Waraysigii
Ciise Dholowaa ee Arrinta HAFZA iyo Iibsiga Xaafuun
"Dawlad Goboleedka Puntland waa in ay
Qoraal cad ka soo saarto Arinta HAFZA" Dholowaa
Waraysiga
halkan ka dhegeyso...
Waraysi dheer oo aan Ciise Dholowaa la
yeelanay mar uu soo booqday Minneapolis, ayaan qaybta afraad ee waraysiga
ugu dambeysey kaga waraysanay arimaha shirkada lagu magcaabo HAFZA oo
sheegatay in ay Xaafuun ijaaratey muddo hal qarni ah.
Ciise Dholowaa waxa uu arintaas HAFZA ku
tilmaamay mid aad loola yaabay sababtoo ah lama maqal dal la gatay muddo 99
sanadood ah, taas oo reer Australia ka yaabisay, maadaama ay shirkadani
tahay shirkad reer Australia ah.
Ninka shirkada HAFZA leh ilaa hadda waxa uu
ku adkaysanayaa in heshiiskaasi jiro, uuna ijaartey Dhulkaas Soomaaliyeed,
ayna ku dhiqi doonaan sharciyo ayaga u gaar ah oo ka madax bannaan
Soomaalida.
"$15 billion oo doolar lacag ah in la gesho
inta u shexaysa Xaafuun, Gaalkacyo iyo Boosaaso oo Soomaaliya dawlad loo
waysan yahay, adduunkuna diidan yahay in hal-million la gesho Soomaaliya waa
laba waxyaabood oo aad kala dheer - kaaf iyo kala dheeri" ayuu yiri Dholowaa.
"Waa arin u baahan in si qoto dheer loo baaro".
Cadde Muuse waxba kama ogin ayuu yiri
markii uu Ciise Dholowaa wax ka weydiiyey. In kasta oo uu sidaas Cadde Muuse
sheegtay hadana ninka madaxda ka ah shirkada HAFZA waxa uu sheeganayaa in
heshiiskaasi jiro. Sidaas daraadeed waxaa la rabaa in dawlad goboleedka
Puntland ay qoraal cad arinta ka soo saarto. Waa in la caddeedyo in
saxiixyada ay shirkadani soo bandhigtay, sida saxiixa madaxweynaha DFKMG,
saxiixa madaxweynihi hore DGPL, saxiixaxa Wasiirkii Hawlaha Guud iyo
Gaadiidka PL, ay yihin saxiixyo jira, sida ay shirkadu ku adkaysaneyso, waan
ain shacabka Soomaaliyeed arrintaas loo caddeeyo, si cadna bayaan looga soo
saaro.
Ciise Dholowaa waxa uu shaaca ka qaaday in
ninka leh shirkada HAFZA uu hadadey, kaddib markii uu arimahan Xafuun wax ka
weydiiyey.
Ciise Dholowaa oo hadalkiisii sii wata waxa
uu yiri "Cabdullaahi Yuusuf haddii uu saxiixay toddoba ayaamood ka dib (markii
la doortay), asagoo weli aan lahayn wasiirkii koowaad, oo ay ahayd in uu
asaga hor geeyo, oo baarlamaanka hor geeyo, oo markaas ay wasiiradu ka wada
hadlaan, anigu ciise ahaan waxaan qabaa in ay dawlada axdigeeda iyo axdiga
Soomaalida u yaal oo dastuurtka ah in ay tahay mid aad uga baxsan, sababtoo
ah madaxweynuhu waxaas oo kale mid uu samaynayo ma ahan, hadduu sameeyona
waa madaxweyne aan Soomaalida u talin ee isagu keligiis talo gooni ah leh".
"Madaxweynuhu waa in uu noqdaa mid arinta
dhuuxa, oo sharci yaqaano hor geeya oo baarlamaanka horgeeyo, oo
baarlamaanku kawada hadlo."
Ciise Dholowaa waxa uu shaaca ka qaaday in
baaritaan shirkadaas arimaheeda la xiriia uu socdo.
Waraysiga
Arimaha HAFZA halkan ka dhegeyso...
Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2005
Qaybta 1aad: oo uu Ciise kaga
hadlayo safarkiisii Woqooyiga Ameerika iyo waxyaabihii uu kala kulmay:
Halkan
ka dhegeyso qaybta 1aad
Qaybta 2aad: oo ku saabsan samafalka carruurta Soomaaliyeed ee
xannuunkooda aan wax laga qaban karin Soomaaliya:
Halkan
ka dhegeyso qaybta 2aad
Qaybta 3aad: oo ku saabsan safar uu Dholowa ku tagay Somaliland iyo
Puntland:
Halkan
ka dhegeyso qaybta 3aad
Qaybta 4aad: oo ku saabsan shirkada lagu magcaabo HAFZA oo sheegatay in
ay iibsatey ama ijaaratey Xaafuun muddoo hal qarni ah:
Halkan
ka dhegeyso qaybta 4aad
Waraysigii: Maxamed Cabdi Xaashi
SomaliTalk oo Madaxweynihii hore ee Puntland ka waraysatay waxa uu kala socdo sheegashada shirkadda Hafza ee ah in ay ijaaratey Xaafuun muddo dhan hal Qarni.. ka Dhegeyso halkan...
"Heshiis Saddex Geesoole ah oo Lagu Gatay
Xaafuun Muddo 99 sanadood ah" sida ay shaaca ka qaaday HAFZA
Qoraal ay (Febraayo 18, 2005) faafisay
shabakada Hafza ayaa shaaca ka qaaday waraaqihii lagu saxiixday heshiis la
sheegay in la kiraystay magaalada xaafuun muddo 99 sanadood ah. Heshiiskaas
oo Xaafuun ka dhigaysa mid si toos ah uga madax bananan sharciyada iyo
qawaaniinta Soomaaliya iyo kan Puntland - waxaana halkaas lagu dhiqi qoona
sharci iyo qaanuun u gooni ah oo ay u dejiso Hafza [Horn of Africa Free
Zone Authority], taas oo looga gol leeyahay in laga dhigo meel u madax
bannaan ganacsi ay tooska u maamusho HAFZA, waa sida ay Hafza sheeganeyso'e.
Qoraalka cusub ee ay Hafza faafisay ayaa
shaaca ka qaaday warqad ay sheegeen in uu qoray madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya kaddib markii loo doortay madaxweynaha, waxana
warqadaas ku qoran in Cabdullaahi Yuusuf uu saxiixay lana qoray October
17keedii 2004, (doorashadii madaxweynaha ee uu C/laahi Yuusuf ku guulaystey
waxaa la qabtay 10kii October 2004).
Qoraalka Hafza waxa uu ku bilowday sidan: "Daabacaad
18 February 2005"
"Markii la arkay akhbaar majara habaabin ah
oo ay faafinaynaan qaybo ka soo hor jeeda dawladda Soomaaliya iyo/ama
Puntland, ayaa HAFZA waxay ay soo daabacday ama soo bandhigeysaa dukumiinti
caddaynaya sidii uu heshiiskaasi u dhacay"
Nuqul kamid ah warqad muujinaysa "qoraal
rasmi ah" oo HAFZA sida ay shegtay kasoo gaarey madaxweynaha Soomaaliya,
Cabdullaahi Yuusuf Axmed, markay taariikhdu ahayd 17 October 2004, (hoos
ayaad ku arki doontaa linkiyada waraaqaha).
Nuqul (qayb) kamid ah heshiiskii ay 23
October 2004 la saxiixdeen Dawlad goboleedka Puntland, dawladda Federaalka
Soomaaliya ayagoo sii maraya Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo
khayraadka dabiiciga ah, Axmed Maxamed Cigaal.
Qoraalkaas ay HAFZA shaaca ka qaaday ayaa
waxaa ku qoran in heshiiska ay HAFZA la gashay Puntland uu ka kooban yahay
19 qaybood (32 bog), waxaana Puntland u saxiixay Axmed Maxamed Cigaal, sida
ku saxiixan warqadahaas. Waxaana goobta lagu saxiixayey goob joog ka ahaa
laba qof oo kale oo Soomaali ah oo warqadaas saxiixay ayagoo markhaanti
ahaan ah, sida ay HAFZA faafisay, magacyadooduna uu warqadaas ku qoran yaha.
Waxa kale oo ay HAFZA shaaca ka qaaday
Nuqul ku taariikhaysan December 23, 2004 oo muujinaysa "qoraal rasmi ah ama
wareegto madaxweyne" oo kayimid Maxamed Cabdi Xaashi oo markaas ahaa
madaxweynaha Puntland, oo HAFZA ay sheegtay in email loogu soo diray.
Waxana wareegtadaasi awood u siinaysaa in Wasiirka Hawlaha Guud iyo
Gaadiidka iyo khayraadka dabiiciga ah uu hewshiiskaas la geli karo HAFZA,
sida ku cad nuqulkaas. .
Waxa kale oo HAFZA ay shaaca ka qaaday
email sida ay sheegeen uu u soo diray Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
iyo khayraadka dabiiciga ah, Axmed Maxamed Cigaal, taas oo ay ku qoran tahay
in "Qaraarka" heshiiskaas la ogolaaday, sida warqadaas ku qoran, in kasta oo
qaybo ka mid ah warqaddaas ay HAFZA qalin marisay ama qarisay.
Madaxweynaha hadda ee Puntland, Gen. Cadde
Muuse, oo ay idaacada SBC su'aal ka weydiisey waxa uu ka ogyahay in qaybo
kamid ah Puntland shirkado ajnabi ah lagu wareejiyey ama laga gaday ama laga
ijaarey, waxa uu ku jawaabey "Internet-yada ayaan ku arkay in 99-sano dad
laga ijaarey, anigu arrintaa lama socdo" ayuu yiri, waxana uu ku daray "madhaci
karayso in aan niraahno (shirkad ajnabi ah) dhulka adigaa iska leh ". [Halkan
dhegeyso].
Ilaa hadda dawladda Fedelkaaga Kumeel
gaarka ee Soomaaliya war rasmi ah kama soo saarin sheegayshada HAFZA
ay sheeganeyso in ay qaybo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed kiraysatay muddo 99
sannadood ah oo ay dhulkaas ku dhiqi doonto xeer iyo qaanuun u gaar ah
shirkadaas. Sidoo kale DFKMG weli war sugan kama soo saarin qoraalada ugu
dambeeyey ee ay shaaca ka qaaday HAFZA.
Madaxweynihii hore ee Puntland asagun weli
arintaan war rasmi ah kama soo saarin.
Afeef: Ilaa hadda arinta ijaarashada ama
gadashada Xaafuun waxaa laga maqlay HAFZA, xaqiijinta ama beeninta rasmi ah
ee arintaas waxaa laga sugayaa Dawladda Soomaaliyeed iyo dawlad goboleedka
Puntland.
Faafin: SomaliTalk.com | daabacadii hore: Feb 19, 2005