SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

 


WARARKA MAANTA:: August 4, 2004
  • Kulankii 9-aad ee Wasiirada Arimaha Dibada ee Urur Goboleedka IGAD oo Nairobi ka furmay
  • Magacaabid  xildhibaanada Beesha  Calisaleebaan  
  • DIBADBAX KA DHACAY KHARTOUM
  • SIMINAAR AQOON KORORSI AH OO MAANTA LOOGU XIRAY 200 OO ARDAY DEGMADA QARDHO
  • Ciyaaraha Soomaalida Yurub oo ku soo gaba gabooay Holland
  • AASKA LENA IYO AGABGURASHADA ARDEYDA JAAMACADAHA KENYA
Kulankii 9-aad ee Wasiirada Arimaha Dibada ee Urur Goboleedka IGAD oo Nairobi ka furmay,iyagoo tageeray Sida ay wax u qeybiyeen Guddiga xalinka Khilaafaadka.
  • Musyoka: ".....Gen.Morgan oo aan aheyn hoggaamiye muhiim ah wakhtigaan"
  • Musyoka: "Guddiaga xalinta khilaafaadka Awood Dheeraad ah ayaan u dhiibnay,Sidii aan wax uugu dhiibnayna ayay wax u qeybiyeen,Mana jirto wax laga noqonaayo"

Kulankii 9aad ee wasiirada arrimaha dibeda ee Dawladaha Urur goboleedka IGAD ayaa galabta furmay Colleg-ka Mabagathi,kulankii maanta waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada arimaha dibada ee Urur gobloeedka IGAD,waxaa wakiilo u joogeen oo qura Dalalka Suudaan iyo Jabuuti, waxaa kaloo goob joog ka ahaa kulankii maanta Wadamada Deeqbixiya Sida Midowga Yurub,Jaamacadda Carabta ,Midowga Afrika, iyo ururo kale oo Caalami ah .

Waxaana ugu horayn kulankii Wasiirada Haada ka rogay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda dalka Kenya Stephen Kalonzo Musyoka oo ah Wasiirka macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah oo isagu sii wada hoggaaminta shirka,waxa uuna sheegay in uu wakiil ka yahay Wasiira Amiraha Dibada ee Kenya oo isagu aan imaanin kulankii.

Kolonzo waxa uu sheegay inaysan suurtogal ahayn in shirku dib u dhac ku yimaado,iyadoo waqtigaan xaadirka ah aanay beesha caalamka iyo urur goboleedka IGAD midkoodna u qorshaysnayn in waqti dheeraad ah oo kale lagu daro shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida balse la rajaynayo in beeluhu dhaqso u soo gudbiyaan xubnihii baarlamaanka .

Waxa kale oo uu ku nuux nuuxsaday in uu ku adkeeyey in dawladda dhalan doontaa ay caalamka ka heli doonto taageero ,siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba,isagoo sheegay in hoggaamiyayaasha Siyaasadda Soomaalida dhammaantood ay ku wada sugan yihiin haatan madasha shirka marka laga reebo ayuu yiri Gen.Morgan oo aan aheyn hoggaamiye muhiim ah wakhtigaan, waxana uu u soo jeediyey inuu ku soo biiro shirka inkastoo uu tilmaamay qoraalkii ay dhowaan guddiga fududaynta IGAD ka soo saareen arrinta Gen.Morgan ee ay ugu hanjabayeen in lagu soo rogi doono xayiraad ,waxa uu sheegay in dhamaan Dowlada IGAD ay arintaas ku raacsanyihiin,wadadaasna la marsiindoono Hoggamiyo walba oo nabad diida ah.

Musyoka waxa uu mar uu ka hadlaayay Arinta guddiga xalinta khilaafaadka ayaa waxa uu yiri "Guddiaga xalinta khilaafaadka Awood Dheeraad ah ayaan u dhiibnay,Sidii aan wax uugu dhiibnayna ayay wax u qeybiyeen,Mana jirto wax laga noqonaayo" ayuu yiri Kolonzo oo hadalkiisa siiwato waxa yiri "Waxaa na soo gaaray qaar ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka kuwaas waan dhaarindoonaa,kuwa kalena Sida ugu dhaqsiyaha badan waa inay u soo gudbiyaan si ay hoosheena u soo gaba gaboowdo."

Wasiirka Kolonzo Gaba gabidii kulankii maanta waxa uu sheegay in ay wasiirada ay kulan gaar ah yeelandoonaan Si ay go'aan ugu gaarana beelaha ilaa iyo hada aan soo gudbinin,waxa uuna ka codsaday beelaha Dhiman in ay soo gudbiyaan si shirka loo soo afjaro shacabka Somaliyeedna ay helaan Dowlad soo celiso kaladanbeytii iyo qaanuunkii horey u lumay. 

Asad Cabdi Axmed(Nasrudiin) Nairobi, Kenya
 nasrudiin5@hotmail.com

<><><>

Magacaabid  xildhibaanada Beesha  Calisaleebaan  

Shir ay isugu yimdaan beesha  calisaleebaan  oo kadhacay  hoolka  shirarka  ee  jester  House taariikhudu  markay aheed ,2/8/2004 ,waxay  beeshu uqeysatey   sitadan  Xubnahii uuga  qabygali  lahaa  baarlamaaka  kumeel gaarka:
1beesha  cowliyahan cali
2Beesha ismaaciil   cali 
3beesha  biciid yahan cali
4beesha  Cumar  cali
5beesha   aadan cali
6beesha  saciid cali

Beelaha  cali saleebaan waa  6beelood  balse xubnaha  ay qeybsadeen waa  3daxa  xubnood waxaana la islagartey 
in sadaxa  belood ee hadada  qaata  xilibaanada, sadaxada kale  waxii  kaloo soo baxa  loo qiimeeyo 
1.beesha  cowliyahan  cali waxay soo doorteen
Dr  mire  xaaji faarax
2.beesha  beciid  Yahan waxay  soo doorteen
Dr  Saciid C/laahi  Salax  Dheere
3.beesha  ismaaciil  cali  waxaa  lagaga  dhowrayaa  in ayasoo Magacaban  xilibaanka  ay usoo gudbiyaan Gudiga .

Saxiixayaasha   Gudiga  beesha  calisaleban 
Caaqil  faysal  xasan dubbe
Maxamed  Cartan  Gurxan 
Dr  Xasan mahad   Xaaji xasan
Cumar  Axamed  Weerara
Maxamuud  Cismaan cali
wabilaahi  Towfiiiq
Cumar  cabdi  xaashi
kenya  nairobi suxufi200@yahoo.co.uk

<><><>

DIBADBAX KA DHACAY KHARTOUM.

Waxaa saaka subaxnimadii magaalada Khartoum ee caasimadda Suudaan, ka billoowday dibadbax ballaaran oo ay ka qeybgaleen kummanaan muwaadidiinta reer-Suudaan ka tirsan.

Bannaanbaxan baaxaddaweyn waxaa soo abaabushay dawladda Suudaan, wuxuuna ka-dhan ahaa ciidamada shisheeyaha ah ee reer-galbedka oo la filaya in ay soo galaan dalka Suudaan, taasi waxaa faragalin iyo faduul u arkaan dadka reer Suudaan, islamarkaana aad uga biyadiidsan tallaabataas.

Muddaharaadkan maanta xarunta dalka ka dhacay ayaa waxaa ka qeybgalay dhammaanba qeybaha bulshada sida ardeyda jaamacadaha, dugsiyada hoose, dhexe, sare iyo ciidamada qalabka sida. Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayeen halkudhagyo ay ku diidanyihiin halista ciidamo shisheeye oo dalka soo galo iyo cawaaqibxumada ka imman karta haddey dhacda ummuurtaas la dhawrayo.

 Dibadbaxan maanta Khartoum ka dhacay ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee dalka ka dhaca, kaasoo ahaa mid mareykan iyo shisheeye diid ah waa sida hadalka loo dhigaye.

Waloow uu bannaanbuxu socday saacada door ah, haddana ganacsiga iyo isu-socodka gawaarada daafaha magaalada u kala goosho iska caadi ayey ahaayeen, howl-maalmeedkana waa iska socday.

