NINKII
DADAALA MADAXWEYNANA WAA GAARA!
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
Hamigaagu ha dheeraado,
niyadaaduna ha wanaagsanaato, nafsadaaduna kalsooni buuxda ha
haysato. Ku dayasho waxaa noogu filan dadka Reer Falastiin ee
har iyo habeen la gumaadayo oo aan ka daalin tuurida dhagaxa
waayo waxay aaminsan yihiin in ay maalin uu guul gaari doonaan.
Waxaan marna wax la yeeli Karin niyadooda oo higanaysa
madaxbanaani iyo iska tuurida heeryada gumeysiga. Waa in ay
qowmiyadaha la yasaa lahaadaan qorshe iyo meel ay hiigsanayaan.
Waa in ay cabirtaan oo calaamaystaan gaarida meel aad u qurux
badan inkastooy ka sokeyso boholo, buuro, dugaag, dhimasho iyo
wax walba oo ay naftu necebtahay. Waa in yar iyo weynba ay
ogaadaan in takoorka iyo quudhsiga ay ku hayaan kuwa isla weyni
ay ka soo horjeedaan oo aysan niyad jebinayan ereyo yar oo lagu
yidhi sida: Midgaan, Boon, Jareer, Tumaal, Yaxar iwm. Waa in
carruurta yar-yar la hagaajiyaa mooralkooda laguna tarbiyadeeyaa
in kan Ajiga ahi uusan waxba dhaamin ama uu ka sareeyo. Waa in
aysan carruurtani ku barbaarin oo aysan marna arkin waalidkood
ama eheladooda oo ka didaya magacyo, dacaayad iyo sheeko xariiro
la mala awaalay ah madaxana hoos u foorarinaya marka uu Ajigu la
hadlo. Waa in carruurta yaryar looga sheekeeyaa sheeko
xarriirada iyo siyaabaha kale ee cunsuriyadu ku iman karto loona
sheegaa in ay yihiin quraafaad la doonayo in lagu gumeysto oo
niyada lagaga dilo. Waa in qowmiyadaha la quursadaa ay ogaadaan
in magacbixintani ay iska harayso haddii aysan waxba ka soo
qaadin ama aysan ka xanaaqin.
Waxaa dhacday in anigoo jooga
xafiiska iskoolka aan maamulaha ka ahay habeenkii ee Ubah
Educational Services ay ii timid qof haweenay ah. Iskoolkan
waxaa 1997 sameeyey aniga iyo saaxiibkay Cabdirashid Warsame oo
aanu ugu tala galnay in dadka waaweyn ee Soomaaliyeed ay ka
bartaan Ingriiska, Xisaabta iyo Cilmiga Bulshada. Haweenaydii
baa iga codsatay in aan sameeyo wax sharciga aan ku haboonayn,
markaasaan u sheegay inaanan samayn Karin. Waxay tidhi:
“ninyahow iska daa Midgaanimada ee iisamee waraaqaha!. Waxaan u
sheegay in aanan weligey maqal magac ka wanaagsan oo laygu
yeedho.! Inta ay yaabtay oo afka qabsatay bay iyadoo qosol
gariiraysa iga carartay. Gabadhaa waxba kuma sameyn markay igu
tidhi Midgaanyahow, laakiin waxaan tusay oo aan u muujiyey in
Midgaanka oo laysugu yeedhaa uusan dhib lahayn. Iyaduna waxay
ogaatay in ay jiraan dad aan ka nixin, indhaha hoos u rogan,
xanaaqin oo dagaalamin, meel isku buusin ee la soo taagan
Filinkaas waa qarxay Xaajiyo!
Tusaale kale oo ku saabsan isku
kalsoonaanta iyo in qofku uu ogaado in aan niyadiisa iyo wuxuu
damacsan yahay marna la jebin Karin waxaa noogu filan
Madaxweynaha Xilligan loo dooratay Soomaaliya. Bal ila akhriya
Rafaadka uu ninkani u soo maray in uu riyadiisa run ka yeelo.
Waxaan soo qoray oo keliya inta iga quseysa oo ah sidii aan u
noqon lahaa qof isku kalsoon, ujeeda leh, mooral iyo nafsadna u
haya in uu gaari karo waxa uu damacsan yahay. Dad aan badnayan
oo leh ujeedo iyo kajeedo(vision) kana dhabeeya waxay ku
haminayaan ayaa Ceelkaa Soomaaliya ka dhasha!.
C/llaahi
iyo Jeneral Daa’uud
Jeneral Daa’uud:
Burco!, Burco!, Burco! Cabdulaahi!, C/llaahi!, C/allahi ma
imaqashaa? waa Jeneral Daa’uude!. Hadal ma leh, cidina qaban
mayso taarka. Bal aan ku celiyo: Aloow, ma I maqashaa
Cabdullaahi?.
Mijir C/llaahi:
Aloow, waan ku maqlaa taliye
Jen. Daa’uud:
C/llaahi maxaa lagaaga waayey goobtii lagu ballamay ee Shiikh!
Miyaadan helin warqadii ay booyadii milateriga ee maalmaha soo
socotay kuu waday
C/llaahi:
Taliye adiga warqad kaama helin ee waxaan helay warqad uu soo
diray 2 xiddigle.
Jen. Daa’uud:
C/llaahi, C/llaahi 2 xiddigluhu waa gacanyarahayga anigaana ku
amray in uu dhamaan taliyayaasha ciidamada u diro warka.
C/llaahi:
Taliye anigu si aan 2 xiddigle amar uga qaato garan mayo ee
fadlan haddii wuxu amar miletari yihiin adigu isoo amar!.
Jen. Daa’uud:
Waayahay C/llaahi! Soo kexee ciidanka keen meesha ay kuwa kale
joogaan.
C/llaahi:
Waa yahay taliye!
Taasi waxay ahayd dood dhex martay Madaxweynaha
Federalka ee wakhtigan, Claahi Yusuf iyo Janaraalkii ay
Ciidamada Qaranku jeclaayeen ee Jeneral Daa’uud Allaha u
naxariistee. Ciidamada waagii hore iyagoo raran ayay ka soo bixi
jireen xarumahooda kala duwan oo ay socod ku soo bixin jireen
dhul baaxad weyn, kadibna ay isugu iman jireen meel la sii
cayimay. C/llaahi oo ahaa taliyihii Qaybta Burco ayaan meelna u
dirin Ciidankii Gorayacawl ee la filayey in uu yimaado Shiikh ee
lagu ballamay kadib markii uu qoonsaday warqad lagu amrayo
kaxaynta ciidamadaas oo uu 2 Xiddigle soo saxiixay!.
C/llaahi
iyo Madaxweynihii Adan Cadde
Madaxweyne C/llaahi Yusuf ayaa yimid xafiiska
Madaxweynihii waagaas Adan Cadde. Waxaa lasoo weriyey in
Madaxweyne Adan Cadde uu xafiiskiisu u furnaan jirey dadka oo
dhan, qofkii muraad lehna uu geli jirey iyadoon cidna xanibi
jirin. Laakiin waxaa caado u ahayd Madaxweynaha in uusan raajin
dadka oo uu uga jawaabi jirey qof walba sida ugu dhakhsaha badan
in uu wuxuu rabo u qaban karo iyo in kale. Markaa ugu badnaan
qofka muraadka lihi Madaxweynaha xafiiskiisa daqiiqado ka badan
kuma jiri jirin. Madaxweynuhuna dadka sooma sogootin jirin ee
qofka muraadka lihi isagoo lugaynaya ayuu ka soo bixi jirey
xafiiska Adan Cadde.
Waxaa la yidhi Madaxwene C/llahi ayaa yimid
xafiiskii dhigiisii hore ee Adan Cadde. Wuxuu ku jirey muddo kor
u dhaaftay 30 daqiiqo oo dadkii dibada joogay oo dhan ka
yaabisay. Markii uu C/llaaahi Yusuf soo baxay ayaa la arkay
Madaxweyne Cadde oo soo sagootiyey kadibna inta uu istaagay
weliba kusii dheegagay C/llaahi oo sii qulqulaya.
Madaxweyne Cadde ayaa la weydiiyey sababta
keentay in uu C/llaahi ku jiro muddo badan oo aan xafiiskiisa
lagu jiri jirin iyo sababta uu u soo sagootiyey ee uu weliba u
sii daawaday isagoo sii socda. Madaxweyne Cadde ayaa u sheegay
dadkii in uusan weligii soo marin nin ka qalafsan oo ka geesisan
C/llaahi. Wuxuu yidhi ninkaas Mijirka ahi wuxuu mudadii dheereyd
ee uu xafiiskayga ku jiray igala doodayey in aan ka dhigo Taliya
Ciidamada Xooga Dalka iyadoo ay joogaan niman ka daraja sareeya!.
Soo sagootiskii iyo dheygagiina waxaan la yaabanaa hankiisa iyo
sida uu isugu kalsoon yahay!. Waxaan u qiray in uu yahay nin
rageed ayuu yidhi Madaxweyne Adan Cadde.
Xiisaanley
iyo Sanheer
Burco!, Burco!, Hargeisa, Hargeisa, Boorama,
Boorama, Laas Caanod, Laas Caanood, Aluu, Aloow! mise nag!
Fooneeyihii Gobolada Waqooyi cidina
kama
jawaabaso! Yaab!
War baa laga waayey Waqooyi, waxaa kala go’ay
iska warqabkii, waxaa la waayey warbixintii maalinlaha ahayd ee
laga soo diri jirey Gobolada Waqooyi. Waxaa lagaran waayey
dhibaatadu meesha ay ka socoto. Jeneraal Daa’uud iyo ku
xigeenadiisu waxay dul yuurursadeen Fooneeyaasha iyo Taararka.
Booyadihii u kala gooshi jirey Ciidamada ee waraaqaha iyo
khabaarka soo qaadi jirey baa la waayey!.
Waxaa meel walba xiimaya gaadhi uu saran yahay
Xasan Kayd oo ahaa 2 Xiddiglihii soo abaabulay in la inqilaabo
dowlada si ay Gobolada Waqooyi u goostaan. Waxaa lawada xirxiray
dhamaan Saraakiishii ka talin jirtay Gobolada Waqooyi oo u
badnaa kuwii Gobolada Koonfureed ee lagu magacaabi jirey
Xiisaanley ee Talyaanigu soo tababartay. Waxay inta badan
ahaayeen Saraakiil aan asal ahaan militeri ahayn oo ay ka mid
ahaayeen Siyaad Barre, Liiqliiqato, Gen. Daa’uud, Mahamed Abshir,
Xuseen Kulmiye, Qoorsheel iwm. Waxaa ismaandhaafay oo isfahmi
waayey Saraakiishii Wagooyi ee ka soo qalin jebiyey Sinheer oo
ahyd kuliyad ku taalay Ingriiska oo u badnaa Xidiglayaal iyo
2-xigilayaal iyo kuwii Xiisaanley ee Koonfurta. Kadibna kuwii
Waqooyi oo u badnaa 2 Xiddiglayaal ayaa go’aansaday in ay
Goboladooda Waqooyi dib ula noqdaan iyagoo lasoo ballamay
Gumeystihii Ingriiska in uu ku caawiyo arrintaas. Ingriiskii
ayaa ka ballan qaaday haddii ay sii haystaan ilaa saqda dhexe in
uu maraakiibtiisa dul keeni doono oo uu caawin doono!. Dhamaan
saraakiishii markaa waqooyiga haysatay ayaa Miig loo xiray,
Jeneraal Daa’uudna waa ka quustay inuu cid ka helo. Saraakiisha
Waqooyiga haysatay waxaa ka mid ahaa Caynaanshe, Gabayre, Ina
Dheel, C/llaahi Yusuf iwm.
C/llaahi oo haystay Qaybtii Burco ayaa inta
garbaduub loo xiray qol gaar ah musqushiisa lagu xereeyey, biya
qaboowna dusha looga sii daayey. Madaxweynaha ayaa qufac iyo
hiinraag bilaabay, kadibna askari Isbitoore ahaa oo Reer Sool
ahaa ayaa xarigii ka jaray una sheegay asxaabtiisii in ay si
wanaagsan ula dhaqmaan taliyaha. Waxaa loo daayey qolkiisii oo
dusha lagaga qufulay. Waxaa quraacdii iyo qadadii laga soo
doonan waayey ninkii Saraakiisha wax u karin jirey. Waxaa
Miiskii saraakiisha yimid laba nin oo aad caan ugu ahaa
toogashada oo inta badan uu Ingriisku u diri jirey Kenya si ay
uga qayb qaataan tartanka shiishka. Kuukii ayaa u sheegay
Isbitoore Dhila Casar iyo Alifle Ismaciil Curyaan in
Saraakiishii la afduubay oo ay ku xirxiranyihiin guri weyn
Xiddiglena uu waardiye ka yahay. Dhila Casar iyo Curyaan oo
Sanag oo Sool ka yimid ayaa qorigoodii shiishka lahaa horey u
sii qaatay iyagoy la socdaan koox yar oo Dableyaal u badan.
Waxay horey u sii galeen gurigii weynaa oo xagiisa dabe qol ku
yiilay laysugu ururiyey dhamaan saraakiishii oo dhan. Naftu waa
malayee, markii ay arkeen ciidamadan hubaysan bay saraakiishii
af labadii yeedheen: Waar hana dilina, hana dilina. Waxay ku
noqotay filan waa markii ay askartii ku yiraahdeen Taliyayaal
kaalaya ka hadla Fooneeyaha oo u sheega Jeneraal Daa’uud in aad
nabad qabtaan!
Laba Xidigle Xasan Kayd oo ka tuuraya ayaa yimid
isagoo aad ugu riyaaqsan wakhtiga yar ee ka haray ballantii
goosashada, markaasuu isagoon ka warhayn dalaq soo yidhi gurigii.
Xasan waagii baa ku baryey halkii baa isagoo lug ka dhaawacmay
lagu qabtay. Waxay ahaayeen dhalinyaradan abaabushay inqilaabkan
32, waxaa la qabtay 30 waxaana xadka talaabay 2. Waxaa goor
danbe C/llaahi oo jactatsan laga soo sii daayey qolkiisii u
gaarka ahaa. Janaraalkii oo qayla dhaan ah waa kan:
Burco, Burco!, Hargeisa!, Boorame!, Laas Caano!
Dhamaan waxay ku soo jawaabeen in ay nabad qabaan lana soo
gudbinayo ciidankan gadooday. Sharciga Milategigu waa dil
laakiin Madaxweyne Adan Cadde ayaa u sheegay Janaraalka in 30
dhalinyara ah oo mutacalimiin ah uusan wadanku ka maarmi Karin
ee ay haboon tahay in la badbaadiyo naftooda lagana wareejiyo
ciidamada oo lageeyo wasaaradaha!. Isku shaandheyn iyo bedel baa
lagu sameeyey dhamaan ciidamadii Waqooqi, Ciidankii C/llaahina
waxaa laga soo tuuray Beledweyn. Isbitoorihii xariga ka jaray
ayaa la yaabay qalafsanaanta C/llaahi markaasuu ku yidhi: “ Waar
nin yahow maalintii in aan xariga kuu daayo baad ku fiicnayd!”.
C/llaahi baa iska muusooday!
C/llaahi
iyo Dhibowgii
Askar ka qalin jebinaysay Xerada Gorayacawl oo
dhibow ah ayaa loogu yeedhay Madaxweyne C/llahi in uu salaan ka
qaato. C/llaahi oo tijaabinaya adkeysiga iyo Dishibiliinka
askartan cusub ayaa askari kaarabiin ku giigsan ka dhuftay
markaasuu dabadiisii kaga sii daayey wajhada! Askarigii baa
koodkii soo bararay oo isagoo kor u dhawaaqaya yidhi: “ ooh!
Taliye maxaa si kaa ah!”. C/llahi baa hore isaga dhaqaaqay oo
askari kale oo meel dhexe ku jira sidii oo kale u galay.
Askarigii baa yidhi isagoo dhiiga iska biinaya: “ oo meesha waa
layku dilayaa maad na tiraahdaan!”. C/llaahi baa misana mid kale
oo meel dhexe ku jira sidii oo kale u galay. Askarigii 3-aad baa
halkii laga filayey qaylo iyo cabasho ayuu inta uu sare u booday
isagoo salaana saaraya yidhi: “ Taliye”!. C/llahi wuxuu qudbad
dheer u akhriyey dhibowgii markii uu sii baxayeyna ku amaray
saraakiishii dhibowga in ay eryaan labadii askari ee hore kii
danbana ay sii yaan alif iyo ul sharafta ay madaxdu qaadato!
Waxaasaa askari dhishibiliin leh ah!
C/llaahi
iyo Siyaad Barre
Waa Jeneral, wuxuu haystaa Ciidamada Qalabka sida.
Haddii aan lagalo inqilaabka maxaan helayaa? Madaxweyne kolay
noqon maayo ee maxaan uga qayb galayaa inqilaabkan? Maxaa iiga
gidhiish ah! C/llaahi wuxuu ku adkeystay in uusan u juuqin
codsigii Siyaad Barre oo uu iska joogo qaybtiisii uu taliyeha ka
ahaa. Siyaad waa qabsaday wadankii. Claahi iska soo xaadiri
xabsiga!
C/llaahi
iyo Xeryihii Fiam
Istaag!, Istaag!, Istaag! Ayuu Kaamboostihii ku
dhawaaqay. Gaarigii baa istaagi waayey ka dibna sida sharciga
Milaterigu qabo rasaas ayaa laga waraabiyey!. Waxaa fatuurada
watey 2 nin iyo laba naagood oo boocda ka soo baxay si khalad
ahna u soo wajahay albaabkii weynaa ee xerada ciidamada
milateriga ee ku dhaweyd Dayniile.
C/laahi oo ah taliyaha xeryaha ku hareeraysan
Dayniile ayaa subax u soo kalahay xeradii uu xukumay si uu
warbixin u helo. Ciidankii baa la rigeeyey oo warbixintii lagu
daray gaari xalay si xun ay ciidankii waardiyaha lahaa ay rasaas
ugu googooyeen laakiin 4-tii qof ee saarnaa ay ka badbaadeen. C/llaahi
ayaa dalbaday 2 gaadhi oo Koofiyad Cas ah kuna amray in ay
xabsiga u taxaabaan dhamaan kooxdii waardiyaha lahayd iyo
Kaamboostahoodii!. C/llahi baa warbixin siiyey ciidankii oo u
sheegay in uu dalacsiin lahaa haddii ay 4-taa qof oo shaandha ah
uu arki lahaa. Laakiin waa nool yihiin aa! Bal ka warrama haddii
ay cadow ahaan lahaayeen? Sow xerada lama qabsadeen? Gaadhigii
baanu gubnay cadowgii la socdayna waa nool yahay waa maxay?
Xeradiiba la qabsay!!.
C/llaahi
iyo Dagaalkii dunida ka yaabiyey
Xabsi dheer ka dib ayaa la soo daayey si uu u
hogaamiyo ciidan aad u baaxad weyn oo uu uga qayb qaato
ciidamdii ku jiheysnaa Nageyle iyo Koonfurta Keliga 5-aad.
Dagaalkani wuxuu ahaa kii dunidu ku baraarugtay colaadana noogu
qaaday. Waxaa la rumeysan waayey dowlad yar oo Afrikaan ah baa
ciidan baaxad weyn oo aad u tababaran yeelan karta. Waxaase aad
loo la yaabay in uu ciidankaasi jebiyo Xabashidii looga yaqaanay
dunida Libaaxii Africa. Waxaa loo dagaalamayaa dhul aynu
siyaasad iyo xikmadba waa hore ku heli lahayn oo ay iska dhega
tireen siyaasiyiin ku sheegtii 50-dii. Barasaabkii Ingriiska
ahaa ayuu ahaa kii u soo bandhigay Qabqablayaashii waagaas in
aysan Talyaaniga dooran oo ay soo galaan Barwaaqa Sooranka
Ingriiska si uu ugu soo celiyo Somali Galbeed iyo NFD labadaba.
Laakiin siyaasad xumo iyo ka fiirsasho la’aan ayaa Talyaanigii
la yidhi nasii tababar 10 sano oo nagaarsii xornimadeena.
Dagaalkii lagu soo jab! Mingiste ayaa usoo jeediyey Siyaad Barre
in uu iska iloobo dhowr magaalo oo waaweyn oo uu dhulka intiisa
kale qaato. Nasiib xumo waa lagu gacan sayray sida ay xukuumadii
Soomaaliya ugu gacansayri jirtay shirkadihii khayraadka wadanka
soo saari lahaa ee doonayey in ay kala badh qaataan faa’iidada!.
Waayaabe goorma ayay Soomaalidu ku raaxeysanaysaa khayraadka
dhulka hoos jiifa? Buunka uun baa yeedhi, ka dib baan filayaa
baashaalka!.
C/llahi
iyo Inqilaabkii Dhicisoobay
C/llahi iyo saraakiil ay isku fikrad ahaayeen
ayaa fahmi waayey ujeedada iyo ka jeedada dagaalkii lagu hoobtay
ee 77-dii. Waxaa in dhawayd soo baxday in ay Masar iyo Dunida
Carabtu na gelisay dagaalkaas iyadoo la doonayo in aysan
Xabashidu biyaha Webiga Niil aysan ka faa’iideysan oo
biyaxireeno iyo kanaalo dhisan. Ma moogani dhulka iyo dadka
meesha jira laakiin si sahal ah baa lagu heli karaa haddii aanu
miirka kaashano. Dawladaha Afrikaanku iyagaanba cimri dheereyn,
haddii ay Soomaalidu Dawladooda dhowrtaan dhul badan oo baylah
ah oon naf iyo mood midna naga gelin waa la arki doonaa!. In
Dowladii Kacaanka ahayd la minja xaabiyo ayaa lagu tashtay.
Kadib markii lakala biiqbiiqay ayaa waxaa dhicisoobay
inqilaabkii, wixii ka dhacayna Eebe waa ogaa.
C/llaahi cararkii wuxuu sii istaagay Keliga 5-aad
oo uu Mingiste kula soo heshiiyey in uu caawiyo si uu xukunka
uga faramaroojiyo Dawladii Kacaanka ahayd. Waxaa ay Xabashadii
ku soo noqotay dhulkii loo yaqaanay Hawd oo ay ka carartay 1977
dib danbana aysan ugu soo noqon. Waxaa bilaabantay in Soomaalida
lagala wareego magaalooyinka xuduuda ku yaala sida Balanbal iyo
Galdogob. Waxaa ay Xabashidu dejisay Calankii Buluuga Cirka ahaa
oo ay saartay kii Midabada Qaansa Roobaadka lahaa ee ay maanta
caanka ku yihiin Qowmu Luudku!.
C/llaahi wuxuu amray ciidankiisii in ay dejiyaan
Qaansa Roobaadle oo ay saaraan Cir Buluugle! Mingiste ayaa
yaabay! anigaadba ii marti tahaye maxaa ku waalay Xaaji. Xaaji
xabsiga kaalay!.
C/llaahi
iyo Caydiid
C/llaahi ayaa abaarihii 1993 Xamar kula kulmay
Janaraal Caydiid. C/llaahi iyo Caydiid Waxay ahaayeen laba nin
oo khibrad weyn u leh ciidamada iyo dagaalgelintooda aadna ugu
adag sharciyada Militeriga saaxiibana ah. Caydiid ayaa usoo
jeediyey C/laahi in ay heshiiyaan oo ay qaybsadaan xukunka,
dhistaana dawlad. Waxaana dhex martay doodan:
Caydiid:
C/llaahi waxaynu nahay niman saaxiiba ah, hadaynu heshiinana
ummadu waa heshiinaysaa
C/llaahi:
Waa runtaa
Caydiid:
Waxaan qaadanayaa Madaxweynaha ee waxii kale ee aad doontid
sheego
C/llaahi:
Caydiid, anigaa noqonaya Madaxweynaha ee adigu wax sheego
Caydiid:
Saaxiibow laba nin oo isyaqaana baynu nahay oo heshiin mayno
C/llaahi:
waa runtaa oo Madaxweynanimada ku heshiin mayno
Caydiid:
Waa yahay saaxiib waad naga qashqashtay sheekadii
C/llaahii:
Waa yahay!. Qush ma leh!
C/llaahi
iyo Puntland
C/llaahi Yusuf wuxuu intaa u soo halgamayey waa
inuu mar uun Madaxweyne noqdo. Wuxuu noqday Madaxweynaha Dawlad
Goboleeda Puntland. Waxay noqotay Puntland meelaha ugu
nabadgelyada badan Soomaaliya uguna Qanisan. Waxaa isugu yimid
dhamaan Soomaalida inteedii kale iyo weliba dalalka jaarka ah si
ay uga ganacsadaan ama uga shaqaystaan.
Madaxweyne C/llaahi waa nin aad u qadiyad adag oo
leh fikir iyo hiigsi aysan lahay Soomaalida inteeda kale. In
kabadan 30 sano ayuu safar adag oo dhibaato badan u soo galay si
uu riyadiisii run uga dhigo. Maantana wuxuu gaaray dhamaadka
safarkiisii oo wuxuu ku fariistay kursi ka weyn kana qiima badan
kii Puntland oo ah Kursiga Jamhuuriyada Soomaaliya. Waxaa haboon
in ay Soomaalidu daalacdaan halganka iyo rafaadka uu
Madaxweynuhu u soo maray si uu u gaaro ujeedadiisa kuna daydaan
si ay marka dhib yari ugu dhaco aysan uga harin meeshii ay
heeganka u ahaayeen.
Waxaa halkaa lagala bixi karaa cashar aad u yaab
badan oo dadka la takooraa ay ka faa’iideysanayaan harid
la’aanta, hurda la’aanta, mintidnimada, niyad wanaaga, isku
kalsoonaanta, yeeshaana qorshe iyo yididiilo ay kaga
dhabeynayaan ujeedadooda.
Waxaan warbixintan ka soo xigtay A. Aw-Yusuf
KII NOO
HAGAAGEE NOQO LOO HANWEYN YAHAY!
C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com