SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Wasaaradda Naafada Soomaaliyeed Maxaa ku Dhacay???
  • Baaq kasoo Baxay Naafada Soomaaliyeed

Siciid M Hussein “Indhoole”
siciidindhoole@yahoo.co.uk

Dec 17, 2004

Waan Salaamayaa dhamaan akhristayaasha soomaaliyeed!

“Kama reeyayaal bow tashaday oonna sii korodh” Naafada soomaaliyeed oo markeedii hore murugo iyo calool xumo ku seexan jirtay kuna soo toosi jirtay ayaa il naxariis leh waxay ku eegaysay raggii curyaamiyey oo Nayroobi ku shirsanaa. Waxaase murugadii u sii labanlaabay markay ogaadeen in la sameeyey wasaarad guryihii dumay dhista lana ilaaway wasaarad dhista naafada soomaaliyeed iyadoo ka dhisaysa lafohooda jajabay , qalbigooda murugadu buuxisy ,iyo indhohooda burburay. Wasaaraddan oo aan horay u jiri jirin waxaan u arkaynay in ay kaba muhiimsantahay tan arimaha dibadda maadaama 60% Soomaali naafowday waa marka lagu daro inta mooraalka ka naafawday haba caga qabtee si loo daboolo baahida ku habsatay ee ay qabaan .

Shirweynihii Koowaad ee Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo Muqdisho Ka Dhacay
| Warbixin

Marka waxaanu leenahay “mar hadaanan ka aarsan karin ninkii aabahay dilay aan ooyee albaabka ii xira.” Arintayadu waxay noqotay haduun baan wax ogaaday in awrka nalagu kacsanaayey lana baabi,inaayey shabaabnimadayadii ,diintayadii iyo dalkayagii .

Wixii dhacayaba dhacee ,waxaanu filaynaa inshaa allaah inaanay cid dambe idiin naafoobi doonin oo laydin bartay. Hadaad wasaaradayada ku dhawaaqi waydaan oo waliba wasiirkeedu yahay naafo aqoon leh oo anaga naga mid ah adduunyadana noo waydiin kara ulihii indhoolayaasha, lugihii hagaayey, gacmihii aartifiishaalka ahaa iyo wax kaste oo mooraalkayaga wanaajin kara ama naafada aduunka naga mid dhigi kara sida shaqo ama mushahar naafo.

Hadaba hadii baaqa iyo soo jeedinta naafada Soomaaliyeed la iska dhaga mariyo sidaa hadaba dhacday oo lagu sii wado sidaa wuxuunbaa imanaysa. Sida in uu nin aan nafba doonaynin oo aan awalba waxba ku noolayni isku qarxiyo raga xafiisayada daahyada leh fadhiya! “Nin ku xiga naxliga kuu gala nudayga kaa goo” Waxaan jeclaan lahaa inaan qoraalkaygan ku soo gabagabeeyo “Ninka dayrta maanta ah u dooyaystay madaxnimo uba diidi maynnee horta mee dalkii iyo dadkii uu xukumi laa “.

Waxan jeclaan lahaa in dadwaynaha Soomaaliyeed gaar ahaana naafada in ay arintan odhaahdooda ka gaystaan cidii ra’yigaa wax ku biirinaysa ama wax ku saluugsanina ha igala soo xidhiidho email address kan:

Siciid M Hussein “Indhoole”
siciidindhoole@yahoo.co.uk

  • Xusuus: Qoraagu waxa uu si gaar ah uga codsanayaa in farriintaan la gaarsiiyo dhammaan shacabka iyo dowladda cusubba.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 17, 2004

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


BILICDA SOOMAALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil
Waa wiil yar oo Soomaaliyeed, oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
 
Haldhaa / Goray
gorayo
Waa haldhaa ama Goray dhex mushaaxaya dooga iyo Bilicda Soomaaliya oo nabada.
 
Si aad waxbadan uga ogaatid bilicda Soomaaliya iyo khayraadka ku duugan Guji halkan

. Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka
. Nolosha Dhabta ah ee Muqdisho


Janaayo 23, 2002: Hay'ad Samaafal Soomaaliyeed oo Qalab Mucaawino ah u Qaybisay Naafo iyo Waayeel Soomaaliyeed oo kusugan Cadaado iyo Banaadir  

QISADII MADHOODHOW: Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

<><><>

SOMALITALK.COM KA AKHRI:

Sawirada: Google & Yahoo search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada