Wakiilka xisbiga SSUP ee Brussels Saida Sheikh Ahmed (VIP) oo laga martiqaaday
Xaflad lagu maamuusayay maalinta xuriyada Kenya ayna kasoo qayb galeen dhamaan
safiiradaha Africa iyo kuwa caalamka.
Europe, Brussels Bilguim
www.ssup.org
info@ssup.org
11- 12 - 2004
Safiirka Kenya H.E Mr.Marx G. N. Kahende
Wakiilka Xisbiga SSUP u fadhiya Magaalada Brussels ee dalka Belgium Saida Sheikh
Ahmed (VIP) ayaa laga martiqaaday xaflad lagu maamuusaayay maalinta xuriyada Kenya,
xafladaas oo lagu qabtay Hotel Sharitonka Brussels iyadoo ay kasoo qayb galeen
dhamaan safiirada caalamka gaar ahaan safaradaha iyo safiiradaha Africa, xafladaas
oo uu furay safiirka Kenya u fadhiya Brussels H.E Mr.Marx G. N. Kahende oo xusay
taariiqda maalinta xuriyada Kenya ay u leedahay reer Kenya isagoo raaciyay guusha ay
Kenya ka gaartay arimaha dib u hishiisiinta Soomaaliya iyo Sudan isagoo sidoo kale
muujiyaya sida uu ugu faraxsan yahay gabadh Afrikaan ah tii ugu horeysey ee ku
guulaysatay darajada sare ee nobel peace prize Mrs Wangri Maathai oo ah gabar u
dhalatay dalka Kanya.
Safiirka Itoobiya, Wakiilka SSUP and Safiirka Kanya
Dhinaca kale safiirka Kenya ayaa si aad ah u soo dhaweeyey wakiilka Xisbiga SSUP una
sheegey inuu ku faraxsan yahay inuu arkay gabar Soomaaliyeed oo matalaysa xisbi wayn
oo ka jira dalalka Yurub isla markaana ah suxufi ka howl gala arimaha Yurub
fadhigeeduna yahay Baarlamaanka Midoowga Yurub isagoo si farxad leh u gacan qaaday
wakiilka xisbiga SSUP Saida Sheikh Ahmed
Anigoo ku hadlaayo Magaca soomaaliyeed waxaan idiinkaaga mahad celineeynaa gogosha
quruxda badan ee aad u fidiseen Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed sida walaaltinimada leh
ee hagar la`aanta aad ku caawiseen walaalihiina soomaaliyeed waxaan ogaanay
ognahayna mar walbo inaan leenahay walaalo laysku haleeyn karo islamrkaana waxynu
nahay ood wadaag DERIS idinla ah oo hal gobol naga wada dhexeeyo JABUUTI, ITOOBIYA
iyo KENYA. Waxaan kale oo aan aad ugu faraxsanahay inaan idinkala qayb qaato
munaasabadaan muhiimka ah ee lagu xusaayo Maalinta xoriyada KENYA ayey tiri wakiilka
SSUP Saciido VIP ayada oo gacan qaadeeysa.
Sidoo kale wakiilka SSUP Saida VIP waxay la kulantay safiirka Itoobiya u fadhiya
Brussels H.E Mr.Berhane Gebre-Christos waxayna u sheegtay in ay jeceshahay in ay
gacan siiyaan safiiradaan xisbigaan cusub (SSUP) ee jecel nabada Soomaaliya iyo
horumarka gobolka dhan iyo waliba nabadgalyada dalalka dariska la ah Soomaaliya,
waxayna u sheegtay safiirada qaarkood in ay fariin gaar ah ka wado Gudoomiyaha
Xisbiga SSUP Mr. Yaasiin Maaxi iyo dhamaan madaxda xisbigaan SSUP una sheegtay
jiritaanka xisbiga SSUP oo aan isagu diyaar u ahayn wax walba oo dumin ah ama
dhaawac u keeni kara Soomaaliya iyo umada Soomaaliyeed soona dhawaynaya faaiido
kasto oo dan u ah umada Soomaaliyeed.
Safiirka Botswana and Wakiilka Xisbiga SSUP
Waxaa kale oo aay goobtaas isku arkeen Saida Sheikh Ahmed (VIP) Safiirka Botswana
H.E Mr.S.C. George oo isaga u sheegey inuu Soomaaliya tagay hada ka hor uuna jecel
yahay in walaalahooda Soomaaliyeed ay ku soo noqdaan sida caadiga aay u noolaan
jireen wuxuu u sheegey in uu dalka Soomaaliya yahay dal aan loo quuri karin xaalada
uu iminka ku sugan yahay
Safiirka South Africa and Wakiilaka SSUP
Halka uu safiirka South Africa u fadhiya Belgium, Luxembourg iyo arimaha Yurub H.E
Mr. J.M.Matjila u sheegey inuu aad ugu farxay inuu masraxa madaxda ku arko gabar
Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay guul lagu faani karo,ugu danbayntii ayaa Saida
Sheikh Ahmed (VIP) waxa ay sheegtey in ay rajo wanaagsan ka qabto in ay fariimaha
SSUP mar dhaw gaarsiin doonto madaxda dalalka Africa.Wixii faah-faahin ah kala
xiriir xurinta xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed.
www.ssup.org
info@ssup.org
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12,
2004
Ra`isul Wasaaraha
Dalka Sweden Mr Goran Persson oo la kulmay Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Yaasiin
Maaxi
The Primierminster of
Sweden Göran Persson, and Yaasiin Maaxi