- Warsaxaafadeed: URURKA HAWEENKA
SOOMAALIYEED EE NORWAY
- BAARITAANKII UU TURBASHAASH
KU SAMEEYAY URURKA HAWEENKA NORWAY
Warsaxaafadeed:
URURKA HAWEENKA SOOMAALIYEED EE NORWAY
Ayaan Yaasiin, gudoomiye
Khadra Nuur, G. ku-xigeen
skf_161@yahoo.no
08. Dec. 2004
Oslo, Norawy
Anagoo ah guddida Ururka Hawweenka
Soomaaliyeed ee dalka Norway ee marka la soo gaabiyo ah SKF waxanu
beeninaynaa maqaal (article) been-abuur ah oo ku lid ah ururka laguna soo
daabacay qaar ka mid ah boggaga Internetka ee soomaaliyeed.
Maqaalkan oo ciwaankiisu ahaa "Ururka
Haweenka Soomaaliyeed ee Norway oo toos ugu xidhmay kiniisadaha" ayna
aliftay gabadh la yidhaahdo Saida Sheikh Ahmed ayaa ah mid aan sal iyo raad
toona lahayn.
Ujeedadaya jawaabtan ayaan ahayn is-difaac
anagoo ururahaan marnaba gorgortan naga dhaxayn karin shakhsi gaar ah,
laakiin hadana waxa nagu kalifay, fiiro dheer ka dib in aanu dadweynaha
soomaaliyeed warbixin ka siino arrintan, qoraalkaas been-abuurka ah oo
boggag badan oo internetka ah lagu faafiyey.
Waxanu u aragnaa in maqaalkan aan loo marin
jidkii suxuufinimo isagoo isu dheelitirnayn kuna fashilmay inuu waxa xaqiiqo
(facts) ah iftiimiyo. Waxanu u aragnaa in shaksiga ka dambeeya qoraalkaas uu
ka duulayo dano gaar ah ujeedaduna ay tahay in madmadow iyo kala shaki ku
dhex abuurmo bulshada soomaaliyeed ee dalka Norway.
Anagoo taa ka hortagayna waxanu rabnaa in
aanu faahfaahin kooban ka bixino hawlaha iyo barnaamijyada ururka iyo
haayadaha kale ee ay wadashaqayntu naga ka dhaxayso.
Waxanu dadweynaha soomaaliyeed ee dalka
Norway ku casuumanaa kulan furan oo iftiimin ah oo lagu qabanayo xaruunta
ururka:
Maalinta: Arbaco, 08.Dec.2004
Saacada: 17:00 - 18:00
Xaruunta: Sverresgt. 4 (Tøyen)
Wixi faahfaahin ah ee intaa dheer waxad
kaloo soo xidhiidhi kartaa ururka email-ka:
Ayaan Yaasiin, gudoomiye
Khadra Nuur, G. ku-xigeen
skf_161@yahoo.no
Afeef: Aragtida warkan waxaa leh magacyada
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk | Dec 8, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|