somalitalk.com

.Home | Somali | Forum | Search | Feedback | News
.
Baaq
Madaxda Soomaalida

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

Waxaan Baaqaan u soo jeedinayaa dhammaan hoggaamiyaasha Qabaa'ilka Soomaaliyeed

Sida lawada ogsoon yahay waxaa muddo hadda laga joogo sagaalsano dagaal kabilowday Xamar. Waxaa taas kasii horreyey dagaalkii Hargeysa. Waxaa halkaas kacad in Soomaaliya colaad iyo dagaal ku jirtey muddo aad u dheer.

Dagaalkaas oo sababay khasaaro aan halkan lagusoo koobi karay, oo naf iyo maalba leh. Dad badan ayaa ka salkacay goobihii ay degganaayeen muddo dheer. Waxaa burburay taariikhdii soo jireenka ahay ee Soomaalida. Cilmi baarisyadii lasameynayey muddo soddon sano ah ayaa halkaas ku dhuman, waana khasaaro aan laga soo kaban karrin muddo sanooyin ah.

Waxaa waddanka kabaxay dadkii aqoonta lahaa, sida culimadii diinta Islaamka, dhakhaatiirtii, macalimiintii iyo ardadii sugsiyada iyo jaamacadaha, Injineeradii, xirfadlayaashii beeraha iyo wershedaha, iyo dhammaan cidkasta oo markaas awood u lahayd in ay ka tacaburaan waddankoodii hooyo.

Marka aan xaqiiqada ka hadallo dagaalkaas aan kor kuxusnay wuxuu sababay khasaare bulshadeed oo dhuuxa soomaalida aad u naafaysay. Waa khasaare maskax, dhaqan iyo dhaqaalaha mujtamaca soomaalida aad u naafeeyey.

Soomaalidu hadda waxay ku kala firirsantahay cirifyada caalamka, waxaana laga yaabaa in waddankasta laga heli karo bulsho Soomaaliyeed oo ku dhaqan. Taasi waxay sabab u noqondoontaa, haddaan ilaah ina badbaadin, in mardhow lahelo toban Soomaali ah oo midna uusan kan kale af garaneyn.

Taasi waxay kuu caddayneysaa in dhismaha guryaha burburay ee Soomaaliya ay fududaan doonto in dib loodhiso marka ugu horreysa oo nabad buuxda lahelo. Laakiin ay aad u adkaan doonto in dib loodhiso bulshadii Soomaaliyeed.

Waxaan arrimahaas oo dhan u soo xusay in aan ogeysiiyo madaxda Soomaaliya ee hadda, hanoqdeen hoggaamiye qabiil, koox, degmo ama gobol ay mas uuliyad weyn ku yeelanayaan arrintaas. Waxaana ugu baaqaya dhammaan hoggaamiyayaasha Soomaalida in ay dib u eegaan waxa ay faa'iideen waqtigaas, oo markaas ay barbardhigaan khasaarada soogaartey dhammaan waddanka. Waxaadna ogaataa in qofwalba uu mas-uul kayahay camalkiisa.

Tusaalahaas gaaban kaddib, waxaan usoo noqonayaa dulucdii qoraalkayga. Waana kan hoos kuqoran:

Dhamaan hoggaanka Soomaalida, hanoqdeen mid qabiil, koox, ama gobol, waxaan ugu baaqaynaa in ay nabad ku dhawaaqaan maalinta ugu horreysa ee bisha Ramadanka ee soo dhow, oo qiyaastii ku beegan Sagaal-guuradii dagaalkii Xamar.

Waxaan kale oo ugu baaqayaa in islamarkaas ay qaban qabiyaan sidii dhammaan ummaada Soomaaliyeed shir ay u dhan yihiin laysuga imaan laahaa, meeshii laysku raaco oo katirsan waddanka Soomaaliya. Shirkaas oo ku habboon tobanka maalmood ee ugu dambeeya Soonka.

Waxaa kale oo ugu baaqayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed in ay shirkaas isku cafiyaan. Si niyad ah Ilaah hortiis isu aaminaan, ayna bilaabaan nolol cusub bilowga qarniga cusub. Waxaana habboon in shirkaas lagu doorto qofkii kashaqayn lahaa qabanqaabada doorasho xaq ah oo dhacda lix bilood gudhood, kaddib shirka, muddadaasna laqaado dhammaan xanibaadaha dhexyaala waddoyinka oo markaas la ogolaado in dadku markale isdhexmari karaan. Ganacsigii kadhexeyn jirey gobolada Soomaaliyana dib loofuro.

Muddadaas kaddib, qofkii ay dhammaan Soomaalidu isku raacdo uu noqdo hoggaamiyaha qaranka cusub ee bilowga qarniga cusub.

Tagto sooma noqoto, ee aan ka fekerro mustaqbalka jiilka cusub iyo carruurteena yaryar ee aan nasiibka u helin cilmiga qarnigan.

Waxaan kale oo ugu baaqayaa dhammaan Soomaalida ku nool dunida cirifyadeeda in aysan illaawin wadankii asalkoodu ahaa. Dadka cilmiyada kala ged-geddisan bartayna ay aqoon tooda uga faa'iideeyan inta aan nasiibka u helin in ay kasbadaan cilmi.

Waxaan kusoo gabagabaynayaa, dhammaan erayadaas waa fikradayda, Ilaah ayaana qeybka og, waxaana cafis weydiisanayaa Ilaah wixii aan ku gafey.

Qore: Maxamed Cali
         Canada.
approved by: somalitalk.com team.

Bogga BAAQ waa goob aad ku soo bandhigi kartid arimaha Soomaalida ee u baahan in si xaqiiqa ah looga hadlo. Waana in fikradaha boggaan lagu soo bandhigayaa ay ahaadan kuwo dhexdhexaad u ah ummadda Soomaaliyeed, oo aan dhinacna u xaglinayan.

Allah Is Great
.


Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback