W.Q. Faarax Axmed Muuse,
colow30@hotmail.com
M.Sc Clinical Microbiology, University of Karachi
FAA’IIDOOYINKA AY CAANAHA HOOYADU U
LEEYIHIIN ILMAHA
Tignoolojiyada casriga ah
ee aduunku maanta gaaray waxa ay awood u waayeen ama ka caajiseen in ay
sameyaan amaba ay soo saaraan caano la mid ah kuwa hooyada xaga walxaha ay
ka kooban yihiin, dhadhanka iyo waliba midabka iyo uduga.
Caanaha hooyada ayaa ah nafaqo dhameystiran
oo buuxin kara rabitaanka iyo koriinka cunuga, intaas waxaa dheer in ay
caanaha hooyadu ka kooban yihiin walxo badan oo kordhiya difaaca cunuga,
kuwaas oo inta badan dib u dhiga ama ka hortaga cudarada ay ka mid ka yihiin
1) cudurka dabeysha (polio)
2) Hargab (flu)
3) Dhega xanuun (otitis)
4) Cudurada ku dhaca habdhiska Neefsashada ( Respiratory tract Infections)
5) iyo cudurada caloosha, Xiidmaha iyo marinka cuntada (Gastrointestinal
tract infections)
Waxaa waayadan danbe soo soo kordhayay in
hooyooyinku aysan nuujin ilmahooda hadii ay nuujiyaana aysan nuujin mudadii
iyo waqtigii ku haboonaa oo ay durbaba Mujuruc iyo masaasad ku quudin ku
bilaabaan.
Run ahaantii waxtarka caanaha hooyadu ma ahan mid ku kooban intaas aan soo
sheegnay balse waxay kale oo leeyihiin caanaha hooyadu faa’iidoyinka soo
socda.
1) Caanaha hooyada waxaa ku jira qaar ka
mid unugyada difaaca jirka oo uusan cunugu sameysan Karin bilaha u horeya
noloshiisa sida
IgA, IgM iyo IgG , sidoo kale caanaha hooyadu waxaa laga helaa borotiino
la falgala birta jirka (iron binding proteins) loona yaqaan Lactoferins,
isugeyoo unugyadan iyo borotiinadan waxa ay hakiyaan taranka iyo koritaanka
noocyo ka mid ah bagteeriyada laga helo xiidmaha bani’aadmiga, bagteeriyadan
ayaa inta badan u keenta cuduro uu shubanku ugu horeeyo caruurta la siiyo
caanaha dadsameyga (Formula Milk).
TUUR MASAASADA
OO NUUJI CUNUGAAGA |
2) Saxarada ilmaha naaska la siiyo ayaa ah
mid Aysiidh ah kana kooban maado loo yaqaan Acetate buffer, maadada Acetate
buffer ee laga helo saxarada Ilmaha naaska la siiyo ayaa waxa ay ka hortagaa
koritaanka iyo waxyeelada Noocyo badan oo Bagateeriyada ka mid ah oo la isku
yiraahdo Gram negative Bacteria taas oo inta badan Qatar ba’an iyo
cudura halis ah u keenta Ilmaha aan naaska la niijin.
3) Caanaha hooyadu waxay kaloo ka kooban
yihiin macdano miisan oo aan qashin saarka ilmaha dhib weyn u geysan Karin
siiba kelyaha, meesha ay caanaha dad sameyga ahi ka kooban yihiin macdano
fara badan oo halis gelin kara kelyaha ilmaha, maxaa yeelay kelyaha ayaa ah
xubinta jirka u qaabilsan qashin saarka macdanaha iyada oo raacineysa
kaadida wax alaale iyo wixii macaadin ah ee jirka siyaada ku ah.
4) Sidoo kale caanaha hooyada ayaa qani ku
ah dux aan dheregdhaafsaneyn (Unsaturated Fatty acid) taas oo ka qeyb
qaatada koritaanka maskaxda iyo garaadka cunuga halka ay caanaha dad sameyga
ah aad ugu yartay dux-dani amaba aan lagu ogeyn qaarkood.
Ilamaha lagu quudiyo masaasada (Mujuruca)
ayaa inta badan aad u cayila una nugul cuduro badan oo faafa marka loo
barbar dhigo Ilmaha naaska hooyadii la siiyo.
Shaxdan hoose ayaan waxaan ku muujineynaa
sida ay ugu kala nugul yihiin cudarada inta badan ilmaha ku dhaca Cunuga
naaska la siiyo iyo midka masaasada lagu quudiyo.
Cudurka Ama
Jirada |
Ilmaha Naaska
la siiyo |
Ilmaha
Masaasada la siiyo |
Dhega xanuun |
3.7% |
9.1% |
Cudurada Ku
dhaca sanbadada iyo feeraha |
1.1% |
5.6% |
Shubanka iyo
mataga |
3.5% |
6.9% |
Inta Goor ee
cusbitaal ama takhtar loo geeyo |
1.1% |
5.6% |
Wadarta guud
|
8.2% |
21.1% |
Faa’iidooyinka kale ee naasnuujintu
leedahay ayaa waxaa ka mid ah nadaaminta iyo kala fogeynta ilmaha, maxaa
yeelay jiqida ama nuugista cunugu uu naaska nuugayaa waxa ay carisaa
unugyada maskaxda kuwaas oo sii daaya hormoonka loo yaqaan Prolactin,
hormoonkan ayaa inta badan hakiya in hooyadu hesho dhiiga billaha ah (caadada)
teedana in aysan hooyadu qaadin uur inta uu ilmuhu nuugayo (waa hadii si
joogta ah ilmaha loo nuujiyo).
Hooyooyin badan baa laga yaabaa in ay ku
andacoodaan in ay naasahoodu laheyn caano ku filan cunugooda, hadaba si
aysan taasi u dhicin hooyadu waa in ay isticmaashaa cabitaan badan cunugana
naaska ugu dhigtaa si joogta ah si uu naasku ula qabsado nuugista cunuga una
dhiiqo caana badan.
Hooyada Ilmaha nuujineysaa ma haboona in ay
isticmaashaa cabitaanka Kafeyga, sigaarka, iyo daawooyin aan takhtar u qorin,
maxaa yeelay kafeyga iyo daawooyinka qaarkood ayaa ka kooban maadada
daroogada ah ee loo yaqaan caffeine, maadadan oo maskaxda cunugu wax yeeli
karta.
Sidoo kale Nuujinta ilmahu waxay abuurtaa
jaceyl, farxad iyo reyeyn dhexmarta ilmaha iyo hooyadii taas oo laga yaabo
in ay ka duwanaado mida dhex marta ilmaha masaasada la siiyo iyo hooyadii..
ISLAAMKA IYO NUUJINTA ILMAHA.
HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!!!!
Guji.... |
Diinta islaamka ee sharafta badan ayaa ah
nidaam nololeed oo kaamil ah oo uu ALLAAH ugu tala galay in ay ahaato
dastuurka dhabta ah ee ay tahay qof kasta oo muslim ahi in uu ka dhinbila
qaato, balse nasiib daro muslimiinta maanta joogta ayaa noqday dad maskaxda
laga gumeystay aadna moodaa in aysanba ku fekereyn sidii ay duliga saaran
uga bixi lahaayeen, qaar badan oo dadyowga muslimka ahi waxayba u arkaan
Kitaabka Qur’aanku in uu yahay mid aan la jaanqaadi Karin casriga
tignoolojiga, mase oga in uu quraanku yahay masdarka (source) habab nololeed
casri walba iyo xili kasta la socon kara .
Hadaba ALLAAH waxaa uu Quraanka Kariimka ah
noogu tilmaamay inta ugu haboon oo ay tahay hooyadu in ay nuujiso cunugeeda,
ogowna ALLAHA sameeyey caanaha hooyada ayaa uga aqoon badan cidwalba inta
ugu haboon ee ay tahay in ilmaha la nuujiyaa, Rabi waxaa noogu sheegay
suuratul baqara ayaada 233aad ( WAALIDIINTU HA NUUJIYAAN ILMAHOODA LABA
SANDOOD, HADII DOONAYAAN IN AY NUUJINTA U DHAMEYSTIRAAN ILMAHOODA) sidoo
kale waxaa uu ALLAAH noogu tilmaamay suuratul Luqmaan aayada 14aad iyo
suuratul Al-axqaaf ayaada 15aad in ay nuujinta ilamahu tahay Laba sanadood.
Ugu danbeyntii waxaan aad ugula talinayaa
hooyooyinka soomaaliyeed iyo dhamaan hooyooyin muslimiinta ah in ay
caruurtooda nuujiyaan labasanood si loo helo jiil caafimaad qaba, nuujintan
ayaa ah mid wax badan ka tareysa nadaaminta caruurta oran maayo xakameynta
taranka sida ay gaaladu aaminsan yihiin, waayo muslimiintu waxay u baahan
yahay taran fiyow oo joogta ah.
Gabagabadu waa: TUUR MASAASADA OO
NUUJI CUNUGAAGA
W.Q. Faarax Axmed Muuse,
colow30@hotmail.com
Master of Clinical Microbiology, University of Karachi
July 8, 2003
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com