Waa xilli ay geesiyadii sharafta badnaa ee ciidanka Alle ay iska
ja-jafayaan boorkii dagaalka Al-qaadisiyah, weliba iyagoo ku faraxsan guushii
uu Ilaah ka siiyay dagaalka, sidoo kalena ku faraxsan wixii walaalahooda
dagaalka ku shahiiday loo qoray oo ajar ah. Dhinaca kale waa xilli ay u
hilowsan yihiin dagaal la mid ah dagaalkii Al-qaadisiyah, isla markaana ay
sugayaan inuu xagga khaliifka Cumar Binu Khaddaab (rc) uga yimaado amar
tilmaamaya inay sii wadaan jihaadka si loo ciribtiro carshigii reer Kisraa.
Sugitaankoodii maba sii dheeraanin jeer uu maalintii danbe ka yimaado
magaalada Madiina nin uu soo diray Khaliifka Cumar isagoo siday dhambaal ku
socota guddoomiyaha gobolka ee Abii Musa Al-ashcariyyi. Dhambaalka wuxuu ku
saabsanaa inuu Abuu Musa kaxeeyo ciidanka muslimiinta iyadoo ciidanka lagu
darayo ciidan kale oo ka iman doona magaalada Basra, iyagoo markaasna si
wadajir ah u aada gobolka la yiraahdo Al-ahwaaz (magaalo ku taalla Iiraan),
si loo raacdeeyo hoggaamiyaha reer Furus ee la yiraahdo Al-hurmuzaan markaas
ka dibna laga takhalluso lana xoreeyo magaallada Tustur, magaaladaasoo ahayd
xarunta boqortooyada reer Kisra.
Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi: sayidkii reer Banii Bakr ee ay aadka u
aqbali jireen hadalkiisa. |
Amarkii Khaliifka Cumar uu u soo diray Abii Musa ayaa waxaa ku jiray inuu
Cumar amray Abii Muusaa inuu dagaalka uu u kaxeysto dagaalyahankii geesiga
ahaa ee la oran jiray Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi, isla mar ahaantaana
ahaa sayidkii reer Banii Bakr ee ay aadka u aqbali jireen hadalkiisa. Halkan,
waxaan ka fahmaynaa qiimaha uu lahaa Majsa’ata Ibnu Thawr.
Saxaabigii Abii Musa Al-ashcariyyi wuxuu shaaca ka qaaday amarkii Cumar
Binu Khaddaab, wuxuuna diyaariyay ciidankiisa, dhinaca bidix ee ciidankana
wuxuu yeelay Majsa’ata Ibnu Thawr, dabadeedna wuxuu ciidankii ku daray
ciidankii ka imaanaayay magaalada Basra, sidii ayeeyna si wadajir ah u
dhaqaaqeen iyagoo jidka Alle u duulaya. Kama aynan suulin muslimiintii kuwii
magaalooyin badan xoreenaya, tirtirayana meelihii ay gaallada ku jireen,
halka hoggaamiyihii ciidanka Faaris ee Hurmuzaana hortooda cararaya jeer uu
ka gaaray magaaladii Tustur, iskuna ilaaliyay dhufeysyadeeda.
Tustur ee uu Hurmuzaan ku dhuuntay ayaa waxay ahayd magaalooyinka reer
Furus magaallada ugu bilicda badan. |
Magaallada Tustur ee uu Hurmuzaan ku dhuuntay ayaa waxay ahayd
magaalooyinka reer Furus magaallada ugu bilicda badan xagga quruxda, xagga
cimilladana waxay ahayd tan ugu quruxda badan, sidoo kalena waxay ahayd meel
aad ugu habboon xagga dhufeys-galka. Waxaa intaa dheer waxay magaaladu lahayd
magac dheer oo leh taariikh qadiim ah, waxayna ku taallay meel taag ah oo
qaabka ay u dhisan tahay u ekeyd qaab sida faras oo kale.
Waxaa magaallada waraabiya oo mara webiga yar ee lagu magacaabo ”Nahru
Dujeyl”. Waxaa magaallada ay lahayd taallo-biyood, taalladaasoo uu dhisay
boqorkii la oran jiray Saabuur, waxaa dhinaca taallada ka soo burqanayay
biyaha webiga iyadoo ay marayaan waddooyinka mara dhulka hoostiisa.
Haantaas biyaha iyo waddooyinkaas dhulka hoostiisa mara ayaa waxay ka mid
ahaayeen dhismaha kuwooda lala yaabo. Maxaa yeelay waxaa lagu dhisay dhagaxyo
waaweyn, waxaana lagu taagay tiirar bir ah oo aad u adag, dhinaca kalena
dhulka waddooyinka hoose marana waxaa lagu goglay maar. Hareeraha magaallada
Tustur waxaa ahaaday derbi aad u weyn aadna u dheer, kaasoo hareereeya
magaallada.
Culumada mu’arrikhiinta waxay yiraahdaan, derbigan wuxuu ahaa derbigii ugu
horeeyay uguna weyna ee laga dul dhiso dunida dusheeda.
Intaa dabadeed wuxuu Hurmuzaan hareeraha derbigaas ka qoday god dhufeys
ah, kaasoo ay adag tahay in laga soo tallaabo, dhinaca kale wuxuu godkaas ka
buuxiyay ciidanka Faaris kuwooda xulka ah. Haddaba, muslimiinta waxaa ku soo
food lahaaday mushkilad cusub, waayo waxay yimaadeen meel aynan awoodi karin
inay gudbaan.
Ciidamadii muslimiintii waxay fadhiyeen hareeraha derbiga Tustur, iyagoo
halkaas fadhiyay muddo dhan 18 billood oo aynan awoodin inay godkaas ka
gudbaan. Muddadaas intaas le’eg waxay ciidamada muslimiinta la galeen
ciidamada Furus 80 iska horimaadyo ama dagaallo.
Dagaal kastana oo ka mid ah dagaalladaasna waxay ku billaabanayeen qaab
isu-soo bax, iyadoo ay isu beddeli jireen markii danbena dagaal qadhaadh oo
weliba lagu hoobto. Haddaba, Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi ayaa wuxuu
goobtii dagaalka ku soo bandhigay wacdarro la yaab leh, taasoo ka yaabisay
cadowyadii iyo asxaabtii hal waqti. Waxaa u suurto gashay Majsa’ata inuu
laayo boqol nin oo ka mid ah halyeeyadii fardoollayda ahaa ee reer Furus,
magaciisana wuxuu noqday mid cabsi ku rida safafka gaallada Furus, halka
sharaf iyo awood ay u kordhinaysay muslimiinta.
Saxaabo fara badan oo aanan markii hore aqoonin Majsa’ata ayaa gadaal
danbe ka garawsaday sababta uu amiiral mu’miniinka ugu dadaalay inuu
halyeeygan geesiga ah ka mid noqdo ciidamada muslimiinta. Dagaalkii ugu
danbeeyay ee ka mid ahaa dagaalladii 80-ka gaarayay ayaa waxay muslimiintii
weerareen ciidamadii cadoowga weerar geesinimo leh, nimankii gaallada ahaa ee
reer Furus ahaana waxay ka carareen kaabadihii ka dhisnaa godka korkiisa,
waxayna ku dhuunteen magaallada Madiina iyagoo isku soo xiray iriddadii
dhufeyska ahayd.
Muslimiintii, waxay galeen khatar hor leh.
Sabarkii dheeraa ka dib, waxay muslimiintii markale u gudbeen xaalad ka
xun tii ay markii hore ku sugnaayeen. Gaalladii reer Furus waxay billaabeen
inay leebabkoodii sida roob oo kale uga dhigaan muslimiinta, iyagoo ka soo
ganayay dhismayaashii sare korkoodii ee ay ku jireen. Waxay kaloo billaabeen
inay derbiyada korkooda ka soo laalaadiyaan silsilado dab ah, silsilad
kastana afkeeda waxay wadatay kalbado holcaysa, kuleyl badni awgeed. Haddii
mid ka mid ah muslimiinta isku dayo inuu soo koro derbiga amaba uu u dhowaado,
gaalladii waxay ku daban jireen kalbaddii sidiina ayeey ku soo jiidan jireen,
markaas jirkii ayaa guban jiray, hilibkiisana wuu kala daadaadan jiray
sidaasna ayuu ku dhimman jiray.
Waa xaalad aad u qadhaadh. |
Waa xaalad aad u qadhaadh. Muslimiintii waxaa ku badatay dhibaatadii,
sidii lagu yiqiinnayba waxay billaabeen inay Ilaah baryaan, iyagoo si qushuuc
leh isugu dulloonaya Rabbigooda sharafta badna si uu uga qaado dhibaatadan,
isla markaasna uga gargaaro cadoowgooda gaallada. Goor uu Abuu Musa Al-ashcariyyi
uu ee-eegayo derbigii weynaa ee Tustur, isla mar ahaantaana ka quustay in
laga gudbo derbiga, ayaa waxaa hortiisa ku dhacay leeb laga soo tuuray
dhinaca derbiga. Wuu eegay, wuxuuna arkay inay wadato warqad ku qoran: "annigu
waan idinku kalsoonaaday haddaad tihiin jamaacada muslimiinta, waxaana idin
weydiisanayaa amaan iyo nabadgelyo anniga iyo naftayda iyo ehelkayga iyo
ciddii i raacdaba, annigana dhinaceeyga waxaa ballan ah inaan idin tusin
doono meel qarsoodi ah oo aad uga baxdaan meeshan magaallada Madiina".
Abuu Muusa wuxuu ninkii u qoray warqad xambaarsanayd inuu amaan iyo
nabadgelyo siinayo ninkii, wuxuuna warqaddii ay ku qornayd fariintaas kula
xiray leeb dabadeedna ninkii ayuu u tuuray. Ninkii wuxuu ku kalsoonaaday
nabadgelyada iyo amaanka muslimiinta iyagoo lagu yiqiinnay tusaalahaas
wanaagsan sida ballanta oo laga run sheego, ballanta oo la oofiyo.
Ninkii wuxuu u soo dusay muslimiintii, isagoo ku gabbanaya mugdiga
habeenka. Markii uu u yimid Abuu Muusa waxa uu u sheegay waxa uu yahay dhab
ahaan, wuxuuna yiri: "innagu waxaan ka mid nahay dadka magaalladan deggan
madaxdeeda, ninka la yiraahdo Hurmuzaan (hoggaamiyaha ciidamada Furus) wuxuu
laayey walaalkaygii iga weynaa, hantidiisii iyo reerkiisana wuu dhacay.
Annigana wuxuu ii hayaa cadaawad iyo xummaan oo wuxuu doonayaa inuu i dilo.
Caddaaladiina ayaan dulmigiisa ka door biday, ballan oofintiina ayaan ka door
biday ballan ka-bixiisa, waxaana go’aan ku gaaray inaan idin tuso meel
qarsoodi ah oo aad uga baxdaan Tustur, sidaa darteed waxaad i siisaa nin ku
tilmaaman dhiiranaan iyo maskax furnaan, dhinaca kalena yaqaana dabaasha si
aan u tuso waddada".
Abuu Muusa Al-ashcariyyi oo hoggaaminayay ciidamada muslimiinta ayaa wuxuu
u yeeray Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi, ka dibna wuxuu sir ahaan ugu
sheegay arrinkan isaga ah isagoo ku yiri: ”waxaad iigu kaalmaysaa nin ka mid
ah tolkaaga, ninkaasoo leh go’aan adag iyo caqli hufan, isla markaasna
yaqaana dabaasha”. Majsa’ta ayaa durbadiiba yiri: "ninkaas waxaad ka dhigtaa
anniga amiiroow".
Abuu Muusa ayaa wuxuu ku yiri, haddaaba sidaa doontay ku soco barakada
Ilaahay, intaa dabadeed wuxuu u dardaarmay inuu xifdiyo waddada, sidoo kalena
u fiirsado iridka halka uu ku yaallo, iyo inuu soo xaddido meesha uu joogo
Hurmuzaani, inuu sidoo kale soo hubsado shakhsiga Hurmuzaan, dhinaca kalena
uusan wax ficil ah qaadin aan ka ahayn howshii loo diray.
Majsa’ata ayaa dhaqaaqay goor habeen ah, isagoo ku gabbanaya gudcurka iyo
mugdiga habeenka isagoo la socda ninkii faarisiga ahaa. Way socdeen ilaa ay
ka soo galaan meel nafaq ah (waddo marta dhulka hoostiisa), kaasoo isku xira
webiga iyo magaallada. Nafaqaas ama godkaas wuxuu mararka qaarkood noqonayay
mid waasic ah oo waxaa suurta galeysay in socod looga gudbo, halka marka kale
uu ciriiri noqonayay jeer ay sababto inuu dabaasho.
Waddada nafaqa wuxuu ahaa mid qal-qalooca oo kala bax-baxa, mararka
qaarkoodna wuxuu noqonayay mid toosan. Sidaas ayeey ku jireen ilaa ay markii
danbe ka soo gaareen meeshii looga baxayay magaalada. Ninkii Faarisiga ahaa
ayaa wuxuu Majsa’ata tusiyay Hurmuzaan.
Majsa’ata wuxuu yiri, waxaan isha saaray hoggaamiyhii ciidamada Furus ee
Humrmuzaan, iyo goobtii dhufeyska u ahayd. Kolkii uu Majsa’ata arkay
Hurmuzaan ayaa wuxuu damcay inuu leeb ku gano dhuuntiisa, hase ahaatee
durbadiiba wuxuu xasuustay dardaarankii uu siiyay Abuu Muusa Al-ashcarriyyi
ee ahayd inuusan wax ficil ah qaadin. Majsa’ata wuxuu xakameeyay naftiisa,
wuxuuna ku noqday halkii uu markii hore ka yimid intaan la gaarin fajarkii.
Abuu Muusaa Al-ashcarriyyi Ilaah ha ka raalli noqdee, wuxuu diyaariyay
ciidan gaarayay ilaa 300 qof, kuwaasoo ka mid ah ciidamada muslimiinta
kuwooda ugu geesisan, uguna adkeysi badan, dhinaca kalena ugu adkeysiga badan
xagga dabaasha. Ciidankaas wuxuu amiir uga dhigay Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi,
wuuna sagootiyay oo u dardaarmay. Wuxuu ciidamada muslimiinta astaan uga
dhigay oraahda takbiirta (allahu akbar), taasoo calaamad u ah goorta la
galayo magaallada.
Majsa’ata oo hoggaaminayay ciidamada. |
Majsa’ata oo hoggaaminayay ciidamada, ayaa wuxuu ciidankii faray inay iska
fududeeyaan dharka ay qabaan, si aynan biyaha u cusleynin dharka. Dhinaca
kale, wuxuu uga digay inay soo qaataan waxaan ka ahayn seefahooda, isagoo u
dardaarmay inay seefaha ku adkeeyaan jidhkooda. Ciidamadii way dhaqaaqeen,
way socdeen ilaa laga gaaray habeenka qaybtiisa hore (qiyaastii 10-ka
habeenimo).
Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi iyo ciidankiisa geesiga ahaa waxay godka
nafaqa ku jireen muddo ku dhow 2 saacadood, iyagoo socday waddada marta
dhulka hoostiisa meeshaasoo aad khatar u ahayd. Kahtartaasina haddaan arki
doonnaa. Markay yimaadeen meeshii looga baxayay godka nafaqa ayaa wuxuu
Majsa’ata ogaaday in nafaqii uu liqay labo boqol iyo labaatan nin oo ka mid
ah ciidamadiisa, waxaana ciidamadii isugu soo haray oo keliya 80 nin.
Gumadihii Majsa’ata iyo asxaabtiisa maba aynan dhigin dhulkii magaallada jeer
ay soo baxsadeen seefahoodii, kuna qamaameen ciidankii waardiyeenayay
dhufeyska iyagoo seefahoodii ku laayey ciidankaas.
Intaa dabadeed, waxay ku soo boodeen albaabadii wayna fureen iyagoo ku
hutaafayay ALLAHU AKBAR. Takbiirtooda (allahu akbartoodii) iyo takbiirta
ciidankii gudaha ku jiray ayaa wada kulantay, markaasna waxay muslimiintii
gudaha ku jiray soo aadeen dhinacii magaallada, waxayna ahayd xilli waaberi
ah. Ciidamadii muslimiintii iyo cadoowgii gaallada ayaa madaxa isla galay,
waxayna is dhaafsadeen dagaal aad loogu hoobtay, taasoo ay yar tahay in lagu
arko taariikhdii duulimaadyada marka laga eego xagga dhibaatada, cabsida iyo
tirada dhimashadaba.
Goor uu dagaalku socdo ayaa wuxuu Majsa’ata arkay hoggaamiyihii Hurmuzaan.
Isla markiiba, wuxuu soo aadey dhinaciisa, hase ahaatee waxaa ka dhex galay
dadkii dagaalamayay oo ka qariyay ninkii uu eeganayay. Wax yar ka dib, ayuu
haddana arkay, dabadeedna wuxuu u cararay xaggiisa isagoo la soo baxay
seeftiisa. Halkan, wuxuu Majsa’ata kala kulmi doonaa dhibaato, maxaa yeelay
sidaan hore ugu soo aragnayba Majsa’ata iyo ciidamadiisuba ma aynan wadan
cambuur bireedka dagaalka, taasoo u diidday godkii biyaha ee ay soo mareen.
Majsa’ata iyo Hurmuzaan waxay iskula boodeen seefahoodii, mid kastana
midka kale wuxuu ku dhuftay darbad xoog leh. Laakiin nasiib darro, Majsa’ata
oo aanan qabin cambuur bireedka way haleeshay darbadii seefta, halka
Hurmuzaan ay ka difaacday cambuur bireedkiisa. Geesigii halyeeyga ahaa ee
Majsa’ata wuxuu si sara joog ahaan ugu dhacay goobtii dagaalka, isagoo
ishiisu ay ku qabowsatay wixii uu Ilaah gacantiisa ku xaqiijiyay oo guul ah.
Ciidamadii muslimiintii waxay sii wadeen dagaalka jeer uu Ilaah ka siiyo
gaallada guusha, ayna gacanta ku dhigaan hoggaamiyihii ciidamada Furus ee
Hurmuzaan.
Muslimiintii iyagoo furashadii iyo guushii ay heleen ku bishaaraysanaya
ayaa waxay yimaadeen magaalada Madiina. |