SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

 


WARARKII AGOOSTO 6:::
  • Dhaarintii Xubanaha Baarlamaanka oo Dib Loo Dhigay ilaa August 19
  • Xuseen Ceydiid iyo Cismaan Caato oo Xilkii Ka Qaaday Ugaaska Beesha Ceyr

Dhaarintii Xubnaha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya oo Markale Dib Loo Dhigay ilaa August 19, 2004

Wararka ka imanaay caasimada dalka ay Soomaaliya deriska yihiin ee Kenya ayaa tibaaxay in wasiirada arimaha dibbada ee dalalka IGAD ay dib u dhigeen dhaarintii xubnaha baarlamaanka ee la qorsheeyey in ay maanta oo khamiis ah dhacdo. Dib u dhigga ayaa ka dhashay khilaafaadka ka taagan sidii ay qabiilooyinku xubnahaas u qaysan lahaayeen ama loogu qaybin lahaa.

IGAD oo shir kulahaa Nairibi Arbacadii iyo Khamiistii waxa ay sheegeen in ay mar kale shir isugu soo laaban doonaan 19ka Agoosto markaas oo ay sheegeen in ay tahay dhaarinta xubnaha baarlamaanka la rabo in loo dhiso Soomaaliya.

IGAD oo ka kooban dalalka Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Sudan & Uganda ayaa isku soo agaasimey shirka Kenya oo markii hore (October 2002) ka bilowday magaalada Eldoret, kaddibna bishii Febraayo ee 2003 loo soo raray Mbagathi, Nairobi oo uu hadda kasii socdo - ilaa muddo aan la aqoon waayo labo sano ayaa waxaa uga dhiman labo bilood. (Soomaaliya waxay xubin ka tahay IGAD laakiin xubin-nimadeedu ma shaqaneyso waqtigan ilaa ay markale dawlad noqoto).

Waxaa wararku intaas ku dareen in ay IGAD qoraal u gudbiyeen qabaa'ilada Soomaaliyeed ee aan weli soo gudbin magacyada xubnaha uga qayb gali lahaa baarlamaanka, waxana IGAD sheegeen in qabaailadaas laga rabo in labo maalmood gudohood ay kusoo gudbiyaan magacyada xubnaha - waa ilaa Sabtida Agoosto 7.

FAALADII DIRIDHABA
SHIRKA EMBIGATHI UMA DHAWA INUU GUULAYSANAAYO

Waa Dhambaal si gaar ah ugu socda Soomaaliya

Xubnaha la rabo in qabaa'ilada Soomaaliyed qaybsadaan waa 275 xubnood kuwaas oo afar beelood middiiba loo qoondeeyey 61, halka beesha loo bixiyey 'NUS' loo qorsheeyey 31 xubnood. Waxaana jira warar sheegaya in ila hadda la soo gudbiyey magacyada 110 xubnood ayna dhiman yihiin in la soo gudbiyo 165-ka haray.

Waxay ahayd bishii hore ee July 19keedii markii ay IGAD sheegeen in xubnaha baarlamaanka la dhamaystiri doono doono 30kii July , oo markaas la dhaarin doono, waxaase taas dib loogu dhigay Agoosto 4, dabcan taasina ma qabsoomin.

Marka la dhaariyo xubnaha baarlamaanka, waxa ay xubnahaasi soo dooran doonaan madaxweynaha kumeel-gaarka ah oo la qorsheeyey in uu dalka maamulo muddo shan sano ah oo dalka lagu gaarsiinayo doorsho lagu soo doorto madaxweyne rasmi ah. Eeg sidii ay xubnihii baarlamaankii Carta u doorteen C/Qaasim iyo sidii la isu reebreebay.

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | August 6, 2004

Xuseen Ceydiid iyo Cismaan Caato oo Xilkii Ka Qaaday Ugaaska Beesha Ceyr

  •  .....Xuseen Ceydiid iyo Cismaan Caato oo dib loogu celiyey qoraalkooda, kaddib markii odayaasha dhaqanka Beesha Ceyr ay u sheegeen Guddiga fududeynta in raggaasi aysan ahayn Beesha Ceyr ee ay yihiin Beesha Sacad.....

C. Caato

X. caydid

Wararka naga soo gaaraya magaallada Nairobi waxa ay sheegayaan in uu muran xooggan u dhexeeyo Beesha Ceyr iyo hoggaamiye kooxeedyada kala ah Xuseen Maxamed Ceydiid iyo Cismaan Caato, waxaana murankan uu ka dhashay kaddib markii labadan hoggaamiye kooxeed ay warqad qoraal ah u gudbiyeen Guddiga Fududeynta oo ay ku sheegayaan in xilkii laga qaaday Ugaas C/daahir oo ka mid ah Ugaasyada Beesha Ceyr ee ka qayb galaya shirka dib u heshiisiinta, waxayna sheegeen labadan hoggaamiye in Ugaas Cabdi Daahir uu ku xad-gudbay waxa ay ugu yeereen “Qawaaniintii u degsanayd Beesha Habar-gidir".

          “Annaga ayaa Habar-gidir madax u ah, annaga ayaana u magacaabeyna xildhibaannada Golaha Baarlamanka” ayay ku yiraahdeen qoraalkooda Xuseen Ceydiid iyo Cismaan Caato.

          Guddiga fududeynta shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay si aad ah ula yaabeen qoraalkaasi, waxaana la sheegay in Xuseen Ceydiid iyo Cismaan Caato dib loogu celiyey qoraalkooda, kaddib markii odayaasha dhaqanka Beesha Ceyr ay u sheegeen Guddiga fududeynta in raggaasi aysan ahayn Beesha Ceyr ee ay yihiin Beesha Sacad.

          Arrintan ayaa keentay in uu sii kordho khilaafkii ud hexeeyey siyaasiyiinta Beesha Sacad iyo odayaasha dhaqanka Beesha Ceyr, waxaana la sheegay in Xuseen Ceydiid iyo Cismaan Caato ay magacaabeen saddexda xubnood ee Beesha Ceyr, kuwaasoo kala ah Xuseen Shidane Xirsi, Maxamed Xuseen Naaleeye iyo Yuusuf Mire Seeraar, waxayna sheegeen in raggani ay yihiin rag u soo halgamay Isbahaysiga SNA, ayna xaq u leeyihiin in ay ka mid noqdaan Golaha Baarlamanka ee dowladda lagu soo dhisi doono shirka dib u heshiisiinta ee Kenya, hase yeeshee warqad qoraal ah oo ay gudbiyeen Ugaas Cabdi Daahir ayaa waxa ay ku qoreen saddexda xubnood ee Beesha Ceyr, iyagoo ka dalbaday guddiga fududeynta shirka in ay si aad ah ula socdaan in Beesha Ceyr ay isku raacsan tahay xubnaha ay soo magacawdeen, waxaana la caddeeyey in Guddiga fududeynta uu dib u soo celiyey raggii uu magacaabo Ugaaska, waxaana guddiga fududeyntu sheegay in uu khilaaf ka dhex jiro Beesha Ceyr, hase yeeshee Beesha Ceyr arrintani aad ayay uga xumaatay, waxayna sheegeen in Guddiga fududeynta ay la kala safan yihiin Xuseen Ceydiid iyo Cismaan Caato.


GUJI HALKAN...

Maanta gellinka dambe ayay la kulmayeen Guddiga fududeynta waxgarad iyo culimaa’udiin, iyo siyaasiyiin ka socday Beesha Habar-gidir, si ay uga arrinsadaan arrimaha ka dhex taagan beesha ee la xiriira qaabka loo soo magacaabayo xubnaha Baarlamanka, waxaana la sheegay in Beelaha kale ee Habar-gidir iyagana uu ka dhexeeyo khilaaf, kaasoo in ay gudbiyaan liisas kala duwan, hase yeeshee waxgarad ka tirsan Beesha Habar-gidir oo magacooda qariyey ayaa sheegay in khilaafka ka dhex jira Beelaha Habar-gidir ay ugu wacan yihiin Xuseen Ceydiid iyo Cismaan Xasan Cali Caato.

          Sidoo kale Beesha Suleymaan ayaa iyaduna weli gudbin liiska xubnaha Baarlamanka, iyadoo Ugaaska Beeshaasi Ugaas C/llaahi Ugaas Faarax uu haatan ku sugan yahay magaallada Muqdisho, si uu kulammo ula yeesho waxgaradka kale ee Beesha ee iyagana ku sugan magaallada, sidoo kale qoraal ay soo saareen Beesha Saruur ayay ku sheegeen in aysan jirin liis ay u gudbiyeen Guddiga fududeynta shirka dib u heshiisiinta ee la xiriira magacaabista xubnaha Golaha Baarlamanka ee dowladda cusub, waxaa kaloo la sheegay in Beesha Sacad, iyana uu ka dhex jiro khilaaf ku saabsan magacaabista xubnaha Baarlamanka, iyagoo horey u magacaabay xubnaha kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Xuseen Ceydiid, Cismaan Caato, hase yeeshee warqad qoraal ah oo iyana ay soo saareen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Beesha Sacad ayay ku sheegeen in aysan jirin liis ay gudbiyeen oo la xiriira magacaabista xubnahaasi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 6, 2004


WARARKII AGOOSTO 5:::
»WARARKII SHIRKA DIB U HESHIISIINTA
»C/LAAHI YUUSUF OO XALAY LOO GUDBIYAY WARQAD QORAAL AH
»DAGAAL XALAY KA DHACAY MUQDISHO
»Beesha Saruur oo Sheegtay in aysan gudbin Xubno Baarlamaan
»Maxkamada Ifka Xalane oo Baabi'isay dacwal loo haystey 3 dumar ah
»Carwadii 2aad ee SIDAM oo Muqdisho laga furay
Dhammaan ka akhri halkan...

WARARKII AGOOSTO 4
»Nairobi: Kulankii 9aad ee W/Arimaha Dibada IGAD oo Furmay
»Nairobi: Magcaabid Xildhibaanada Beesha cali Salebaan

»Suudaan: Dibadbax Ka Dhacay Khartuum
»Qardho: Siminaar Aqoon kororsi oo loo xiray 200 oo arday
»Holland: Ciyaaraha Soomaalida Yurub oo ku soo gaba gaboobay
»Kenya: Agabgurashada Ardeyda Jaamacadaaha Kenya..
Dhammaan ka akhri halkan...Guji

Faafin: SomaliTalk.com | August 6, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD