SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XUQUUQUL INSAANKA

KHUDBADA XOGHAYHA XUQUUQUL INSAANKA IYO DEMBIYADA DAGAALKA

Hon. Drs. Fowzia Mohamed Sheikh Hassan 

Guddoomiyaha Shirka, Marti Sharafta ka soo qayb galay shirkan

Mudanayaal iyo Marwooyin, 

Galab wanaagsan, waxaan idin ku salaamayaa salaanta islaamka ASAALAMU CALAYKUM WARAXMATULLAHI WABARAKAATUHU. 

Waxaan aad ugu faraxsanahay, isla markaana sharaf ii ah in aan manta idin kala soo qayb galo kullanka sida aadka ah loo soo agasimay, aniga iyo saaxibadey oo meel fog idiin kaga nimid si aan idiin la qaybsano kullankan muhimada wayn u leh ummadda soomaliyeed meel walba ay joogto, oo looga hadlaayo dhibaatada gacan ku rimis ka ah ee loo qoondeeyey in ummadda Soomaaliyeed lagu ciribtiro haybadii, sharaftii iyo karaamadii ay lahaydna dhulka lagu jiido iyadoo weliba arrintan ay wax wayn ka geysteen kuwo isku sheegayo in ay nala dhiig iyo dhalyo yihiin ee Dowlad ku sheega ah. 

Walaalayaal, sidaad la socotaanba tobankii bilood ee ugu danbeeyey marka laga soo bilaabo dhamaadkii sanadka 2006-da dalkayaga wuxuu ahaa mid la qabsadey, gacan gumeysina dib loogu celiyey iyadoo lala kaashaday quwadaha waaweyn ee adduunka qaar ka mid ah iyagoo u fududeynayo duulaanka lagu qabsaday Soomaaliya, ileen waan og nahay in Xukuumada Tigreega eyan awood iyo tayo ay Soomaaliyo ku qabsato lahayn, weligeedna ma yeelan haddana ma yeelateen haddaan loo fududeyn oo weliba garab iga mid ah ku soo hogaamin cadowgaa dalka hanashadiisa. 

Tan iyo intii Caddowgan dalka qabsaday waxa maallin walba la gumaadayey shacabka Soomaaliyeed oo weliba si naxariis daro ah loo leynayey haba u darnaadeene intii ugu taagta darneyd ee Caruurta, haweenka, Waayeelka iyo Ardada qaangaarka ah. Xasuuqan sida xun loogu geystay Ummadda Soomaaliyeed wuxuu si aad ah u bilawday bishii Apriil ee sannadkan 2007da. Maati leyska ka dhacay Caasimada Soomaaliya Muqdishu ee sida waxshinimada leh loo laayey dhallinyarada iyo haweenka iyagoo mindida beeraha lagu gooyo lagu gowracay sida aad ku aragteen WARBAAHINTA ELECTROONIKADA AH. Waxaa wax laga naxa ah in dumarki ay ka caageen in ay banaanka u soo baxaan iyadoo si naxariis daro ah loogu kufsado dariiqyada iyadoo wax xishood ah haba yaraatee jirin oo dadki loola dhaqmaayo sida xoolaha oo kale, oo mararka qaarkood kufsiga si bareer ah loo sameynayo iyadoo haweeneyda lagu hor kufsanaayo caruurteeda iyo ninkeeda oo sidaa u daawanaayo si loo bahdilo. 

Waxaa wax lala yaabo ah in meelihii ka caaganaa xumaanta iyo dhibka sida MASAAJIDA  ay ku fuliyaan dilal iyo kufsi iyagoo og in meesha dhacdada ka dhaceyso ay tahay MACBAD RABAANI AH. Waxaa indhaha la saarayey maalin walba iyagoo bililiqaysanayo hantidii yareyd ay ummadda Soomaaliyeed kartideeda ku samaysatay intii dalka dhibka ka jiray, waxaana laga dhigay wax la burburiyey iyo wax la bililiqaystay oo aad maanta bililiqadaa ku arkaysid iyagoo waran suuqyada waa weyn ee ADDIS ABBABA. Marka ay ciidamada wax bililiqaysanayaan waxay si toos ah u abbaarayaan meelaha lacagta ADAG SIDA USD$ KA, IYO IWM YAALAAN IYO QLABKA ELECTRONICS AH SIDA LAAB TOOBYO, MOBILES, RADIO TRANSISTORS, RECEIVERS IYO WIXII KALOO U QAADMI KARA. 

Waxaanse idiin sheegayaa dhaqanka waxshinimada ah ma aha mid ciidamada Xabashida bilow u ah waase wax dhaqan soo jireen u ahaa CIIDAMADA ABYSSINIAN KA TAN IYO INTII MENELIK DALKA KU SOO FIDAYEY. Ciidamada xabashida waxay sidaan u yeelayaan ma ahan oo qura wasakhnimo iyo falgalnimo xumo ka noqotay balse wa dhaqan lagu soo carbiyey in ay mushaar ka dhigtaan waxa dadka ay ka bililiqaystaan oo ay ku noolaadaan meel kastoo ay qabsadaan waxaa loo baneeyey loona xalaaleeyey hantida dadka ay dalkooda galaan. Ciidmada Cadawga waxay xaafad walba oo Xamar ku taasho ka burburiyeen guryihii shacabka iyo kuwii dowladaba iyagoo wax ay u danaynayaan jirin, waxayna shacabka u isticmaaleen HUBKA kuwii ugu danbeeyey ee dad lagu gumaado iyagoon wax ay u aaba yeelaayaan jirin weliba iyagoo si wadar ah u wada ciqaabayo shacabka xaafadaha mar kastoo Ciidamada WAX ISKA CAABINTA AY WEERARAAN CIIDAMADA CADDOWGA. 

Walaalayaal, ii ogolaada in aan soo xigta riboorkii ay SOO GUDBIYEEN Guddigii loo xilsaaray ILAALINTA CUNAQABATEENTA HUBKA EE GOLAHA AMAANKA EE UN KA BISHII LUULIYO 18 keedi 2007.  “ antagonizing against Ethiopians is at crescendo attacks – clearly not being helped by the Ethiopian Army’s heavy handed response to insurgent attacks involving  the use of disproportionate force.”  Isla riboorkaa fakhradiisa 117, bagga 29aad wuxuu sheegayaa in Ciidamada Itoobiyaanka ay u isticmaaleen shacabka nooca hubka LETHAL CHEMICAL WEAPONS oo loo yaqaan  “ White Phosphorus” riboorka waxaa ku jira sawiro ka markhaati kacaayo isticmaalka iyo keenista hubkaas iyo dadkii lagu wax yeeleeyey qaar ka mid ah oo tiradooda lagu sheegay 35 qofood oo rayad ah. 

Waxaad la socotaan in Warbaahintii lagu soo rogay cunaqabateyn joogta ah tan iyo intii caddowga wadanka qabsaday. Waxaa la dilay 9 wariye oo can ah, waxaa la bar tilmaansaday war lalisyada idaacadaha oo wax la burburiyo iyo wax la qaatay laga dhigay, ilaa markii ugu danbeysay si wadar ah loo xiray Idaacadha Shabeele, Simba iyo Banaadir oo ay hawada ka maqnaayeen muddo 3 asbuuc iyo wax ka badan. Ciidamada Caddowga waxay soo rogeen in ay saf balaaran u galaan xaafadaha iyagoo u adeegsanaayo waxay ugu magic dareen howl gal la xiriiro nabadgelyada balse ahayd in ay dad ka la baxaan guryahooda qaataana hantidooda. Waxay caado ka dhigteen in ay soo xir xiraan dadka caanka ah, waxgaradka, iyo Odey dhaqameedyada gumeysi diidka ah. 

28kii Luuliyo maalin sabti ah 2007, waxey BBC da soo deysay wareysiyo dad la xir xirtay misna lagu soo furtay lacag gaareyso qofkiiba 500UD$. Mid ka mid ah la wareystayaashaa wuxuu ku tilmaamay xiristooda SUUQA AADANAHA EE CASRIGAN. Ninkaas hadlayey wuxuu sheegay in ay ahaayeen dadka Masaajika laga qabtay 70 qof 23 ka mid ah dadkaa waxay heli waayeen lacagtii madax furashada ka dibna waxaa lagu soo eedeeyey in ay yihiin ARGAGIXISO LAA RAADINAYEY. 

ARRIMHII UGU DANBEEYEY IYO MAGAALADA MUQDISHO 

8TH November 2007, Ciidamada caddowga oo si aad ah ugu qalabaysan hubaka kuwa ugu casrisan ayaa waxay galeen xaafado ka mid ah Magaalada Muqdishu. Meelo ka mid ah xaafadaha ay galeen, waxay kala kulmeen iska cabin xoogan oo uga timid Ciidamada Iskacaabinta Qaranka waxaana halkaa lagu dilay 19 qof oo 9 ka mid ah ay ahaayeen ciidamada caddowga inta kalena ay ahaayeen dad rayid ah iyo xubno yar oo ka tirsan Ciidamada Iskacaabinta. Balse xaafado badan ayaa lagu arkay meedad gaaraya 29 qof oo dhamaantood dad rayad ahaa oo si kas ah qoorta looga jaray iyo wax xabad lagu dhuftay ayey isugu jireen. Afar ka mid ah meedadka la helay waxay ahaayeen laba cunug oo da’dooda aad u yar tahay iyo labadooda hooyo, meedadkan oo laga soo bixiyey masaajid dhexdiisa oo ay badbaado u galeen, haweenka mid ka mid ah baa xaamilo ahayd. 

9kii November2007, Ciidanka Caddowga iyadoon wax soo weerary jirin ayey waxay weerar saf ballaaran ah ku qaadeen xaafadihii Magaalada Muqdishu iyagoo u isticmaalay hubka darandooriga u dhaca iyo kuwa madaafiicdaba, garaacistaas oo ay bilaabeen 09:00 aroornimo socdayna ilaa 15:00 seddexdii galabnimo. Mar ay BBCda ka hadlaysay dagaalkaa waxay sheegtay in ay ku dhinteen inta la helay meedkooda ilaa iyo 185 qof in badana waa ku dhaawacmeen. 70 ka mid ah dhaawacaa waxaa la geeyey cisbitaalka Dayniile oo ay maamulaan takhaatiirta aan soohdinta lahayn ee faransiiska iyo kuwo Soomaali ah. 

10th Nov.2007, sidoo kale waxay bilaabeen duqeyntii iyagoo wax ay u aaba yeelayaan jirin, waxaana ka mid ahaa meelaha ay sida xun u wax yeeleeyeen Cisbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir. Dadka ku geeriyooday duqaynta ciidamada caddowga waxay BBCda ku sheegtay in boqolaal yihiin balse dad ka socday HAY’ADAHA CAALAMIGA ee u kuur galay wax yeelada Ciidamada Caddowga inta ay dalka soo galeen waxay ku shegeen in dadka ku dhintay XASUUQA CADDOWGA ay gaareyso 8,000 oo qof oo caruur iyo haween u badan. 

Waxay kaloo HAY’ADAHA sheegeen dadka ku barakacay xasuuqa Caddowga seddexdaa berri in ay ka badan tahay ilaa iyo 170,000 kun qof. Markii lagu daro 750,000 kun oo qof oo horey uga bara kacay dagaaladii ka socday Muqdishu intii Caddowga dalka qabsaday sida ay sheegtay HAYADA u qaabilsan xuquuqda Aadanaha ee UN ka Soomaaliya fadhigeedu yahay Nairobi.

Ilaa iyo 10ka November 2007 tirada dadka ku bara kacay dagaalada Soomaaliya waxay gaarayaan markii la isku daro 920,000 kun qof oo IDPs ah oo ayan ku jirin kuwa iyaga iskood isaga qaxay oo aan la arag meesha ay ku sugan yihiin oo kumnaan  gaarayo. Waxaan og nahay in kumanaan kun la iska soo qab qabtay Tobankii bilood ee caddowga dalka haystay lana xir xiray iyadoo wax sharci ah oo lagu haysto ayan jirin markii laga rebo intii naftooda furatay iyo in yar oo ay iska daayeen, intii kale waxay kala noqdeen wax xabsiyada ku dhinta darxumo iyo jirdil loo geystay awgeed iyo wax loo dhoofiyey Addis Abbaba oo lagu timaamey in ay yihiin Argagixiso bacdamaa ay diideen kana horyimaadeen caddowga dalkooda heysta. 

Waxaad og tihiin in bishan November 9keeda la xiray Dhaqan yaqaan Axmed Diriye Ali iyo qaar ka mid ah caruurtiisa iyo in markaa la joogtay oo kale sababna looga dhigay ka soo horjeedka joogtada ah ee caddowga iyo ku hadal adeega xaqa ay Soomalida u leeyihiin aaya ka talintooda. 

Waxaa iyadna wax laga naxa ahayd in isla maallintaa si bareer ah loo xabadeeyey Marwo Madiino JENERAL iyadoo markaa cunno u qaybineysay dadkii ka barakacay dagaalada Muqdishu. Madiino waxay can ku ahayd ka soo horjeedka Dagaaloogayaashii Muqdishu intii dalka walaahowga ku jiray, waxayna beryahan danbe si geesinmo leh uga hadli jirtay xaalada dadka iyo dalkaba ku sugan yahay gaar ahaan inta caddowga dalka qabsaday, waxay aad uga howl geli jiraty dadka ku barakacay daafaha Caasimada iyo quudintooda. 

Walow maanta dunida oo dhan ay garwaaqsatey xaalada qalafsan ee maanta ka jirta Soomaliya misna weli waxaa jira kuwa leh haddii ciidamada Caddowga dalka ka baxaan waxaa soo baxayo VACUM, arrintaas oo bil cagsigeeda run ah. Hor iyo horaanba:

  • Ciidamada caddowga uma imaan in ay nabadda sugaan balse waxay u yimaadeen in ay dalka qabsadaan waxaana daliil u ah Markey dalka imaanayeen waxaa Soomaliya ka jiray nabad iyo xasilooni aan la arag 16 kii sanno dalka ay ka talinayeen Hogaamiye kooxeedyada
  • Waxey burburiyeen dhamaan hantidii ummadda
  • Dadkii waxey u laayeen si aadanaha ka baxsan waxeyna ku duugaan qabuuro wadareedyo ilaa hadda la helaayo meedad is kor korsaaran
  • Waxay dadkii ka dhigeen wax ka qaxay guryahoodii iyo wax gaajo iyo oon ugu dhintay dariiqyada.
  • Waxay dhaceen hantidii ummadda ay ku so tiir iyo tacaba beeshay.
  • Mida ugu daran Ciidanka caddowga kuma imaan si sharci ah oo ay ogolaaatay Qaruumaha Middobay balse waxayba ka hor timid Qaraarkii Golaha amaanka ee No. kiisua ahaa 1725 oo ay soo diyaarisay dowladda Maraykanka oo xanibaayey in dowladaha deriska ah ka mid noqon kuwa kal howlgeli doonaa Soomaaliya arrimaheda nabad sugida ah.
  • Joogitaanka Ciidamada Caddowga oo loo adeygsadey Soomaaliya waxaan dhib iyo nabadgelyo xumi ahayn uma keenayaan ka bixidoodana wax VAKUM ah oo la dareemayo ma jirto haba yaraatee.

HALKU DHAGEENU WAA NABAD, CADDAALAD IYO XORIYAD TAAM AH

English Version: READ HERE...


SomaliTalk.com | Minneapolis, MN | Nov 25, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com