Ma
Hungowday Himiladii Hargaysa?.
Asad
Cadaani Ibraahim
assadlaska@yahoo.com
Laascaanood, Soomaaliya
Waxaa jirtay In ay markasta ku
hamiyaan siyaasiyiinta Reer
Hargaysa Gaar ahaan kuwooda
gooni isu taaga u heelani in ay
had iyo jeer u heelan yihiin in
ay mar uun Xuduuda wixii hore
loo odhan jiray Somaliland ay
malayshiyadoodu gaadho, taas oo
noqotay himilo ay adkaatay hir
galinteedo.
Madax
dhaqameedyada
Laascaanood
Laascaanood |
Waxaanu hubaal ah in xilligii
uu hogaanka u qabtay Riyaale
Kaahin maamulka la magac baxay
Somaliland kaas oo isagu ahaa
maqaar saar, ay arrimaha iyo
siyaasadii ay hiigsan jireen
siyaasiyiinta reer Hargeysa
sidii ay u gaadhi lahaayeen
xuduuda Riyada ku dhisan ay
geed sare ku laalan tay , iyada
oo uu ku talaabsadey Riyaale
Kaahin talaabadii ugu
khatarsanayd ee Awarkii
Somaliland adhaxda ka kala
jibisay markii uu Booqashadii
lala yaabay uu ku yimi magaalada
Laascaanood isaga oo
quudaraynaaya in uu hal dhaxa
laba shinbirood kuwada dilo.
Waa tan koowaade in uu u
xaqiijiyo beelaha Reer Shiikh
Isixaaq in uu gaadhay goobo ay
ku hungoobeen siyaasiyiintii ka
soo jeeday mudadii dheerayd ee
ay hogaanka u ahyeen Maamulka
Ismagacaabay, oo ay ku dhiiran
waayeen in uu isagu tagay ,
isaga oo laba arrimoodba ka
doonaya waa tan koowaade in uu
taageero kaga helo isla markaana
shacbiyada ku samaysato xilligii
wax doorasha lugu naanaysay ay
ka dhacaysay maamulka la magac
baxay Somaliland iyo in uu tuso
Reer Khiikh Isixaaq in uu daacad
u yahay hogaanka Somaliland , oo
lee yahay waykaas reer Shiikh
isixaaqoow anigu gaadhay halkii
aad gaadhiweydeen idinka oo
intaas xilka hayey taasina waxay
daliil u tahay daacad nimadey
Somaliland-nnimada.
Waxa Kale oo uu Doonayey Riyaale
in uu Ku beer laxawsado Beelaha
Dhulbahante iyo Warsangali oo ay
xilli xilliyada ka mid ah beesha
Gedibiirsay Isbaahaysi
siyaasadeed ay lahaan jireen
xilligaas oo ay Soomaalinnimada
u ololayn jireen, in uu iyagan u
sheego in wali isgarabaysigii
siyaasadeed jiro in kastoo
duruufaha siyaasadeed is
badeleen, isaga oo iyaga is
lahaa hadiiba ay doorashadu
goobo ka mid ah dhulkooda ka hir
gasho halaguugu rido wixii
Doorasha loo suuro ekeeyey.
Iyada oo ay himilooyinkaas uu
hiigsanyey Riyaale Xilligii uu
Laascaanood Tagey oo dhan ay
kala tureen sadex Baroon oo ka
mida mujaahidiinta Ciidamada
Daraawiishta Puntland Taas oo ku
kaliiftay in uu u adkaysan kari
waayo sadexda baroon iyo
wiilashii saarnaa
hadhgalayna uu
ka huleelay Koonfurta Magaalada
Laascaanood , Taasina waxay
meesha ka saartay dareenkii uu
xanbaarsanaa Riyaale , waxaana
ay cadaysay Mawqifkii iyo
dareenka Reer
Sool, Sanaag Iyo
Cayn, in aanu marnaba liicayn
mawqifkooda Soomaaliweyn ee ay
taagan yihiin xilligii la
doonaba hala arkee.
Talaabada Labaad ee uu qaaday
Riyaale ee uu maanta si uu ka
yeelo garan la yahay waxay
noqotay Ciidamo uu soo tubay
Jiida hore ee gobolka Sool,
kuwaas oo uu ku tilmaamay
maamulkiisu in ay soo xidhayaan
Xuduudii Ingiriisku ka tagey,
iyada oo ay kuna yimaadeen sida
ay sheeganayaan qaylo dhaan kaga
timi raga siyaasada deegaanka
hore looga muquuniyey oo hada
door biday in ay Riyaale
gaashaan ka soo dhigtaan si ay
damacooda siyaasadeed u
fushadaan, waxaa hadaba
isweydiin mudan kuwaasi Riyaale
ma jarbay ka tuurayaan mise dan
ayey u wadaan?.
Xaalada maanta Riyaalena ay
tahay Xagu Gabi-Xaguna Gabi
Gudcur daaha Sooragay iyo
Labadar mid lagu dooransii in uu
sidii uu ka yeeli lahaa
ciidamadaas garan la yahay
Horena u wadi kari waayey dibna
u celin kari waayey, iyada oo
labada jeerba ay Riyaale ku
tahay Guul daro weyn oo aanu ka
soo waaqsan Karin , oo aanay u
suurta galin karayn in uu
kursiga ku sii fadhiyo xilliga
yar ee ka hadhsan sidii
dhidibada loogu taagi lahaa
dawlada Soomaaliyeed.
Waa
tan koowaade haddii uu Riyaale
Ciidamadiisa dib u celiyo ma
heli karo wuxuu ku qanciyo kuwa
xagjira ee ka soo jeeda beelaha
Reer Shiikh Isixaaq ee ku mamay
wax lagu magcaabo Somaliland,
iyada oo uu xilka halkaasi
kuwaayi karo.
Tan labaad ee iyaduna u furani
Riyaale waxay tahay isaga oo
Dagaal qaada, taasina ay ka
daran tahay tan hore , iyada oo
ay hadaba muuqato sida loogu
diyaar garoobay Ciimada beelaha
Waqooyi Galbeed , oo ay xaaladu
maanta u muuqato hadii dagaal ka
qarxo Halka ay maanta isku hor
fadhiyaan lamada ciidan uu noqon
karo mid lagu wiiqmo, isla
markaan isu badelo dagaal
qabiil, waxaana taas daliil u ah
Ciidamada ka soo jeeda dhinaca
Maamulka Somaliland oo durtaba
furfur ku bilaabmay markii ay
iskaga soo baxeen askar ka
tirsanayd Ciidanka Maamulka
lamagac Baxay Somaliland oo u
dhashay Gobolka Sool, iyada oo
qaab dhismeedka ciidamada
Maamulkaasi uu yahay mid aad u
jilicsan oo marka xabadu afka ka
baxdo aan la karanayn halka ay
umuuri ku danbayn doonto iyaga
oo aan deegaan kodii joogin
dhibaato badanina la soo
darsayso..
Halka Ciidamada Puntland ay
Taageero shacab iyo dhuleedba ka
helayaan Jiida ay ku sugan
yihiin, iyaga oo haatanba
meeleeyey kuwii ka soo galay
dhinaca Maamulka Beelaha W/Galbeed,
xaaladuna ay ku danbayn doono
Maamulkii la magacaxay
Somaliland ee Beelaha Hargeysa
Iyo Burco ee ku faani jiray
Nabad oo dhul iyo dheefba waayey
kana dara goobaha ugu daran
dunida ee dagaalada sokeeye ka
socdaan , Colaad iyo
hurgumooyinkeedna dhax
xaluusha.
Haddaba miyaanay u muuqan
Hankii Iyo Himiladii Reer
Hargeysa Oo Hungowday , iyo
Riyaaloo Koorihii Faraska uu
fuushan yahay ugo’ayo.
Asad Cadaani Ibraahim
assadlaska@yahoo.com
Laascaanood Soomaaliya
Afeef: Aragtida qoraalkani waxaa
leh qoraaga ku saxiixan