SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND


Kalfadhigii Golaha wakiilada Puntland oo Lagu soo Qaaday meel marinta Sharciga Caasimada Puntland ee Garoowe.


[:: XABSIGA THAILAND oo lagu ilaawey saddex ka tirsan askarta daraawiishta DGPL:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 ]


(Garoowe: July 23, 2006):- Kalfadhigii golaha wakiilada ee k asocdey xaruntooda Garowe ayaa Axadii July 23 waxaa lagu soo qaaday mooshin ku saabsan sharciga caasimada puntland ee Garowe kaasi oo ay soo diyaarisay wasaarada dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ee DGPL.

Sharcigan ayaa ahaa mid taagnaa ilaa mudo aad u badan kaasi oo dhaliyay buuq iyo muran ka dhexdhacay xukuumada iyo golaha wakiilada Puntland.

Gudoomiyaha cusub  ayaa  sheegay in loo baahan yahay  sharciga caasimada puntland mid u leh ahmiyada gaar ah caasimada waxana uu intaa raaciyay in loo baahan yahay in la siiyo wakhti dheeraad ah si looga doodo mooshinka loona ansixiyo. 

Sharciga Caasimada Puntland ee Garoowe Yuu Gacanta ugu Jiraa!!!

Asaaskii DGPL  waxaa si wayn la isugu afgartay in ay yeelanayso caasimada puntland sharci u gooni ah oo ka gooni ah dalka intiisa kale, sharcigan ay yeelanayso caasumada puntland ee garowe ayaa ah mid ah ahmiyad wayn ugu fadhiya caasimada sida lawada ogyahayna wali sharcigan kama soo bixin gacanta dawlada loomana saarin gudi dhameeya nidaamka sharci ee ay yeelanayso caasimada 8 sano ayaa laga joogaa markii sida la sheeegay loo balan qaaday in ay caasimadu yeelato sharci.

Golaha baarlamanaka puntland wali kama doodin kamana dalban in ay dawladu soo diyaariso sharciga caasimada puntland, mudo hada laga joogo 8 bilod ayaa baarlamaanku waxa uu ka codsaday madaxwaynaha puntland Gen. Cadde Muuse in uu sida ugu dhakhsaha badan ku diyaariyo sharciga caasimada hase ahatee Cadde Muuse waxa uu u balan qaaday baarlamaanka in la horkeeni doono sharciga caasimada si ay u ansixiyaan balse arintaasi ma noqon mid  sidii la rabay uu madaxwaynuhu ugu hawlgalo, sida muuqatana madaxwaynuhu  uma qaban guddi diyaariya sharciga caasimada taasina waxay dhabarjab ku tahay baarlamaanka oo codsigoodii ahaa in uu madaxwaynuhu soo diyaariyo sharciga caasimada  la fulin waayay,  baarlamaanka puntland ayaa ah kuwo ka dooda oo kaliya arimaha la xiriira miisaaniyada  iyo sidii ay ku helilahaayeen mushahaarkooda xil wayna iskama saarin arrimihii ay shacabku uga fadhiyeen. 

Golaha deegaanka ee magaalada Garoowe ayaa iyaguna ah kuwa aan wali fiirin bogga hormarka caasimada  waxayna tan iyo markii la doortay ay ku mashquul sanyihii sidii ay hay'adaha caalamiga uga helila hayeen siminaar iyo  sidii ay u siyaadin lahaayeen canshuuraha shacabka laga qaadayo oo aan dhanka  shacabka sida lawada ogayahay aan bili ku baaqan, goluhu wali kamadoodin waxa dan u ah caasimada puntland ee garowe, golaha deegaanka Garowe kuma adkayn in uu madaxwaynuhu soo diyaariyo sharciga caasimada puntland ee garowe (ama guddi soo diyaariya u saaro). 

Hormarka uu u keeni karo sharcigani Caasimadda

Hadiiba uu noqdo sharciga caasimada mid la ansixiyo oo si wayn la isugu afgarto, baarlamaankuna ansixiyo, waxaan shaki ku jirin in ay caasimada u dhamaystirmi doonaan dhamaanba hawlihii caasimad-nimo, waxayna yeelanaysaa miisaaniyad u gaara taasi oo wax  wayn ka tari lahayd arimaha gudaha, caasimadana ka dabooli lahayd baahiyaha ay tabayso caasimada ee ka maqan waxaana ay hor mar ka gaari lahayd  dhan walba oo ay u baahantahay waayo waxaa caasimada loo ansixinayaa sanad walba miisaaniyad u gaara, caasimadu malahan biyo nadiif ah oo ay dadku cabaan iyo Garoon diyaaradeed (airport) kuwaas ayaana hada ugu muhiimasan wax yaabaha loo baahanyahay in wax laga qabto, sidaas waxaa yiri Maxamuud C/samad Ciise oo wax ka dhigta jaamacada Puntland state university.

Dadwaynaha reer Garoowe ayaa iyagu aaminsan in ay jirto hagrasho wayn oo laga hagranayo  waxyaabo badan oo loo qabankaro caasimada waxayn dhibka oo dhan u tirinayaan xukuumada uu madaxda ka yahay Gen: Cade Muuse oo sida muuqatana aan xil wayn iska saarin arimaha u gaarka ah caasimada puntland ee Garowe.

Isku soo wada duuboo waxaa  looga fadhiyaa sharciga caasimaada puntland xukuumada hada jirta in ay soo diyaariso si ay baarlamaanku u an sixiyaan islamarkaasna loogu dhaqmo nidaamka sharci ee caasimada puntland ee Garowe. 

c/rizak koronto
Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD