SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

(FAALO) BAAQ COLAAD JOOJINEED OO KU SOCDA BEELAHA ISKU DILAYA GOBOLADA DHEXE EE SOOMAALIYA

xassan mataan
Nairobi Kenya.
soompress@hotmail.com

Dec 8, 2004

{FAALO} ABWAAN BAA HORE U YIRI DUGSI MALEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE

Maaha wax layaab ku noqon kara dhegaha Soomaalida markii lagu yiraaho laba beelood oo soomaaliya ayaa meel hebla isku dilaya, weliba waxaa laga bixiyaa jawaabo kala gedisan oo u badan kuwo aan wax micno ah samaynayn haba yaraatee, tusaale ahaan markii uu qofkii loo sheego khabarkaasi ka jawaabo waxaa uu yiraahaa haa labadaas beelood horeba waxaa ugu horeysey colaad iyo aano qabiil, halkii uu damiir ahaan dareemi lahaa mushkilada dhacday weynideeda.

Waxaa laga yaabaa dadkaasi jawaabaha ka bixinaya mushkilada iyo colaadaasi sokeeye ee sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakacba inaanu ku su'aalinba maxay isku laynayaan amaba aanuba kusu'aalin khasaare intee le'eg ayay dadkiiaasi isu geysteen, taasi oo tilmaan cad u ah inaanay jawaabayaasha wax mushkilo ah ula muuqan waxa dhacay.

Waa mushkilad balaaran oo inta badan laga dhaxlay is dirirkii hab beeleedka kusalaysnaa ee 14ka sanaba aanu la ildarayn,waxaase wax laga naxo ah in aanu weli faham iyo daruus ku qaadan weyno wixii nasoo maray ee waqtigu nabaray,weli waxaanu laabta ku haynaa maxay reer hebel naga damceen iyo fikrad hoose oo kasii liita oraahdaan.

Marka aan intaasi ararta hadalayga ku dhaafo, waxaan baaqaan colaad joojinta ujeedinayaa dhamaanba Duubabka dhaqanka ,Waxgaradka, Ganacsatada,Culumaa'u Diinka,Aqoonyahanka,Dhalinyarada,Saxaafada,dadka nabada daneeya gabdhaha Soomaaliyeed meel waliba oo ay dadkaasi joogaan gaar ahaan kuwa kusugan gobolada ay dirirta beelaha soomaaliyed kasoo cusboonaadeen ee goobo kamida Mudug iyo galgaduud inay u guntadaan joojinta colaadahaasi aan haba yaraatee faa'iidada lahayn in dhalinyaradii ubaxa dadka iyo dalka ay ku dhamaadaan mooyee.

(Saxaafada) waxaan baaqayga colaad joojinta ugu baaqayaa khaas ahaan bahda Saxaafadu inaanay buun buunin dagaalkaasi sokeeye, saxafiga soomaaliyeedow waxaa kuu baanaan oo kaliya inaad dirirta soomaaliyeed ka qaadatid dhanka nabadaynta oo kaliya, saxafiga soomaaliyeedow taariikhda ayaa kuxusi doonta hadii aadan nabada iyo dhexdhexaadinta door ahaan qaadanayn qalinkaaga furka gadho, kana gaabso hurinta colaadaha, markii aan intaasi iraaho saxafiyiinta.

Waxaan isku si ula hadlayaa Duubabka dhaqanka ,Waxgaradka, Ganacsatada,Culumaa'u Diinka,Aqoonyahanka,Dhalinyarada,gabdhaha soomaaliyeed,waxaa waajib idinka saaran yahay in aad si Islaamnimo ,soomaalinimo iyo Binu'aadminimaba leh aad ugu guntataan joojinta colaadaha haatan kasoo cusboonaaday Soomaaliya goobo kamida,iyadoo aan wax baahi ah loo qabin curadiyo yaraan walaalo ah ii sidila.

Si gaara waxa aan baaqaan ugaarsiinayaa dadka aan soo tiriyey ee ku abtirsada gobolada iyo dadka is dilaya inay nabada qaataan, sidoo kalana waxaan baaqaan u dirayaa dhalinyarada dibadaha jira ee ku abtirsada beelaha is dilaya, walaalayaal dadkiina shilinkiina ha ku laynina, qori iyo rassaas toona ha u gadina dadkiina walaalayaal dhaqaalihiina iyo naftiinaba u hibeeya joojinta colaadaha.

Aan markale baaqaan udiro kuwa hubka isla hor fadhiya walaalayaal dersi idinku filan waxaad kasoo qaadateen waqtiga hadii aydan magudbayaal ahayn, imisaa idinka hoosaysa maanta wax ay ku dhinteena aan mirahooda la guran, ha u hanqal taaginina kalimada (MUJAAHID) oo la idinku adeegsanayo inaad is dishaan oo kaliya, waxaa la joogaa xiligii aad waqtigiina ka faa'iidaysan lahaydeen, waana lasoo dhaafay xiligii mugdiga ahaa ee hurdada ka kaca colaada sokeeyana ka kala jeesta.

Waxaan qoraalkayga kusoo koobayaa qofkasta oo aan qoraalkan kula hadlayow (dhegahaagu ha noqdeen kuwo laabta u daloola ee yaanay noqon kuwo layrta u daloola).

xassan mataan
Nairobi Kenya.

soompress@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa lehqoraaga ku saxiixan

Qoraalka Xiga... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD