SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Daabaco Boggan | Print

Golaha Wasiirada cusub oo maanta loo Qaaday Goob ka baxsan Nairobi. iyo Wasaaradaha qaar oo uu wali ka jiro khilaaf.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Naiorbi | Dec 2

  • Golaha Wasiirada oo laga Fogeeyey Nairobi
  • Xuseen caydiid oo la sheegay in uu dalbaday in la isugu daro  Ra'iisul wasaare ku xigeenka koowaad iyo W/arrimaha gudaha
  • Maxamad Qanyare oo l asheegay in uu dalbaday in la siiyo wasiirka arimaha Gudaha
Wasiiradda illaa hadda loo dhaariyay wasaaradaha loo magacaabay oo gaaraya 27 wasiir oo afar ka mid ah wali aan la dhaarinin soona xaadirin goobtii lagu magacaabay ayaa loo qaaday saakay magaalada Naivasha oo ee ku taala duleedka magaalada Nairobi si loo siiyo sadax maalmood oo tababar iyo wadahadal dhexdooda ah.
 
Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed
Madaxweynaha Soomaaliya: Abdullahi Yuusuf Ahmed

Beesha: Daarood
Somali Prime Minister Ali Mohamed Ghedi
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya:
Prof. Ali Mohamed Ghedi
Beesha: Hawiye
Somali parliament Speaker  Sharif Hassan Sheikh Adan
Afhayeenka Baarlamaanka Som.
Sharif Hassan Sh. Adan
Beesha:
Digil-Mirifle
Waxaa jira warar sheegaya wali ay jiraan warar sheegaya in aan lagu wada qancin qaabka soo xulida wasiirada, taas oo wararka qaar sheegeen in ay tahay Ujeedada siminaarka iyo ka fogaynta magaalada Nairobi, si aan khilaafaadku u usii badan.
 
Wasaaradaha maqan oo ay ka mid yihiin, W/gudaha, W/Amaanka, W/Macdanta iyo biyahaha, W/dakadaha iyo sadaxda Ra'iisul wasaare ku xigeen ayaa waxaa ka jira khilaaf siyaasadeed waxaana ugu wayn wasaaradaha arrimaha Gudaha oo laba siyaasi oo kala ah Xuseen Maxamad Caydiid iyo Maxamad Qanyare Afrax lagu waday in uu midkood noqdo.
 
Xuseen maxamad caydiid warar ku dhawdhaw ayaa sheegaya in uu si cad u diiday in loo magacaabo wasaarada arrimaha gudaha waxa uuna sheegay in horay loogu balan qaaday in la siinayo Ra'iisul wasaare ku xigeenka koowaad iyo W/arrimaha gudaha, loogana baxay sidaasna uu ku diidan yahay hadaan la iskugu darin, waxa uuna warka intaas ku darayaa in xuseen caydiid horay looga baxay balan qaad ahaa in la siinayo Ra'iisul wasaaraha dowlada FKMG ah ee Soomaaliya.
 
Halka Maxamad Qanyare Afrax ilo ku dhaw ay ii xajiiyeen in uu diidan yahay wasiirka dakadaha oo loo qorshaynayay in la siiyo, waxa uuna dalbaday in la siiyo wasiirka arimaha Gudaha, ilaa haddana ma jirto labadooda mid ka soo dagay halkii uu joogay ee ahayd diidmada wasaaradaha loo qorsheeyay.
 
Wasiirka koowaad oo ay maanta oo kaliya uga harsanayd mudadii uu u  haystay magacaabista golaha wasiirada ayaa ku mashquulsan in uu dhameeyo Khilaafka ka taagan wasaaradaha kale ee dhiman iyo ku xigeenadiisaba waxaana la filayaa in uu magacaabo maalmaha soo socda xubnahaas.

Wasiirada ilaa hadda la magcaabay iyo Qabiiladooda

Waxaa isku soo dubaridey

Canab Mumtaz | canabmumtaz@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 2, 2004

QAYLO DHAAN.... CAAWINAAD U RAADIN DADKII KUTABAALOOBEY ROOBABKA SOOMAALIYA... GUJI

»»» BAAQ KASOO BAXAY "AMNESTY INT."
Hay'adda Amnesty International oo Ku Baaqday in Baaritaan Madax Bannaan Lagu Sameeyo Arinka Samsam:: Qoraal kasoo baxay. Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
QAYLO DHAAN.... CAAWINAAD U RAADIN DADKII KUTABAALOOBEY ROOBABKA SOOMAALIYA... GUJI


Hooyo Xoolihii ka dhamaadeen oo Dab shidanaysa Qardho & Dhahar


Olole Tabarucaad: Dadkii ku tabaaloobay roobabkii ka da’ay Nugaal iyo Qardho
Shirkadda Amal Bank iyo masaajidada & dadweynaha Boosaaso ayaa ka qayb qaatay Olole aad u ballaaran oo... Guji...



HTML CD