SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 

Muwaadhin Soomaaliyeed oo bada cape Town lagu la’yahay, iyo labbo kale oo siyaabo kala duwan loo diley.

 

Muwaadhin Soomaaliyeed ayaa lagu la’yahay badda Cape Town, halka labbo kale ay u geeriyoodeen siyaabo kala duwan, midkood ayaa lagu diley Port Elisaberth, halka midka kalana uu u dhintey dhaawacyo kazoo gaaray tacshiirad daraad lagu dileey labbo kale oo Soomalai ah.

 

Sida ay sheegeen kooxaha badbaadinta dadka badda ku harqada, waxaa maalintii labaad la la’yahay muwaadhin Soomaaliyeed oo ku jirrey xerro qaxooti oo ku taala duleedka Cape Town halkaas oo ay ku jiraan boqolaal Soomaali ah oo dalkani ku barro kacay, waxaa la sheegey in ninkani uu galay badda, balse la waayay markii dambe, kooxaha badbaada ayaa maalintii labbaad goobaya ninkani oo aanan magaciisa la shaacin.

 

Dhanka kale xalayto waxaa magaalada Portelizabeth lagu dilley muwaadhin Soomaaliyeed oo ku sugnaa goobtiisa ganacsiga, sida uu ii sheegey wariye Cabdiraxmaan Nuur oo goobta gaaray, rag hubeysan ayaa tacshiirad huwiyey xilli habeen ah dukaanka uu ninkani ka ganacsananayay oo ku yiiley meel tuulo ah, ninkani magaciisa waxaa lagu soo koobay Abuukar.

 

Waxaa sidoo kale isbitaalka ku geeriyoodey wiil kale oo Soomaaliyeed oo maalin sedexaad kooxo hubeysan ay dhaawaceen, xabadaasi ayaa waxay sidoo kale dishey labbo kale oo Soomaaliyeed, wiilka dhaawac u dhintey waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Geele , wali waxaa jirra wiil kale oo isla dhacdadaasi ku dhaawacmay oo isbitaalka yaala, laakiin xaalkiisa waa mid wanaagsan sida uu kusoo waramayo wariye Maxamed Pakistaan oo ku sugan magaalada East London .

 

Dhimashadani ugu dambeysey tirade waxay ka dhigeysaa 13 tirada soomaalida la diley illaa bishii juun ee sanadkan.

 

Cabdinaasir saxansoxo. Email: saxansoxo1@hotmail.com

 

Somalitalk.com, Johannesburg

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 8, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS