Maxay dadku ka aaminsan yihiin Gollaha
wasiirada cusub iyo Dowladaba."aragtiyo kala duwan".
Canab Mumtaz
SomaliTalk.com | Nairobi | Dec 8
Maahan mid hal iyo laba uu ku
waydiinayo waxa aad ka aaminsan tahay dowladda cusub,inta badan
markaan la kulmo dadka kala duwan ee ku nool magaalada Nairobi haday
ahaan lahaayeen ganacsatada,ardayda kuwa layn sugayaasha ah
siyaasiyiinta baarlamaanka odayaasha dhaqanka iyo ergada xiligeedi
dhamaaday ee iyagu u badan kuwa mucaaradka ku ah dowladda il gaar
ahna ku eegaya baarlamanka isku koobay sida ay qabaan Qaran dad
leeyahay ee iskugu jira madaxweyne ilaa wasiir ku xigeen in ay
kaligood majaraha u qabtaan kana walwalsan cidda ay la xisaabtami
doonaan ayaa su'aalaha ugu badani ah halka ay ka imaanayaan.
Dowladda cusub oo ah mid muddo la wada
sugayay ee Alle laga baryay in xal la helo,ayaa hadana waxaa badan
inta leh "maxay u dhalatay kuwii hore nooma dhaantee"inta qabta in
lagu xadgudbay xaqoodiina la duudsiyay ayaa ah kuwa ay ka imaanayso
eeda ugu badan ee loo hayo dowladda FKMG ah ee soomaaliya.
Mid ka mid ah dadkii shirka joogay
ilaa bilowgiisi ayaa yiri wali kama xoroobin siyaasiyiinta
soomaaliya in ay talo ka qaataan shisheeye isagoo ula jeeday in
gollaha wasiirada cusub ee KMG ahi ay yihiin kuwo aan isku dheeli
tirnayn una qalmin in ay somaliya ka saaraan dhibka soo daashaday
mudada fog.
Waxaa hubaal ah si walba dadka ha u
kala aragti duwanaadaane wali Bisayl nabadeed u harsan yahay
Siyaasiyiinta soomaaliyeed ee ku jira wali xaydaabka raadinta
danahooda oo wax badan dib u dhigi kara hadaan loo helin wax badala
xorna ka ah dantooda qayaxan iyo gacanta shisheyaha iyagoo u maraya
dan qabiil aan jirin ee tooda kaliya ay u cadahay qabiil wax ku
qaybsiga aan lagu wada qanacsanayna waa midka keenay is aamin daro
iyo kala fogaansho beelaha dhexdooda ah.
Baarlamaanka waxaa lagu dhisay hab
beeleed ka soo jeeda qabiilo Gollaha wasiirada sidaas si la mid ah
ayaa loogu dhisay qabiil xitaa wax uu gaaray in wafdiyada raacaya
madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha in loo raaco qaab 4.5(afarta iyo
Nuska).
Iyadoo sidaas ah hadana maahan mid xal
lagu wada qanco keeni kara waana kan aan aragno in cabashada beelaha
ay isa soo tarayso iyadoo laga cabanayo in si xun beel heblaayo
loola dhaqmay oo beel kale loo eexday si markii oo fiiriyo waxaa
jira beelo dhan oo aan helin wasiir halka hal beel iskaba daaye jufa
kaliya ay helayaan laba wasiir ama wasii dadka qaar ayaa qaba in
wasiir hebel uu wato kursi bililiqo ah sida ay qabaan dadkaasi.
Dhinaca kale markaan ka fiirino
qabiilka waa xal waayo soomaaliya waxay isku dishay qaab qabiil
isagoo markii hore ka soo bilowday jabhad iyo dowlad milatari ah
ayuu hadana ku soo dhamaaday mid beeleed kadib markii la waayay
hogaan mid ah oo keena xal kala dambayn ku dhisan hubkiina ay ka
faa'iidaysteen maliishaad kala duwan oo ka soo kala jeeda beelaha
soomaaliyeed sidaasna uu ku soo batay dagaalkii beelaha u dhaxeeyay
mid siyaasaded iyo mid kaleba waxii uu doono ha ahaadee waana tan
keentay in shirkan iyo kii ka horeeyayba loo maray hab qabiil oo la
is lahaa xal ayaa ku imaan kara.
Dowladan cusub waa mid si guud u
maamuli doonta dalka shanta sano ee socota kadibna waxaa looga gudbi
doonaa nidaam doorasho oo dadka afti looga qaadayo in ay rabaan si
guud in loo maamulo ama hab federal ah oo dalka oo dhan ka
hirgala,laakiin maahan xiligan mid ah federaal sida ku xusan axdi
qarameedka FKMG ah ee soomaaliya laakiin waxaa hubaal ah hadaan la
helin dib dacaadnimo iyo tanaasul in aysan waxba socon karin waayo
ma jiraan shacab is dagaashan balse waxa ay wax socon la'yihin waa
siyaasiyiinta iyo wadamada dariska oo u maraya siyaasiyiinta.
Ra'iisul wasaare Cali maxamad geedi oo
aan wax badan kala socon siyaasada soomaaliya marka la is barbar
dhigo siyaasiyiinta kale kaga duwan ayaa waxaa soo wajahay dhibaato
adag oo ah qaybinta wasaaradaha iyo maaraynta qabiilada,waxa uuna
talooyin kala duwan kala kulmayay siyaasiyiinta,beelaha kala duwan
ee shanta ah ee uu ka koombo baarlamanka,madaxweynaha iyo naftiisa
laakiin sida uu sheegay wasiirka la tashi badan ay ku suurta gashay
in soo afjaro sida ay u arkayeen isaga Madaxweynaha iyo
siyaasiyiintaba si ka badalan ay u arkayeen kuwa la magacaabay kuwa
laga tagay iyo kuwa banaankaba ka ah dooda gollaha wasiirada iyagoo
bixinayay talooyin saadaalimo kala duwan oo ku aadan sida ay wax u
dhacayaan.
Aragti ahaan shacabka soomaalieed waa
kuwo ku kala aragti duwan qaarkood waxay qabaan in walba ay ka
wanaagsan tahay in helo xal soomaaliyeed oo dagaalada iyo hubkaba ha
hortaga nabaduna ay tahay talaabada ugu horeysa ee shacabka
baahidiisa dabooli karta waxwalba oo la dhisana aan u fiirino
ujeeedo iyo dan balse ay kaga wayn tahay amaan buuxa iyo afgarad
dhex mara kuwa xalka iyo xabadaba isku haysta ee siyasada nabdiina
geedka ugu xiran tahay."Siyaasiyinta".in wax dhismaana waa waxa loo
fadhiyay labadii sano ee tagtay.
Dadka qaar waxay qabaan in
magacaabista ay ka dambeeyeen wadamo shisheeye oo soomaaliya daris
la ah iyagoo usoo maray siyaasiyin ay gacan saar la leeyihiin
dowladana ay fashilmi karto hadii aysan ka madax banaanaanin
wadamadaas wali gacanta kula jira siyaasad soomaaliya,illaa inta
laga helayo madax banaani siyaasadeedna ay sidan sii ahaan doonto
xaalada soomaaliya ay ku jirto ee nabad la'aan iyo jahawarerineed ee
ay wadaan wadamadaas oo u soo maraya siyaasiyinta.
Siyaasi ka mid ah siyaasiyiinta oo aan
maalin waraysi ka qaadayay ayaan si ka baxsan wareysiga oo sheeko
guud ah u iri wasiirka waxaad ku harqiseen siyaasadiina aan hadafka
lahayn iyo danihiina qarsoon waxa uu iigu jawaabay"maahan wax uusan
ka warqabin isagaana doortay in loo magacaabo jagadan dabcan markii
madaxweynuhu magacaabayay waxa uu ka lahaa ujeedo ama ha u aqriyo
isga ama isagu ciduu doono hala tashadee waa nin ku yimid ujeedo
anagana waxii aan ka aragno ayaan kula macaamali doonaa gar iyo
gardaro"figaradan mid la mid ah ayay wada qabaan badankood ah in
Cali Maxamad Gedi loo dhahayay waxa ku qoran warqadan waa
siyaasiyiinta anogoo ku guda jirna figaradihii dadweynahana midan
waa mid ay wada qabaan badi.
Waxyaabaha kale ee dadku
iswaydiinayaan waxaa ka mid ah xiliga ay dowladu howl gal dhab ah
samayn doonto iyo meesha ay ka bilaabi doonto,waxaa hubaal ah in
Alle ummadii kheyr rabta uu kheyr waafajiyo ka waran hadii dadku
qabaan in wax walba ay xumaanayaan,wax wada toosan sida lagu helo
waa mid adag una baahan dadaal dheer iyo tanaasulaad.waxaa dhab ah
in dowladani aysan haysan taageero dhaqaale iyo nabad dhamaantoodna
laga sugayo somalida qaybaheeda kala duwan ee iskugu jira aqoon
yahay ganacsato iyo ururo bulsho ayna tahay muhiin in ay la
xisaabtamaan dowladan cusub hadii kale ay imaan karto waxii
burburiyay maamuladii hore.
Ugu dambayn Gollaha wasiirada waa kuwo
ay dadku kala aamin san yihiin figrado kala duwan laakiin xalka kama
dambaysta ah uu yahay in la helo nabad meeshii loo maraba ayna ka
go'an tahay dowladan cusub in ay hesho wax ay ku qanciso shacabka
soomaaliyeed ee daalan.
Anab Mohamoud Abdulle
canabmumtaz@hotmail.com