Minneapolis oo noqotay Mbagathi-dii
Mareykanka(Q.1-aad)
Waxay ahayd Maalin Jimce ah 25 Maarso 2005.
Abaabul badan ayaa ka socday Magaalada, Fadhi ku diriradu waa buuxaan,
jidadka iyo daaraha hortooda waxaa loo safan yahay sidii iyadoo ay
Oktoobatii tahay. Waxaan ka wareeray waxa maanta ummada isu soo uririyey.
Waxaa luuq yar iiga soo baxay Yoonis oo aad moodid inuu gaadhi ka tegayo.
Eelay: Yoonis maxaad la maqiiqan tahay?
Yoonis: Shirka noo! Cadowgaa la jebinaa
saaxiib! Waa soo lebisahaa
Eelay: Warka isii hee saaxiib
Yoonis: Saaxiib Maanta waa kala guurkii! Ma
aragtidoo dadkaa meel kasta tuban, kuli waxaa la yahay weerar iyo difaac.
Hawiye siiba Habar Gidir waxay ka xanaaqsan tahay shirkii ay wateen oo uu
Daaroodku siiba Majeerteen ka burburiyeen. Markaas maanta shirkii la
sugaayey aa dhacaayo noo! Waana laga tabaabusheestay. Meesha imow adigaa
wacdaro arkeyside!
Xoogaa haddiiba aan dadkii iska dhex
mushaaxay ayaa waxaan maqlaayaa dad xanaaqsan oo leh: “ Hawiye dowladnimo ma
rabo! Maxay ku falayaan dowlada maadaama ay iska haystaan 14 sano beero
aysan lahayn, daaro iyo dhul aysan lahayn oo ay iska haystaan” Mar walba
xujo cusub bay keenayaan si wixii la soo doortay ay u baaba’aan: “ Axdigii
baa lagu xad gudbay-laga yeel, Kalsoonidaan kala noqonay-laga yeel,
Itoobiyaan lama keeni karo-laga yeel, wax kale maaha ee waxay afka soo marin
la’ yihiin Madaxweyne Daarood ah ma rabno!. Xabashi bay ku marmarsiyoonayaan
Yaa Hawiye ka Amxaarsan waa kuwa dhaca, kufsiga iyo dilka ku haya dadka
masaakiinta ah ee ay haystaan beerahooda iyo guryahooda”. Mid kalaaba soo
booday oo leh: “ Waar ninyahow anigu waxaan la yaabay fariidnimada wadaadada
Hawiye! Markii ay arkaan in dowlad la dhisayo oo wax soo bidhaamaanba inta
ay dadkooda buufiyaan bay yiraahdaan ha la jihaatamo cdowgii baa soo socdee!
Bal hadday Diintu dhab ka tahay oo aysan ka ahayn Daarood nacayb, may ku
Jihaadaan 5-tan Yuhuud ee waddankiina diirtay, Gabdhihiina kufsaday,
Dhismayaashiina burburiyey, Xaaraanta iyo ummadda xoolahoodana ku naaxay!
Wallee Hashu Maankeyga gadaye ma masaar bay liqday!”
Waxaan aaday dhinicii kale ee ay dadku ka
buuqayeen waxaana lays weydaarsanayey ereyo kul-kulul: “Haa, waa lays bartay!
Nimankii Mareykan hilfaha u laabay aa nahay anaga, Itoobiyaan xun maan u
daahaynaa. Waa ku Jihaadeynaa Wallaahi. Wax ka soconaaya iska yar Dowladaan,
sidii tii C/Qaasim lee ku danbeynee” Mid kalaa soo booday oo yidhi: “ Dhibka
dhanba nimanyahow Hawiyahaa iska leh! Iyaga lee C/llaahi Yusuf ma dooraninoo,
Xayawaankaan Cali Geedi-na isagaa ku shaqaysta. Walle Hawiye haddiiba ay
dowladaan hirgasho ceebtiisa Illaahay dhiqi maa! Waayo dheh? Inta 14 sanno
uu waxba soo maamuli waayey oo Dowladii la keenaba dhaqaajin waayey haddii
Dowlada Daarood maanta hirgasho sow Xoolo noqon mayno!. Laakiin Xay kuugu
taalaa runtu Alley taqaanaaye, haddiiba Warlord-kii Hawiye Xamar habeen
waayey oo inta ay Mujaahidiintooda kala baxaan Magaalada xero u sameeyn
waayeen ha la karbaashee iska dey” Mid kalaa isoo eegay anigoo anteenadu ii
taagan tahay Markaasuu yidhi: “ Nimanyahow Midgaankaana muxuu dhega
dhegeynaayaa! Waaba isku kay rugaayaa ka warran!”
Madashii shirka ayaa la soo dhoobtay iyadoo
ay meel walba ka taagan yihiin Booliis wada giigsan. Waxaa bilaabmay shirkii
waxaana halkaa ka hadlay oo qudbado qiima leh ka soo jeediyey dadyow kala
fikrado duwanaa. Tusaale ahaan Mohamed Keynaan oo ah Madaxweynaha SIMA ayaa
ku nuux-nuuxsaday inaan wax ciidama ahba loo baahnayn haba yaraatee. Wuxuu u
sheegay Soomaalida inay taageeraan Dowladan iyo Baarlamaankeeda. Wuxuu kaloo
Soomaalida u soo bandhigay inay iyagu wax qabsadaan oo iska daayaan
taakulada ay is leeyihiin dibadey idiinka imanaysaa.
Dr. Cali Khalif oo hadalku uusan soo
gaadhin shirkii hore ayaa aad uga sheekeeyey dowladihii ay dhibtanoo kale
soo qabsatay iyo sidii ay uga gudbeen. Wuxuuna sheegay inuu aaminsan yahay
in ciidamo la keeno laakiin uusan taageersaneyn in kuwa Safka Hore wadankii
la geeyo. Wuxuu ku guubaabiyey dadweynihii inay haboon tahay in la taageero
dowladan Soomaaliya u dhalatay iyo Baarlamaankeedaba maadaama ay ku timid si
Dimuqraadiyad ah. Shirkaasi si wanaagsan buu ku dhamaaday oo bilaa buuq ah
maadaama Faranjigii Cadaa ee aanu weligeen ciseen jirnay uu na dul tubnaa!
Markii shirkii laga soo baxay ayaan arkay
Yoonis oo meel halkana afkiisa ku furtay:” Waa nala siray, Cali Kahliif
sidaan maanan moodeyn, ninkiiba Hartinimadiisii ayuu u dhurtay! Maxaa waaye
dowladaan la taageeraayo iyo ciidankaan uu sheegaayo! Meesha waa nagula
ajaray saaxiib!”. Xoogaa haddaan dadkii sii dhex mushaaxay, mise waa
Guuleed oo qoslaaya: “ Oof Cali Khaliif meesha wuu iska soo qaaday! Haddee
ninku waa nin Harti ahe ma ogtahay! Maalintii horena waa la fududaaday oo
lama sugin intuu ka hadlahayey ma ogtahay! Waxaa nalagu yidhi Hawiyaa shirka
watey ma ogtahay!
Ululuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuu! Haddii aan
eegay meesha alalaasku ka baxayo, mise waa Islaamo is foorjeeynaya: “
Nacabow nafta waa! Naa Maxaad ka soo doonteen shikayaga islaamihiina
Majeerteen?.iyo “ Naa heedhaha Naagihiina Dhulbahante war xuma tashiil baa
na helayee haddee ha lays cafiyo”
Waxaa banaankii Golaha shirka marba meel u
cararaayey Mohamed Keynaan si uu u qaybiyo Xayeysiin qurux badan oo ku
saabsaneyd Shirka dhacaya Maarso 26 2005 ee looga hadli doono Xuquuqda Dadka
laga tira badan yahay ee ku nool Soomaaliya.
Yabaq aad u badan ayaa waxaa ka soo dhex
baxaysay ereyada ay ka midka yihiin: “Bal Midgihiina maxaa soo dhex geliyey
sheekada Hawiye iyo Daarood! Wallee nama yaqaanee inuu Keynaan Bucsharadiisa
ku cayaari doono oo aanu uga guuri doono Carwadiisan uraysa! Bal siduu u
oran karaa ciidamo oo dhan looma baahna walaa Itoobiyaan”. Naa anigiyo
asxaabteydu haddaanu Nooloostada siineynaa ee noogasoo raadiya Magaalada
boosas aanu dharka wadhano! Waa idin kula jiraa! Waa inoo ballan yaah, aanu
barno cashar lama ilaawaan ah! Ayay tii kale tidhi.
Gacamey ayaa isoo eegay isagoo leh: “ Waar
ninyahow waaba mashaakil, xataa Mareykan dhexdiisa haddiiba la rabo in lagu
af qabto oo ha hadlin lagu leeyahay dhib maahinoo!”.
Shirkii wuu u qabsoomay Qolyihii
Taageerayey Go’aankii Baarlamaanka. Haatana waxaa socda olole ay wadaan
qolyihii Taageersanaa in Ciidamo Itoobiyaan ah la keeno oo isugu imaan doona
shir. La arki doonee!
Haatanba Isbaarana waa lausu dhigtaa,
Leejada waa layska guraa si colaada wadankii loo sii huriyo oo loogu
taageero kuwa Iskursiyeeynayee…..
Eebow uusan haatan Isbaroomis noogu
darsamin!
Akhri: Minneapolis oo
noqotay Mbagathi-dii Mareykanka(Q.2-aad)
Waxaa soo gudbiyey
C/Rahman Eelaay
eediran@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
QORAALADII HORE EE EELAY...
Faafin: SomaliTalk.com |
April 4, 2005 | Updated Apr il16,
2005
LINK:
www.somalitalk.com/quursi
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com