D
A
L
S
A
N
INTERNATIONAL

DALSAN INTERNATIONAL INC.
Tell: 212135/215627/245507.
Fax: 227014,
P.O.Box 61710 Nairobi, Kenya
 osman@kenyaweb.com

www.dalsanbank.com 


 
WARSAXAAFADEED: 

Warsaxaafad ay Baahisay Dalsan International Inc.

kulan ay isugu yimaadeen Golaha Maamulka (Board of directors) Shirkadda Dalsan July 31-August 3, 2004, oo ka dhacay  Holiday Inn Hotel, Nairobi, Kenya, ayaa lagu  gaaray go’aano Muhiim ah oo ay ka mid yihiin: 

  1. In Maamulka  Shirkadda loo dhiibo, Maareeye  cusub oo wada howl maal-meedka Shirkadda.
     
  2. In loo wareejiyo Xarunta Shirkadda Dalsan  Bosaso, Somaaliya Jan. 05 ka hor. 

Dib u habayntaan iyo isbedalkaan  Maamulka Dalsan,  waxaa looga danleeyahay:

  • In loo rogo Dalsan Bangi u shaqeeya sida ay u shaqeeyaan Bunuugta Caalamka hadda ka jira ee ku shaqeeya nidaamka Islaamiga ah.
     
  • In la xoojiyo tayada shaqada korna loo qaado  howlaha adeegga  Dalsan ay u hayso Bulshada Somaliyeed.
     
  • In la balaariyo Adeegga Dalsan oo la gaarsiiyo in ka balaaran inta ay hadda hayso.
     
  • Waxaa Dalsan Agaasinkeeda Guud u magaacabay Maxamad Cabdi Nuur in uu noqdo General Manager-ka Cusub, Saciid M. Cajabna Vice GM ka cusub ee Dalsan.

Waxaan ugu bishaaraynaynaa  Macaamiisha  Dalsan, inay ka faa’iidaystaan  horumarka iyo hufnaanta ay gaartay Dalsan. Sidoo kale waxaan u rajaynaynaa Dhamaan Macaamiisha Dalsan Horumar, Caafimaad iyo Caaqibsan.
 
Gudoomiyaha Dalsan: M. Shiikh Cismaan
Ku-Xigeenka Gudoomiyaha: Huruuse Xaaji Aadan
Nairobi, Kenya
3/8/2004
hormarintadalsan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 4, 2004

Akhri: www.somalitalk.com/dalsan
 

DALSAN INTERNATIONAL
La xiriir:

Madaxa Marketing and Deveopment::
Sh.C/rixmaan Maxmed Jibriil
e-mail:
hormarintadalsan@hotmail.com 

Waaxda xayaysiinta:
C/risaaq Cali Adam(jeesteeye)
ganaane2002@yahoo.co.uk 



(C) SomaliTalk.com