SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

SHIRWEYNIHII KOOWAAD EE URURKA INDHOOLAYAASHA SOOMAALIYEED OO MUQDISHO KA DHACAY

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro | Muqdisho | Nov 27, 2004

Waxaa Maalintii khamiista ahayd Hotel-ka Shamo ee magaalada Muqdisho lagu qabtay shirweynihii koowaad ee ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed, waxaana ka qaybgalay dhammaan indhoolayaasha Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir iyo kuwii ka yimid degmooyinka ku dhow-dhow gobolka banaadir,


Indhoolayaashii ka qaybgaley shiweynaha (foto Xiis  )

waxaana ugu horreyn halkaasi ka hadlay Sheekh C/raxmaan Maxamuud Culusoow oo isagu si aad ah ugu dheeraaday Taariikhdii ay soo mareen indhoolayaasha Soomaaliyeed isagoo sheegay in waqtigii ay jirtay dowladda ay heli jireen gacan ballaaran, sidoo kale wuxuu sheegay in ALLAHA u naxariistee Xaashi Wehliye oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo Maxamed Siciid Ciyoow (Gentelman) oo isagana ka mid ahaa ganacsatadii Soomaaliyeed ay kaalmayn jireen indhoolayaasha Soomaaliyeed, waxaa kaloo ka hadlay C/fitaax Maxamed Daahir oo ah nin indhoole ah oo haddana aqoonyahan ah wuxuuna sheegay in shacabka looga baahan yahay inay gartaan in ruuxa indhaha qaba iyo midka aan qabin ay isku mid yihiin. Xubninii kale ee halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Dr. C/risaaq Dalmar oo ah dhaqtar ku taqasusay cudurrada indhaha wuxuu sheegay in indho la’aantu ay ku timaado dhowr xaaladood, kuwo indho la’aantoodu ku timaado xuubka indhaha, kuwo ay biyo ka galaan dabadeedna ka ridaan, kuwo cudurro ka ridaan iyo kuwo dhaawacyo ay ka ridaan.


Gudoomiyaha Shirkadda Coca-Cola, Cabdirisaaq Ciise (foto  Xiis)

Gudoomiyaha shirkadda Coca Cola, Cabdirisaaq Ciise, oo isna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in shirkadda Coca Cola ay qayb ka qadan doonto u gargaaridda dadka indhoola-yaasha ah isagoo sheegay inay indhoolayaasha Soomaaliyeed u furi doonaan iskuul ay wax ku bartaan iyo inay shirkaddu ugu deeqi doonto 10-Compurter oo ah noocay isticmaalaan dadka indhaha la’, waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Abwaan Abshir Nuur Faarax oo sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay u gargaaraan dadka indhoolayaasha ah,


Dr Cabdiraxmaan Luunge (Foto Xiis)

Dr. C/raxmaan Maxamed Faarax (Luunge) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed, waxa uuna u mahadceliyay shirkadda Coca Cola oo u suurogeliyay inay qabsadaan shirweynahaan iyo weliba Hotel Shamo, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay indhoolayaasha Soomaaliyeed inay iskaashadaan si ay uga baxaan dhinaatada ay ku jiraan. Waxaa kaloo Dr. C/raxmaan Luunge oo qoraal dheer ka aqrinayay warqaddo ay ugu qornaayeen barnaamijkii qudbadda ahayd ee uu ugu talo galay shirweynaha isagoo adeegsanaya afrta Braille, wuxuuna sheegay in tiknologiyadda Casriga ah ee Caalamka ay suurogelisay in qofka indhoolaha ah iyo midka indhaha qabay ay isku si u dhaqmaan.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2004


BILICDA SOOMAALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil
Waa wiil yar oo Soomaaliyeed, oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
 
Haldhaa / Goray
gorayo
Waa haldhaa ama Goray dhex mushaaxaya dooga iyo Bilicda Soomaaliya oo nabada.
 
Si aad waxbadan uga ogaatid bilicda Soomaaliya iyo khayraadka ku duugan Guji halkan

. Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka
. Nolosha Dhabta ah ee Muqdisho


Janaayo 23, 2002: Hay'ad Samaafal Soomaaliyeed oo Qalab Mucaawino ah u Qaybisay Naafo iyo Waayeel Soomaaliyeed oo kusugan Cadaado iyo Banaadir  

QISADII MADHOODHOW: Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

<><><>

SOMALITALK.COM KA AKHRI:

Sawirada: Google & Yahoo search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada