Ugu horayn waxay bahda SomaliTalk u mahad naqayaan Allaha
awooda sare leh ee xaqa lagu caabudo ee suurta gal nooga dhigay in aan
casharadan saxaabada rasuulka ku saabsan idiin soo tebino, casharadan in aad shabakada Internetka kala socotaan ama ka
akhrisataan waxay ka ahaatay awooda Allah. Allah ayaan ka baryeynaa in
Rasuulkeena Muxamed (nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) uu
gaarsiiyo meeqaanka sharafta leh ee uu u yaboohday, saxaabada rasuulkana
dhammaantood u naxariisto, intii casharadan hirgelintooda ka qayb qaadatayna
uu ajar iyo xasanaad ka siiyo.
Intaas ka dib, waxaan mahad u jeedineynaa dhammaan akhristayaasha
sida joogtada ah u akhrista casharadan iyo kuwa inta ay akhristaan dad kale uga sii
faa'iideeya.
Waxaan qoraalo joogto ah ka helaa akhristayaasha oo nooga
mahad celinaya casharadan, si caam ah ayaa ugu mahad celineynaa dhammaan
intii qoraalada noosoo diray iyo qof kasta oo caharadan ka faa'iideystaba.
Waxaana mar kale si gaar ah ugu mahad celineynaa akhristayaashaas oo had iyo
jeer qorayaasha ku dhiirigeliya inay siiwaan casharada
siirada Rasuulka (scw),
Habnololeedkii saxaabada rasuulka,
Ahmiyada salaada iyo qaybaha kale ee
diinta Islaamka . Mahadsaidin
dhammaan.
Ugu dambayn waxaan mar kasta soo dhoweyneynaa talooyinkiina,
waxaana gacmo furan kusoo dhoweyneynaa qof kasta oo aqoon u leh cilmiyada
anfacaya bulshada in ay kusoo bandhigi karaan SomaliTalk.com insha Allah.
Hadana dib ugu laabo casharada saxaabada
rasuulka..
Mahadsanidin.
###