SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley Toronto, Canada

Wiil Soomaaliyeed ayaa geriyoodey kaddib markii galabnimadii Jimcada (Aug 15, 2008) mindi lagu dhuftay oo u geeriyoodey.

Marxuumka waxaa magaciisa la oran jirey Farxaan Cali Cumar, da'diisuna ahayd 22-jir. Marxuumku waxa uu deganaa Mississauga (Toronto).

Sida ay faafisay warbaahinta Canada, Booliska Toronto ayaa rumaysan in muran ka dhacay aagga jidka Rathburn Road West qiyaastii 5:45pm Jimcadii, in mindi lagu dhuftay Farhan Ali Omar.

Waxaana markaas loola cararay cisbitaalka Toronto halkaas oo uu saacado kaddib habeenimadii Sabtidu soo geleysey (Aug 16, 2008) oo u geeriyoodey dhaawacii.

Sida ay faafisay CityNews, waxaa dilkaas loo xiray wiil da'diisu tahay 20-jir oo magaciisa la yiraahdo Tristan Landriault oo deggan xaafadda Brampton, laguna eedeyey in uu falka dilka ah geystey.

Soomaalida Lagu Diley Qubaha....

Faafin: SomaliTalk.com |  Aug 16, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS