MADAXWAYNE
CADDE MUUSE OO SIDII MOORYAANTA U HADLAY!!!
Dr.
Dhaan-Wade. Sweden.
dhaan_wade@hotmail.com
Waxaa Somalida ka
yaabsaday bishii Marso ee la soo dhaafay Maxamed Cumar
Xabeen ( Maxamed-Dheere ) markii uu ku dhawaaqay in uu
Dawladda Dhexe kala noqday kalsoonidii iyo
wax-wada-qabsigii kala dhexeeyay. Wuxuu sabab ugu dhigay
shirkii Barlamaanka markii la go’aamiyay in Magaalada
Baydhabo lagu qabanayo.
Anuguse lama yaabin
tallaabadaas Maxamed-dheere iyo afla-gaadooyinkiisa midna. Qaar
aan yarayn ayaa ila wadaagay fikraddaas. Iyaga oo u
arkay Maxamed-dheere in yahay oo kaliya : Madax-mooryaan oo 15
sano ku hawllaanaa dilka dadkiisa, dhacooda iyo duminta
aqallahooda . markii Danbana si Bur-caddnimo iyo xoogg
ah ku qabsaday Gobalka Sh-Hoose iskuna magacaabay
Guddomiyihiisa.
Muddadaas kor u dhaaftay
15 sano Maxamed-dheere Wuxuu Dagaalka ugu jiraa waxaa aan ku
magacaabi karo ULA-JEEDDO MAALMEED. Waa nin maalin la
nool ah oo aan Berri aqoonin. Maalinba wixii gacantiiso
gaarto ayuu cunaa. Xaraanta iyo xalaashuna uma kala
soocna. Sidaas ayuu maanlinba meeshii uu raq ka helayo
ugu faran-dulleeyaa.
Sidaas ayaan loo-la yaabin
hadal ka soo yeeray iyo meel aan laga filayn uu ka
bus-kiciyo.
Waxaase Somaalida Amakaagg
iyo Af-qabsi ku riday Gen. Cadde muuse oo isaguna qaaday
waddadii Maxamed Dheere. Markii uu 19 kii bishaan ku
dhawaaqay in uu kalsoonidii kala noqday
Ra’iisul-wasaaraha DF. Md. Dr. C.M. Geeddi ama haddan
sii caddeeyo D,F. ee KMG oo dhan.
Mawqifkaas
oo ay qaadan-waayeen dadka Somaaliyeed Guud ahaan iyo
Reer Puntland gaar ahaan in ka soo fusho qof
mas’uuliyadda iyo Maqaanka Md. Cadde oo kale leh.
Hadalkaan oo dhaliyay Asmadd Diplomaasiyadeed Waxuu ku
soo kor-dhiyay dhibaatooyinkii tirada beelay ee Somalia
midd cusub oo aan sida dhabta ah loo-baahnayn.
Sida ay Maah-maahda
Caalamiga ahi tiraahdo Md. Cadde :
” DHOOBADII AYUU BIYO KU
SII SHUBAY”.
Qormadaan waxaan rabaa in aan ku soo qaaddo dhibaatadaan inta aysan arinto dhaafin
halka ay ka soo baxday iyo qofka ay soo yeertay waana
tan:
1-
Khilaaf lama diiddana:
In
mas’uuliinta heer kastaba ha ahaadeena khilaaf ka
dhex-dhaco oo ay argti kala duwan ka yeeshaan arimaha
waa-wayn iyo kuwa yar-yarba waa mid caaddi ah . oo
cidina aysan ka doo karin.Waana mid ka dhacdaa dawladaha
hoose iyo tan dhexe. waxayna ka dhacdaa meel kasta ee
dunida ah.
Waxaase
jira hab iyo nidaam lagu furdaamiyo khilaafaadkaas
ka-ddibbna lagu xalliyo si dhinacyada wada raalli
geliya. Iyada oo loo marayo wada-hadal lana adeegsanayo
qawaaniinta iyo shuruucda ku tacalluqada arimaha
khilaafku ka jiro.
2-
Luqdda la adeegsanayo:
Waxaa la
diidanyahay oo aan marnaba la aqbali-karin: in Md. Cadde
Muse oo ah nin janan ahaan jiray, ahna Madax-wayne si
sharci ah loogu doortay Dawladd- goboleedka PUNTLAND oo
haatan ku dhaw inay 10sano jirsato- uu u hadlo sida
nimanka BUR-CADDA Madax Mooryaanta ah. Iyo in uu
luqaddooda Dawladd-diidka ahayd iyo afkooda aan waxba
laga dhawraynin uu isticmaalo. Waana waxa laga wada
carooday lagana wada fajacay.
3-
Kalsoonidii baan kala noqday:
Waxaa
yax-yax iyo Waji-ganax ku noqotay Dadka reer Puntland-
oo lagu yaqaan Qaran-jacayl- in Madax-waynahoodu ka soo
xigto Maxmed-dheere erayga ah ” kalsuunidii baan kala
noqday DF ah.. Cadde ma is-waydiiyay waa maxay
kalsoonida uu kala noqonayaa Ra’iisa wasaaraha ? Ma
Cadde iyo Puntland ayuu ku fadhiyaa kalsoonidooda ?.
Dr. C.M.
Geedddi waxaa kalsoonida siiyay Parlamaanka qaranka oo
wakiil ka ah Umadda Soomaaliyeed ee isku-bahaysatay
Afarta iyo barka Beelood. Mana jirto Cidd kale oo uu
kalsooni iyo ic-tiraaf uga baahanyahay ama u haysa.
Madaxda Maamullada gobollada iyo kooxohu Waxay u kala
baxayaan : Dawladd-Diid iyo Dawladd-ddoon. Laakiin
kasooni iyo ictiraaf DF kuma laha.
4-
Macdantu waa hanti-qaran :
Sida ay
dhigayso Qawaaniinta Shareecada Islaamku iyo qawaaniinta
dadku ay degsadeen ee dawladaha Adduunku ku dhaqmaan
wixii Macdan ah ( khayraadka dhulka iyo biyaha hoostooda
ku jira ) waxaa lagu tiriyaa hanti qaran oo waxaa xaq u
leh milkiyaddeeda iyo maamulkeeda Dawladda dhexe. Qolaba
sida ay dan iyo maslaxadd u garato ayay u maaraysaa.
Mana aha midd Cadde iyo dad kale toona ka murmayaan.
5-
Xaaladda Somalia:
Sida laga
wada dheragsanyahay Somalia waxay ku sugantahay muddo ka
badan 15 sano xaaladd Fawdda ah. Waxaa Burburay
Dawladdii dhexe, amnigii, hantidii guud iyo tii gaar
ahaanaeed, sharcigii iyo kala danbaybtii…iwm. Halkaa
waxaa ku lumay xuquuqdii Dawladda, Dadka, Diinta iyo
Dalka.
Waxaa lala
wada socdaa in maanta DF aysan weli fursadd u helin in
ay makansato awoodda Dalka. Marka ay u suura-gasho in
ay DF ah in ay hanato Dalka, oo ay ku fidiso awooddeda
Maamul, Amni, Garsoor iyo dhaqaale-- waxaan shaki
lahayn in sixni dahab ah loo soo saarayo talada wixii
macaadin iyo khayraad ku sugan carrada hoosteeda iyo
korkeedaba ee waddanka oo idil. Madaxda Goballaduna ay
istaagga ku akhrisan doonaan waraaqaha iyo amarada
Ra’iis-wasaaraha ee sharciga waafaqsan.
Waxaanse
maanta cidina ka garaysanhayn Ra’iiska xukuumadda in uu
yiraaho : Hawlaha dibb-u- soo-noolaynta qaranka waxaan
ka billaabaya MACAADINTA PUNTLAND ku jirta !!
6-
Dhaqaalaha DF ah:
Dr. Geeddi
Waxaan dareensiinhayaa in aan ku raacsanahay in DF ah
loo abuuro ila-dhaqaale. Waxaanse ku diiddanahay meesha
laga billaabayo. Waxaan qaba in uu ka billaabo
Maaliyadda aan u baahnayn BAARIS IYO QODIS. Taas oo ah
CANSHUURAHA FURDOOYINKA.
Canshuurta badaacadaha la soo dejiyo iyo kuwa la
dhoofiyo. Dekadaha Ceel-macaan, Kismaayo, Boossaaso,
Berbara iyo kuwa kale ee yar-yarka ah iyo Garoomada
Dayuuradaha waxyaalaha ka dhoofaya kana soo degayaa ayaa
ah laf-dhabarta Dhaqaalaha kowaad ee dawladda-dhexe.
