SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BORAME

Free Awdal Forum
REF : Borame No 2

 

Somaliland : The poor idea

Ka did burburkii dawladii soomaliyeed iyo qarannimada dhaawacantay, ummadda soomaaliyeed waxay qiraysaa manta in lagama maarmaan ay tahay muqadis ah soo noolayta dawladnimadii haybada lahayd ee micno u yeelaysay jirinta dadka soomaliyeed. Nimba timo xamar balse waxaa marag-madoon ah in afariyo toban sano oo taariikh madow ahayd inay soo gabagaboobayso. Dhibkastaa cashar culus iyay xambarsantahay tan soomaalida ku habsatayna waxaa laga dhaxlayaa waayo aragnimo iyo bisayl siyaasadeed oo kanaysa in ummada soomaaliyeed badankeedu si xaqiiqiya u fahanto karaamada ay leedahay dawladnimadu oo jiritaankeedu yahay mid muqadis ah waayo jiritaanka ummada iyaa ku xidhan.

Markii la kala yaacay nimba edge yar yuu ootay waxaana lagu noqay nidaamkii lagu dhaqmijiray dawladnimada ka hor. Dhibta dheeraatayna waxaa keenay soomaalida oo si fudud ku burburisay waxayna u lahayn waayo aragnimo dhismahega, taasoo ah Dawlad shayga loo yaqaan. 

Waqooyiga soomaliyeed wuxuu ka mid yahay edegyada la ootay ee  ku salaysan qabiil. Balse wuxuu ka mid yahay gobolada uugu nabdoon ee dalka waana mid ay ku amaananyihiin waxgaradka iyo madax-dhaqameedyadoodu. Hase ahaatee halkii loo baahnaa taariikhda iskamay taagin waana nasiib daro ugu weyn.  

Godka ay seegeen reer waqooyi waa mid ah khalad weyn oo siyaasadeed canaantana waxaa iska leh intii siyaasiin is bidaysay. Reer waqooyi waxay haysteen fursad ay ku hogaamin kari lahaayeen soomali iyo dalka idaylkii. Waxay lumiyeen in Hargaysa noqoto udub-dhexaadka laga hago siyaasada iyo danaha soomaaliyeed. 

 Waxaa loo baahnaa in la qadariyo mustaqbaklka fog iyo aayaha dambe halka laga maamuusay siyaasad meel gaadheyn oo ku salaysan laab-lakac iyo xamaasad sal u noqon  karin mabda’ siyaasadeed oo ummad hogaan u noqda. Arimada laysku qanciyo ee arintaa la xidhiidhaana ma leh nuxur micno samaynaysa laakiin afhayeenadoodu way isla toosan yihiin ilaa hadda ( they lay down the law). 

Arinta la yaabka leh waxay ka taagan tahay Awdal oo uu ka soo jeedo Daahir rayaale oo madax ka ah Soomaaliland. Gobolkaa isaga ah lama wadaago waqooyi/galbeed iyo Togdheer arimo badan oo ay ugu horeeyaan dareenka laga bixiyo marka laga hadlayo gooni-isutaaga ay aas-aaseyaal u yihiin koox yar oo ka tirsan urur-qabiileedkii SNM oo isku tilmaama inuu yahay urur xoreeyay (!!) Waqooyiga. 

Ummada reer Awdal way ka dharagsan tahay ula jeedooyinka ka dambeeya siyaasada raqiiska ah ee u ololeysa kala goynta dalka Soomalia. Taana waxaa markhaati u ah dhowrka qodob een gadaal ka sheegi doono.  

Marka hore aan ku horeeyee dawlad amba State waxay jiri kartaa marka la helo 4 shuruuudood oo la taaban karo (objective conditions):

  • 1)    Dhul gaar ah ( territory)

  • 2)    shacab

  • 3)    Awood habaysan ( organised authority))

  • 4)    Aqoonsi ka yimaada dawladaha dibada ( international recognition))


RIYAALE vs SAXAAFADDD::: GUJI

Afartaa shuruudood laftoodu kuma filna dhalashada amba hirgalinta firkirka dawladeed. ( dawladnimadu waa fikir amba idea). Sobobtoo ah waxaa lagama maarmaan ah in shicibka ku nool dhulkaasi ay wadaagaan wacyiga u dirma amba ka dab-qaata baahida inay ismaamulaan, maamulkaas oo laga hirgasho dhulka ay ku wada noolyihiin; waa inuu shicibkaasi waadaagaa dhacdooyin  taariikheed hore amba/iyo mustaqbal mid ah; Waa inuu shicibkaasi leeyahay qiimayn isku aragtiya oo ay ka dhex daalacan karaan fikirka dawladnimo. Burhaanta keentay baahida is maamul inay  ka midaysnaadaan iyaa fure ah. 

Afarta shuruudood iyo qodobada muftaaxa u ah marka laysla helo iyay dhalataa dawlad qaran magaciisa ku hawl gashaa. Taasaa markaa hirgalinkarta fakir xeerka waafaqsan. Culumada xeerka dastuuriga qoray waxay isla heleen in dawladu tahay fakir amba aragti xeeraad (an idea of law). 

Su’aashu waxay tahay Boorama , Baki, Lughaya, Saylac iyo Gabilay badankeedu ma la dareen bay ahaayeen Hargaysa, Berbera iyo Burco? Haddaan lays indho tiray amba doqoniimo qarsoonayn jawaabtu waa maya. Sidaa darted af-gubaadsiga ku salaysan jiritaan amba doonitaan wax la yidhaa soomaaliland ma waafaqsana sharciga caalamiga ah iyo damiirka guud ee ummada soomaaliyeed.

Sookii Xasan Sheekh Muumin Burco ka lahaa : Waxaan daacad ahaynba dabaduu ka xumaan!! 

Mar hadday sidda xaqiiqadu tahay Soomaliland maxay tahay? 

Soomaliland wa magac ka hadhay gumaystihii ingiriis oo micnihiisuna yahay dhulkii soomaaliyeed. Dhul ahaan marka la eego magaca soomaaliland kuma koobna waqooyiga oo kaliya ee waa intii soomaali dagtoo idaylkeed. Ceebi kuma jirto. Lakiin soo celinta magac ka soo baxay afka gumayste in xarago laga dayaa waxay ceeb ku tahay soomali oo idil gaar ahaan intiin mujaahidiinta ahayd ee xaq u dirirka ahayd ee u dhimatay gobonimada soomaaliyeed. Waa nasiib daro in aqoonyahano waqooyi u dhashay arintaas oo kale ay ogolaadaan. Dad la maamuuso waxaa ugu sharaf badan intii gumaystihii cadaanka ahaa la soo jihaaday iyagaana loogu yeedhi karaa Mujaahidiin.

( Cabdirahmaan aw Cali iyo saaxiibadii (SNM) oo 257 muwaadin ku dilay Boorama iyo Dilla 1991 February 2nd mujaahid miyaa?)

Maamulka Soomaaliland waa ficil raqiisa oo gaar ahaan cay’ ku ah AWDAL. Inta gobolkaa u dhalatay ee ku barartay magac u yaalka Rayaale iyo jagada maqaar saarka ah ee loo dhiibtay waxay gudayaan gurcud. May garan waxa lakala macaashaayo iyo waxaa loo dig iyo dam leeyahay. Iloowsha dhawaa ma sidii umushaa. 

Rayaale laftiisu waa shaqsi aragtidiisu dheerayn oo marka horeba isku kalsoonayn waayo jagadii u dawladii Siyaad Barre ka hayay iyuu cuqdad ka qaaday. Inuu ku faanay ahayd jagadii uu ka hayay dawladii soomaaliyeed iyo xilkii ummada uu u hayay. Ma haboonay inuu manta sobobtaa darted uugu habrado Qabiil la damacsan nacasnimo. Taariikhda inuu la saftay ahayd. Balse wuxuu darajo moodayaa waa adeegsiga burburka qabiilka uu ka soo jeedo. Maanta hadduu darajo moodaayo inuu hayo waxaa ka sharaf badnayd jagadii iyo darajadii uu ka hayay maamulkii soomaaliyeed. 

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..

Hadal iyo dhamaantii Daahir Rayaale ma bakhtiin karo ololaha reer Awdal ee ku salaysan badbaadada sharaftooda iyo la safashada taariikhda iyo mustaqbalka? Waa maya waayo awoodeeda ma leh. Taariikhda madow ee Daahir Rayaale gacantiisa ku dhigaayo noqon mayso mid loo aaneeyo reer Awdal oo marnaba qabin dareenka Isaaq ku dhaliyay fikirka raqiiska ah ee u adeegaya gumaystaha iyo cadowga mustaqbalka soomaaliyeed.  

Dr. Dahir Haji Nuur
Fradal1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
TACSI::::
Marxuum Bashiir Ducaale Saalax oo ku Geeriyoodey Pakistan::: Guji
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare
Doodii Dadweynaha ee 2001

 



HTML CD