SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print

Nairobi: Guriga Madaxweynaha DFKMG oo Tuugo Soo Weerartay

17/11/2004

Kenya - Labo nin oo hubaysan ayaa xalay isku deyay in ay soo jebiyaan guriga madaxweynaha DFKMG uu ka degan yahay Nairobi (oo ku yaal dhanka galbeed ee magaalada Nairobi), arintaas oo sabatay in ciidanka ilaalada kenya ee aagaas ilaalinayay ay dableydaas tacshiirad is weydaarsadeen, halkaasna ay tuugadii ka carareen, sidaas waxaa yiri sarkaal Soomaaliyeed oo ay soo xigatey warbaahinta Koonfur Afrika.

Wax dhaawac ah lama soo sheegin.

Dhacdadaas ka dib ciidanka ammaanka kenya waxa ay adkeeyeen ammaanka madaxweynaha DFKMG, Cabdhullaahi Yuusuf Axmed, oo ah madaxweynaha bishii Octoobar 10keedii ay Nairobi ku doorteen 275 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee lagu soo dhisay Kenya.

"Aad iyo aad ayaan ugu qanacsanahay ammaanka kenya. Waana mas'uuliyadooda in ay arinta baaritaan ku sameeyaan" sidaas waxaa yiri Yusuf Mohamed Ismail, afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya shalay galab ayuu kusoo laabtay Nairobi [warka safarada waftiga MDFKMG hoos ka akhri].

ISHA: Sapa-AP

Faafin: SomaliTalk | 17/11/2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Madaxweynaha Dowlada FKMG ah iyo Afhayeenka Baarlamaanka oo galabta ku soo laabtay Magaalada Nairobi.
 Canab Mumtaz | Somalitalk | Nairobi
canabmumtaz@yahoo.com

16/11/2004

Wafdiga ka socday Dowlada iyo baarlamaanka oo baryahaan la wada sugayay in ay dib ugu soo laabtaan dalka kenya oo ah halka ay ka socdeen wadahadalada soomaaliyaa ayaa maanta ka soo dagay garoonka Jommo kenyatta ee magaalada Nairobi.

 
Wafdiga waxaa ku soo dhaweeyay garoonka wasiirka kowaad,ku xigeenka gudoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanada baarlamaanaka FKMG ah ee soomaaliya.
 
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmad,Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Iyo wafdiga weheliyay safarkooda oo u gacma haatinayay xubnihii soo dhawaynayay ayaa dib ugu soo laabtay fariisimadoodii.
 
Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay bari galinka hore kulan la yeeshaan baarlamaanka si ay uga warbixiyaan safaradii ay soo galeen iyo waxyaabihii ay kala soo kulmeen intii ay ku jireen safaradas kala duwan ayna ku soo kala bixiyeen qaar ka mid ah wadamada Afrika iyo Dunida muslimkaba.
 
Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee soomaaliya iyo xubnaha la socday ayaa kulamo la soo yeeshay madaxda wadamada ay tageen iyagoo war bixinayay xaalka soomaaliya hor dhigayna ajandaha dowlada cusub iyo barnaamijyadda ay uga baahan tahay wadamadaas oo ah taageero dhaqaale iyo aqoonsi si wax badan looga qabto dhibka ka jira soomaaliya dowladdana ay noqoto mid si dagan uga howl gasha soomaaliya.
 
Dhamaan kulamaasa waxyaabihii ay kala soo kulmeen ayaa laga sugayaa in ay baarlamaanka hor dhigaan kulankooda uga horeeya.
 
Dhinaca kale wasiirka koowaad ayaa wali wada kulamadii uu la lahaa siyaasiyiinta.madax dhaqameedka,baarlamaanka iyo aqoonyahaniinta si ay ugu suurta gasho in uu dhiso gollaha wasiiradda dhibna uusan uga imaanin,wasiirka oo aan wali la dhaarinin maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in loo dhaariyo xilkiisa kadibna uu guda galo soo dhisida gollihiisa wasiirada oo si wayn loo wada sugayo.

Canab Mumtaz
Somalitalk | Nairobi
canabmumtaz@yahoo.com

16/11/2004

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA:
 
"hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisii ayaa Si Sareeysa loogu soo dhaweeyay Wadanka Jabuuti

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya, Nairobi Somalitalk | 15/11/2004


C/lahi Y.   | Geelle

Madaxweynaha jamhuuriyada federaaliga ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmad ayaa galabta gaaray dalka Jabuuti.

Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa safaro ku soo maray wadamo ka tirsan Carabta iyo Afrika isagooo socodkiisa ka bilaabay Ugaandha Galabtana ka Yimid Sanca wadanka Yaman.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo tan iyo markii xilka loo dhaariyey ujeedadiisa aheyd sidii wadamada carabta uga dhaadhicin lahaa dhismahaan cusub iyo nidaamka la sameeyey ayaa magaalada Sanca waxa uu kula kulmay madaxweynaha dalkaas, jaaliyada Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan dalka Yaman.

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxaa garoonka Jabuuti ku Soo dhaweeyay madax sarsare oo ka tirsan wadanka Jabuuti. Waxaana uu kulan casho ah la wadaagay Madaxwaynaha Dhigiisa Jabuuti ee Ismaaciil Cumar Geele iyo madaxsaroo ka tirsan doowlada Jabuuti iyago kawada hadlaya arimaha Soomaaliye ee Cakiran.

Madaxwaynaha Soomaaliya waxa uu cadeeyay in imminka uu dhamaaday khilaafkii xagga siyaasada ah ee u dhaxeeyey Carabta iyo Ethiopia  ee quseeyey siyaasadda Soomaaliya. Waxa kale oo uu sheegay in hogaamiye kooxeedyada aan loo ogolaan doonin in ay ku dhaqaaqaan wax qaynuunka ka baxsan.

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya, Nairobi Somalitalk

15/11/2004


Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo  Qado Sharaf u Sameeyay Baarlamaanka FKMG
» Siyaasiyiin looga baqayay in ay dowladda ka horyimaadaan oo Muujiyay taageerada DFKMG..
»Xadgudubka loo gaysto Saxafiyiinta Soomaaliyeed...
»14 Maxbuus oo laga siidaayey Xabsiga Dhexe ee Galkacyo..
»Xaflad: Gabagabadii duruustii Ramadaanka & Xamar...
 
Wararka oo faahfaahsan ka akhri halkan... Guji...


Booqashada Waftiga Soomaaliyeed ee Qaahira
  • Waraysi: Mudane C/kariim Axmed Cali oo ah mid ka mid siyaasiyiinta Muqdishu ahna xubin baarlamaanka Soomalida

Wariye:C/casis Axmed Gurbiye, Cairo, Egypt | Email: gurbiye@hotmail.com | 12/11/2004

Madaxwaynaha Soomaliya Madane C/lahi Yusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa

booqasho aan  rasmi ahayn ku jooga maalintii sedexaad magaalada Qaahira ee xurunta Masar.

C/lahi Yusuf iyo wafdigiisa ayaa  galabnimadii khamiistii Qaahiro ku yimid booqasho aan rasmi ahayn si ay uga qayb galaan tacsida Madaxwaynaha Falastiiniyiinta Yaasir Carafaad oo Jimcihii ka dhacday magaalada Qaahira ka hor inta aan lagu aasin magaalada Raamalaah ee daanta galbeed.

Wafdigan oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan iyo xubno ka tirsan baarlamaanka cusub ayaa la dajiyay Hotelka Hilton Heiopolis Qaahira kaasoo wax yar u jira Airporka qaahira.

Mudane C/kariim Axmed Cali oo ah mid ka mid siyaasiyiinta Muqdishu ahna xubin baarlamaanka Soomalida ee dhawaan lagu dhisay Mbagathi ayaa ii xaqiijiyay  in Qaahiro u yimaadeen tacsida Carafaad galabta sabtidana ka dhoofayaan.

C/kariim ayaa sidoo kale ii sheegay  in  subaxnimada sabtida la kulmaan Caamir Mousa, X/guud ee urur goboleedka Jaamacadda Carabta oo ka mid ahaa madaxdii ka qayb gashay tacdii carafaad halkaasna wafdiga Soomalida isku arkeen.

Mar uu ka jawaabayey Su,aal ahayd sababta mas,uuliyiinta Masaarida uga gaabsadeen la kulanka Madaxwaynaha Soomaliya iyo wafdigiisa waxaa uu yir:{waxay masaarida casuumaad madaxwaynaha u fidiyeen isagoo jooga Adis-Ababa, duruufo xaga safarka ayuu madaxwaynuhu la baaqday ka dib waxay casuumaad noo fidiyeen inagoo joogna Sanca waxaan u sheegnay in xiligaas aan balamo la lahayn wadano ay ka mid yihiin Sacuudiga, Qatar iyo Cumaan, hadda waxaan u nimid tacsi waxaanna filayaa madaxwaynaha halkan dib ugu soo laabandoono dabayaaqada bisha 12-naad}.

Mudane C/kariim mar aan kula kaftay in jago waziir loo balanqaaday iyo in kale, cid damaanad qaad haysato ma jirto ayuu iigu jawaabay isgoo dhoola cadaynaya.

Mar aan wax ka waydiiyay waxyaabihii ay kala soo kulmeen wadamadii ay booqdeen waxaa uu iigu jawaabay  in dalalka Uganda iyo Yeman labada balanqaadeen in dhanka amniga gacan nagasiinayaan, taageerayaanna dadaal kasta oo wax loogu qabanayo shacabka Soomaliyeed, mar uu ka hadlayey Madaxwaynaha Yeman waxaa uu carabaabay in Cali C/llahi Saalix dadaal uga galay in wadamada Carabta Dowladan cusub garab istaagaan.

Ugu dambeentii waxaan C/kariim Axmed Cali waydiiyay rajada uu ka qabo in dowladan iyo Xukuumadda la dhisayaba ku guulaysataan dib u dhiska iyo dib usoo celintii qarankii Soomaliya? C/kariim oo su,aashaas ka jawaabayena waxaa uu ku dooday inuu rajaxayo in fursadan tahay mid qaali ah hadii aysan  ahaynba  tii ugu dambeesay  in laga faa,idaystana tahay mid u taalo Umadda Soomaliyeed,isagoo intaa raaciyay in umadda Soomaliyeed ka daashay dagaal haatanna loo baahanyahay in loosoo wada jeesto dib u dhiska dalka,isagoo dhalinyarada ku boorinaya in codkooda mideeyaan si barito dalka ugu hogaamiyaan wadaniyad,hor umar iyo sinaan.

Mas,uuliyiintii aan halkaas kula kulmay waxaa sidoo kale ka mid ahaa Gudoomiyaha Barlamaanka Soomalida Mudane Shariif Xasan,shariifka waa nin furfuran,degan dadkiisana ka mid ah.

Wafdigan uu C/llahi yusuf hor ka cayo ayaa horay usoo booqday wadamo ay ka mid yihiin Uganda iyo Yeman ka dibna kusoo cimraystay masjidka barakaysan ee magaalada Mekka.

 Wariye:C/casis Axmed Gurbiye,Cairo,Egypt
gurbiye@hotmail.com | 12/11/2004


Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdigiisii oo Caawa Gaaray wadanka Masar Caasimadiisa Qaahira  

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi Somalitalk | 11/11/2004


C/lahi Y.

Madaxwaynaha Soomaaliya mudana Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa wali booqasho ku kala bixinaya wadamo Carbeed, waxaana kulankiisa ku wehliya Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed Sh Xasan Shiiq Adan iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kala ah Xidhibaan Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil, Xidhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Xidhibaan Moowliid Macaane Maxamuud, Xidhibaan Xasan Xuseen Xasan iyo Xidhibaan C/kariim Axmed Cali.


Museveni

Kibaki

Wafdiga uu hogaaminayo madaxwaynaha Soomaaliya mudane cabdulaahi yuusuf Axmed oo November 3deedii ka ambabaxay Nairbi, waxa ay booqashadooda ka bilaabeen wadanka Yugaandha iyaga oo halkaa kula kulmay Madaxwaynaha Yugaandha Museveni waxa ayna ka wada hadleen xaalada Labada wadan ee Soomaaliya iyo sidii Dalka Soomaaliya loogu helilaha nabad iyo Amaan.


Cali C/lla

Sidoo kale Madaxwaynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa waxa ay booqasho ku gaareen wadanka Yaman iyagoo halkaa kula kulmay dhigiisa Cali Cabdalla Saalix, waxa ayna labada madaxwaye ka wada hadleen xaalada qalafsan ee Soomaaliya isagoo Madaxwaynaha Yaman Cali Cabdalla Saalax sheegay in aysan waxba ka hagran doonin wadanka Soomaaliya ee ay walaalaha yihiin.

Image:Abdullahbinabdulaziz.jpg
A/lah bin A.

Dhinaca kale wadanka Sauudi Carabiya ayaa madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed Booqday gaar ahaana dhulka Barakeeysan ee Maka Al Mukarama [Maasha alaah] waxa ayna Qalcada loo yaqaano Al Salfa kula kulmeen Cabdulaahi Bin Cabdul Casiis iyo Dr Salma Bin Bandar Bin Maxamed oo ah la taliyaasha Boqortooyada Sacuudiga ,

Madaxwaynaha Soomaaliya waxa uu Habeenimadii xalay gaaray Midoowga Imaaraadka Carabta isaga oo halkaa kula kulmay Ninka talada Wadanka Imaaraadka hada sii haya ,


Amr Mussa

Mubarak

Caawa waxa uu gaaray Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar iyado la filayo in Madaxwaynuhu halka kula kulmo dhigiisa Dalka Masar Maxamed Xusnu Mubaarak iyo Xooghaya guud ee Jaamacada Carabta Caamir Muusa waxii ka soo kordha kala soco wararkeena danbe. Waxa kale oo waftiga Soomaaliyeed ay Qaahira kaga qayb gali doonaan tacsida qaran ee marxuum Yaser Arafat oo Qaahira lagu qabanayo Jimcada [Faahfaahin dheeraad ah halkan ka eeg...]


Zenawi

Ilaa iyo Xiligii la doortay madaxwaynaha Soomaaliya mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed waxa kale oo ay doowladiisu booqasho ku gaadhay Wadanka itoobiya Caasimada kumaga dheer Ubaxa Cusub ee Adisababa.

Madaxwaynaha Soomaaliya waxa uu magacaabay wasiirkiisii koowaad isaga uu xilkaa u doortay Prof. Maxamed Cali Geedi waxaana Prof. Geedi looga Fadhiyaa in dhawaan uu soo dhiso golihiisa wasiirada.

WARARKA KALE EE MAANTA::


Abdullah bin Abdulaziz oo Makkah ku Qaabilay Cabdullaahi Yuusuf

November 9, 2004

Image:Abdullahbinabdulaziz.jpgMakkah, Nov. 9: Prince Abdullah bin Abdulaziz ayaa qalcada Alsafa ee Makkah waxa uu caawa ku qaabilay Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya, Cabdullah Yuusuf Axmed iyo waftiga uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Sucuudiga.

Intii uu kulanku socdey waxay labada dhinac ka wada hadleen arimaha caalamka Islaamka, guud ahaan waxyaabaha kusoo kordhay dunuda, gaarahaan arimaha Falastiin iyo xaalada Ciraaq.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii loo sii hagaajin lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta labada dal ee Soomaaliya iyo Sucuudiga.

Kulankaas waxa kale oo ka qayb galay Prince Abdulaziz bin Abdullah bin Abdulaziz, iyo Prince Dr. Salman bin Bandar bin Mohammed, lataliyayaal boqortooyada iyo saraakiil Somaaliyeed.

ISHA: SPA [http://www.spa.gov.sa] | Faafin: Somalitalk Nov 9


Cali Cabdalla Saalax: Maraykanku hadduu taageero hogaanka cusub ee Soomaaliya, qayb ayey ka qadaneysaa ka hortagga argagisada.

Tarjumadii SomaliTalk | Nairobi | Nov 7

George W. BushMadaxweynaha dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax ayaa warqad uu u diray Madaxweynaha dalka Maraykanka kaga codsaday in dowladdiisu ay taageerto hogaanka cusub ee dalka Soomaaliya. si loogu kaalmeyo dadaaladeeda ku aadan soo celinta nabadda, degenaasha Soomaaliya, iyo sidii dib loogu dhisi lahaa hay'adihii dowladda, si loo gaaro in nabad iyo xasilooni ay ka abuurmaan geeska afrika. Wuxuu kaloo tilmaamay in la iska kaashado qaabkii looga hortagi lahaa argagixisada. wuxuuna yiri dowladan haddii la taageero waxay qayb ka qaadan doontaa nabadgalyada gobolka iyo ka hortagga argagixisada.


MMadaxweynaha Yemen oo qaabilay waftiga uu hor kacayo madaxweynaha Soomaaliya ee uu kamid yahay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya: ISHA: Guji halkan [PDF]

Hadalaas oo qoraal ah ayuu Madaxweynaha Saalax ugudbiyey Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya wadanka Yaman oo uu Madaxweynaha Yaman qaabilay isagoo fariin qoraal ah uga siday Madaxweynaha Maraykanka.

Dhinaca kale waxaa maalmahan dalka Yaman ku sugnaa wafdi uu hogaaminayo Madaxweyna Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed. waxayna kulan ku yeeshaan magaalada Sanca Madaxweyna Yaman Cali Cabdalla Saalax iyagoo ka wadahadlay arima la xiriira sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa. C/Laahi Yuusuf oo hadal kooban siiyey TV-ga dalka Yaman ayaa sheegay in isaga iyo Cali Cabdalla Saalax ay isku aragti ka noqdeen sidii Soomaaliya nabad waarta loogu soo dabaali lahaa.

Wuxuuna yiri. Waxaanu nahay Yamaniyiin kahor inta aynan noqon Soomaali, dhibaatada Soomaaliya ka taaganna waxay saamayneysaa dalka Yaman. Wuxuuna Madaxweynaha dalka Yaman uga mahadceliyey codsiga uu Jamacadda Carabta u diray ee ahaa in Soomaaliya loo sameeyo sanduuq dhaqaale wax loogu uruuriyo.

Kulanaas waxaa dhanka Yaman kala soo qaybgalay Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax. Madaxweyne ku xigeenka Yaman Mudane Cabdi raboh Mansuur. Wasiirka Arrimaha Dibadda Abuu Bakar Alqarbi. iyo Wasiirro kale. Dhinaca Soomaalida waxaa Madaxweyna Soomaaliya fadhigii uu laqaatay Madaxweynaha dalka Yaman ku wehliyey Shariif Xasan Sh.Adam Gudomiya Barlamaanka Soomaaliya. Yuusuf Cumar Azhari lataliyaha Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale.


Qoraalka sawirkan ka eeg: www.althawranews.net

Warbixintan waxaa daabacday saakay jariidadda ku hadasho afka xukuumada Yaman ee ALTHOWRA
ISHA WARKA: http://www.althawranews.net/showdetails.php?id=19949
ISHA WARKA: http://www.althawranews.net/showdetails.php?id=19950


MDFKMG oo uu soo dhoweynayay Madaweyne ku xigeenka Ugadha.
ISHA SAWIRKA:
Newvision Uganda

Waftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya waxa ay Nairobi ka duuleen November 3deedii ayagoo booqasho laba maalmood ah kusii maray dalka Ugandha oo ay kula  kulmeen madaxweynaha dalkaas iyo saraakiil sare oo kamid ah dawlada Ugandha intii aysan u ambabaxiin dalka Yemen.

Waxaa kale oo jira wafti uu hogaaminayo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku aaday dalka Imaaraadka Carabta.

SomaliTalk Nairobi | Nov 7, 2004

ISHA SAWIRADA: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD