Ku: Madaxwaynaha Jamhuuriyada
Federaliga ee Soomaaliya
- Ku: Madaxwaynaha
Jamhuuriyada Federaliga ee Soomaaliya
- Ku: Afhayeenka Baarlamaanka
ee Dawlada Federaliga ee Soomaaliya
- Ku: Xildhibaanada Dowlada
Federaliga ah ee Soomaaliya
- Ku: Wasiirka koowaad iyo
Xubnaha Dawlada Federaliga ee Soomaaliya
- Ku: Dhamaan waxgaradka
Soomaaliyeed
Ujeedo: Hambalyo
Waxaan hambalyo aad u qiimo badan
aan u diraynaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaiy Mudane Cabdullahi
Yusuf Ahmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif , Xildhibaanada
dowlada iyo dhamaan xubnaha kala duwan ee dowlada.
Anagoo ah Ururka Somali
International Minorities of America “SIMA” laamihiisa kala duwan
ee caalamka waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dowlada cusub
ee dhawaan lagu unkay wadanka aanu jaarka nahay ee Kenya waxaanu si
buuxda u taageersanahay dawladaas iyo madaxdeeda.
Waxaanu codsanaynaa in ay dowladan
cusub noqoto mid ku dadaasha cadaalada, sinaanta iyo in ay si xoog
ah ula dagaalanto kala sareenta quursiga, takoorka, dhaca, iwm. Taas
oo ay ku dhibaataysnaayeen muwaadiniin fara badan kuna waayay
xuquuqdii ay ku lahaayeen dhulkoodii hooyo sida: dhulkoodii,
beerahoodii, guryahoodii iyo hantidoodii kale.
Mudane Madaxwayne waxaan si toos ah
kaaga codsanaynaa in aad go’aan degdeg ah kasoo saarto qorshahaaga
ku saabsan sidii aad wax uga qaban lahayd arimahaas aan soo sheegnay
iyo in aad u howlgasho sidii wadanka loogu soo dabaali lahaa
cadaalad buuxda ILLAAHAYNA ha kuu fududeeyo arimahaas oo dhan.
Waxaan ugu dambeyn leenahay
hambalyo mar labaad iyo wada shaqayn wacan.
Gudoomiyaha Ururka Somali
International Minorities of America “SIMA”
ABDINASIR
ABDALLA YUSUF
SIMA Branch Dubai UAE
Email:
simadubai@midgaan.com