OLOLE WACYIGELIN AH OO KU SAABSAN
JOOJINTA SHAQAAQOOYINKA LIDDIGA KU AH HAWEENKA IYO GABDHAHA OO LAGU QABTAY
XARUNTA WAXBARASHADA, NABADDA & HORUMARINTA GAALKACYO
sahrasiglan |
Sahrosiglan@hotmail.com
Galkayo, Pl, Somalia
Dec. 07, 2004
Munaasibadaan
ayaa ka dhacday xarunta galabnimadii 6da Dec.2004 iyadoo ay ka soo qaban
qaabisay Xarunta Waxbrashada, Nabadda iyo Horumarinta Gaalkacyo, waxaana ka
soo qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socotay, Maamulka Gobolka
Mudug, hay’ado caalami ah, kuwo wadani ah, ururrada bulshada, Ganacsatada,
Odyaasha, maamulka iyo ardayda Xarunta waxbarashada, Nabadda iyo Horumarinta
Gaalkacyo, Saxaafadda, dhallinyarada iyo weliba marti sharaf kale oo dhan
2000 qof.
Kulankan oo xoogga lagu saarayay ka hadalka
iyo ka dhaadhicinta dadweynaha khatarta Kufsiga iyo Gudniinka gabdhaha waxaa
ugu horrayn hadal furitaan ah ka soo jeediyay Agaasimaha Xarunta
Waxbarashada, Nabadda iyo Horumarinta Gaalkacyo Xaawo Aadan Camey oo si qoto
dheer uga hadashay dhibaatada joogtada ah ee lagu hayo gabdhaha Soomaaliyeed
meel walba oo ay joogaan, dhibaatooyinka lagula kacana ay ugu weyn tahay
gudniinka nooc kasta ha ahaadee (all forms of FGM ) oo waalidka wacyi laga
siiyo in uusan Ilaahey cad xaaraan ah nagu beerin, iyo in ay tahay fal
shaydaan in abuurista EEBBE la beddelo.
Waxay dadweynihii kulanka isugu yimid u
sheegtay in haweenka iyo gabdhaha lagula kaco kufsi bareer ah oo aysan jirin
cid ka difaacda, dadka dhibaatooyinka u geysta gabdhaha iyo haweenkana ay
yihiin ragga, loona baahan yahay in si walba oo ay ku suurtoobi karto looga
difaaco haweenka ragga khaladkaasi samaynaya, sharcigana lala tiigsado,
waana in bulshada dhammaanteed ay isku meel ugu soo jeestaan dhaqan xumadaas.
Xaawo
Aadan Camey waxay intaasi ku dartay in ololahan looga soo horjeedo
shaqaaqooyinka haweenka loo geysto loogu talogalay inuu socdo 16 maalmood,
balse ay iyagu wadi doonaan muddo bil ah si ay ugu bandhigaan dadweynaha ku
nool deegaanka Puntland xaadaddu sida ay tahay
Xaawo Aadan Camay waxa kale oo ay aad uga
hadashay nabadda iyo muhiimadda ay leedahay, nabad la’aanina ay nolol la’aan
tahay. Waxay xustay in barnaamijka nabaddu ka mid yahay mabaadii’da tiirarka
u ah Xarunta Waxbarashada, Nabadda & Horumarinta Gaalkacyo, ayna xarun ahaan
iyo haween ahaanba markasta aad uga shaqeeyaan, isugana hawlaan. Waxayna
dhammaan ka soo qaybgalayaashii kulanka, gaar ahaan haweenka ku guubaabisay
inay horsed u noqdaan ka shaqaynta iyo u ololaynta nabadda.
Dadwaynihii ka soo qaybgalay kulankii
maanta looga hadlayay shaqaaqooyinka gabdhaha loo geysto waxay aad ula
dheceen qaar ka mid ah ardayda wax ka barata Xarunta Waxbarashada, Nabadda
iyo Horumarinta Gaalkacyo oo soo bandhigay hadal suugaaneed iyo
majaajillooyin looga hadlayo dhibaatooyinka gudniinka, kufsiga, yasidda, iyo
dhaca. Waxaa kale oo ka soo qaybgalayaasha loo qaybiyey qoraallo ku saabsan
dhibaatooyinka gudniinka, kufsiga iyo 35 gabay, buraanbur, geeraaro iyo
heeso ay haweenka wax ka dhigta xaruntu allifeen, kuwaas oo ah calaacal,
catow, iyo Ilaah barin in laga daayo dhibaatada lagula koco haweenka iyo
gabdhaha.
Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Warsame
Cabdille (Jabhad) oo ku hadlayey magaca maamulka gobolka Mudug ayaa hadal
gaaban ka soo jeediyay kulankii maanta wuxuuna sheegay in loo baahan yahay
in la joojiyo tacaddiga loo geysto hablaha Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay
dadwaynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobolka Mudug inay si isku duuban
uga hortagaan dhibaatooyinka loo geysto gabdhaha ee ay ka mid yihiin Kufsiga
iyo Gudniinku.
Waxaa kale oo kulanka ka hadlay Faadumo
Jaamac Diiriye oo ka mid ah maamulka sare ee Xarunta Waxbarashada, Nabadda &
Horumarinta Gaalkacyo, waxayna ka hadashay dhibaatooyinka caafimaad ee ee
gudniinku u geysto gabdhaha, dhibaatooyinkaas oo ah kuwa ka bilowda waqtiga
gabadha loo diyaarinayo in la gudo, dhibkaasina uu la socdo inta ay
nooshahay. Waxa kale oo ay xustey xiriirka ka dhexeeya gudniinka gabdhaha
iyo cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS, kaasoo isaga gudbi kara qalabka aan
nadiifka ahayn ee haweenka wax guda isticmaalaan gudniinka, si dhammaan
dhibaatooyinkaas looga digtoonaadana loo baahan yahay in la joojiyo
gudniinka noocyadiisa oo dhan.
Xarunta Waxbarashada Nabadda iyo
Horumarinta waxay sannad kasta abaabushaa Olole wacyigelin ah oo ku saabsan
joojinta shaqaaqooyinka liddiga ku ah haweenka iyo gabdhaha oo adduunka oo
dhan laga xuso (16 days of activism on Violence against women November 25 -
December 10, 2004). Haddaba ololehaas ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta
Waxbarashada Nabadda iyo Horumarinta magaalada Gaalkacyo .
Waxay Xaruntu ka abaabushay Gaalkacyo,
Garowe, Laas-caano, Bosaaso iyo Baran. Barnaamijku waxa uu isugu jiraa xog
uruurin ku saabsan xaaladda shaqaaqada liddiga ku ah haweenku sida ay tahay,
kulamo wada tashi ah, seminaro/workshops, sports iyo kulamo/forums loo
qabanaayo bulshada qaybaheeda oo dhan.
Waraysi
Dhinacyo Badan Taabanaya oo aan la yeelanay Mukhtaar Saciid Cumar oo ah
Suxufi Madax Banaan.
Waxaa maanta soo gaaray magaaladan
Galkacayo Mukhtar Siciid Cumar oo xilligan ah suxufi madax bannaan balse
horay uga tirsanaan jiray Radio Midnimo ee Boosaaso, waxana aan ka
waraysanay xaalada Boossaaso iyo socdaalkiisii.
Mukhtar Siciid waxa uu u sheegay Saxaafada
in jawiga guud ee Boossaaso uu caadiyahay dhinac kasta, bulshaduna ay aad u
hadal hayso arrimaha doorashooyinka Puntland ee la filaayo bilawga sannada
soo socota inay ka bilawdaan magaalada Garowe, waxaana gidaar kasta iyo
gaari kasta ku dhagan sawirka musharaxiinta doonaya inay tartamaan.
Sidoo kale Mukhtar Siciid Cumar waxa uu noo
sheegay inuu socdo dadaal weyn oo ay wadaan dadka ku dhaqan Gobolka Bari oo
ay isugu diyaarinayaan siday jagada ugu sarraysa Puntland ugu
guulaysanlahaayeen, Xarunta Garowena waxaa ku sugan siyaasiyiin farabadan oo
reer Bariya iyo kuwa deegaanada kaleba. Dhinaca kalena Mukhtar waxa uu noo
sheegay in maalintii shalay uu ka soo degay gagida diyaaradaha ee Boossaaso
General Cadde Muuse oo u ololaynaya in la doorto.
Mukhtar Siciid oo aan ku waraysanay Xarunta
Xafiiska Somalitalk Ee Gaalkacyo wuxuu intaa raaciyay in roobab tiix tiix ah
ay habeen iyo maalinba ka da’aan Boosaaso, kuwo kaloo lixaad leh oo duufaana
wataana ay ka da’een degmooyinka dhinaca Bari sii xiga oo ay dad ku dhinteen
kuwana ay ku dhaawacmeen., guryo farabadana ay ku burbureen. Mukhtaar waxa
uu intaa ku daray in degmada Xaafuun uu roobku qof ku dilay, laba qofna ku
dhaawacay, sidoo kalena ay degmooyinka Qandala, Caluula, Geesaley, Xaaba,
Baargaal iyo kuwo kaleba ay ka simanyihiin burburka uu roobku u geystay
dhismayaal fara badan.
Mukhtar Siciid oo dhinaca dhaqaalaha ee
magaalada Boossaaso ka waramaaya ayaa sheegay in xilligan dhaqaaluhu in
heerkii ugu hooseeyay uu joogo, maadaama shicibka isu raaceen abaara daba
dheeraaday iyo roobab mariyay xoogaagii xoola ahaa ee reer guuraaga u haray,
nolosha miyi iyo tan magaalana ay isku xiranyihiin. Dekeda magaalada
Boossaaso ayuu sheegay Mukhtar Siciid in dhaqdhaqaaqeeda shaqo uu heer aad u
hooseeyo maraayo, aysana jirin badeeco sidaa u sii badan oo ka soo dagta
maalmihii dhowaana ayba faaruq ahayd.
Ugu damnbayn Mukhtar Siciid Cumar waxa uu
noo sheegay in intii ay safarka ahaayeen uu soo arkay barwaaqo badan oo ka
dhalatay roobabkii dhowaan da’ay taasoo uusan mid la mida in dhowaale arag.
Sahrosiglan@hotmail.com
Galkayo, Pl, Somalia
Dadaalo isgarab socda oo logu doonayo
in dowlad goboleed loogu dhiso gobolada jubooyinka ayaa baryahan ka kala
socda goobo kala duwan oo ku yaala gudaha magaalada kismaayo
faysal xaaji siyaad muumin
kismaayo soomaaliya
Dadaaladaan isgabka socda ee la donayao
in dowlad goboleedka looga dhiso gobolada jubooynka ayaa waxaa kala wada
isbahaysiga dooxada jubba iyo koox labaxday golaha badbaada qaranka
soomaaliyeed oo ay xarun u tahay halka loo yaqaano beerxaani oo 32 km u
jirta magaalada kismaayo,
shirarkan dawlad goboleedka loogu
raadinayo gobolada jubooyinka ayaa waxay ka dhaceen hotel baranwaa oo
xarun ay ku shiraan ay u tahay isbahaysiga dooxada jubba ee ka arimiya
magaalada kismaayo iyo halka lagu magacaabo beer xaani oo ayana ay xarun
u tahay golaha badbaadada qaranka ayadoo ay jiraan qillaaf u dhaxeeya
labadan qolo ee ku baratamaya dowlad goboleed u raadinta gobolada
jubooyinka ,
hadaba afhayeenka golaha badbaadada
qaranka soomaaliyeed ninka lagu magacaabo maxamed jaamac geele oo u
waramayay saxaafada ayaa waxa uu sheegay inay u guntadeen xal u raadinta
colaadaha iyo musuqmaasuqa halakeyay dadyowga ku dhaqan gobolada
jubooyinka 5 tii sano ee uu isbahaysiga dooxada juba gacanta ku hayay
maamulka gobolkan islamar haantaana ay xaq u leeyihiin hadii ay yihiin
beel ku abtirsata beelaha sade ee daga gobolkan raadnta wax walba oo xal
u noqonaya colaada ragaadisay gobolkaan,
hadaba sikastooy ahaataba waxaanan
muuqan wax hadal ah oo ay ilaa iyo iminka kasoo saareen isbahaysiga
dooxada jubba shirarkan garab socda oo ay wadaan qolooyin ka madaxbanaan
siyaasada isbahaysiga dooxada jubba isla markaana sheegatay inay wadaan
dadaalo nabad iyo xal loogu helo gobolka jubada hoose gaar ahaan
magaalada kismaayo oo bilooyinkan danbe kucaanbaxday dhigashada
isbaarada iyo musuqmaasuqa waxaana muuqata n qoladaan labaxday golaha
badbaadada qaranka ay taageero ka helayaan shcabka dhibaataysan ee ku
sugan gobolkan
faysal xaaji siyaad muumin
kismaayo soomaaliya
Qoraalka Xiga... Guji... Faafin: SomaliTalk.com | Dec
8, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|