SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
DURUUSTA - WAAYAHA

"Jabkeygii iyo kii Walaashey"

Qaybta 5aad:

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com
  

Mudo kadib ayan damcay inan katowbadkeeno laakinse waan awoodi kari waayey, hooyaday ayan fasax kaqaatey inan dibida aado anigoo xujo kadhiganayo inan is-hilmansiiyo daroogada iyo dadka xun xun, mudo bil ah!

Waxan galay dhakhtarka layirahdo MUSTASHFA AL-AMAL kadib markii aan gacanteyda kuburburiyey noolasheyda, tii walashey, aabahey iyo tii reerka oo dhan! AAHHH, YA SARRAH, Allaha haku raxariisto! ALLAHUMA ARXAM SAARAH WAAYO WAXAY AHEYD MISKIIN, ANIGANA IGU BADAL BOOSKEEDA! 

Waxan go’ansadey inan isdaweeyo, dhakhaatiirtii markii ay iweydiyeen meesha aan daroogada kucunijirey, waxan usheegey inan dibida kusoo bartey oo aan safar badnaa!

Dhowr bilood guduhood ayaan kusoo daawoobay, laakinse waa goorma, mar aan jarey dhamaan asbabta noolal farxad leh oo dhan! Sideen kufarxa haddii ay walaashey iyo aabahey god ugaleen waxan gaystey, hooyadey indhaheeda uwayday waxan usoo jiidey, walalaheyna aan ujideeyey wado xun! 

Waxan dib ugu laabtey xaafadii, mise waxaan utagey reerkanagii oo kunool sadaqada ay dadka siiyaan! Hooyaday, waxay iibisay guriganagii, waxay kireysteen guri kale oo kudhagan guriga naga oo sedex qol ah…!

Qoys ahaan waxan nahey 8 qof!! Noolal sharaf leh iyo hanti farabadan kadib ayaan kusoo laabanay darin iyo inan dadka baryadooda kunoolano! Wax aqoon ah oo aan kushaqaysto malihi! Caruurta walaalahey ee iga yar, kala bar schoolka waa katageen maadama la’layahey wax lacuno! 

Reerka haddii lasoo sheeg qaado Sarrah, waxay kutuuran nacalad waayo waxay aaminsanyihiin inay ayadu sabab u aheyd waxii dhacay oo dhan, laakinse aniga qalbiga ayaa igubanayo marka lasoo qaado magaceeda waayo waxan ogahey inay madluumad aheyd, reerkanagana ma oga inan aniga sabab u ahaa! 

Waxan lahayste u’ahey maafiyadii  daroogada! 

Nimankii saaxibadey, tuugtii , mujrimintii meeshas idhigey ee walaashey iyo aabahey aakhiro udirey, policeka uma sheegi karo oo inay reerka soo gaarsiiyan dhaawac kadaran kii hore ayaan kabaqaya, ayagoo wali kujiro tacsiyadii aabehey, ceebtii iyo magac xumidii ay soo gaarsiisey walashey!

Waxa kale oo aan kabaqaya inay reerka usheegan inan aniga sabab u ah Sarrah meesha ay kudanbeysay, taas oo keeni karto dhibaato horleh!

Intas kali ma’ahe, haddii aan sheego, way idabo galayan gaar ahaan haddii ay dhibaato kasoo gaarto policeka xagiisa! Aad baan ugu warersanahey oo wax aan sameeyo magaranayo, habeyn iyo maalin waa ii oohin cid ii ogna majirto! 

Aslan inaan noolaadaba ma’aheyn, waxay aheyd in dhagax laygu dilo waxan gaystey daraadeed!

Walaalayalow bal ufiirsado, waxan gaystey, waa mukhadaraad, shaydanka waxa uu kucaweeyo, mukhadarad- shay kasta oo xun ayada ayaa hooya u ah, mukhadarad, waa sharta aan adiga oo kali ah kugu ekaneyn balse sharta kaa fafto aya kadaran waxa adiga kusoo gaarayo!

Imasay guryaha kafasahadisay? Imisa qof ayey ka fogaysay? Imasa qoys ayaa ubur-burey darteed? Walaaloyaalow ha igu quslina, hana ila yaabina ee waxad tirahdan: Ilaahayow, cadowgiisa hakufarax galin! 

Walaalyal kucibro qaado, faafiyo sheekadeydan, cidkasta oo aad garanaysan waxa lagayaba inuu Allah kusoo hanuniyo walow hal qof Allaha kadhige oo markas dunuubtii faraha badneyn ee aan galay la’iidhaafo, walow aan aminsanahey inan laydhaafeyn!

Waxan sidoo kale idinka codsanaya inaad dambi dhaaf uwaydisan walaashey Sarrah, habeyn iyo maalin, aniga waxba ha iidanbi dhaaf waydinina, waayo towbad laygama aqbalayo waxan geystey darteed! 

ALLAHUMA ARXAM SAARAH, WAQFIRLAHA! WALAAHI WALAALYAAL WAXAAN UBAAHANAHEY INAAD IN GARAB ISTAAGTAN SHIDADA AAN KUJIRO DARTEED, WAXAAN IDINKA RABO MAJIRTO OO ADUUNYO AH! 

Waxan sidoo kale umahad celinaya walalkii soo qorey dhibatada hortiina taal!

Sidoo kale, mahad waxa iska leh cidkasta oo faafiso ama ugu waranta dadka si’ay ugu cibro qatan. 

 Intaas waa sheekadii oo lasoo gaabiyey, haddii aan soo guurinlaha wixi dhacay oo dhan dhagaha ayad farta gashanlaheyden, matag ayaad kawareegi laheyden, afka iyo indhaha ayad maroojin laheyden xishood darada wixii meeshaa kadhacay! 

Intan soo gudbiyey ayaa kufilan waano iyo wax kuqaadasho, walaahi haddii anan xishoonayn waxan idinsiinlaha meeshii aad igala soo xariiri laheyden si’aad u’ogaatan inay aduunyada kajirto masaa’ib kaweyn waxa uu insanka kufikiro, ama maskaxdiisa kusoo dhicin!

Waxad kuducaysatan inuu Allah idinka qaadin asturaada iyo caafimadka aan aniga kuciyaarey! Haddii aad ogaan laheyden faa’idada ay leeyihiin labadas, waligiin kama tagteen Shukurka,iyo amaanta Allah,laakinse insanka ayaa ka abuuran deg-deg, WAL XAMDU LILLAHI RABBIL CAALIMIN! 

Ugu danbeyntii

Hadalkan naxdinta iyo murugada leh kadib, ma kutusaale qaadana wiilkan, makuwaansana sheekadan?

Allah ayaan waydiisanayna inuu soo celiyo musliminta kuwooda lunsan, sidoo kale waxan Allaha sareeya kabaryeyna inuu udanbi dhaafo cidkasta oo sheekadan faafiso! 

Isha qisadan: قصص مروعة،نهاياتها مؤسفة،فهل من معتبر؟

By: Muxamed Amiin Al-Jundi.

Turjumid: Abuzuhri Al-Hassan.

Waxaan Allah karajeynaya inuu naga dhigo kuwii kucibro qaato.

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Daabacaad: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxa aleh qoraaga ku saxiixan

. “Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”
.
Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna

. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

QAYBTA 4aad QAYBTA 6aad

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
SHEEKADII KIISHKA... GUJI
 



HTML CD