Canshuurta haddii lagu guulaysato qaaddiddeeda waxaa
gacanta soo gelinaysaa Boqolkiiba 80 maliyaddii dalka.
Waxaan
oran lahaa Datoorka Inta aad ka gaarayso suura-galka
qaadidda maaliyaddaas iska iimaanso wixii dhaqaale ah ee
aad ku heshid BARYADA-AJNABIGA. Hana u suul-dhabaalaynin
gaaraa-bbidhaanka maaliyadd u baahan baaris iyo qodis.
7-
Mawqifka Puntland:
Maamulka
Puntland waxaa la gudboon in aysan la gelin maanta dood
iyo muran minddi minddi ku taag ah DF ah. Iyada oo
tixgelinhaysa Xaaladda aan la-isku xaasideen ee ay ku
sugantahay Dawladdaasi. Waa Xukuumadd yagleel ah oo loo
dhisay Dal qarankiisa burburay 15 sano ka hor. Welina
aan wax-wayne iska baddelin xaalkiisa.
Waa
Dawladd laga diidanyahay in fariisato Xarunteedii (
Muqdisho ) oo geeddi iyo guuritaan aan ka nasannin.
Waxay u Baahantahay taageero af iyo addinba leh.
Xukuumadda
Dr Geeddi waqtigaan ma hayso Awood ay Puntland ku
maamusho. Wixii khilaaf ah ee yimaadda waa in si qabaw
oo deggan looga tashadaa si aan looga farxinin kuwa
Dawladd-diidka ah ee u mindiya-lisannaya Dawladda
saqiirka ah. Haddii is-af-garanwaa ku yimaaddu arin Gaar
ah- waan in aan loo boodsiinin kuwo aan khilaafba ka
jirin.
8-
Macdanta Puntland ma Suuq-mugddi baa?
Haddaanba
iska dhaafno DF ah iyo kalsoonideeda oo aan u soo noqdo
Puntland gudeheeda, waxaa ka jira shaki-wayn iyo guux
badan oo la xiriira amuuraha macdanta iyo shidaalka
Puntland.
Xagaagii
la soo dhaafay (Agoosto-Sibtambar ) Waxaa Xafiiska iyo
guriga Madax-waynaha ku xoonsanaa Niman dillaaliin ah oo
dibadda ka soo duulay iyaga oo wata Boorsooyinka
Gacmaha oon la ogayn waxa ku jirara.!
Qaar ka
mid ah raggaas waxay xiriir la lahaayeen kuwa kale oo
ajnabi ah oo iyaguna dillaaliin ah. Waa DILLAAL DILLAAL
SII DILLAALAYA.
Raggaas ka
tirsan reer Puntland iyo kuwa ajnabbiga ah ee is-wateen
waxay ku guulaysteen in ay madax-waynaha Gacanta ku
dhigaan. Mar waxay ugu yeertaan Dubai Marna waxay ugu
yimaadaan Bossaaso mar-kale Dubai bay u taxaabaan isaga
oon wax mas’uul ah la soconin oo aan kaxaysanin xataa
xoghayihiisa gaarka ah.
Waxaa la
abuuray Sharikado Sawir ah oo laga diiwaan-geliyay
jasiirado aan magacooda la maqlin sida Maldives.
Shirkadahaas Shakiga ah wuxuu madax-waynuhu u
saxeexay Heshiisyo badan oo lagu siinayo IMTIYAAZ (
ROYALITY) Macaadin iyo shidaal. Oo keligood xaq u
leeyihiin BAARISTA IYO SOO-SAARIDDA MACDANTA IYO
SHIDAAKA KU JIRA ARLADA PUNTLAND.
Heshiisyadaas oo tiradooda run ahaan la ogayn laakiin
fara baddan Waxaana saxeexay oo qur ah madax-waynaha.
9-
Yaabka-Yaabkiis !!
Waxaa
Dadka Puntland oo ay ku jiraan mas’uuliinta,
aqoonyhanka, iyo wax-garadku la yaabanyihiin:
A-
Nuxurka heshiisyadan waa qarsoodi. Waxaa ogg oo kaliya
Dillaaliinta is-dulsaaran iyo madaxwaynaha. Shuruudaha
iyo wixii la kala yeelanayo reer Puntland oo dhan waa
laga qariyaa.
B-
Heshiisyadan lama soo hor-dhigin golaha wasiirada
Puntland. Sharci-yaqaanadana laga lama tashan..
C-
Golaha wakiillada Puntland ( Parlamaanka ) ma ansixinin
loomana sheegin arinta gabi ahaanba.
D-
Lacagaha la sheegayo in sharkadahaas bixiyeen Ma jiro
wax soo dhaafay madax-waynaha iyo Dillaaliinta iyo
dillaaliinta.. Khasnadda Dawladdana wax lagu shubay ma
jiraan haba yaraato eh.
10-
Shirkadda CONSORT:
Shirkaddaan oo magaceeda oo buuxaa yahay: ” CONSORT
private LTD. Oo ah mid aad loo hadal-hayo waxaa la
abuuray xagaaggi la soo dhaafay. Waxana laga
diiwaan-geliyay jasiiradaha Maldives ee ku taal
Bad-waynta India.Waa jiziiradda-yar oon dadkeedo Gaarin
150 kun. Waxaa rizqi u ah dalxiiska. Culimadu waxay
xaqiijiyeen in waqti aan fogayn Baddu liqi doonto.
Sidaas bay dadkeedo hadda u ii raadiyaan meela ay
degaan.
Nin u
dhashay Dalaka Australiyaa oo la yiraaho Mr. TERRY oo
Puntland ka caawin jiray Daryeelka caruurta naafada ah
ayaa isagana la siiyay heshiis Royality ah. Ninkaas oo
hadda samaystay Shirkadd uu ku magacaabay : RANGE
RESOURCES Waxayna LA SHEEGAYAA dawr kale oo la siiyay
heshiisyo isku midabb ah.
Dhammaantood Shirkadahaas ma aha kuwo ka shaqeeya ama
khibradd u leh baaris iyo soo-saaris macdan ama
shidaal, Hadafka shirkadahaas waa in sii iibiyaan
heshiisyada ay heleen.
11-
Taloo soo jeedin:
Waxaan ku
soo gunaanadayaa qoraalkaan in aan soo jeediyo talooyin
aan is-leeyahay dhibaatadan ayay daawo u noqon karaan
waana tan :
1-
Madax-wayne Cadde Muuse waxaa la gudboon in uu u soo
jeediyo Ra’iiska xukuumadda Jumhuuridda Somalia iyo
dad-waynaha reer Puntland- CUDUR-DAAR CADD IYO
RAALLI-GELIN RASMI AH. Isaga oo uga cudur-daaranayaa
luqadda uu is-ticmaalay ee ah : kalsoonidii baan kala
labtay DF ah, Ma ictiraafasani- la shaqayn-maayo-
Goofkaan anaa iska leh…. iwm.
Taas oo ah
afka Mooryaanta iyo madaxdooda Dawladd-diidka ah. Kuma
habboona madax-wane sharci ah oo Mas’uul ah in ay isku
lahjadd noqdaan Maxamed-dheere iyo Suudi oo aan cidina
dooran mas’uuliyadna saareen.
Erayadaas
waxay meel-ka-dhac ku yihiin Maqaamka madaxa Xukuumadda
qaranka. Waxaa kale oo ay cimaamadda ka tuureen wajigana
ka fiiqeen dadka reer Puntland ee jecel soo noolaynta
qarankii Soomaaliyeed. Laguna yiqiin Akhlaaqda iyo
asluubta suubban.
2- Waxaa
kale oo Md. Cadde ku waajib ah in uu macdanta iyo
shidaalka Arlad Puntland ka saaro SHAKIGA, SUUQ-MUGDIGA
IYO XANTA. Oo uu heshiisyada uu galay u soo bandhigo
golayaasha Puntland. ” XALAAL IFTIIN BAA LA QASHAA ”.
3-
Macdanta iyo shidaalka Puntlans way ka wayn-tahay wax
Boorso Dillaal lagu qaado. Md. Cadde haka qaado daaha. Oo
Dawladaha Puntland iyo DF. Ha qanciyo.
4-
Shalay Dadkiisii ayuu si nacasnimo ah ugu laayay
Majayahan, oo uu qarka-u-saaray Puntland dagaal
sokeeye-sokeeye. Ha iska daaweeyo madax-waynuhu
XASAASIYADDA iyo XAJIINTA uu ka qabo soo hadal-qaadka
macadinta Puntland.
5-
Mushkiladaan iyo kuwo kaleba waxay muujinnayaan in uu
san lahayn Madax-waynahu LA-TALIYAAL sharci iyo
siyaasadeed midnaba. Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba
wuu ka helayaa aqoonyahanno takhasus ku leh arimahaas.
Ee ha ka xusho si ay uga awdaan dal-dalloolladaas
6-
Khilaafka siyaasiyiintu hadduu soo shaac-baxo
xaqqiiqada way qarsadaan. Saxaafaddana meela fog-fogg
ayaa loo ambiyaa.Waxaa dareemaa gara-daar i leh: armaa
Dr. Geeddi soo qooraansaday boorsooyinkii la
walwaalayay!. Maadaama Dawladdiisii ( DF) uu Magaciissi
u tisqaaday OO AYSAN WELI GEEDDIBA KA BIXIN!
Hadday
sidaas tahay Cadde kuma aanan ogayn BAKHAYLNIMADA LAGU XANTO ee ha is-daba-qabto. Qaddobbkani
waa :KAFTAN-DHABBLE ee raalli iga ahaada haddan ku
taraaraxay.
Waa : Dr.
Dhaan-Wade. Sweden.
dhaan_wade@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | May 25, 2006
Warqadii uu qoray ra'iisul
wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, oo ku taariikhaysnayd
May 18, 2006, markii
ay gaartey dalka Australia waxaa durbadiiba dhulka galay
saamiyadii shirkadda Range Resources. 19 May 2006 Waxa
ay saamiyada Range Resources hoos u dhaceen -5.13%, taas oo kadhigtay saamiyadeeda in
lagu kala iibsado sentiyaal (0.037) lacagta Australia.
Arrintaasi markii ay dhacday ayaa isla markiiba (May 19,
2006) shirkada
Range Resources waxay warqad u direen suuqa Ganacsiga ee Australia, warqadaas oo ay ku
weydiisanayaan in gebi ahaanba la hakiyo kala iibsiga
saamiyada shirkaddaasi, (TRADING HALT
ama eeg halkan...), ilaa ay qoraal
ka soo saarayaan ama Talaada May 23, 2006 - Xilligaas markii
la garey oo aan jawaab laga helin shirkada ayaa suuqa ASX
waxa uu si rasmi ah liiska uga saaray kala iibsiga saamiyada
shirkadaas eeg May 22, 2006.
May 25, 2006
ayey Range Resources warqad u qortay ASX ay ku muujineyso in
DGPL ay taageersan tahay shirkadan, sidaasna markale loogu
ogaaladay
in saylada lagu kala iibsan karo saamiyadooda.).
Suuqa ganacsiga
Australia waxaa lagala xiriiri karaa:
Halkan....
Waxaa xusid mudan:
Markii ay soo shaac bexeen iska hor imaadyada Puntland ka
jirey ee la xiriirey macdanta, ayaa waxaa bishii April
12, 2006 ay saamiyada Range Resources hoos u dheceen -5%,
taas ka dhigtay in lagu kala iibsado 0.038,
maalintaas ayey shirkadaasi hakad gelisey saamiyadeeda (EEG
HALKAN), waxana ay sheegeen in ay qoraal soo saari
doonaan . Qoraalkaas waxa ay soo saareen April 19, 2006
(EEG HALKAN...) , waxana ay ku
sheegeen
in DGPL ay taageero dheeraad ah siiday ayaga. Waxa kale isla
maalmahaas soo baxay qoraal lagu soo daabacay warbaahinta
Australia ooay Range Resources ku sheegtay in aan "Qofna
kuma Dhiman Hawlgalkii Puntland", waxa markaas kor u
kacay saamiyadii shirkadaas waxana ay gaareen
0.050. Waxana ay
markaas
Range
Resources oo Cadaysay in ay Puntland siiso $200,000
doolarka Maraykanka Bil kasta sida heshiisku ahaa...
(EEG
HALKAN...
).
Dadka arrimaha dhaqaalaha
odorosa waxa ay nidaamkaas ku macneeyaan waxa afka Australia
lagu yiraahdo "Market
Manipulation"... (Akhir qeexidda uu arrintaas ka bixiyey
suuqa Ganacsiga Australia...
Akhri... ENGLISH....)