SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Tabeeleyaal (boorar) ay ku qoran tahay ha codeyn  DON’T VOTE [HA CODAYN] oo Minnesota ka abuuray buuq iyo  bulaan ama muran  badan  

Muddo hadda laga joogo 4 beri ayaa dadka ku nool caasimadda gobolka Minnesota waxa ay ku baraarugeen tabeelooyin waaweyn oo lagu ogaa in ii dheh loo isticmaalo oo ay ku qoran tahay DON’T VOTE oo macnaheedu yahay ha codeyn ama codkaaga maalinta doorashada ha bixin.  Tabeelahaas waxaa la sheegayaa in lala beegsadey meelaha wadooyinka waaweyn iyo gaadiidkuba ku badan yihiin iyo farasmagaalaha ama meelaha  isha dadku aad u qabato iyo weliba meelo ay ku badan yihiin dadka laga badan yahay ama soo galootiga ah.  

Dadka ka xun  arrintan waxaa ay ku doodayaan in arrintan looga gol leeyahay cago juglayn iyo cabsiin dadka lagu bajinayo inay ka joogaan goobaha doorashada taasoo dhici doonta November 2deeda.  Brett Buckner oo ah madaxa hay’adda xuquuda bani’aadamka u dooda ee la yiraahdo NAACP qaybteeda Minneapolis ayaa yiri “ arrintaan waan ka dhiidhiyeynaa mana ogolaanayno  waana arrin qalad ah”  Waxaa kale oo uu hadalkiisii sii raaciyey dadka dareenkooda ayaa kacsan doorashada waa arrin xasaasi ah in waqtigan la yiraahdo dadka DON’T VOTE waa wax aan maskaxda gelayn. 

Duqa magaalada Minneapolis R. T Rybak ayaa yiri “ waan ogahay in kuwa sameeyey ay uga dan leeyihiin inay dadka soo jiitaan oo uu qalbigoodu fiican yahay laakiin waqtiga ayaa waqti xun ah waxayna abuureen in dad badan isoo wacaan oo iweydiiyaan waxa looga jeedo”. 

Lee  Ann Muller oo ah madaxa hay’adda Clear Channel Communications, hay’addaas oo iska leh tabeelayaasha ayaa yiri “ waxaa saykoloji sarbeeb ah (reverse psychology) waa daandaansi  (teasing) waa soo jiidasho qalbiga dadka waxaan uga dan leenahay inaan dadka dhiirigelino si kale oo ay ku soo baxayaan oo ay ku codeynayaan ma jirto ilaa la yiraaho DON’T VOTE waa hadal maldahan.  Lee waxaa kale oo uu raaciyey in bishan 11keeda aan fasiri doono waxa aan ka wadno ha codeyn  waayo qoraal ay dadku jeclaystaan ayaan soo wadnaa oo ay fahmi karaan maalintaas ayaan sirta fasairi doonaa. 

Marxaladda ololaha doorashada madaxweynaha maraykanka ayaa abuurtay xiiso iyo xamaasad badan oo xataa lagu dagaalamay kala xadidda calaamadaha Kerry iyo Bush ama in la gubo ayadoo taageerayaasha labadaasi nin midba midka kale ku eedeynayaan inay gar daran yihiin.  Waxaa kale oo aad loogu dagaalaa radiyowyada, journaalada, telefishinada, buugaagta la qoro, filimada, iyo heesahaba ayadoo aad arkayso fanaaniintii waa weynaa oo kala raacay labada murashax.   

Qaar dadka siyaasadda wadankan indho indheeyaa waxaaa ay sheegaan in uu wadankan sidaas u kala qaybsamin oo aanay xamaasadda doorashadu gaarin ilaa heerkan waqtiyadan.  Gobolada qaarkood sida Minnesota waayadan sidan looguma dagaalin marka dadka qaarbaaba yaaban tixgelinta la siinayo gobolkooda  oo aanay hore u arki jirin. 

Dadka weli waxaa dhegahooda ka sii yeeraya doodii dhexmartay labada murashax ee Kerry iyo Bush ayagoo aad u falan qaynaya.  Dooda waxaa ka faa’iidey Senator Kerry oo sidii horeba looga filayey soo bandhigey xirfadiisii dood aqooneed iyo aftahanimadiisii ilaa uu Bush mas’uul  uga dhigay dhibaatada Sudan iyo hubka N. Korea iyo Iran.  Kerry waxaa kale oo uu aad uga faa’iidey mashaqada Ciraaq iyo hubka waxgumaada ee laga waayey Ciraaq ayadoo hadda ay suuqa soo gashay in congressku soo celin doono raaf ama askarta oo dhallin yarada qasab lagu qoro (draft) inkastoo wasiirka gaashaan dhigga iyo madaxweyne ku xigeenkaba  arrintaasi waxba kama jiraan ku tilmaameen.   

Kerry dadka u kuur gala siyaasadda maraykanka waxaa ay leeyihiin inkastoo uu ku guulaystay inuu soo jiito dad badan oo dhex dhexaad ah hadana waxaa uu ku dhacay dabintii lala rabay oo ah inuu ku faano ra’yul caalamka oo ilaabo all politics are llocal iyo in weli dad badan oo maraykan ah aaminsan yihiin in xagga ammaan sugidda uu Bush ku fiican yahay iyo in dad badan oo maraykan ah cadow u arkaan UN iyo Yurub meesha uu Kerry ka yiri (global test waa in lagu guulaystaa).  

Doodii waxaa kale oo dadka maraykanka ka faa’iideysteen in ay ku baraarugeen intii lagu mashquulsanaa Al- qaacida iyo Ciraaq in qatar kale oo hor leh soo bixi karto sida Ruushka halkaas oo uu  Putin awoodda sii kororsanayo   

 Bush iyo la taliyeyaashiisa oo ka soo kabanaya legdintii dooda ayaa bilaabay weerar culus oo ay ku eedeynayaan Kerry inuu tixgelinayo ra’yul caalamka marka hore ee uusan tixgelin doonin ra’yiga dadka maraykanka waxaana uu istcmaalay wax uu oogu yeerery mabda’a Kerry oo ah inuu nabadgelyada maraykanka kala tashan doono yurub iyo UN asagoo isticmaalay kelmad culus oo ah (outsourcing the national security).

Xisbioga jamhuuriga oo doodii lagu legday ayaa la filayaa inay dib isu abaabul xoog leh samayn doonaan ayagoo istcmaali doona kooxo wax weerara (attack dogs) iyo qalabka warbaahinta sidii ay maalin dhoweyd ugu baabi’iyeen televisionka weyn ee CBS.  Waxaana la filayaa in dhowaan la maqli doono kelmadaha ah: 

  • a)Abaan duulaha ciidanka (Bush) lama bedelo ayadoo dagaal lagu jiro.
  • b) Adigoo webi gudbaya oo dhexmaraya biyo labo faras la iskuma bedesho.
  • c) American 1st
  • d) America shisheeye kama amar qaadato iwm. 

Kerry iyo la taliyeyaashiisa waxay ku hawlan yihiin sidii ay ku xajisan lahaayeen guushii ay ka gaareen dooda iyo sidii loo heli lahaa xeelado cusub 

Si kastaba ahaatee waxaa la soo gaaray bisha Octoober waxaana la ogyahay in doorashadu ku xiran tahay waxa dhaca usbuuca u danbeeya Octoober labada xisbiba waxaa laga filayaa in ay la yimaadaan wax la yiraahdo kedisada  Oktoobar (October surprise) qolo walba qolada kale ayey ka baqeysaa inay la timaado wax cusub oo doorashada saameyn ku yeesha sida Bush oo qatar  horleh ka sheega Iran ama N. Korea ama dal kale ama soo faaqida war cusub ama ay u suurowdo inuu qabto madaxda al qaacida iwm. 

Afeef:  Kedisada October ilaa hadda lama oga inay jirto iyo in kale.  Doorashana lama saadaalin karo sida dunida loo maamulo dadku ma garan karaan. 

Maxamuud Nuur Wardheere

Minnesota, USA

mnwardere@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 4, 2004


BBCda Af-Soomaaliga Oo Dhex Dhexaadnimadii Ka Guday! [Faarax]
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD