SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBAHA

Xaaladaha Argagaxa iyo Murugada  leh ay ku sugan yihiin Soomaalida Koonfur Afrika 

Cabdixakiim jaamac Jooje
Social Development Adviser
Leicester UK
saicentadv@yahoo.com

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis  iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay. 

Intaas kadib, inta aanan mowduucaygan u guda gelin waxaan rabaa bal marka hore inaan halkan uga faa’ideysto inaan la qeybsado murugada iyo tiiraanyada walaalahey Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika ( South Africa ), oo had iyo jeer ku jira nolol aad iyo aad u Qatar ah, oo sababtay inay ku nafwaayaan dad baddan oo Soomaaliyeed oo ka ganacsan jiray waddankaas. Dadkaas naftooda ku waayay waxaan leeyahay Allaha u Naxariisto oo janatul fardowsa allaha ka waraabiyo. 

Sida aynu la socono tani waxey qeyb ka tahay Burburki iyo baabi’i ummadda Soomaaliyeed ay badeen dagaaladi sokeeye, taasoo Soomaali aad iyo aad u tiro baddan ay u kala qaxeen dunida daafaheeda, oo qof walba uu naftiisa ula cararay halki uu ku badbaadi karay. Runti meel walboo aadan u dhalan dhibkeeda ayey iska leedahay sharci ku lahow ama ha ku lahaan, dhalashadooda qaado ama ha qaadan. 

Haddaba waxa isweydiin leh, waa sidee xaaladda dhabta ah ee Soomaalida South Africa, Sideese wax loogu qaban karaa ama dhibkaa looga qaadi karaa?. 

Runti xaaladda dhabta ah ee Soomaalida South Africa waxaa inooga filan, wararka aynu had iyo jeer ka helayno oo ay noo soo gudbiyaan Shabkadaha Soomaalida. Waa xaalad aragagax leh, waa xaalad ay ku nafwaayeen dad aad iyo aad u tiro baddan oo Soomaali ah. Soomaalidu had iyo jeer waxaa loogu geystaa dil, dhac, boob iyo kufsi. Ganacsiga Soomaalida ay halkaas ku heystsaan  ayaa keenay oo sabab looga dhigaa  in noloshooda lagu soo weeraro. 

Haddaba waxaa isweydiin leh yaa arintaas ka danqaday, yaa u istaagay in dadkaas wax loo qabto, ma jiraan cid isku taxluujisay in dadkaasi ugu yaraan la siiyo talooyin bal in wax uun  uu noloshoodu iska badalo. Jawaabtu ogaanteyda waa maya, wey dhici kartaa in ay wax socdaan, oo aan ka warqabin laakiin wax aynu illaa iyo hadda maqalnay ma jiraan. Runti waa wax aad iyo aad looga naxo in maalin walba qof Soomaali ah loo dilo si xaqdaro ah. Aaway Dowlad ku sheegi loo soo doortay in ay ka taliyaan aayaha iyo danaha Soomaalida. Aaway maamulada kale ee ka jira dalka, Aaway maxkamadihi Islaamiga, Aaway Aqoonyahanadi iyo Culimadi Soomaaliya. 

Soomaalida ku nool South Africa, ma jiraan badiil kale oo ay ku tagi karaan meelo kale bal si ay noloshoodu u badbaadiyaan. Allaah Subxaanulaahu tacaalaal wuxuu quraanka noogu sheegay, in dhulka Allaah uu waasic yahay, ee walaalyaalow maxaa qaas ah oo idinku haya South Africa. Ogow wax walba waxaa ka qaalisan nolosha qofka, lacag iyo adduunba waa leyska helaa.  

Dhanka kale Waddankeeni Soomaaliya, wuu ka amni baddan yahay waddamo baddan, oo waa lagu noolaan karaa, oo aamina isagaa waddankiini ah. Hadda waxaa ka jirta nabadgelyo Muqdisho oo sidii hore oo kale maaha. Sidaa si la mid ah Somaliland iyo Puntland waa nabad, oo maamulaa ka jira. Anigu waxaan aaminsanahay in aad ka abuuri kartaan nolol ka wanaagsan tan aad ku heysataan South Africa, waddankiini ee Allaah talo saarta, oo waddankiini aamina. 

Sidoo kale waxaan halkan baaq ugu jeedinayaa dhammaan aqoonyahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan bal inay arintaas canbaareeyaan, oo lagu qoro jaraa’idyada adduunka, in idaacadaha lagu war geliyo. Intee lagu arkay ummad si bareer ah loo gumaadayo, war aaway ummaddan dadki u jir naxayay. Soomaaliyeey inti aynu isu haysanay reer qurac iyo reer qansax ayeynu dabar go’nay. War aynu is daba qabano. Wax kale oo aynu tari karno ma jirto ee calal aqal aynu wax qorno oo baaqyada baddino. 

Mart labaad aad iyo aad baan uga gubanayaa walaalayaal dhibta idiin haysata, ee Allaha idiinka qaado dhibaatooyinkaas idiin soo wajahay. Waxaan idiinkuula dar daaramayaa inaad  gacmaha isqabsataan, ood muujisaan isku duubni. Qabsada Lowyaro, la shira ururada islaamiga ah ee ka jira South Africa, xiriir joogta ah lasoo sameeya Soomaalida kale ee ku nool gudo iyo dibadba. Haddey suurto gal tahay raadsada meel kaloo aad ku baddalan kartaan South Africa. 

Intaas ayaan qormadeyda kusoo gabgabeynayaa, ee annaga oo dhan allaha towfiiqda na waafajiyo. Ramadaan kariim. 

By:- Cabdixakiim jaamac Jooje
Social Development Adviser
Leicester UK
saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2006

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
 



HTML CD