Balse guuxa iyo jabaqda dadkan tobonaanka kun kor u dhaafayay si weyn ayaa magaalada looga dareemay. Si kastaba ha ahaatee, dadku waxey aad u hadalhayaan xaaladda gobolka Daarfuur iyo sida uu xaal noqon doona, haddii jawiga cakiran ee gobolkaas ay shisheeye majaraha u qabtaan.

Mar aan suaalo weydiiyay dhawr qof oo ka mid ahaa dadki goobaha muhiimka ah socodka ku marayay waxey ii sheegeen in ay marnaba aqbali kareynin gummeysi mar kale dib u soo rogaalceliyo, waa sida ay hadalka ku tibaaxeene; balse sida uu ii sheegay nin dhallinyara ah oo u dhashay gobolka Daarfuur, wuxuu ii sheegay in gobolkaas ay nasiibdarro ku habsatay.

 
By: Stanza Somalitalk.com Khartoum Suudaan.
Ayaandhalad5@hotmail.com

<><><>

SIMINAAR AQOON KORORSI AH OO MAANTA LOOGU XIRAY 200 OO ARDAY DEGMADA QARDHO. 

Xaflada aad loo soo agaasimay ayaa galabnimadii arbacada ka dhacday hoolka shirarka ee degmada qardho xafladdaas oo lagu maamuusayay xiritaankii siminaar 200 oo arday uga socday halkaas. siminaarkaas oo bilawday 28/07/2004 ayaa dhammaaday 02/08/204. 

Siminaarkan oo ah kii ugu horreyay noociisa ee laga qabto degmada Qardho oo isugu jiray aqoon kororsi iyo wacyi gelin ayaa waxaa aad uga faa’iidaystay ardaydii loogu talagalay sida laga dareemay natiijadii ka soo baxday imtixaankii gabogabada siminaarka. Iyadoo siminaarku ku dhammaaday xilligii loogu talagalay ayaa haddana ardaydu aad u jeclaayeen in loo kordhiyo wakhtiga. 

Waxaa xafladda xiritaankeeda ka soo qaybgalay Gudoomiyaha degmada Qardho Cismaan Buux Cali, Guddoomiye ku xigeenka Degmada Yaasiin Saciid Xuseen, Xoghayaha dawladda Hoose Maxamuud Maxamed Shire. 

Halkaas waxaa hadal mahad celin iyo dhiiri gelin ah kasoo jeediyay Gudoomiyaha oo mahad ballaaran u soo jeediyay dhammaan ciddii soo abaabushay siminaarka iyo ku wii ka soo qaybgalayba. 

Gudoomiyuhu isagoo la hadalaya ardayda ayuu u sheegay inay waqtigooda ka faa’iidaystaan ayna ogaadaan in fursadda ay maanta haystaan hadayna ka faa’iidaysan ay barri qoomamayn doonaan, hadalkiisana waxaa ka mid ahaa:

“Waqtiga aad maanta haysaan berri heli maysaan, waxaa fahmi kara qofkii rabbi fahamsiiyo, xarafka aad maanta ka dhuumanaysaanna berri ayaad qoomamayn doontaan markuu idin horyimaado ”. 

Kadibna Guddoomiyuhu wuxuu halkaas ku guddoonsiiyay  abaal marin loogu talagalay ardaydii ugu fir-fircoonayd ee ka faa’iidaysatay siminaarka kuwaas oo tiradoodu dhammayd 40 arday oo isugu jiray wiilal iyo gabdhaba ahaana ardaydii dugsiyada dhexe iyo kuwa sare ee degmada qardho.

 Axmad maxamuud warsame
axsaahid@hotmail.com

<><><>

Ciyaaraha Soomaalida Yurub oo ku soo gaba gabooay Holland

Waxaa Isniintii lagu soo gaba gabeeyey magaalada Den Haag ee waddanka Holland ciyaarihii lixaad ee kooxaha kubadda cagta Soomaalida Yurub. Sidii caadiga ahayd, waxaa sannadkan ka soo qayb galay 7 kooxood oo kubadda cagta ah oo ka kala socda Sweden oo ay ka yimaaddeen labada kooxood ee Stockholm iyo Gothenburg, Ingiriiska oo ay ka yimaaddeen labada kooxood ee Al-Hijra iyo Liecester iyo kooxaha Norway, Finland iyo Holland.

Ciyaartii finalka waxaa ku loolamay kooxaha Holland iyo Finland, halkaasoo guusha ay ku guntadeen kooxda Holland, kuna qaadeen koobkii sannadkan. Intii ciyaaruhu ay socdeen Holland waxa ay soo bandhigtay ciyaar culeys leh iyo qiiro ku dheel. Tababaraha kooxda Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa sheegay in dhallinyaradii u ciyaaraysay kooxdooda ay ka soo xuleen kooxaha kala duwan ee dalkan ka jira.

Kooxda Gothenburg ee Sweden ayaa iyaguna muujiyey ciyaar kulul oo lagu loodin kari waayey billowgii hore. Ciyaaryahan Cabdullaahi Maxamed Yariisow oo kooxda ka tirsanaa ayaa ka mid ahaa xiddigihii ay la soo shir tageen kooxdan. Muddadii tartanku socday waxaa soo camirayey garoomadii lagu dheelayey rag iyo dumar badan oo dhallinyaro ah oo u jeel qaba daawashada ciyaaraha.

Hase ahaatee, tartankan waxaa hakad gelin gaaray fadeexad dhinaca maaliyadda ah oo hareysay dhanka maamulka, taasoo kalliftay in laga soo raro goobtii uu markii hore ka furmay bishii hore aakhirkeedii oo ahayd magaalada Alkmaar oo u dhow Amsterdam. Arrintan waxay keentay in badi ciyaartoydii kooxaha boorsooyinkoodii bannaanka loo soo dhigo, loona soo daadgureeyo Den Haag, kaddib markii la bixin waayey kharashkii hoteelka ay ku jireen.

Guddida Qabanqaabada ayaa sheegay inay dusha u riteen in ciyaaruhu ku dhammaadaan si waafi ah markii dambe. Kooxaha Al-Hijra ee Ingiriiska iyo Stockholm ee Sweden ayaa ku tartamay marti-gelinta ciyaaraha sannadka soo socda ee 2005-ta. Waxaa la isku raacay oo loo codeeyey inay marti-geliso kooxda Al-Hijra ee Ingiriiska. Duraan Faarax oo metelayey Al-Hijra ayaa carrabaabay inay ku faraxsan yihiin inay ciyaarahan ku marti-geliyaan magaalada London.

Maalintii xiritaanka waxaa soo booqday fannaanka weyn, Axmed Naaji Sacad oo ka yimid dhinaca magaalada Brussels, furitaankii tartankana waxaa waxaa ka heesay fannaaniinta Axmed Xasan Xuseen (Lafoole) iyo Abshir Xersi Caweeye. Markii ugu horreysay ayaa la sannadka soo socda waxaa lagu wadaa inay tartankan ka qayb gasho koox metelaysa Soomaalida ku nool waddanka Belgium.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Haarlem, Holland
 ingiriis@yahoo.com

<><><>

AASKA LENA IYO AGABGURASHADA ARDEYDA JAAMACADAHA KENYA

Sida uu maanta wargeyska afka Ingriiska ku soo baxa ee Sudan Vision, ku qoray boggiisa uu kaga faalooda arrimaha qaaradda Afrika, waxaa maalintii sabtida ee aynu ka soo gudubnay aas-qaran loo sammeeyay haweeneydii madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Moi, oo iyadu geeriyootay kalhore.

Sida uu wargeyska tibaaxay kana soo xigtay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya, ahna kan ugu afka-dheer wargeysyada dalkaas, waxaa aaska afada geeriyootay ka soo qeybgalay 10,ooo baroordiiqayaal; oy 1000 ka mid ah ahaayeen kuwa xigtada u ah Lena iyo Moi, iyo kuwa muhiimka ah [V.I.P].  Aaskan oo ka dhacay Mubarak, waxaa lagu qalay 30 dibi oo loogu talagalay gogollaabka marwo Moi. Dhanka kale waxaa agabgurasho iyo alaabariiq madashii meyd-duugga ka sammeeyay ardeyda jaamacadaha dalka kuwa ugu waaweyn sida: Nairobi, Kenyatta, Egerton iyo Maseno Unniversities waa sida hadalka loo dhigaye.

 
Aaskan heerka qaran ah ee loo dhigay marwada jaqafsatay waxaa soo qaabeeyay soona qabanqaabiyay shirkada gaar ah iyo kulliyadda Utalii [Utalii College] iyo dadkale oo daneynayay ka qeybqaadashada tabarucaadda tacsida reer Moi. Qaar ka mid ah baroordiiqayaasha goobta yimmid waxey ka soo lugeeyeen gobolka xiga ee Koibatek, si ay qoyska Moi iyo Lena ugu tacsiyeeyaan. Wuxuu warku intaas ku darayaa in goobta aasku ka dhacayay ammaankeeda la xoojiyay, xiidamada dharcadka ah iyo kuwa qalabka-sidana heegan la galiyay, si looga gaashaanta shuqaaqo iyo rabshad kasta uu dhici kareysa iyo ilaalinta masuuliyiinta madasha ku sugnaa.

Madaxweyne Moi oo dalka soo hagayay muddo rubucqarni ah, wuxuu ka mid yahay muhandisiinta u taliyay ama u soo taliyay dalalka qaaradda Afrika, kuwa lagu tiraya in ay geysteen dambi qaran.

Laakiin dambiyada Moi lagu eedeeya wuxuu la wadaagaa dhigiis, basle dad badan oo reer Kenya ah ayaa wali u dhagtaagayaan goorta la soo taagi doona maxkammad ee lagula xisaabtami doona eedeynaha ka dhanka ah ee naf iyo maalba leh waa sida ay dad badan ku andacoonayaane.
 
By: Stanza Somalitalk.com Khartoum Sudan.
Ayaandhalad5@hotmail.com
 

Warsaxaafadeed Kasoobaxay Shirkadda Dalsan
Kulan ay isugu yimaadeen Golaha Maamulka Shirkadda Dalsan oo lagu qabtay Nairobi ayaa lagu gaaray go’aano Muhiim
Guji

Faafin: SomaliTalk.com | August 4, 2004


WARARKII AGOOSTO 3:::
»Seminaaro ku saabsan dacwada oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo 
»Wadankee ugu nolol wanaagsan aduunka?
»
Dagaallo gobolka Doollo ku dhexmaray shacab reer Ogaadeenya ah
Dhammaan ka akhri halkan...

WARARKII AGOOSTO 2:::
»CIRAAQ: Ninkii Soomaaliyeed ee Lagu Heystay Ciraaq oo lasiidaynayo
»
NAIROBI:: Bootaan Barre: Kablalax waa shan Beelood
»CANADA:  Beesha Nuux Max'ud  oo Ka jawaabtey Qoraalkii Tooxow
Dhammaan ka akhri halkan....

WARARKII AGOOSTO 1:::
»HARGEYSA:: Wariye Abdiaziz Ahmed oo ka Dagey Hargeysa
»
GEDO:: Warsaxaafadeed: Ururka Horumarinta Dhalinyarada Gedo
»MUQDISHO:: Dibadbax lagu xusay geeridii caydiid oo ...
»MORGAN cunaqabataynta halaga qaado, waa dadaalka ay..
»
NAIROBI::  Harti, Absame iyo Dir oo Qaadici doona Shirka haddii..
»IGAD:: Waa in 2da-Agoosto  lasoo gudbiyo magacyada xubnaha...
»NAIROBI: Beesha Cabdi Koombe oo Baaq Kale u Dirtay IGAD
iyo Warar kale oo Goos Goos ah....

WARARKII JULY 31:::
»Ciraaqiyiinta Jooga Soomaaliya oo Loogu Hanjabay qoor gooyo..
»C/Qaasim oo reer Ciraaq ka codsaday in ay siidaayaan Soomaaliga..
»Beeralayda Deegaanka Garoowe oo loo Qaybiyay 24 Matoor.
»Shirkii  Wasiirada Arimaha Dibadda ee IGAD oo dib loodhigay
»Diidmada Culumada Soomaaliyeed ee Shirka Kenya
iyo Warar kale oo Goos Goos ah.... July 31

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD