaaftay ayaa markii
ay muslimiintu yimaadeen masaajidka waxa ay la kulmeen in lagu daadiyey ukun.
Dr. Hamdy El-Sawaf oo ka mid ah
maamulka masaajidka ayaa muujiyey walaac uu ka qabo arintaas nacaybka
xambaarsan ee lagula kacay xarunta masaajidka, waxana uu sheegay in
Muslimiinta deggan Minnesota ay aad ugu hanweyn yihiin nabada ay ku
dareemayaan gobolkan, taas oo sababatay in muslimiin gobolada kale kasoo
guurey u yimaadaan Minnesota si ay u dareemaan nabad, sidaas daraadeedna
uusan fahamsanayn waxa ka dambeeya dhacdooyinka xiriirka ah ee hadda ku
wajahan xarumaah muslimiinta.
Dhacdadni waa tii saddexaad ee loo geysto xarumaha
Muslimiinta saddexdii toddobaad ee ugu dambeysey.
Booliska Minnesota ayaa arintaas baaritaan ku haya, welina
cid arintaas looma xirir.