SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay Nairobi iyagoo ku sii jeeda Suudaan
Nairobi (SomaliTalk.com) Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed &Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyaga oo ku sii jeeda wadanka Suudaan.

Booqashada Madaxwaynaha Soomaaliya ee wadanka Suudaan waxa ay ku saabsantahay Casuumaada uu usameyay madaxwaynaha Suudaan Al Bashiir Dhigiisa Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Ujeedada Safarkan waxaa sharaxaad ka bixiyay Daahir Mire Jabriil oo ka mid ah Kaaliyaasha Madaxwaynaha Soomaaliya isagoo sheegay in looga hadli doono shirkaas Arimaha Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka waxaana imaan Doona Buu yir Daahir shirka Raysulwasaraha Itoobiya Milesanawi  iyo Madaxwaynaha Yaman Cali Cabdalla Saalix.

Intii aysan wafdiga Madaxwaynu Gaarin Garoonka waxaa jiray shir albaabada loo xiray oo dhaxmara Madaxwayaha Soomaaliya Yusuf iyo Raysulwasaare Prof Cali Maxamed Geedi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan iyo Kuxigeenada Koowaad iyo Labaad Prof Dalxa iyo Boqore iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaalida.

Waa markii Sadaxeed ee Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ka dhoofo Magaalada Nairobi ilaa iyo intii loo Doortay Madaxwaynaha Soomaaliya 10/10/2004.

Waxa boqasho Madaxwaynuhu ku soo maray wadamo ay ka mid ahaayeen Itoobiya, Ugaandha, Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta Jabuuti, yaman iyo Goobo kalle.

Wafdga Madaxwaynaha ee Galabta 5.30 ka anbabaxay Nairobi waxa ay kalla ahaayeen :

Xidhibaan Cabdulaahi Sh Ismaaciil,
Xidhibaan Ibraahin Xusseen Cali
Daahir Mire Jibriil
C/casiis Faarax Guuleed
C/rixmaan Xasan Nuur
C/laahi Rashiid
Cali Cabdi Guuleed
Khadiija C/laahi Yuusuf

Wafdiga Madaxwaynaha waa Garoonka ku sii sagootiyay Raysul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh Xasan iyo ku xigeenadiisa Dalxa iyo Boqore iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaalida.

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya, Nairobi Somalitalk
axmeddheere65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2004


Warqad Furan oo Ku Socota DFKMG
oo kasoo baxday Ururka Somali Concern Group.. Guji Dec 25

Somaliland: "dadka laga tirada badan yahay"
oo Qaxootinimo Weydiisanaya UNHCR Guji Dec 25

Wararka Maanta 25/12/2004
»DR. CARAAYE: hala dhiso dowlad ka kooban 150….
»Waxgaradka Beesha gaaljecel oo soo saaray Warqad...
»Maalinta Carruuta oo laga xusay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada