Kulankii ugu
horeeyay ee uu Cabdullaahi Ibnu Mascuud la kulmay Rasuulka (scw)
Wiilkii
dhalinyarada ahaa wuxuu ahaa mid aanan qaan gaarin maalintaas. Wuxuu
magaallada Makka golaheeda ku foofinayay xoolo, weliba isagoo dadka ka fog.
Wuxuu kaxeenayay xeen arri ah oo uu daajinayay, waxaana arrigaas lahaa
ninkii la oran jiray Cuqbata Binu Abii Mucaydh. Dadka waxay ugu yeeri
jireen ”ina ummi Cabdi”, hase ahaatee magaciisa waxaa la yiraahdaa
Cabdullaahi, aabihiisna Mascuud.
Wiilkan wuxuu
maqli jiray wararka ku saabsan Nebiga la filayo in laga soo dhex saaro
tolkiisa. Ma uusan sii daneynin arrintan iyada ah, iyadoo ay ugu wacneyd
labo arrimood. Waa tan koowaade, isagoo da’yaraa iyo isagoo ka fogaa
mujtamaca reer Makka. Wuxuu ka caadi dhigtay inuu kaxeeyo arrigii uu lahaa
Cuqba laga billaabo xilliga subaxa horemana soo noqon jirin ilaa laga gaaro
habeenka. Maalin maalmaha ka mid ah wuxuu arkay wiilkii reer Makaad, waa
Cabdullaahi Binu Mascuudee labo nin oo da’ dhexaad ah ayna ka muuqato
akhyaarnimo iyo degganaansho, kuwaasoo ku soo socda dhinaciisa meel fog.
wiilyahoow, waxaad arrigan nooga listaa wax aan ku dammino haraadkayaga...
|
Wuxuu kaloo
arkay inay nimankii ay aad u daalanaayeen, dhinaca kalena uu harraadkii iyo
oonkii hayey darteed ay ka qallalaan bishimihii iyo dhuuntii. Labadii nin
markii ay u yimaadeen wiilkii yaraa way salaameen, waxayna ku yiraahdeen:
”wiilyahoow, waxaad arrigan nooga listaa wax aan ku dammino haraadkayaga,
sidoo kalena aan ku qoyno xididdayada qalalay”. Wiilkii ayaa wuxuu ku yiri:
”ma sameynayo, maxaa yeelay arriga ma lihi oo waa la igu amaanaystay”.
Labadii nin
ma aynan dhibsan hadalkii uu wiilkii yaraa yiri, waxaana wejiyadoodii ka
muuqday raalli ahaansho ay wiilka u qabaan. Mid ka mid ah labadii nin ayaa
wuxuu wiilkii ku yiri, waxaad i tustaa neef ari ah oo aan weli qoodhii
saaran, wiilkii yaraa wuxuu ishaaray waxar yar. Ninkii ayaa u dhaqaaqay
xaggii waxarta isagoo sibra xiray, wuxuu salaaxay candhadeedii isagoo
xusaya magaca Alle.
Mid ka mid ah mucjisooyinkii Rasuulka (scw)
Wiilkii yaraa
oo yaaban ayaa eegay ninkii isagoo ku leh: ” goormay waxarihii yar yaraa ee
aan weligood saaran orgiyadii inay caano keenaan?!”. Hase ahaatee, wax yar
kama soo wareegan jeer uu neefkii candhadiisii soo weynaado, dabadeedna soo
burqadaan caanihii oo fara badan oo aan kala go’ lahayn.
Ninkii kale
ayaa wuxuu soo qaaday weel isagoo weelkii ka buuxiyay caanihii, ka dibna
wuxuu isagii iyo saaxiibkiisba ay dhameen caanihii, wiilkii yaraana waxay
waraabiyeen caanihii, isagoo aanan rumeysanaynin waxa uu arkay. Wiilkii
yaraa wuxuu yiri, markii aan caanihii ka dharagnay ayaa wuxuu ninkii
barakaysnaa ku yiri neefkii ariga: ”is duuduub” oo sidaadii hore noqo, isla
markiiba candhadii ayaa sideedii hore noqotay. Markay arrintu halkaa
mareyso ayaa waxaan ku iri ninkii barakeysnaa: ”waxaad i bartaa ereyadii
aad tiri”. Wuxuu igu yiri, waxaad tahay wiil wax la baray.
Tani waa hor u dhacii sheekadii uu ku soo islaamay Cabdullaahi Ibnu
Mascuud |
Tani waa hor u dhacii sheekadii uu ku soo islaamay
Cabdullaahi Ibnu Mascuud. Ninkii la barakeeyay ee aan ka soo hadalnay wuxuu
ahaa Rasuulka (scw) oo sameeyay falkaas mucjiso, ninkii la socdayna wuxuu
ahaa Abiibakar Assidiiq. Maalintaas ay ka baxayeen magaallada Makka
golaheeda waxaa sabab u ahaa iyagoo ka cararay gaaladii Qureysh rafaadkii
ay u gaysatay xumaantiisa iyo dhibaatooyinkii darnaa ee ay la maageen iyaga.
Sidii uu
wiilkii yaraa uu u jeclaaday Rasuulka iyo saaxiibkiisa, ayaa misna Rasuulka
(scw) iyo siixiibkiisaba u jeclaadeen wiilkii yaraa, iyagoo aad ula dhacay
amaano wanaagiisa iyo go’aankiisii adkaa, waxayna ku ogaadeen inuu yahay
wiil kheyr qaba. Kama soo wareegan muddo dheer jeer uu Cabdullaahi Ibnu
Mascuud durbadiiba ka islaamo, wuxuuna naftiisa u bandhigay inuu u adeego
Rasuulka, isagoo Rasuulkana (scw) ka ogolaaday arrinkaa.
Cabdullaahi Binu Mascuud oo soo islaamaya
Maalintaa
wixii ka danbeeyay, wuxuu wiilkii nasiibka badnaa ka gudbay shaqadii
foofinta arriga, isagoo noqday adeegaha inta uu Eebbe (sw) abuuray
sayidkooda. Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu naftiisa ku laasimiyay ag
joogidda Rasuulka (scw) sida qofka iyo harkiisaba aynan u kala harin.
Cabdullaahi wuxuu ahaa kii markasta Rasuulka (scw) la socdo,
|
Cabdullaahi
wuxuu ahaa kii markasta Rasuulka (scw) la socdo, marka uu gurigiisa joogo
iyo marka uu socotada yahayba. Wuu toosin jiray haddii uu seexdo, marka uu
Rasuulka (scw) qubeysanayana wuu asturi jiray. Kabaha ayuu u gelin jiray,
kolka uu Rasuulka (scw) doono inuu baxo, sidoo kalena kabaha ayuu ka bixin
jiray kolka uu doono inuu aqalka soo galo. Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu
Rasuulka (scw) u qaadi jiray cadeyga iyo usha, qolka uu doonayo inuu galana
isagaa ku hormari jiray kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin.
Wuxuu ku barbaaray gurigii Nebiga (scw), wuxuuna
noqday xooghayihii sirta Nebiga
Rasuulka (scw)
aad ayuu u jeclaan jiray Cabdullaahi Ibnu Mascuud, wuxuuna u fasaxay inuu u
soo galo xilligii uu Cabdullaahi jeclaysto, wuxuu kaloo Rasuulka (scw) u
fasaxay inuu is-dul-istaago siraha Nebiga (scw), isagoo uusan Rasuulka
arrinkaa dhibsan, dhinaca kalena aan ka cabsan Cabdullahi inay arrintaas
wax denbi ah kaga timaaddo, jeer maalintii danbe looga bixiyay xooghayihii
sirta Nebiga (scw).
Cabdullaahi
Ibnu Mascuud wuxuu ku barbaaray gurigii Rasuulka (scw), wuxuu qaatay
hanuunkii Rasuulka (scw), sidoo kalena wuxuu ka akhlaaq qaatay sifooyinkii
suubanaa ee Rasuulka (scw), wuxuu Rasuulka kaga dayday dhammaan
astaamihiisii wanaagsanaa, ilaa laga yiraahdo: ”Cabdullaahi wuxuu aad ugu
eg yahay Rasuulka (scw) xagga hanuunka iyo xagga muuqaalkaba”.
Cabdullaahi Ibnu Mascuud Ilaah ka raalli noqdee wuxuu ka soo baxay
madrasadii Rasuulka (scw), |
Cabdullaahi Ibnu Mascuud Ilaah ka raalli noqdee wuxuu ka
soo baxay madrasadii Rasuulka (scw), wuxuuna ka mid ahaa saxaabada kuwooda
ugu aqoonta badan xagga aqriska wacan ee qur’aanka, wuxuu kaloo ahaa
saxaabada kuwooda ugu fahmada badan xagga macnaha qur’aanka, dhinaca kalena
ugu aqoonta badan ula jeeddada loo soo dejiyay shareecada Islaamka. Waxaana
arrimahan noo caddeynaya sheekadii ninkii qaabilay Cumar Binu Khadaab (rc)
isagoo istaagan Carafa, wuxuuna ku yiri: ”waxaan ka imid -amiirkii
mu’miniintoow-magaallada Kuufa, waxaana magaallada uga soo tagay nin
misxafyada dadka kor ahaan uga yeerinaya (isagoo aanan eegin misxafka).
Cumar ayaa si siyaado leh uga carooday hadalkii, wuxuuna
yiri: ”waa kuma ninkaas?!”. Ninkii ayaa wuxuu yiri ninkaas waa Cabdullaahi
Ibnu Mascuud. Markii uu Cumar maqlay hadalkan, waxaa dentay caradiisii,
wuxuuna ku soo laabtay xaaladdii uu markii hore ku sugnaa, dabadeedna wuxuu
Cumar yiri, wallaahi ayaan ku dhaartaye, garan maayo inuu jiro qof
Cabdullaahi Binu Mascuud kaga xaqnimo badan inuu qur’aanka dusha ka aqriyo,
arrinkaasna sheeko ayaan ka hayaa.
Cumar hadalkii ayuu sii watay oo wuxuu yiri:”Rasuulka Alle
(scw) ayaa wuxuu habeyn ku fiidsanayay guriga Abuubakar (rc), waxayna ka
wada xaajoonayeen danaha muslimiinta, markaas iyada ahaydna waan la joogay.
Rasuulka (scw) ayaa baxay, dabadeedna waan ka daba baxnay. Isla markiiba
waxaan la kulanay nin salaad u taagan, kaasoo aanan garan kuu yahay.
Qofkii jecel inuu aqriyo qur’aanka isagoo qoyan sidii uu u soo degay oo
kale, ha u aqriyo akhrinta Ina Ummi Cabdi (waa Cabdullaahi Binu
Mascuude)”, |
Rasuulka (scw) ayaa istaagay isagoo dhageysanaya ninkii
tukanayay, ka dibna innaga ayuu na soo jileecay isagoo Rasuulka (scw) leh:
” Qofkii jecel inuu aqriyo qur’aanka isagoo qoyan sidii uu u soo degay oo
kale, ha u aqriyo akhrinta Ina Ummi Cabdi (waa Cabdullaahi Binu Mascuude)”,
intaa ka dib Cabdullaahi Binu Mascuud wuu fariistay isagoo duceysanaya,
Rasuulkuna (scw) uu ku leeyahay: ”weydiiso waa lagu siine….weydiiso waa
lagu siine”. Cumar ayaa wuxuu yiri, waxaan naftayda ku iri wallaahi inaan
ku kallihi doono berito Cabdullaahi Binu Mascuud si aan ugu bishaareeyo
aamiinta Rasuulka (scw) ee uu ducadiisa u yiri (ducada Nebigana waa la
ajiibaa).
Subixii markii la gaaray, waxaan ku kallahay Cabdullaahi
Binu Mascuud, waana u bishaareeyay, hase ahaatee waxaan ogaaday inuu
Abuubakar iigaga hormaray bishaareenta. Sidaas ayeey asxaabta ugu tartami
jireen sameynta falalka wanaagsan,. Cumar Allaha ka raalli noqdee ayaa
isagoo ka sheekeenaya sidii uu Abuubakar ugu dadaali jiray u tartamidda
camal falka kheyrka wuxuu yiri: ”wallaahi ayaan ku dhaartaye weligeey
Abuubakar kheyrka ulama tartamin illaa wuu iga badin jiray”.
Aqoontii
xeesha dheereed ee Cabdullaahi Binu Mascuud
Cilmiga Cabdullaahi Binu Mascuud ee la xiriira aqoonta kitaabka Alle wuxuu
gaaray inuu naftiisa ku oran jiray:”Ilaaha xaqa ah ayaan ku dhaaranayaaye,
ma soo degin aayad qur’aan ah illaa haddey jirto waxaan ogahay halka ay ku
soo degtay, waxaan kaloo ogahay sababta ay ku soo degtay, haddii aan ogahay
inuu jiro qof qur’aanka iga yaqaana oo ay suurtagal tahay inaan u tago waan
u tagi lahaa”.
Hadalkan uu Cabdullaahi Binu Mascuud yiri ma ahayn mid uu si ka bad-badin
ahaan uu u leeyahay, oo waaba kan Cumar Binu Khadaab (rc) oo la kulmay dad
socoto ah isagoo safar ku jira, iyadoo habeenka mugdigiisana uu qarinayo
aragtida dadka. Dadkii socotada ahaa ee ay Cumar iska hor yimaadeen ayaa
waxaa ku jiray Cabdullaahi Binu Mascuud (rc).
Cumar ayaa wuxuu amray nin si uu ugu dhawaaqo dadkaas socotada ah, ninkii
ayaa isagoo dadkii socotada ahaa u dhawaaqaya yiri: ”inteed ka timaadeen?.
Cabdullaahi ayaa si is qarin ahaan ugu jawaabay isagoo leh: ”dooxada fog”.
Cumar ayaa weydiiyay dadkii socotadaa ahaa, isagoo leh: ”inteed u soctaan?”.
Cabdullaahi Binu Mascuud oo jawaabaya ayaa yiri: ”gurigii gaboobay (kacbada)”.
Cumar ayaa wuxuu dadkii la socday ku yiri, dadkani waxaa ku jira caalim
ah..., wuxuuna amray nin kale in su’aalo diineed la weydiiyo.
Nin ayaa dhawaaqay isagoo su’aashan weydiinaya: ”qur’aanka aayadee ugu
weyn?”. Cabdullaahi ayaa ugu jawaabay aayadda magaceeda la yiraahdo
aayatul-kursi-, uuna Alle ku leeyahay: ”Alle Ilaah aan isaga ahayn ma
jiro, waana Ilaaha nool, makhluuqaadkana maamula. |
Nin ayaa dhawaaqay isagoo su’aashan
weydiinaya: ”qur’aanka aayadee ugu weyn?”. Cabdullaahi ayaa ugu jawaabay
aayadda magaceeda la yiraahdo aayatul-kursi-, uuna Alle ku leeyahay: ”Alle
Ilaah aan isaga ahayn ma jiro, waana Ilaaha nool, makhluuqaadkana maamula.
Ma qabato lulmo iyo hurdo toona, waxaa u sugnaaday waxa ku sugan cirarka
iyo dhulka….. (aayadda 254, suuradda al-baqara)”. Ninkii ayaa mar labaad
weydiiyay su’aal kale, wuxuuna yiri: ”qur’aanka aayadee ugu xikmad badan?”
Cabdullaahi ayaa yiri waa aayadda uu Alle ku leeyahay: ”Eebe wuxuu farayaa
caddaalad, samafal iyo qaraabada wax siintooda, wuxuuna Eebbe reebi xumaan,
munkar iyo gardarro, wuu idin waaninayaa si aad u xasuusataan” (aayadda 90,
suurada Al-naxl). Cumar ayaa misna ninkii ku yiri, u dhawaaq oo waxaad
weydiisaa aayadda qur’aanka ugu kulmin badan, wuxuuna Cabdullaahi yiri
aayadda uu Alle ku leeyahay: ”ruuxii wax yar oo kheyr fala wuu arki,
ruuxiise wax yar oo shar sameeyana wuu arki” (aayadaha 7-8, suuradda
Az-zalzalah). Cumar ayaa haddana ninkii ku yiri, u dhawaaq oo waxaad
weydiisaa aayadda qur’aanka ugu cabsida badan.
Cabdullaahi ayaa ku jawaabay aayadda
uu Alle ku leeyahay: ”arrinku ma ahan sida aad yididdiilanaysaan iyo sida
ay yididdiilanayaan ahlu-kitaabka midna, ruuxii sameeya xumaan waa laga
abaal marin, mana helayo Eebbe sokodiis wali iyo gargaare toona” (aayadda
123, suuradda Annisaa.).
Cumar ayaa ninkii ku yiri, u dhawaaq
oo waxaad weydiisaa aayadda qur’aanka ugu rajada badan. Cabdullaahi Ibnu
Mascuud ayaa ku jawaabay aayadda uu Alle ku leeyahay: ”Nebiyoow waxaad ku
tiraahdaa addoomadayda ku xad gudbay naftooda ha ka quusanina naxariista
Eebbe, Eebbe waa kan dhaafa denbiyada dhammaantood, waana danbi dhaafbadane
weliba naxariis badan” (aayadda 53, suuradda Az-zumar). Cumar Binu Khadaab
oo aad u jeclaystay ninkii su’aalaha ka jawaabayay, ayaa wuxuu dadkii
socotada weydiiyay su’aashan: ”ma waxaa idinla socda Cabdullaahi Ibnu
Mascuud?!”.
Dadkii socotada ahaa ayaa yiri haa
oo waxaa nala socda Cabdullaahi, isaga ayuuna ahaa qofkii su’aalaha ka
jawaabayay. Cilmiga xeesha dheer, cibaado badnida iyo adduunyo naceybka
Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxaa weheliyay oo intaas u dheereed isagoo ahaa
geesi halyeey ah, lehna go’aan adag, wacdarro la yaab leh la soo baxa
markay xaaladdu qadhaadhaato.
Wuxuu ahaa muslimkii ugu
horeeyay ee la jahra aqriska qur’aanka
Waxaa taas ku
deeqsiinaya, inuu Cabdullaahi Binu Mascuud ahaa muslimkii ugu horeeyay ee
la jahray aqriska qur’aanka Rasuulka Alle (scw) gadaashiis, iyadoo ay
gaaladii qureyshna ay arkayaan.
Maalin ayaa
waxaa magaallada Makka ku kulmay asxaabtii Rasuulka (scw) -wakhtigaasna
waxay ahaayeen kuwo aan awood lahayn oo tiro yar - waxay is yiraahdeen,
wallaahi gaaladii qureysh weli ma aynan maqlin iyadoo qur’aanka kor ahaan
loo aqrinayo, ee yaa maanta intuu baxo qureysh maqashiinaya qur’aanka!?.
Cabdullaahi ayaa intuu ag istaagay maqaamkii Ibraahim la soo baxay
codkiisii quruxda badnaa isagoo kor ahaan u aqrinaya biloowga suuradda
Ar-raxmaan. |
Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa yiri annigaa maqashiinaya
qur’aanka. Saxaabadii ayaa ku yiri, adiga qureysh waan kaaga baqaynaa, ee
waxaan doonaynaa nin ay tolkiisa ay meesha joogaan, kuwaasoo ilaaliya oo ka
qabta haddey xummaan la doonaan. Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa yiri, anniga
ii dhaafa kuwaas, maxaa yeelay Ilaah ayaa shartooda iga reebaya ina
ilaalinaya. Goor barqin subax ah ayaa wuxuu Cabdullaahi ku soo kallahay
masjidkii Xaramka ilaa uu ka yimaado goobta maqaamkii Nebi Ibraahim (cs),
markaas iyada ahna ay gaaladii qureyshna ay fadhiyaan Kacbada hareeraheeda.
Cabdullaahi ayaa intuu ag istaagay maqaamkii Ibraahim la soo baxay
codkiisii quruxda badnaa isagoo kor ahaan u aqrinaya biloowga suuradda
Ar-raxmaan.
Qureysh ayaa
dhageysatay qur’aanka, waxayna yiraahdeen, muxuu leeyahay kii ina Ummu
Cabdi ahaa, habaar ha ku dhacee?! Qaar ka mid ah gaaladii qureysh ayaa yiri,
wuxuu aqrinayaa qaar ka mid wixii uu la yimid Nebi Muxammad ee qur’aanka
ah. Gaaladii ma aynan sugin inta uu ka dhameenayo aqriska qur’aanka’e, way
ku soo qamaameen waxayna bilaabeen inay ka garaacaan wejiga weliba isagoo
aqrinaya qur’aanka ilaa uu ka gaaray aqriskii qur’aanka intii uu Eebbe ka
doono inuu aqriyo. Dabadeedna wuxuu u yimid asxaabta, isagoo dhiiguna ka
shubmayo. Asxaabtii ayaa ku yiri, sidan ayaan kaaga cabsanaynay.
Cabdullaahi
ayaa yiri, wallaahi ayaan ku dhaartaye cadoowgii Alle iyaga ayaa hadda iga
tabardaran anniga, haddaad doontaana berito ayaan sidan oo kale ugula
kallahayaa. Asxaabtii ayaa Cabdullaahi ku yiri, maya, intaas ayaa kuugu
filan, waxaana xaqiiqo ah inaad maqashiisay waxay dhibsadaan. Cabdullaahi
Ibnu Mascuud wuxuu noolaa ilaa khilaafadii Cusmaan Binu Cafaan, kolkii uu
bukooday bukaankii dhimashada ayaa waxaa u yimid Cusmaan Binu Cafaan,
wuxuuna ku yiri: ”maxaad ka sheegaynaysaa?”
Cabdullaahi
Ibnu Mascuud: ”denbigayga ayaan ka sheeganayaa”.
Cusmaan Binu
Cafaan: ”maxaad u baahan tahay?”
Cabdullaahi
Ibnu Mascuud: ”Naxariista Rabbigay”.
Cusmaan Binu
Cafaan: ”mushaarkii aad sannado kahor diiday inaad qaadato ma kuu amraa in
lagu siiyo?”
Cabdullaahi
Ibnu Mascuud: ”uma baahni mushaarkaas”
Cusmaan Binu
Cafaan: ”haddaba, gabdhahaada ayaa qaadanaya adiga gadaashaa”
Cabdullaahi
Ibnu Mascuud: gabdhahayga miyaa waxaad uga cabsanaysaa faqrinimo?, waxaan
faray inay habeen kasta aqriyaan suuradda Al-waaqica.., maxaa yeelay
Rasuulka (scw) ayaa waxaan ka maqlay isagoo leh: ruuxii aqriya habeen kasta
suuradda Al-waaqica faqri kuma dhaco weligii”