SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
 
Daabaco Boggan | Print

Qaylo Dhaan

KU:- qofkasta oo xilkas ah oo qoraalkani gaadho .
Ka: culimada iyo odayaasha hoos ku qoran. 


Xoolaha uu Roobku ku laayey Soomaaliya

Musiibadan rabbaaniga ahi  waxay dhacday habeenimadii 15ka ramadaan xilligaas oo ay deegaamada nugaal iyo qardho ka de’een roobab lixaad leh oo socday 30 saacadood oo watay dabayl qabow oo aan deegaanka horay looga aqoon , waxayan sababtay in 80% xoolihii degaankaas ku dhaqnaa ay dhammaadaan sida ay soo sheegeen qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee ka hawl gala deegamadaas. dadka ku tabaaloobay musiibadanna waxaa lagu qiyaasay 2500 oo qoys oo ah inta ay xoolohoodii ka soo hadheen 20 neef oo adhi ah ama ka yar ama ayna waxbaba u hadhin iyada oo la ogsoonyahay in dhibaatadu dadka deegaanka oo dhan wada gaadhay . 

wax ka qabadka musiibadan rabbaaniga ah waxaa isu taagay guddi mutadawiciin ah oo uu madax u yahay sh.c/qaadir nuur farax ayna xubno ka yihiin qaar ka mid ah madax dhaqameedka deegaanadaas musiibadu ka dhacday iyo ganacsato , guddigan oo ka samaysmay garoowe ayaa ilaa iyo hadda deeqo wax ku ool ah gaadhsiiyay aagagga dhibaatadani saamaysay , waxana xusid mudan in guddigu aqoonsi ka haysto maamul goboleedka puntland  

Haddaba waxaan codsanaynaa in qof walba ka qayb qaato caawinta dadkaas tabaalaysan . 

Lacagaha waxaa lagu shubi karaa xisaabaha kala ah : 

1. Tawakal Bank            A/c No: 001-0037.

2. Amal Bank                A/c No: 0702 – 04 –10308  - 01.

3. Dalsan Bank             A/c No: 22413 Dalsan. 

xisaabaha kalena gadaal ayaa laga soo sheegi doonaa ilaahay idankii.

Wixii faahfahin ah waxaa lagala xidhiidhi karaa sh/qaadir nuur faarax goddoomiyaha guddiga taakulaynta tel: 002525746134 ama tel: 002525827417. 

magacyada culumada. 

  • 1.     Sh. Axmed Daahir Xasan  Xuseen

  • 2.     Sh. Daahir Aw. Cabdi

  • 3.     Sh C/Qaadir Nuur Faarax

  • 4.     Sh Axmed Xaaji C/Raxmaan

  • 5.     Sh. Xasan Xuseen 

  • 6.     Sh . Bashiir  Jaamac Kitte .

  • 7.     Sh. Cabdullaahi cali xaashi.

  • 8.     suldaan c/salaam maxamuud xaaji 

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada.
dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 1, 2004


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim


Hooyo Xoolihii ka dhamaadeen oo Dab shidanaysa Qardho & Dhahar


Olole Tabarucaad: Dadkii ku tabaaloobay roobabkii ka da’ay Nugaal iyo Qardho
Shirkadda Amal Bank iyo masaajidada & dadweynaha Boosaaso ayaa ka qayb qaatay Olole aad u ballaaran oo... Guji...



HTML CD