SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARQAD FURAN
 
Daabaco Boggan | Print

Warqad Furan oo ku socota ummadda Soomaliyeed

Warqad Furan oo ku socota

  • Ø      Madaxweynaha Kumeelgaarka Dowladda Federaalka Mudane Abdullahi Yusuf
  • Ø      Xubnaha Baarlamaanka ku meelgaarka ee Federaalka Soomaaliya
  • Ø      Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo guud ahaan muwaadhinka  Soomaaliyeed

Talo Jeedin Tirsigeedu yahay: 01102404 - Habka Badbaadinta Soomaaliyeed 

Horudhac

Waxaan shaki ku jirin asbaabaha soo socda in ay yihiin kuwa ugu waaweyn ee dumiyey qaranka Soomaaliyeed: 

1)      Ku xadgudub Xuquuqda Ilaah (SWT) ee ah in la ilaaliyo xuduudiisa lagana dambeeyo si buuxda oo aan shaki ku jirin xukuumad iyo shacabba dhan waliba oo ka mid ah nolosha umadda.

2)      Waxaa si buuxda loogu dhaqmin loona ixtiraamin dasturkii iyo xeerarkii u degsanaa qaranka ee lagu hagi lahaa siyaasadda, dhaqaalaha, garsoorka, waxbarashada, iyo guud ahaanba arrimaha bulshada isla markaasna suurogalin lahaa cadaalad, sinnaan, midnimo iyo barwaaqo.

3)      Waxaa loo adeegsaday awoodda dawladda ee maamul, sharci deign, iyo garsoorba danaha gaarka ah ee maamul wadeenada dawladda, qabiilkooda, iyo kooxaha ay gacan saarka leeyihiin iyadoo halkaa ku dhuntay dantii guud ee qaranka, hantidiisa, cadaaladi, xuquuqda muwaadhiniinta iyo midnimadii soomaaliyeedba.

4)      Waxaa la waayey oo dib loogu diimey habkii demoqaadhiyadda ee soomaalida waligeed ku dhaqmi jirtey heer qabiil iyo mid dawladeedba ka hor xilligii kacaanka ee dawladdii Moxamad siyaad. Waxaa beddelay nidaamkaasi nidaamkii kacaanka ee loogu magic daray Nidaamka Hatiwadaaga ee cilmiyeesan kasoo burburiyay habkii lahaanshaha gaarka ah iyo dhaqaalihii dalka, dhaqankii iyo diintii umadda soomaaliyeed, walaalnimada, iyo midnimadii shacabka iyo weliba dhismihii qoyska soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale caburiyay lana dagaalamay xurriyaddii xagga afka (hadalka), maskaxda (fekerka), qalbiga(caqiidada) iyo gacanta (qoraal iyo wax soo saar) ee muwaadinka soomaliyeed gaar ahaan culumaa’u diinka, waxgaradka, aqoonyahanka, iyo hogaamiyaasha dhabta ah ee beelaha soomaliyeed.

5)      Waxaa ka dhashay arrimaha kor ku xusan taag darri dawladeed, dhaqaala xumi, deen qaran oo badan, tuugsi qaran oo joogta ah, daryeel la’aan ku dhacday shaqaalaha dawladda, booliska, garsoorka, xoogga dalka, iyo dhammaan xubnaha shacabka soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale soo if baxay khilaaf joogta ah ama tafaraaruq, isnaceeb, xaasidnimo, munaafiqnimo ama daacad la’aan, xusul riix, musuqmaasuq, eex, qaraabo kiil, khiyamo qaran, qabyaalad qaan gaartay, xulufo iyo mucaarad hubeysan, xagal daacin qaran iyo waliba boobka hantida dalka.

6)      Waxaa bilowdey halkan hubeysan iyo mid siyaasadeed oo loogu talo galay in lagu badbaadiyo qaranka laguna dumiyo dawladdii siyaad ee kali taliska heyd ee sabatay dhibaatooyinka kor ku xusan. Hase yeeshee waxaa ka dhashay arrinkaasi in dawladdii mujrimka aheyd ee siyaad barre ay adeegsato awooddeedii mileteri si ay u baabiso mucaaradka hubeysan iyo cid alla ciddii taageertay mucaaradka hiil iyo hooba. Waxaa nasiib darro in halkaa naf iyo maalba ku waayeen dad badan oo soomaaliyeed oo xuquuqdoodii difaacayey una dagaalamayey sidii ay u soo ceshin lahaayeen sharaftooda.

7)      Kama danbeystii dagaalkii xaq u dirirka wuxuu isu bedelay dagaal sokeeye oo socday muddo 14 sano ah kasoo weli ka jira meelaha qaarkood ee dalka. Waxaa sidoo kale dagaalkii sokeeyey ka dhashay dalka in uu si buuxda u burburo una qeybsamo dawlado gobaleed madaxbannaan iyo qeybo ay ka taliyaan kooxo hubeysan oo ka faa’ideystay burburka qaranka. 

Haddaba waxaa nasiib wanaag ah in bishan octoobar tobankeedii 2004ta, ay inoo curatay dawlad federal ah oo loo idil yahay laguna dhisey axdiga cusub ee qaranka oo ay hore u ansixiyeen wakiilada umadda soomaliyeed kuwasoo ku shireyey Kenya muddo ku dhow laba sano. 

Waxaa la gudboon hogaamiyaasha dawladda cusub ee federaalka oo uu ugu horreeyo madaweynaha lagu doortey aqlabiyadda baarlamaanka soomaaliyeed Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed in ay texgeliyaan talooyinka hoos ku qoran: 

1)      In aad dib u eegtaan asbaabaha burburiyey qaranka soomaaliyeed sida matalan kor ku xusan oo aad ku talaabsataan sidii aad uga fogaan laheydeen asbaabahaas iyo kuwa la midka ah ee qaranka dumiyey.

2)      In aad la timaadaan aragti cilmiyeesan iyo xikmad ballaaran oo aad ku hogaamisaan qaranka idinkoo soo bandhigaya qorshihiina siyaasdeed, dhaqaale, dibudhiska qaranka, iyo dibumideyta umadda muddada shanta sano ee ku meelgaarka ah.

3)      In la idin ka arko Iiman, daacadnimo, dabacsanaan, cadaalad, sinnaan, wadajir iyo akhlaaq ku dheehan hab dhaqankiina siyaasadeed, dhaqaale iyo mid bulshaba idinkoo islamarkaas muujinaya in idin dib uga noqon doonin gusha kasoo hoyatay nairoobi cid kastoo is hortaagtana laga guuleysan doono Allah idinkii..

4)      In nabad iyo siyaasad lagu xaliyo khilaafadka ka jira dalka gudihiisa oo aan marnaba awood loo adeegsan

5)      In aad ku dadaashaan in aan loo baahan ciidan shisheeye oo dalka la keeno tasoo sababi karta dhibaatooyin hor leh. Haddiise laga fursan waayo waa meesheeda markii la waayo xal kale.

6)       In aad u yeertaan aqoonyahanka iyo waxgradka soomaaliyeed ee dibedda ku nool si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska qaranka.

7)      In degdeg loo soo dhiso maamul gobeleedyada dhiman ee gobolada koonfuta isla markii ay cagodhigato dawladda federaalka.

8)      In loogu baaqo xubnaha shacab soomaaliyeed in ay gutaan waajibaadkooda muwaadhinnimo iyagoo bixinaya wixii looga baahdo naf, maal, aqoon iyo xirfadba si qaranka cagihiisa ugu istaago islamarkaasi looga maarmo tuugsi dibaadeed oo ah gunnimo iyo sharaf dhac iyo waliba in xoogag shisheeye si buuxda dibadda nooga taliyaan waayo lax walba meehsii ay is dhigto ayaa lagu qawracaa. Haseyeeshee, wax dhib ma laha in saaxiibada umadda soomaaliyeed laga qaato wixii taageero ah oo ay bixiyaan iyadoo aan lagu xirin shuruudo dhaawaya sharafeena iyo madaxbannaanideena una addegeynin danaha gaarka ee deeqbixiyaasha. Sidoo kale xubnaha shacab soomaaliyeed waxay si buuxda ula xisaabtami karaan dowladdooda marka ay la yimaadaan waajibaadkooda muwaadhinnimo naf iyo maalba.

9)      In dawladda federaalka ah ee ku meelgaarka ay si buxda u soo diyaariso dustuurkii uu ku dhami lahaa qaranka ka dib marka ay dhammaato shanta sano ee kumeelgaarka ah iyadoo ay waajib tahay in dustuurkaasi uu marnaba ka horimaanin shareecada diinta Islaamka ee saldhigga u ah dhaqanka umadda soomaliyeed sida ku cad axdiga ku meelgaarka ee qaranka iyo in dastuurkaasi lagu ansixiyo afti qaran.

10)  Ugu dambeytii, in aad diyaarisaan shanta sano gudaheeda tira koob xaq oo lagu sameeyo dadka iyo hantida qarank ee degaan walba oo ka tirsan deegaanada dalka. 

Guuleysta Allah Idinkii.  

Waxaa diyaariyey warqaddan Furan:
Jubaland Foundation: Somali Philanthropic & development Organization
Ururka daryeelka iyo horumarinta soomalyeed: Jubaland Foundation
Founder and Chairman: Abdisalan H. Malla
Email:
awmadow@yahoo.com  

Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa lehqoraaga kusaxiixan 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2004

»SAMSAM AXMED DUCAALE vs HARGEYSA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar oo qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Xaflad lagu soo Dhawaynayey Dawlada Cusub ee Soomaaliya
iyo dareenka jaaliyada Som. Denmark Guji...
Ururka SIMA oo Dhambaal u Diray Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaliga ee Soomaaliya
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD