Soomaaliya
oo Midowga Afrika Weydiisatey 20,000 oo Ciidan Nabad ilaalin
ah::
- Shir kusaabsan
Soomaaliya oo November 28keeda Lagu
Qaban doono Brussels.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah weydiistey Midowga Afrika (AU) in ay
Soomaaliya u diraan 20,000 oo ah ciidamada nabad ilaalinta si ay
hubka uga dhigaan melaysiyada hubaysan, sidaas waxaa
sheegay afhayeen u hadlay AU.
"Madaxweynuhu wuxuu sid rasmi
ah u weydiistey A.U. 20,000 oo nabad ilaaliyayaal ah si ay u
ururiyaan malaayiin hub fudud ah oo ay haystaan Soomaalidu"
sidaas waxaa weriyayaasha u sheegay afhayeenka AU oo magaciisa la
yiraahdo Adam Thiam.
Waxana uu intaas ku daray in
weydiisashadaas ay go'aan ka gaari doonaan AU qaybta u qaabisan
ammaanka oo shir yeelan doona maalinta Isniinta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda FKMG,
Cabdullaahi Yuusuf, waxa uu ciidamadaas nabad ilaalinta
weydiisashadooda si rasmi ah ugu gudbiyey madaxa AU, Alpha Oumar
Konare, mar ay kulan ku lahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan AU
maanta oo Sabti ah magaalada Addis Ababa, Itoobiya.
Madaxa xiriirka arimaha dibadda
ee Midowga Yurub, Javier Solana, oo asaguna booqasho ku tegey
xarunta midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa sheegay in ay
Soomaaliya caawin doonaan.
Mr. Javier Solana oo
weriyayaasha la hadlayay ayaa yiri "Madaxweynuhu (Soomaaliya)
iima cayimin weydiisasho gaar ah. Laakiin haddii weydiisashadu
timaado... markaas EU waa caawin doonaa Soomaaliya, waana
maalgelin doonaa ciidamada nabad ilaalinta sida Dafur oo kale",
waxana uu intaas kudaray in Brussels ay bisha November 28keeda
lagu qaban doonaa kal-faddhi ku saabsan Soomaaliya.
Waftiga madaxweynaha oo ka
kooban 16 xubnood waxa ay booqasho saddex maalmood ah ku joogaan
Abbid ababa...
Faafin: SomaliTalk.com | Oct
23
WARARKII SHALAY EE SAFARKA
WAFTIGA HOOS KA AKHRI:::
WAFTIGII MADAXWYNAHA JAMHUURIYADA
FKMG OO KA SOO DEGEY ADDISABABA::
Oct 22, 2004
Waftigii uu hoggaaminayeye
madaxweynaha Jamhuuriyadda FKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa
galabtay (oo Jimce ah) ka soo degey caasimada Itoobiya ee Addis
Ababa, sida ay werisey hay'adda wararka shiinaha ee Xinhua.
Saddexda maalmood ee waftigu joogi Itoobiya waxa ay la shiri
doonaan ururka Afrikaanka ee AU qaybta u qaabilsan ammaanka.
Waxa kale oo waftiga madaxweynu
la shiri doonaan ninka madaxda ka ah dhinaca xiriirka ee Midowga Yurub
Mr. Javier Solana iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi.
Arimaha ugu muhiimsan safarka
waftiga madaxweynaha ee ka kooban 16 xubnood waa arimo la
xiriira ammaanka iyo sidii ciidamo Afrikaan ah loogu helilahaa
Soomaaliya, kuwaas oo suga ammaanka.
[Eeg:
http://www.somalitalk.com/news/somalia/]
WARARKII SAFARKA WAFTIGA MADAXWEYNAHA UU
KAGA AMBABAXAY NAIROBI KA AKHRI HOOS:::
NAIROBI::::
Madaxweynaha Dowlada
FKMG, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi ay hogaaminayaan oo
maanta ka ambabaxay Nairobi.
sababta safarka in ciidamo ay siiyaan ururka A.U. Dowalada Cusub ee somaliya.
- Ra'iisul Wasaaraha oo
la magcaabi Doono marka Waftiga Madaxweynuhu Kusoo Laabtaan
nairobi
-
Wafdi ka socda Baarlamaanka
Talyaaniga oo ka soo qayb galay kulankii maanta ee baarlamaanka
Waxaa warkan soo tebiyey bahda
Somalitalk Nairobi
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) iyo
Canab Abdule Mumtaz
WARKA OO KOOBAN:::
Madaxwaynaha Jamhuuriyada
Federaaliga Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu
hogaaminaya ayaa galabta 3.55 garoonka Diyaaradaha ee
Wilson ka anbabaxay iyaga oo ku soo jeeda wadanka
Itoobiya Magaalada Adis Ababa.
Wafdiga uu madaxwayne
Cabdulaahi Yuusuf Axmed Hogaaminaya ayaa ka Kooban 16
Xubnood oo oo uu kamid yahay
Gudoomiyaha Baarlamaanka
Federaaliga Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, kuwas oo kaal
ah:
- 1- Sh Xasan Sh
Adan
- 2- Ismaaciil
Maxamed Hure Buubaa
- 3- Xasan Dhinbil
Warsame
- 4- Ismaaciil
Qaasin Naaji
- 5- C/qaadir Nuur
Caraale
- 6- Axmed Xaashi
Maxamed
- 7- Xusseen Sh
Maxamed
- 8- Amiin Axmed
Shiiq
- 9- Daahir Mire
Jabriil
- 10- Cabdulaahi
Maxamed Jabriil
- 11- Cabdulaahi
Rashiid Guure
- 12- Maxamed Faarax
Gees
- 13- Cabdi Wahaab
Macalin Maxamed
- 14- Maxamed Sh
Xasan
- 15- Yuusuf Cali
Haaruun
Madaxwaynaha Jamhuuriyada
Federaaliga Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf
Axmed isaga oo maanta la hadlayay Xubnaha Baarlamaanka
Soomaaliya waxa uu sheegay in ujeedada ay u aadayaan Adis Ababa
ay tahay in ay helaan Ciidamo Soomaalida Hubka ka dhiga .
Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa uu sheegay in aysan
Doowlada Soomaaliya Haysan Dhaqaalo isagoo sheegay in amaanka
loo baahanyahay in wax wayn laga qabto hadii aan amaan la helin
waxa uu yiri wax waliba way wareerayaan.
Waxaan ubaahanahay ayuu yiri in aan helno ciidamo hubka naga
dhiga Miisaaniyad iyo in wax nalaga qabto Ilihii Doowlada ee
Burburay.
Waxaan Afrika uga baahan nahay ayuu yiri madaxweynuhu
dhaqaalihii ciidammadaasi ku hawlgeli lahaayeen iyo ciddii
kharashkaas qaabili lahayd, waxana uu sheegay in safarkoodaani
qaadan doono muddo 3 casho ah ,iyagoo kula kulmi doona Addis
Ababa ninka madaxda ka ah dhinaca xiriirka ee Midowga Yurub
Mr.
Javier Solana oo ay kala xaajoon doonaan sidii uu ugu gogol
xaari lahaa wadahadalada dhexmari doona DKMGF ee Soomaaliya iyo
ururka midowga Yurub oo dhowaan ka dhici doona magaalada
Brussels.
Dhinaca kelana manta waxaa Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya
uyimid Wafdi ka socda wadanka Talyaaniga oo ahaa Safiirka
wadankaas ujooga Magaalada Nairobi iyo Xubin ka socota
Baarlamaanka Dalka Talyaaniga waxa ayna balan qaadeen in ay
dhinaca dhaqaalaha iyo Siyaasada ka taageeri Doonaan Doowlada
Soomaaliya.
Dhinaca kelana waxaa manta soo booqday xubnaha xidhibaanada
soomaaliya ninka caanka ah ee Talyaaniga ah ee hooyadiis ay
tahay Soomaalida ee lagu magacaabo Giuseppe Di Clemente ee 58
sano jirka ah
oo ku soo maray Baaskiil dalal badan oo caalamka
ah isagoo soo jaray masaafo dhan 16500 KM muddo 16 bilood ah,
isagoo socdaalkiisa dhanka Baaskiilka ah ka soo bilaabay 22kii
June 2003dii dalka Switzerland soona maray dalal ay ka mid
yihiin Spain, Morooko, Muritaaniya, Sinigaal, Burkinafaaso,
Gaana, Toogo, Beniin, Nayjar, Nayjeeriya, Kamaruun iyo Jaadh,
waxana uu sitey markii uu dalalkaas marayey calanka Soomaaliya.
Kulanka baarlamaanka ayaa laga yaabaa in uu dib u furmo maalinka
barito ah waxaana gudoomin doona gudoomiye ku xigeenka Koowad
Prof. Maxamed Cumar Dalxa.
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya.Nairobi Somalitalk
axmeddheere65@hotmail.com
WARBIXINTII SAAKAY EE KULANKII
BAARLAMAANKA OO FAAHFAAHSAN IYO SAFARKA WAFTIGA MADAXWEYNAHA::::
Canab Abdule |
SomaliTalk.com | Nairobi | Oct 22, 2004

Madaxweynaha
Jamhuuriyada FKMG, C/laahi Yuusuf Axmed |

Afhayeenka
Baarlamaanka FKMG, Shariif Xasan Sh.Aden |
Madaxweynaha Jamhuuriyadda FKMG ah
ee soomaaliya C/llaahi yuusuf Axmad oo maanta ka soo qayb galay
kulankii baarlamaanka si uu ugu sheego Baarlamanka casuumaad
dhawaan loo fidiyay dowlada iyo baarlamaanka soomaaliyeed kuna
aadan sidii ay hogaanka labada golle uga dalban lahaayeen
ururada Jaamacada Carabta , Midawga Afrika iyo Midawga Yurub oo
ku aadan taageero dhaqaale iyo aqoonsi.
Madaxweynaha waxa uu ugu horeyn
sheegay in ujeedada safarkooda ay ugu wayn tahay sidii ay uga
dalban lahaayeen ururka AU-da ciidamo suga amaanka Hubkana ka
dhiga maliishaadka soomaaliyeed ee hubaysan, keenista ciidamo
shisheeye waa astaanta xalka ummadda soomaaliyeed iyo soo
celinta amaanka iyo waliba howlgalka dowladeed oo fure u ah
shaqada bilowga ah ee na hortaala.
Ciidamada ayuu ku tilmaamay
Mr.yusuf in aysan ahayn kuwo ku ekaanaya xafiisyada dowlada iyo
howlaheeda ee ay si wayn uga howlgalayaan dalka oo dhan si aan u
helno amaan sugan caalamkuna noogu kalsoonaado oo aan hubka uga
dhigno inta hubaysan.
Madaxweynaha waxa uu intaasi ku
daray in safarkooda uu qaadan doono mudo sadax maalmood ayna
wadahadalo la soo yeelan doonaan madaxda ururada AU-Jaamacada
Carabta iyo Midawga Yurub,waxa uu xusan in wafdiga ku wehliya
safarkiisa ay kala socdaan shanta qayb ee beelaha soomaaliyeed
ayna ugu horeeyaan isaga iyo gudoomiyaha Baarlmaanka KMG ah
Shariif Xasan Sh.Aadan.
Mar uu ka hadlayay Madaxweynaha
Magacaabista Wasiirka koowaad waxa uu sheegay in uu ogyahay in
si wayn loo wada sugayo magaabista Ra'iisul wasaaraha FKMG ah ee
soomaaliya, waxa uu sheegay in magacaabista jagadaas ay tahay
howl culus walina uu wado la tashiga beelaha iyo baarlamaanka
sida uu qabo axdiga KMG ah Qodobada 46 iyo 47 oo sheegaya in
magacaabista wasiirka kowaad ay ku iman karto la tashi
baarlamaanka ah.dibadana in laga keeni karo hadii la isku raaco
wasiirka kowaad arrintaas oo jirta awgeedna ay sabab u tahay dib
u dhaca waxa uuna sheegay in uu haysto waqti badan oo ah mudadii
bisha ahayd ee la siiyay in uu ku magacaabo Ra'iisul wasaaraha
waxana intaasi ku daray in ka dib safarkooda uu magacaabi doono.
Wafdi ka socda Baarlamaanka
Talyaaniga oo ka soo qayb galay kulankii maanta ee baarlamaanka
Kulankii maanta ee baarlamaanka
iyo madaxweynaha oo ay ka soo qayb galay wafdi ka socday
baarlamanka talyaaniga oo uu hogaaminayay wakiilka dowlada
talyaaniga u qaabilsan shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed
ayaa ugu horeyn u mahadceliyay baarlamaanka sida ay ugu
guulasteen in ay doortaan madaxweyne ka dib mudo laba sano ah.
waxay wafdigan talyaniga ah
sheegeen ay salaan iyo hambalyoba uga wadaan gudoomiyaha
baarlamaanka talyaaniga ah baarlamanka iyo madaxweynaha
soomaaliyeed una rajeeyay in ay soomaaliya ka baxdo dowlad
la'aanta.
Wafdiga waxa ay intaasi ku dareen
in Baarlamaanka iyo Dowlada Talyaaniga ay dowlada soomaaliyeed
iyo baarlamanka la garab taagan yihiin taageero siyaasadeed iyo
dhaqaalo,ayna ka saacidi doonaan dib u dhiska dalka iyo wax ka
qabashada amaanka oo ay ku taageeri doonaan dowlada
soomaaliyeed,waxayna ugu baaqeen madaxweynaha iyo baarlamaanka
in ay u hogaansamaan sharciga ayna ku dadaalaan sidii ay
somaliya uga dhex muuqan lahayd caalamka.
Madaxweyne C/llahi Yuusuf oo u
mahadcelinayay wafdigaas ayaa sheegay in baarlamaanka iyo
isagaba in ay mid la mid ah salaanta uu u soo diray gudoomiyaha
baarlamaanka talyaaniga ka gaarsiiyaan,waxa uuna sheegay in wax
walba ay cad yihiin caalamka wax loo sheegayana aysan jirin oo
ay ka dharagsan yihiin xaalada soomaaliya ku sugan tahay iyo
dowladani ay meel eber ah wax ka soo bilaabayso,waxana ka
dalbaday in ay ka dhabeeyaan balan qaadyadooda.
Sidoo kale waxaa kulankii maanta
ka soo qayb galay nin talyaani ah oo ay hooyadiis soomaali
tahay, dhowr iyo toban dal oo afrikaan ahna ku soo maray baaskiil,
ninkan oo watay funaanad uu ku sawiran yahay calanka soomaliya
waxa uu sheegay in uu intaas oo dhan u marayay sidii somaliya ay
u heli lahayd Nabad,maantana uu ku faraxsan yahay in uu dhex
joogo baarlamaan soomaaliyeed oo madaxweynahoodiina uu dhex
fadhiyo waxa uuna ka dalbaday gudoomiyaha in uu siiyo waqti uu
baarlamaanka ugu sheego taariiqdiisa iyo waxyaabihii uu la
kulmay intii ku jiray safarka tabliiqaynta ee nabad raadinta
soomaliya la xiriiray sida uu sheegay.
Sida ay maanta werisey hay'ada
wararka ee Reuters, dayladda Britain waxa ay muujisay sida ay
diyaarka ugu tahay in ay Soomaaliya ka caawiso tababarka
ciidamada ammaanka ee hub ka dhigista iyo dib u soo celinta
xasiloonida dalka.. [Eeg
Britain willing to train Somali security forces].
Kulankii baarlamaanka ee October
20keedii ayey ahayd markii wasiirka Britain u qabilsan Afrika,
Mr. Chris Mullin uu
baarlamaanka Soomaalida ka soo qayb galay, sheegayna in
dowladiisu ay soo dhawaysay dhismihii baarlamaanka KMG ah ee
soomaaliyeed iyo waliba doorashadii Madaxweynaha waxa uuna ku
tilmaamay in ay tahay talaabo horumar leh oo ay soomaaliya
gaartay, waxa uuna ugu baaqay Dowladda soomaaliyeed ee dhismaha
uu ku socdo haatan in ay noqoto mid la tashi la samaysa shacabka
iyo ururada bulshada rayidka si awooda ay ugu wada sinaato. [Eeg
halkan].
Sidoo kale, bilowgii toddobaadkan
ayey ahayd markii uu safiirka Britain u fadhiya kenya,
Edward
Clay, uu sheegay in dawladiisu gacan siineyso dib u dhiska dalka
ee dawlada dhowaanta la doortay ee Jamhuuriyada federaalka
Soomaaliya. Sida ay werisey warbaahinta qaranka Kenya (KBC),
Edward Clay waxa uu yiri 'Soomaaliya waxa ay leedahay saaxiibo,
kuwaas oo ka gacan qaban doona dib u dhiska qaranka"
[EEG
Britain to support Somalia].
Bartamihii bisha Oktoobar, wax yar
ka ddib doorshadii madaxweynaha ayey ahayd markii ay wadamada
Afrikaanku aqoonsadeen natiijadii ka soo baxday doorshadii
baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 275 xildhibaan ay
madaxweynaha Soomaaliya u doorteen C/laahi Yuusuf Axmed. [Eeg
Halkan].
Shiinuhu
waa soo dhoweynahyaa (qaabkii doorashada madaxweynaha
Soomaaliya)..
China waxa uu
Soomaalida u rajaynayaa in ay dhidibada u taagaan
Dawlada Federaalka kumeel gaarka ah, garwaaqsadaan wada
xaajoodka, iyo mid nimada qaranka sida ugu dhaqsaha
badan, iyo in nabada iyo xasiloonida la soo celiyo.
China arintaas waxay ka qaadanaysaa tallaabo firfircoon..
Sidaas waxaa tiri Afhayeenka Wasaaradda arimaha dibadda
Shiinaha, Zhang Qiyue, oo warsaxaafadeed kaga
jawaabeysey su'aal laga weydiiyey doorshadii C/laahi
Yuusuf loo doortay MFDKMG..
Eeg halkan.. |
Octobar 14keedii ayaa Dawlada
Shiinuhu soo dhoweysey doorshadii madaxweynaha Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda arimaha dibadda Shiinaha, Zhang Qiyue, oo
ka hadlaysay arintaas waxa uu yiri: "Abdullahi Yusuf Ahmed waxa
loo doortay madaxweynaha Dawlada federaalka Kumeel gaarka ah ee
Soomaaliya, taas oo wadanka (Soomaaliya) ka dhigeysa horumar loo
qaaday nabada", sida ay werisey warbaahinta shiinuhu..
Ruushka ayaa sidoo kale Octoobar
14eedii aqoonsaday dawlada cusub ee Soomaaliya. Afhayeenka
wasaarada arimaha dibadda ee Ruushka,
Mr Aleksandr Yakovenko, oo
arintaas ka hadlayey waxa uu yiri "Dawlada Ruushku waxay soo
dhoweyneysaa doorashadii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Col
Abdullahi Yusuf Ahmad", waxana uu intaas ku daray in dawladiisu
rajayneyso in si dhaqso ah loo dhamaystiro inta ka dhiman
dawlada si loo xaqiijiyo nabadda iyo in ammaanku kusoo laabato
Soomaaliya.
Octoobar 12keedii ayey ahayd
markii war-saxaafadeed ka soo baxay Maraykanka [U.S.
Department of State] uu muujiyey sida dawlada Maraykanku ay
ugu niyad san tahay baarlamaanka Kumeelgaalka ah ee Soomaaliya
oo qabtay doosho nabad ah oo lagu doortay C/laahi Yuusuf, iyo in
arintaasi ay tahay tallaabo horay loo qaaday xagga dib u
heshiisiinta Soomaaliya, dib u heshiisiintii laba sano ka hor
bilowday IGAD... [Eeg
warsaxaafadeedka]
Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>
| Somalitalk Nairobi
Waxa kale oo qormadan ka qayb qaatay bahda SomaliTalk ee
Woqooyiga Ameerika.