SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Xiriirka Caalamiga ee Warfidiyeenka oo ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya inuu ixtiraamo xorriyadda saxaafadda

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Brussels, Belgium

Email: Ingiriis@yahoo.com

Xiriirka Caalamiga ee Warfidiyeenka dunida (International Federation of Journalists) loona soo gaabiyo IFJ ayaa ugu baaqay Soomaaliya inay ku xoojiso distuurkeeda Qaranka iyo sharcigeeda saxaafadda qodobo damaanad-qaadaya xorriyadda saxaafadda. Xiriirku, waxa uu tilmaamay baahi degdeg ah in loo qabo in la hagaajiyo heerka xorriyadda saxaafadda.

War Saxaafadeed uu shalay soo saaray Aidan White oo ah Xoghayaha Guud ee IFJ, waxa uu ku yiri "Dadka Soomaalidu waa inay ka soo kabsadaan afar iyo toban sano oo ay argagixinayeen maliishiyooyinka hubeysan ee waddanka jooga, waana inay u dhaqaaqaan dhinaca dimoqraadiyadda, halkaasoo ay jirto ixtiraam ku jeeda xorriyadda saxaafadda iyo hadalka."

Waxa uu si gaar ah u weydiistay Madaxweynaha cusub inuu ixtiraamo xorriyadda hadalka, si ay ugu sahlanaato inay ka qayb qaataan suxufiyiinta xirfadleyaasha ah doodaha la xiriira tallaabooyinka saxaafadda cusub. IFJ, waxa ay xuseen inay raacayaan bayaanka ka soo baxay SOJON oo ah urur suxufiyiin Soomaali ah oo lamaane la ah IFJ iyo ururada kale ee xuquuqda aadanaha iyo saxaafadda.

"Waxaan soo dhoweynaynaa baaqa suxufiyiinta iyo kooxaha bulshada rayidka si loo difaaco, loona xoojiyo xorriyadda hadalka ee Soomaaliya" ayuu yiri White. "Waxaan taageereynaa sheegashadooda iyo baaqooda la xiriira in la joojiyo faafreebka tooska ah iyo kan aan tooska ahayn."

Dhanka kale, Bernard Ginet oo ah Agaasimaha mashruucyada IFJ aan kula kulmay xafiiskiisa usbuucii hore ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay xiriir ahaan uga difaacaan suxufiyiinta Soomaalida wax kasta oo halis gelin kara howlahooda. IFJ, waxa ay aaminsan tahay ayuu yiri in la helo mabaa'dii aasaasi ah oo lagu adkeynayo xorriyadda hadalka Soomaaliya.

Email: Ingiriis@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2004

»SAMSAM AXMED DUCAALE vs HARGEYSA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar oo qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Xaflad lagu soo Dhawaynayey Dawlada Cusub ee Soomaaliya
iyo dareenka jaaliyada Som. Denmark Guji...
Ururka SIMA oo Dhambaal u Diray Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaliga ee Soomaaliya
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD