SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PARIS - QAAHIRA... RAMALAH
 
Daabaco Boggan | Print

Aaskii Yaser Arafat ee Ramalah iyo Soomaalida oo ka Qayb gashay Tacsidiisii...

Wariye:  C/casiis Axmed Gurbiye, Cairo, Egypt.
gurbiye@hotmail.com

12/11/2004

Madaxwaynahii geeriyooday ee Falastiin Yaasir Carafaad ayaa Tacsi iyo xus qarameed dad bani kasoo qayb galeen  subaxnimadii Jimcihii  loogu dhigay magaalada Qaahira ka hor  inta aan lagu aasin Raamalaah.

Madaxwaynayaal, Boqoro, Amiiro, salaadiin iyo mas'uuliyiin ka kala socda in ka badan 40 dal oo caalamka ah  ayaa kasoo qayb galay xusukan oo lagu qabtay masjidka Jalaa'a ee ciidamada cirka dalkan Masar oo ku yaala xaafadda Masr jadiida, halkaas oo ay Sh.Al-Azhar sh.Maxamed Sayid Dhandhawi iyo dad kale kula dukadeen mayda Carafaad  ka hor inta aan laga duulin garoon milatari  oo goobtaas  dhowr boqol oo mitir u jiray.

VIDEO: Daawo Aaskii Arafat

Sawirka: CBC


Madaxwaynaha Soomaliya mudane C/llahi Yusuf Axmed iyo wafdigiisa oo haatan ku sugan Qaahira ayaa ka mid ahaa wufuudii ka qayb gashay tacsida Madaxwayne Yasir Carafaad, iyadoo sidoo kale Madaxwaynayaashii Carbeed ee goobtaas isugu tagtay ay ka mid ahaayeen Madaxwaynayaasha Suuriya Bashaar Al-asad, Yeman Cali C/llahi Saalix, Boqor C/lahi Urdun, Suudaan Cumar xasan Al-bashiir, Al-jeeriya C/casiis Butafliiqa, Zaynu caabidiinka Tunis iyo ninka leh dhaxalka boqotooyada Suudiga Amiir C/llahi Binu C/casis Aala- Sucuud.

Waxaa sidoo kale kasoo qayb galay madax caalami ah oo ka kala socda wadamada Afrika,wadamada dhexdhexaadka iyo shakhsiyaad ka socda hay,adaha caalamiga.

Carafaad ayey madaxdaas aragtidii ugu dambeesay  la raaceen markii lagasoo dajiyay gaarigii siday waxaana inta aan la saarin diyaaradii u duulin lahayd Cariish loo tumay heesta calanka Falastiin ee Bilaadii Bilaadii...iyadoo halkaas ku ilmaynayeen gabadhiisa Zahwa Carafaad oo ehel ahaan ku wehliyeen Suha Carafaad oo ah garoobtii uu ka geeriyooday Carafaad iyo walaashiid.

meydkii Arafat markii la keenay Ramalah | Sawirka Aljazeera.

Saacado yar kadib naxashkii Carafaad oo Cariish lagaga qaaday mid ka mid ah diyaaradaha  qumaatiga ukaca ayaa laga dajiyay Raamalaah halkaas oo dadkii isugu soo baxay awgeed  mudo 30 daqiiqo ka badan ku qaaday ragga amniga in maydka diraadda laga soo dajiyo si loogu aaso qabri ku meel gaar ah oo carafaad looga sameeyay xaruntiisa Raamalaah .

Maamulka Falastiiniyiinta  ayaa sheegay in Carafaad si rasmi loogu aasidoono Qudus marka ay duruufta saamaxdo, Carafaad ayaa ku taamayey in lagu aaso magaalada Yuhuudu haysato ee Qudus.

Abuu Camaar ayaa khamiistii ku geeriyooday Isbitaalka perci ee magaalada Paris halkaas uu mudo laba todobaad ah la jiifay xanuun aan ilaa hadda la shaacin,waxuuna ku xijaabtay da,dii 75-naad.

   Falatiiniyiinta ayaa Ruuxi fatuux si kmg ah ugu doortay madaxwaynaha Falastiin halka ururka PLO madax looga dhigay Cabaas Abuu maazin iyadoo xukuumadda Falastiinna R/wazaare ka yahay Axmed Qurai.

  Dhanka kale Madaxwaynaha Maraykanka G.Bush iyo R/wazaaraha Ingiriiska T.Bleir oo shir jaraa,id si wada jir galabtii jimcihii  ugu qabray Washington ayaa soo qaaday arinta Falastiin.

 Madaxwayne Bush ayaa sheegay in uu rajeenayo in dowlad Falastiin ka dhalato inta aanu xafiiska ka tagin 2009-ka isagoo intaa ku daray in loo baahan yahay isbedel kusoo kordho xaaladda B/dhexe.

Sidoo kale  golaha amaanka  ayaa shir deg deg ah isugu yimid si looga wada hadlo arin Falastiin isagoo uu halkaas kala hadlay X/guud ee Q/midoobay K.anan.

Wariye:  C/casiis Axmed Gurbiye, Cairo, Egypt.
gurbiye@hotmail.com | 12.11.2004


Meydkii Marxuum Yasser Arafat oo la Keenay Qaahira iyo Soomaaliya oo Tacsidiisa ka Qaybgali doonta..
  • Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdigiisii oo Caawa Gaaray wadanka Masar Caasimadiisa Qaahira  

Abaarihii 11-kii fiidnimo ayey Airporka Qaahira soo caga dhigatay diyaaradii militariga Faransiiska ee siday maydkii Madaxwaynaha Falastiiniyiinta Yaasir Carafaat.

Carafaad ayaa subaxnimadii khamiistii ku geeriyooday Isbitaal milatari oo ku yaala magaalada Paris kadib labo todobaad oo uu halkaas la jiifay xanuun aan ilaa hadda la shaacin.


Naxashka Arafat oo ay sidaan Milateriga Masar | Sawirka CBC

Maydka Yaser Arafat oo la keeenay Qahira | Sawirka: Aljazeera

Dhakhtarkii yaser Arafat oo weydiistey in si rasmi ah loo baaro sababtii uu u dhintay yaser Arafat, waxa dhakhtarku sheegay in Yaser Arafat oo isbitaalka ku tegey lugihiisa, laakiin caafimaadkiisu si degdeg ah hoos ugu dhacay intii uu dhakhtarka France ku jirey halkaasna uu ku geeriyoodey.. Aljazeera..


Wadooyinka waaweyn ee Qaahira oo la xiri doono Jimcada oo ah maalinta tacsida Qaran halkaas loogu dhigi doono Yaser Arafat | Sawirka Aljazeera.

75-jirka ayaa naxashkiisa laga soo dajiyay diyaaradda iyadoo Airporka Qaahira ay ka mid ahaayeen wufuudii ku sugnayd marwada  madaxwaynaha Masaarida Zusan Mabaarak iyo waziiro ka tirsan xukuumadda Masaarida,waxaa sidoo kale  diyaaraddii  siday mayda horay ula socday  Suha Carafaad oo ah xaaskii Carafaad iyo madax ka tirsan maamulka Falastiin,waxaanna loo dhigay xus qarameed.

Abuu Camaar ayaa subaxnimada jimacaha tacsi ay kasoo qayb galayaan madaxda caalamka loogu dhigayaa magaalada Qaahira iyadoo ka dib loo duulinayo xaruntiisa Raamalaah si halkaas loogu aaso.

Carafaad ayaa 24/8/1929-kii ku dhashay Qaahira isla magaaladan ayuu waxbarashaiida jaamacadeed ku dhameeyay, Qaahira ayuu halgankiisa  ka bilaabay isla magaaladan ayuuna falastiin ka aaday ka dib 27-sano uu dibad joog ahaa iyada ayaana maanta la keenay si ay u noqoto meel caalamka ku sagootiyo.

Madax Carab iyo caalamba leh  ayaa kasoo qayb galaya xuska hogaamiyaha Falastiiniyiinta Yaasir Carafaad,iyadoo ilaa hadda wufuudda soo gaartay ay ka mid yihiin Madaxwaynayaasha Yeman Cali Cabdala Saalix iyo Madaxwaynaha Soomaliya C/llahi Yusuf Axmed.

Madaxwaynaha Soomaliya iyo wafdigiisa ayaa Qaahira soo gaaray galabnimadii khamiista si ay uga qayb galaan tacsida Carafaad oo dhacaysa jimcaha.

Sida ay iigu warantay safaaradda Soomalida ee Qaahira wali ma cadda in madaxda Soomaliya la kulmayaan mas,uuliyiinta Masaarida iyo in kale. [Faahfaafin dheeraad ah oo ku saabsan safarada madaxweynaha Soomaaliya ee Qaahira ka akhri halkan... GUJI.....]

      
Wariye:  C/casiis Axmed Gurbiye, Cairo, Egypt.
gurbiye@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | 11/11/2004

 


AKHRI::: IIDAHA iyo SALAADAHOODA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Arafat
Taariikh Nololeedkii Yassir Arafat
Hoggaamiyihii reer Falastiin oo xalay ku geeriyoodey dalka Faransiiska ayaa...
Guji...

 



HTML CD